Mas'uulka ugu sarreeya QM, ayaa Puntland ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartey arrimaha degaanka wuxuunna ugu baaqay in ay iskaashi ka yeelato caqabadaha qaranka horyaalla

13 Jul 2024

Mas'uulka ugu sarreeya QM, ayaa Puntland ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartey arrimaha degaanka wuxuunna ugu baaqay in ay iskaashi ka yeelato caqabadaha qaranka horyaalla

Garoowe – Mas'uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta booqdey Dowlad-goboleedka Puntland, halkaasi oo mowduucyo kala duwan oo heer degaan iyo heer qaranba ah uu kala hadley hogggaamiyaheeda, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed ‘Deni.’ 

Marka laga hadlayo Puntland, dadaallada lagu wanaajinayo amniga laguna yareynayo xiisadaha ayaa si weyn la isula soo qaadey.

“Waxaan kaga munaaqashoonney xaaladda amniga, waxaana maamulka Puntland ku bogaadiyey dadaalladooda ku aaddan xakameynta kooxaha argagaxisada ah ee gobolka Bari, sida in ay ka shaqeeyeen dejinta colaadaha qabaa’ilka ee ka dhashay khilaafaad la xiriira dhulka ee gobolka Mudug,” ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Waxaa uu ka hadlayay kulan ay saxaafadda wadajir ahaan ula yeesheen isaga iyo Madaxweyne Deni, oo ka dhacay magaalo-madaxda Dowlad-goboleedda, Garoowe. Kulankan ay saxaafadda la yeesheen ayaa waxaa uu daba-socday kulamo u dhaxeeyay hoggaamiyaha Puntland iyo Mudane Swan, iyo sidoo kale xubno sare oo ka tirsan maamulka iyo saraakiil sare oo QM u qaabilsan arrimaha bani'aadamnimada iyo horumarinta oo qayb ka ahaa wafdiga Mudane Swan. 

Ku-simiha Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, wuxuu hadalkiisa ku xusay dhacdooyinka burcad-badeedda ee ka soo cusboonaadey xeebaha dowlad-goboleedka iyo sidoo kale raadka laga dhaxley tahriibka sida joogtada ah uga socda Puntland, in sidoo kale loo baahan yahay in dareen loo yeesho.

Isaga oo ka hadlaya dadaallada dimuqraadiyeynta ee ka socda Dowlad-goboleedka, mas'uulka ugu sarreeya QM ayaa soo dhaweeyay diyaar-garowga Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo shacabka gobolka Nugaal ay ugu diyaar-garoobayaan bilaabashada ololaha doorashooyinka tooska ah ee golayaasha degaanka, ee la qorsheeyay in ay 23 Luulyo ka dhacaan saddex degmo, oo degmada Garoowe ay ka mid tahay.   

“Waxaan rajeynaynaa doorashooyinkan golayaasha degaanka in lagu saleyn doonno guulihii laga gaarey doorashada degaanka ee la qabtey bishii Maajo 2023, ayna sii xoojin doonaan dimuqraadiyeynta iyo sidoo kale horurmarka laga gaarey ka-qaybgalka haweenka iyo dhallinyarada,” ayuu yiri Mudane Swan.  

Xalalka caqabadaha qaranka horyaalla 

Marka la eego arrimaha muhiimka u ah qaranka, Madaxweyne Deni iyo Mudane Swan waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin ololaha socda ee ka dhanka ah kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab, geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka, iyo wareegga doorashada ee soo socota.

Ku-simiha Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa xusay in, inkastoo ay Soomaaliya ku tallaabsatey horumar la taaban karo sannadihii la soo dhaafey, haddana in ay weli jiraan caqabado badan, wuxuunna tilmaamay baahida loo qabo heshiis iyo iskaashi.

“Iyadoo xaqiiqdan laga duulayo, ayaa waxaan muujiyay aragtida ah in ay faa'iido ugu jirto shacabka Soomaaliyeed haddii madaxda sare ee dalka – Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada – ay xalliyaan khilaaf kasta ee u dhaxeeya ayna raadiyaan hab ay ku wada-shaqeyn karaan, si ay isugu waafaqaan xalalka caqabadaha qaranka horyaalla; ka-dibna ay qaadaan tallaabo ay ku mideysan yihiin,” ayuu yiri Mudane Swan. 

“Si tani looga guulgaaro, waxaan hoggaamiyayaasha ku kala sugan Muqdisho iyo Garoowe ugu baaqayaa, iyadoo gacan laga helayo hoggaamiyayaasha Dowlad-goboleedyada kale, in ay qaadaan tallaabooyinka loo baahan yahay si ay dib-ugu-bilaabaan in si iskaashi leh ay u wada-shaqeeyaan,” ayuu hadalkiisa ku darey. 

Kaalmada bani’aadamnimada iyo horumarinta 

Arrin kale oo la is-dultaagey intii ay shirarku socdeen ayaa ahayd sida joogtada ah ee ay dowladda Puntland diiradda u saareyso horey u sii wadidda arrimaha horumarinta ee mudnaanta leh iyo si habboon wax uga qabashado baahiyaha bani’aadamnimada.

“Dadaallada QM waxaa ay kaabayaan Qorshaha Horumarinta ee Puntland, kaas oo isna waafaqsan Qorshaha Qaran ee Horumarinta ee Soomaaliya iyo Yoolalka Horumarka Waara ee QM,” ayuu Mudane Swan ku xusey hadalkiisa.  

Mudane Swan ayaa safarkiisa Garoowe waxaa ku weheliyey wefdi tiro yar oo ka kooban saraakiil QM oo ka shaqeeya taageeridda yoolalka bani’aadamnimada iyo kuwa horumarinta ee Puntland iyo Soomaaliya. Waxaa ka mid ahaa Crispen Rukasha, Madaxa Xafiiska QM ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA); Ezana Kassa, Madaxa Barnaamijka ee Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO); iyo Prestage Murima, Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya.

“Gargaarka bani’aadamnimada ee la bixiyey iyada oo la soo marinayo QM waxaa ka mid ah taageero ballaaran oo wax looga qabanayo ka-haqab-beel la’aanta cuntada, baahiyaha caafimaadka, iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin Dadka Gudaha Ku Barakacay, iyo waxqabadyo kale oo badan,” ayaa uu yiri Mr. Swan.

“Aan mar kale ku celiyo,” hadalkiisa ayuu sii watey, “Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Madaxweyne Deni iyo dowladdiisa si ay gacan uga geysato horumar-gaarsiinta dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.”

Sanadkan, miisaaniyad $120 milyan ah ayaa loo qoondeeyey hawlaha bani’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta kuwaas oo ay hoggaaminayaan 14 hay’adood, sanaadiiq iyo barnaamijyo kuwa QM ah oo ka hawlgala magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iy Gaalkacyo ee Puntland. 

Iyada oo qayb ka ah wareegga hore ee kulamada shakhsiga ah ee uu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayaa sarkaalka ugu sarreeya QM waxaa uu horey booqasho ugu kala tegey Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Galmudug, iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaana uu horey Muqdisho ugula soo kulmey Madaxeynaha Dowladda Federaalka mudane Xasan Sheekh maxamuud iyo Ra’iisul-Wasaare Xamsa Cabdi Barre.  

James Swan ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres magacaabey 14kii Maajo 2024. Waxaa uu horey u soo noqdey Ergeyga Gaarka ah ee madaxa QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM min 2019 ilaa 2022.