Hadalkii furitaanka shirka ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Madasha wax Wadaqabsiga Heerka-Sare - Guddiga haga Sanduuqa Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya

11 Nov 2014

Hadalkii furitaanka shirka ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Madasha wax Wadaqabsiga Heerka-Sare - Guddiga haga Sanduuqa Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya

Mudane Madaxweyne, oo ah La-Guddoomiyaha, Mudane Ra’iisal Wasaare, Mudaneyaasha Wasiirada, Mudaneyaasha Xildhibaanada Baarlamaanka, wakiillada sharafta leh ee ka socda Puntland, Maamulka Jubba ee Ku-Meelgaarka ah, Maamulka Gobolka Banaadir, Galmudug iyo bulshada rayidka.

Waxaan rabaa inaan sidoo kale soo dhoweeyo dhammaan saaxiibadeena hawsha nala wadaaga, kuwa Soomaaliyeed iyo kuwa ka socda caalamka kale intaba.

Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in wafdi heer sare ah ka yimid Puntland iyo Maamulka Jubba ee Ku-Meelgaarka ah, waxaana soo dhoweynayaa sida ay uga go’antahay inay ka qaybgalaan Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare ee Copenhagen.

Waxaan weli ku adkaysanayaa in Soomaaliya, guud ahaan, ay u socoto dhanka saxda ah. Si kastaba ha ahaadaan dhibaatooyinka maanta na horyaalla, Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarahaba way tilmaameene, Soomaaliya maanta way ka wanaagsantahay sidii ay ahayd muddo dheer ooh al fac ah, waxaana taa sabab u ah dadaalka wadajirka ah ee aan hayno, taa waa inaan maanka ku hayno.

Horumarkan la gaaray wuxuu ka dhashay iskaashiga iyo hawlwadaagga, iskaashiga ka dhexeeya Soomaalida iyo beesha caalamka.

Hawlgalka dagaal ee wadajirka ah ee ay wada galeen Ciidamada Qalabka Sida iyo AMISOM wuxuu ku guuleystay inuu abuuro fursad lagu gaaro horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Maalgashiga dhaqaale ee caalamiga ah wuu mid la taaban karo waana sii kordhayaa. Hawsha Guddiga Maamulka Maaliyadeed aad bay muhimad ugu leedahay sare u qaadidda maaraynta maaliyadeed iyo dhisidda kalsoonida deeqbixiyeyaasha.

Hasee ahaatee, iskaashiga ugu muhimsan wuxuu ahaa midka Soomaalida ka dhexeeya. Hanaanka maamul-dhisidda ay Soomaalidu garwadeenka ka tahay waxaa ka soo baxay natiijooyin wax ku ool ah. Waxaan rajeynayaa inay noo suurowdo inaynu dhowaan soo dhoweyno Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed iyo Maamul Ku-Meelgaar ah oo ay yeeshaan Gobollada Dhexe. Guulahan iyo kuwo kale ee ay Soomaalidu garwadeen ka yihiin waxay ka dhasheen wadashaqaynta ka dhexeysa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Ku dhowaad hal sanno, hogaankooda oo wadajir ah ayaa Soomaalida iyo bulshada caalamkaba siiyay rajo iyo kalsooni ay ku qabaan Dowladda Federaalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hase ahaatee, waxaynu maanta maraynaa marxalad xasaasi ah. Annagoo ku hanweyn inaan tagno Shirka Copenhagen, waxaynu u baahanahay midnimo, xasillooni iyo hawl-qabad. Waa inaan sii soconin oo la joojiyo xasillooni darrada siyaasadeed ee soo noqnoqotay iyo maamul xumaanta wax kasta xakisa ee ragaadiyay dowladihii hore. Waxay khatar ku yihiin inay carqaladeeyaan horumarka aynu ku gaarnay dadaalkeena wadajirka ah iyo guulaha ay gaareen Ciidamada Qalabka Sida iyo AMISOM. Waxay kaloo khatar gelinayaan horumarka laga gaaray Aragtida 2016, oo udug dhexaad u ah hanaanka “Hiigsiga Cusub” oo idil.

Dhammaanteena waxaan u baahanahay inaynu sameyno hawl sidan ka wanaagsan. Ha ahaato markaan ka hadlayno xasillooni siyaasadeed ama horumar dhaqaale, guusha aynu gaarayno waxay ku xirantahay dadaalka aan gelino. Heshiiska Hiigsiga Cusub waa hanaanka ugu wanaagsan ee taas lagu sameyn karo. Saaxiibada caalamka ee hawsha nala wadaaga waxay u baahanyihiin inay ka soo baxaan mabaadi’da wadashaqaynta, iyo ballanqaadyadoodii ay ku galeen Heshiiska Hiigsiga Cusub. Laakiin sidoo kale waxaynu u baahanahay inaan garowsano in taasi ay adagtahay inay dhacdo haddii ay jiraan duruufo aan siyaasad ahaan xasilloonayn.

Anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay iyo saaxiibo badan oo caalami ah ee hawsha nala wadaaga oo qolkan nala jooga maanta, waxaan ugu baaqayaa hogaanka siyaasadda dalkan inay helaan hab ay ku maareeyaan khilaafkooda. Waqtigan aan joogno ma aha waqti caadi ah. Waqtigan aan joogno wuxuu u baahanyahay in la qaado tallaabooyin aan caadi ahayn. Lixda bilood ee soo socota ayaa xaddidi doonta in Soomaaliya ay gaareyso yoolkeeda ee ay ku bartilmaameedsanayso Aragtida 2016. Waxaa loo baahanyahay in la sameeyo xeerarka, guddiyada iyo geeddi-socodyada ugu waaweyn ee dowlad-dhisidda. Tani waa nolol iyo geeri u dhexeysa. Mana jiro waqti dheer oo la iska lumiyo.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inay ballanqaadaan inay si wadajir ah caqabadahan uga wada shaqeeyaan, iyagoo raacaya hanaan wada shaqayn siyaasadeed oo habaysan oo rasmi ah. Waqtigan ma aha waqti lagu murmo fasiraadda qoraallada buugagga iyo xeerarka. Kani waa waqtigii la illoobi lahaa khilaafaadka loona midoobi lahaa hawl iyo waxqabad wadajir ah. Waa in la garowsadaa xaqiiqada siyaasadda iyo hab-qoraalka dastuurka intaba. Waxaan inku baaqayaa inaad isku afgarataan tallaabooyin gaar ah oo lagu xukumo xiriirkiina and hanaanka wadashaqayntiina, oo ogolaan doona in hawlaha muhimka ah lagu qabto lixda bilood ee soo socota: oo ah hawlaha aad labadiinuba tibaaxdeen ood faahfaahiseen, oo ah liis dheer oo ay ku jiraan guddiyo iyo xeerar. Marka waqtigaas la gaaro, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waa la sameyn doonaa waana shaqeyn doonaa, waxaan socon doona qorshaha loogu jiro doorashooyinka; Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta wuu shaqayn doonaa, waxaana la sameyn doonaa dowlad-goboleedya mustaqbalka xubnaha ka noqonaya federaalka; wadatashiga qaran ee dastuurkana wuu socon doonaa, waxaana si fiican oo dhab ah u hawlgeli doona Guddiga Madaxabanaan ee Dibueegidda iyo Hirgelinta Dastuurka.

Haddaan soo koobo, waxaa dhidibada loo taagi doonaa Soomaalida mustaqbalka, oo ah Soomaaliyada 2016 iyo inta ka dambeysa. Tani waa caqabada loo baahanyahay in laga gudbo. Haddi tan lagu guuleysan waayo, waxay guuldarro u noqonaysaa addunka oo idil, weliba, oo kaba sii daran, waxay kala daadinaysaa rajada iyo riyada dadka Soomaaliyeed ee malayiinta ah.

Waxaa naga horeeya waddo adag. Laakiin maadaama aan halkan soo gaarnay anagoo wadashaqaynayna, taasi waa inay na siisaa yididiilo ah inaynu intaa ka badan sii socono. Waxaa mas’uuliyada wadajir ah naga saarantahay inaynu waddada hayno anagoo u shaqeynayna mustqbalka Soomaaliya iyo amniga iyo xasilloonida gobolka iyo kan caalamkaba. Maanta waxaan rajeynayaa inaynu horumar wax ku ool ah ka gaarno isu diyaarinya Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare ee Copenhagen. Halqabsigeenana waa inuu noqdo midnomo, xasillooni and waxqabad. Maanta waa inaan muujinaa niyadda ah wadashaqayn iyo u heellanaanta danta guud, oo aan rajeynayo inay Soomaaliya ka saari doonto dhibaatada maanta.

Doddobaad keliya ayaa nooga haray inaynu go’aansano in madasha Copenhagen ay noqon doonto waqti reeba xusuus murugo qotodheer leh, ama waqti loo dabbaaldego dhibaatooyinkii oo laga gudbay. Sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarahaba ay sheegeen, go’aankaasi wuxuu noqon doonaa mid ay Soomaalidu leedahay.