Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Juunyo 2024

5 Jul 2024

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Juunyo 2024

 

Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO oo dhiirrigelinaysa gardaadiyeyaasha ganacsiyada cusub si ay u kordhiso joogteynta maaliyadda

UNIDO, oo taageero ka helaysa Midowga Yurub (EU), ayaa abaabushay tababar ku saabsan joogteynta maaliyadda iyo maamulka oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Tababarka ayaa isu keenay koox kala duwan oo ka-qaybgalayaal ah oo ka kala socda gardaadiyeyaasha ganacsiyada sida SIMAD iLab, iRise Hub, iyo HarHub oo hoostagaya mashruuca Soomaaliya ee BIC. Tababarka ayaa diiradda lagu saarayay sii-wanaajinta xirfadaha warbixinta isku-dhafka ah, xisaabinta hal-abuurka cusub, nakhshadeynta adeegga, iyo adeegsiga garaadka macmalka ah (AI). Xirfadahan ayaa sii kordhin doona adkeysiga maaliyadeed iyo xoojinta kartida ee dhinaca hal-abuurka.

UNIDO waxaa ka go'an dhiirrigelinta gardaadiyeyaasha maxalliga ah, korinta koboc dhaqaale oo xooggan, iyo dhalinta horumarin dhaqaale oo la joogteyn karo oo ay Soomaaliya yeelato. Marka xarumahan ganacsi ku qalabeeynayo aqoonta iyo xirfadaha casriga ah, UNIDO waxay ka shaqaynaysaa  aasaaskii Soomaaliya ay ku hanan lahayd mustaqbal leh barwaaqo iyo hal-abuur ka wanaagsan kuwa hadda.

Click here for more

 

Waxbarasho | UNICEF oo taageertay xarumo waxbarasho oo ku-meelgaar ah

Xarun waxbarasho ku-meelgaar ah oo cusub ayaa laga hirgeliyay Xero Dadka Gudaha Ku Barakacey (IDPs) oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb.

Xasan, oo ka mid ah ka-faa'iideystayaasha, waligiisa iskuul ma tagin. Sannadkii 2021, abaar daba-dheeraatay ayaa qoyskiisa ku khasabtey in ay ka soo barakacaan gurigooda oo ku yaalla gobolka Bay, koonfur-galbeed Soomaaliya, ka-dibna waxay degeen xerada barakacayaasha Arlaadi ee ku taalla Dhuusamareeb.

UNICEF, oo taageero ka helaysa Dowladda Japan, ayaa taageeraysa 4,842 arday oo ku nool Dowlad-goboleedka Galmudug si ay helaan waxbarasho loo marayo xarumaha waxbarashada ku-meelgaarka ah. Koonfurta Gaalkacyo waxaa ku yaalla 13 xarumood, oo 10 ka mid ah ay ku dhex yaallaan goobaha barakacayaasha. Barnaamijku wuxuu adeegsadaa habka Waxbarashada Aasaasiga ah ee La Dedejiyay, kaas oo ka kooban manhaj isku cufan oo u saamaxaya carruurta in ay la qabsadaan oo ay u diyaar-garoobaan in lagu qoro nidaamka waxbarashada tooska ah.

 

Click here for more

 

Guryeyn | UN-Habitat oo 200 guri oo joogto ah ku wareejisay Dad Gudaha Ku Barakacay

Hay'adda UN-Habitat ayaa 200 oo gurii oo joogto ah ku wareejisay Barakacayaasha magaalada Baydhabo intii lagu guda jirey munaasabad uu ka soo qaybgaley Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen.’

Hay'adda UN-Habitat ayaa fududeysay helidda waraaqaha lahaanshaha, taas oo xaqiijinaysa sugnaanta dhulka – oo ah wax muhiim u ah Barakacayaasha oo badanaa halis ugu jira in laga kiciyo meelaha ay deggan yihiin. Waxqabadkan wuxuu kor-u-qaadayaa xuquuqda loo leeyahay guri wanaagsan waxayna ay taasi bixinaysaa xal waara oo loo helo sidii ay Barakacayaashu u dhexgali lahaayeen bulshooyinka martigeliyay.

Guryaha ayaa la dhisay iyadoo loo marayo hab ay hormuud ka yihiin dadka lahaanaya guryaha, iyada oo qaar ka mid ah ka-faa'iideystayaasha ay ka-qaybgalayaan dhismaha ka-dib markay qaateen tababar aasaasi ah oo sidoo kale ku qalabeynaya xirfado waxtar leh oo ay shaqo ka dhigan karaan mustaqbalka.

 

Click here for more

 

Awoodsiinta Haweenka | Habka hal-abuurka leh ee UNFPA ee Lagu Soo Af-jarayo Gudniinka (FGM) iyo habdhaqannada waxyeellada Leh ee Soomaaliya

UNFPA Soomaaliya iyo Xafiis Goboleedka UNFPA ee Dowladaha Carabta ayaa 9-kii Juun si wadajir ah ugu daah-furay magaalada Muqdisho, Tartanka EmpowerHer Challenge. Tartankan wuxuu hiigsanayaa in uu awood u siiyo haweenka Soomaaliyeed ee da'yarta ah in ay la dagaalamaan gudniinka  (FGM) iyo Guurka Khasabka ah iyo Guurinta Carruurta Yaryar isagoo bixinaya madal loogu talagalay hal-abuurka iyo ganacsi-abuurka bulsho ee ay haweenku hormuud ka yihiin.

