Sii-Hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay James Swan, oo booqasho ku tagey Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadley taageero amni iyo mid bani'aadamnimo

6 Jul 2024

Sii-Hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay James Swan, oo booqasho ku tagey Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadley taageero amni iyo mid bani'aadamnimo

Baydhabo – Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta booqdey Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Isaga oo ku guda jira la-tacaamulkii joogtada ahaa ee uu shakhsi ahaan ula lahaa madaxda Dowlad-goboleedyada Xubnaha Ka ah Federaalka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan mar kale ku soo noqdey Baydhabo, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen,’ iyo kooxdiisa uga mahadcelinayaa sida diirran ee aniga iyo saaxiibadeyda noo soo-dhoweeyeen maanta,” ayuu yiri Mudane Swan oo ka hadlaya shir jaraa'id oo ay saxaafadda wadajir ahaan ula yeesheen ka-dib markii ay soo gebogabeeyeen shirarkii ay la yeesheen Madaxweynaha iyo Golahiisa wasiirada.

Kulamada waxaa diiradda lagu saarey mowduucyo badan oo muhiim ah oo la xiriira amniga iyo qaran-dhiska Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

“Waxaan bogaadinayaa sida Madaxweyne Cabdicasiis ay uga go'an tahay ka-shaqeynta qaran-dhiska iyo sidoo kale in uu Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kula dagaalamo Al-Shabaab. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an taageeridda dadaallada dowladda ee ku aaddan kor-u-qaadista nabadda, xasilloonida, iyo horumarinta ee guud ahaan Soomaaliya,” ayaa xusay Mudane Swan.

Arrimaha mudnaanta u leh qaranka ee laga munaaqashoodey waxaa ka mid ah arrimo la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo qorsheyaasha doorashooyinka. 

“Waxaan qireynaa in Madaxweyne Cabdicasiis uu kaalin muhiim ah ka qaatey gacansiinta geeddi-socodyadan,” ayuu yiri Mudane Swan.

Hadalladiisa, Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale ku sheegay iskaashiga taabogalka ah ee kala dhexeeya Badha QM ee Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee looga shaqeynayo kobcinta booliska iyo sii wanaajinta ka-qaybgalka haweenka ee nidaamka amniga, iyada oo loo marayo dadaallada iskaashiga ee Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska / the Joint Police Programme.

Walaacyada bani'aadamnimada iyo horumarinta

Inkastoo ay haysato kheyraadyo mug leh oo ah dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kalluunka, haddana Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waxay taariikh ahaan xuddun u tahay dhacdooyin dhowr ah oo la xiriira cunto yari ba'an. Bilihii la soo dhaafay, isbeddelka cimilada iyo amni-darro ayaa u horseeday haqab-beel la'aan cunto waxayna keentay in dad aad u tiro badan ay u qaxaan xarumaha magaalooyinka ah sida Baydhabo, iyagoo raadinaya fursado maciisho.

Istaatistika hadda waxaa uu muujinayaa in in ka badan 950,000 oo ku dhaqna gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ee Dowlad-goboleedka in ay la soo gudboonaadeen heerar sare oo ah haqab-beel la'aantada cuntada oo ba'an, iyadoo ku dhowaad 370,000 carruur ah ay wajahaan nafaqo-xumo ba'an oo heer caalami ah.

“Bahda QM iyo bahwadaagta bani'aadamnimada ayaa sidoo kale ka wada shaqeynaya Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed si ay wax uga qabtaan baahida bani'aadamnimada degdegga ah ee dadka,” ayuu yiri Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee QM, Swan. 

Hay'adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada ee ku sugan Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed waxay taageero siiyaan bulshooyinka iyo dadka gudaha ku barakacay iyadoo u sii marsiinaya waxqabadyo ballaaran oo ay ka mid yihiin adeegyada gargaar cunto, caafimaad iyo waxbarasho, iyo hawlaha dib-u-dhexgalka bulshada. 

Mudane Swan, waxaa la socday Wafaa Saeed oo ah Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee Carruurta (UNICEF); René Nijenhuis, Ku-xigeeenka Madaxa Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA); iyo Felicia Mandy Owusu, oo ah Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga (UNHCR).

Ku wada sugnaanshaheenna aan ku wada sugannahay halkan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa marag u ah taageerada joogtada ah ee nidaamka QM uu gaarsiinayo dowladda iyo shacabka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed,” ayuu hadalkiisa ku darey. 

Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya ayaa Madaxweyne ‘Laftagareen’ iyo xukuumadiisa ugu mahadceliyay siiskaashigooda xooggan.

“Aan ku soo gebogebeeyo in aan mar kale ku celiyo ballanqaadka QM ee ah in ay Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed gacan ka siineyso arrimaha qaran-dhiska iyo nabad-dhisidda ah ee mudnaanta leh iyo wax-ka-qabashada baahida bani'aadamninada iyo horumarinta dadkeeda,” ayuu xusay Mudane Swan.

Mas'uulka Ugu Sarreeya QM ayaa horey u booqday Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Galmudug ee Soomaaliya. 

James Swan waxaa xilka uu hadda hayo u magacaabay Xoghayaha-Guud ee QM António Guterres markay taariikhdu ahayd 14-ka Maajo 2024. Wuxuu horey u soo noqday Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022.