Hadallada uu Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, u jeediyay warbaahinta, intii uu ku guda jiray booqashadiisii Garoowe, Puntland

13 Jul 2024

Hadallada uu Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, u jeediyay warbaahinta, intii uu ku guda jiray booqashadiisii Garoowe, Puntland

(Sidii loo soo jeediyey)

Mudane Madaxweyne, xubnaha sharafta leh ee golaha wasiirrada, bahda warbaahinta,

Galab wanaagsan.

Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta mar kale ku soo noqday Garoowe

Waxaan Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo maamulkiisa uga mahadnaqayaa soo-dhoweynta diirran ee ay inoo sameeyeen aniga iyo saaxiibadeyda shaqada. 

Waxaa maanta safarka igu weheliya Mudane Crispen Rukasha, oo ah Madaxa Xafiiska QM ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA); Mudane Ezana Kassa, oo ah Madaxa Barnaamijka ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO); iyo Marwo Prestage Murima, oo ah Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Booqashada aan wadajirka ugu mareyno halkan ayaa hoosta ka xarriiqeysa sida sugan ee wadajir ahaan nidaamka QM ee Soomaaliya ku sugan ay uga go’an tahay in uu is-garabtaago dowladda iyo dadka reer Puntland.

Madaxweynaha iyo aniga waxaa ka wada hadalnay sida ay dowladdiisu weli diiradda u saareyso ka-shaqeynta waxyaabaha mudnaanta u leh horumarka iyo in si taabogal ah wax looga qabto baahiyaha bani’aadamnimada. Dadaallada QM waxaa ay kaabayaan Qorshaha Horumarinta ee Puntland, kaas oo isna waafaqsan Qorshaha Qaran ee Horumarinta ee Soomaaliya iyo Yoolalka Horumarka Waara ee QM. Gargaarka bani’aadamnimada ee la bixiyey iyada oo la soo marinayo QM waxaa ka mid ah taageero ballaaran oo wax looga qabanayo ka-haqab-beel (sugnaan) la’aanta cuntada, baahiyaha caafimaadka, iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin Dadka Gudaha Ku Barakacay, iyo waxqabadyo kale oo badan.

Shirkii aan maanta la qaatey Madaxweyne Deni, waxaan kaga munaaqashoonney xaaladda amniga, waxaana maamulka Puntland ku bogaadiyey dadaalladooda ku aaddan xakameynta kooxaha argagaxisada ah ee gobolka Bari, sida in ay ka shaqeeyeen dejinta colaadaha qabaa’ilka ee ka dhashay khilaafaad la xiriira dhulka ee gobolka Mudug. Dhacdooyinka burcad-badeedda ee soo cusboonaadey iyo raadka ka dhaxalnay tahriibka joogtada u socda ayaa sidoo kale u baahan in dareen loo yeesho.

Waxaan soo dhaweynayaa diyaar-garowga Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo shacabka gobolka Nugaal  ay ugu diyaar-garoobayaan bilaabashada ololaha doorashooyinka tooska ah ee golayaasha degaanka, ee la qorsheeyay in ay 23 Luulyo ka dhacaan saddexda degmo ee harsan, ee ay degmada Garoowe ka mid tahay. Waxaan rajeynaynaa doorashooyinkan golayaasha degaanka in lagu saleyn doonno guulihii laga gaarey doorashada degaanka ee la qabtey bishii Maajo 2023, ayna sii xoojin doonaan dimuqraadiyeynta iyo sidoo kale horurmarka laga gaarey ka-qaybgalka haweenka iyo dhallinyarada.

Madaxweyne Deni iyo aniga waxaan sidoo kale ka wada hadalnay arrimo kala duwan oo muhiim u ah qaranka, oo ay kamid yihiin ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, geeddi-soocdka wax-ka-beddelka dastuurka, iyo wareegga doorashada soo socota. In kastoo ay Soomaaliya ku tallaabsatey horumar la taaban karo sannadihii la soo dhaafey, haddana waxaan wada ogsoonnahay in caqabado badan oo qoto-dheer ay weli jiraan.

Iyadoo xaqiiqdan laga duulayo, ayaa waxaan muujiyay aragtida ah in ay faa'iido ugu jirto shacabka Soomaaliyeed haddii madaxda sare ee dalka – Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada – ay xalliyaan kala duwanaanshiyo kasta ee u dhaxeeya ayna raadiyaan hab ay ku wada-shaqeyn karaan, si ay isugu waafaqaan xalalka caqabadaha qaranka horyaalla; ka-dibna ay qaadaan tallaabo ay ku mideysan yihiin.

Si tani looga guulgaaro, waxaan hoggaamiyayaasha ku kala sugan Muqdisho iyo Garoowe ugu baaqayaa, iyadoo gacan laga helayo hoggaamiyayaasha Dowlad-goboleedyada kale, in ay qaadaan tallaabooyinka loo baahan yahay si ay dib-ugu-bilaabi karaan in si iskaashi leh ay u wada-shaqeeyaan.

Gebogabadii, aan mar kale ku celiyo ballanqaadka Qaramada Midoobay ee ah in ay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweyne Deni iyo dowladiisa si ay gacan uga siiso horumarinta shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.  

Mahadsanid.