Wakiilada caalamaka oo ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay adkeyaan wada-shaqeyntooda xilli ay booqasho ku tageen Puntland

29 Nov 2020

Wakiilada caalamaka oo ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay adkeyaan wada-shaqeyntooda xilli ay booqasho ku tageen Puntland

Garowe – Booqashadii saddexaad oo ay si koox ahaan ah ku tageen Maamul Gobolleedyada, Wakiilada ka socda qaar ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan ayaa maanta carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sii wadaan wadaxaajoodyada ay yeelanayaan, iyo waliba in ay hore u sii ambaqaadaan ruuxiyadda wadar ogolka ah taas oo dhawaan horumarka ka dhalisay  diyaarinta doorashooyinka qaranka.

“Waxaan sii wadeynaa in aan ugu baaqno hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay ku taagnaadaan ka go’naanshaha ah in ay wada-shaqeeyaan  xilli horumar laga gaaray u diyaar garowga doorashada,” waxaa sidaas yiri ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga xilli warbaahinta lagula hadlayey Garowe, Caasimadda Puntland.

“Isla waqtigaas, waxaan aaminsannahay dib u bilaabashada wadaxaajoodka, oo si joogta ah, in ay xallin karaan qodobada jira, ayuu ku daray.

Sarkaalka QM waxa uu ka hadlayey shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo ay isaga iyo, Ergeyga gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Africa, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Berlanga; Madaxa Hawlgalka Urur Gobolleedka IGAD ee Soomaaliya, Jamal Axmed Ibraahim ay ku kulmeen.

Booqashadii maanta ee Puntland waa tii saddexaad oo ay si koox ah ku booqdaan dowlad xubin ka ah Dowladda Federalka wakiilo ka socda AU, IGAD iyo QM labadii bilood ee la soo dhaafay. Waxa ay daba socotaa booqashooyin ay ku kala bixiyeen Koonfur Galbeed iyo Galmudug xilli booqashada Dowlad Gobolleedyada haray ay mustaqbalka dhaw qorsheysan yihiin.

Kelmeddii uu isaga oo metelaya wafdiga jeediyey Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubanaha ka ah taas oo lagu soo qaaday kulankii lala yeeshay Madaxweyne Deni.

Waxa uu xusay in saaxiibada caalamka ay dhiirigalisay dib u soo noolaanshaha wadaxaajoodyadii u dhexeeyey Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee bilihii dambe, waxa uuna hoosta ka xarriiqay kaalinta firfircoon ee Madaxweyne Deni ku lahaa.

Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ayaa wadaxaajoodyo taxane ahaa ka bilaabay Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, bishii Luulyo iyo Agoosto, kuwaas oo horseeday wadatashayadiii Muqdisho ee qabsoomay bishii Semteembar iyo Octoobar ee lagu gaaray heshiisyadii nidaamka doorashooyinka.

“Wadaxaajoodyadii iyo ruuxiyadii wadar ogolka ahayd ee dhaliyey heshiiska waxa ay u baahan yihiin in la sii ambaqaado si loo xaqiijiyo in doorashooyinka qaranka ay dhabbahoodii ku taagnaadaan oo lagu maamulo daahfurnaan, cadaalad iyo iyada oo loo dhan yahay,” waxaa sidaas yiri Zenega.

Iyada oo uu hoosta ka xarriiqayey faa’iidada uu leeyahay wadaxaajoodka oo joogta noqda in uu waxtar u yahay xallinta qodob kasta oo muhiim ah, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu sidoo kale ku adkeeyey baahida loo qabo in heshiiskii doorashada in uu ahaado sidii go’aanka lagu gaaray.

“Waxaan rejeynayaa in nidaamkii doorasho ee lagu heshiiyey in aan dib loo furin laakiin lagu fuliyo qaab la aqbali karo, hufan iyo qaab daahfurnaan ah”, ayuu yiri Md. Zenega.

“Waxaan adkeynay in ay tani ku jiri doonto xaqiijinta qoondada 30% ka ah ay doorashooyinka  baarlamaanka ku leeyihiin iyo fulinta hay’ada oo la gaaro,” ayuu hadalkiisa raaciyey,” iyo haddii uu wax walaac ka yimaado qaabka loo dhisayo guddiyada soo xulaya ergada, guddiga Somaliland iyo Gedo in lagu xalliyo si wadar ogol ah, qaab xaqiijinaya in guddiyada aysan ahaan ku qolo u xagliya ee ay noqdaan kuwo ogolaada ka qeybgal xor ah iyo matalaad kala duwan.”

Waxa uu sidoo kale muujiyey sida ay wafdigooda u rejeynayaan in Dowlad Gobolleedyada Soomaaliya iyo baarlamaananada Gobolada ay u bilaabi doonaan u diyaar garowga doorashada xubnaha baarlamaanka Aqalka Sare iyada oo la tixgalinaya sida tirada kuraasta loogu kala asteeyey.

 Isaga oo si gaar ah ugu soo jeestay Puntland, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu  sheegay in Midowga Africa, Midowga Yurub, igad IYO Qaramada Midoobay ay rejeynayaan in Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ay dhawaan soo magacaabi doonaan gudiyadooda gaarka ah, iyo waliba ay la falgali doonaan Dowladda Federalka ah si loo gaaro heshiiska tallaabada xigta ee la xiriirta Dastuurka Federalka ah ee qabyada ah.

Guddiga iyo Duufaanta cyclone

Isaga oo ka hadlaya duufaanta Cyclone Gati –mid ka mid ah duufaanadii ugu cuslaa ee ku dhufta Soomaaliya, Md. Zenega waxa uu sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay ku ammaanayaan Madaxweyne Deni dadaaladiisa uu uga jaawaabay saameyntooda, kaddib markii ay dhul ka dumisay xeebaha Puntland 22-kii bishii Nofeembar.

Sida laga soo xiganayo warbixinno ka imanaya xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Gargaarka (OCHA), mas’uuliyiinta deegaanka, waxaa qiyaastii ay saameysay dad gaaraya 180,000 halka ay  guryohooda ka barakaceen 42,000. Intaas waxaa dheer, waxaa ugu yaraan dhintay sideed qof halka 11,500 agabka guryaha ah ay waxyeelo gaartay, iyo noloshii oo uu carqaladeeyey burburka ku yimi kalluumeysiga, xoolihii oo dhintay iyo daadaad ku soo rogmaday dhulkii beeraha iyo biraha.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo saaxiibadeed waxa ay si firfircoon uga shaqeynayeen qiimeyn wadajir ah oo ku saabsan waxyeelada iyaga oo bixinayey agabyo taakulo ah,” ayuu yiri Md. Zenega.