Hadallada uu Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya, James Swan, u jeediyay warbaahinta, intii uu ku guda jirey booqashadiisii Baydhabo ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed

6 Jul 2024

Hadallada uu Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya, James Swan, u jeediyay warbaahinta, intii uu ku guda jirey booqashadiisii Baydhabo ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed

(Shirka Jaraa’id)

Mudane Madaxweyne, xubnaha sharafta leh ee Golaha Wasiirada, iyo bahda warbaahinta,

waxaan ku  faraxsanahay in aan mar kale ku soo noqdey Baydhabo, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen,’ iyo xukuumadiisa uga mahadcelinayaa sida diirran ee aniga iyo saaxiibadeyda noo soo-dhoweeyeen maanta.

Waxaan maanta wada soconnaa Wafaa Saeed oo ah Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee Carruurta, René Nijenhuis,  Ku-xigeeenka Madaxa Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bani'aadamnimada, iyo Felicia Mandy Owusu, oo ah Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga. Ku wada sugnaanshaheenna aan ku wada sugannahay halkan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa marag u ah taageerada joogtada ah ee nidaamka QM uu gaarsiinayo dowladda iyo shacabka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. 

Madaxweynaha iyo anniga waxaan ka munaaqashooney arrimo la xiriira qaran-dhiska, amniga, iyo xaaladda bani'aadamnimada iyo horumarinta ee ka jirta Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan bogaadinayaa sida Madaxweyne Cabdicasiis ay uga go'an tahay ka-shaqeynta qaran-dhiska iyo sidoo kale in uu Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kula dagaalamo Al-Shabaab. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an taageeridda dadaallada dowladda ee ku aaddan kor-u-qaadista nabadda, xasilloonida, iyo horumarinta ee guud ahaan Soomaaliya.

Bahda QM ee Soomaaliya waxaa ay ku faraxsan tahay iskaashiga taabogalka ah ee kala dhexeeya Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee looga shaqeynayo kobcinta booliska iyo sii wanaajinta ka-qaybgalka haweenka ee nidaamka amniga iyada oo loo marayo dadaallada iskaashiga ee Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska / the Joint Police Programme.

Bahda QM iyo bahwadaagta bani'aadamnimada ayaa sidoo kale kala shaqeynaya Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed si ay wax uga qabtaan baahida bani'aadamnimada degdegga ah ee dadka ay saameynta ku yeesheen dhibaatooyinka isbeddelka cimilada iyo colaadda.

Kulankii aan maanta wada-qaadanney, Madaxweynaha iyo anniga waxaan sidoo kale kaga munaaqashooney arrimaha muhiimadda qaran leh, oo ay ka mid yihiin geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo qorsheyaasha doorashooyinka. Waxaan qireynaa in Madaxweyne Cabdicasiis uu kaalin muhiim ah ka qaatey gacansiinta geeddi-socodyadan.

Aan ku soo gebogebeeyo in aan mar kale ku celiyo ballanqaadka QM ee ah in ay Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed gacan ka siineyso arrimaha qaran-dhiska iyo nabad-dhisidda ah ee mudnaanta leh iyo wax-ka-qabashada baahida bani'aadamninada iyo horumarinta dadkeeda.

Waxaan u mahadcelinaynaa Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa iskaashiga xooggan ee aan ka leenahay hawsha naga wada dhaxaysa.

Mahadsanid.