Ka-qaybgalayaasha waxaa la siinayaa hagid  iyo tababar ay ku dhiraandhiriyaan fikradahooda ayna ku diyaariyaan qorshayaal ganacsi. Kaliya soo-jeedimada ugu suuragalsan iyo kuwa saameynta leh ayaa heli doona maaliyad iyo taageero lagu hirgelinayo.

Tartanka Hal-abuurka EmpowerHer ma ahan tartan kaliya. Waa dhaqdhaqaaq awood leh oo horseedaya isbeddel, soo bandhigaya adkeysiga iyo awoodda haweenka Soomaaliyeed ay u leeyihiin ciribtirka habdhaqannada waxyeellada leh iyo dhiirrigelinta bulsho u siman si ka wanaagsan sida hadda.

Click here for more

 

Miino-sifeynta |  UNMAS waxay taageertaa khafiifinta khatarta waxyaabaha qarxa ee Soomaaliya

UNMAS ayaa si guul leh u fulisey mashruuca ‘Waxqabadyada miino-sifeynta bani'aadamnimada ah ee kor loogu qaadayo nabadda iyo bedqabka Soomaaliya’, kaas oo ujeeddadiisu tahay wax-ka-qabashada khatarta waxyaabaha qarxa ee degaannada Dowlad-goboleedka Galmudug. Guushan ayaa la xaqiijiyey ika dib markii la sameeyey sahan aan farsamo ku saleysneyn iyo waxbarashada halista qaraxyada macmalka ah oo loo fidiyey bulshooyinka ay colaaddu saameynta ku yeelatay.

Mashruuca ayaa taageeray Hay'adda Maareynta Walxaha Qarxa ee Soomaaliya si loo kordhiyo awoodda ay u leeyihiin in ay si wax-ku-ool ah isugu duwaan waxqabadyada miino-sifeynta ee bani'aadamnimada ah.

UNMAS ayaa sii waddey kor-u-qaadista awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CBS) si ay u khafiifiyaan halista haraadiga waxyaabaha aan weli qarxin iyo qaraxyada macmalka ah (IEDs). Kor-u-qaadistan awoodeed ayaa la sameeyay si loo ilaaliyo nafta barakacayaasha, kuwa guryahooda ku soo noqday iyo bulshooyinka ku nool meelaha u dhow goobaha ay ka jirto khatarta waxyaabaha qarxa iyadoo loo marayo hirgelinta mashruuca saddexda-sano socday - ‘Kor-u-qaadista amniga iyadoo la sii wanaajinayo awoodda ka takhlusidda waxyaabaha qarxa ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CBS),’ kaas oo la soo gebogabeeyay horraantii sannadkan.

 

Click here for more

 

Golaha Ammaanka | Sii-hayaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee QM oo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya u jeediyey Golaha Amaanka 

Sii-hayaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa warbixin ku saabsan Soomaaliya u jeediyay Golaha Ammaanka maalintii Isniinta ahayd, 24 Juun. Wuxuu ka hadlay mowduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii ku soo kordhey siyaasadda, xasilloonida gobolka, xaaladda amniga, arrimaha bani'aadamnimada, iyo haweenka, nabadda iyo amniga. Wuxuu sidoo kale Soomaaliya ugu hambalyeeyay doorashada xubinnimada Golaha Ammaanka ee 2025-2026, isagoo sheegay in guushan ay muujineyso horumarka ay Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafey ka gaartey safarkii ay ugu jirtey ka-soo-kabashada colaadda.

Click here for more

 

Hoyga | UNHCR ayaa hoy/guryo ka dhistay Doolow

Hoy ku-meelgaar ah ayaa lagu wareejiyay barakacayaasha (IDPs) ku sugan xerada Barakacayaasha ee Kaharey ee ku taalla magaalada Doolow iyada oo caawimaad laga helay UNHCR. Mashruucan ayaa hiigsanaya bixinta gargaar iyo taageero la siiyo kuwa ay saameynta ku yeesheen dhacdooyinka cimilada ee gobolka. Hoygu wuxuu guri ammaan ah u noqonayaa barakacayaasha si ay si sharaf leh dib ugu dhisaan noloshooda.  Guryahan waxaa lagu qalabeeyay saqaf adag, albaabo ammaan ah, iyo hawo furan si ay u bixiyaan raaxo iyo difaac/ilaalin. Iskaashigan u dhaxeeya dowladda hoose, bahwadaagta bani'aadamnimada, iyo xubnaha bulshada ayaa muujinaya midnimo iyo in la iska kaashanayo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka iyo sii wanaajinta nolosha kuwa uu saameynta ku yeeshay barakaca.

Click here for more

 

La-socoshada Cudurrada |  WHO oo taageertay sii xoojinta la-socoshada cudurrada

Nidaamka Iskudhafka ah ee La-socoshada iyo Wax-ka-qabashada Cudurrrada (IDSR) ee ay taageerto hay'adda WHO ayaa sii wanaajinaya hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada nidaamyada macluumaadka caafimaadka. Xogta IDSR waxaa lagu kaydiyaa DHIS2 – oo ah madasha barnaamijka furan/ the open-source software platform ee qaran ahaan loo isticmaalo in lagu ururiyo macluumaadka caafimaadka degmooyinka. Shaqaalaha caafimaadka ayaa madashan u isticmaala in ay ku diiwaangeliyaan macluumaadka waqtiga la joogo ee ku saabsan dhacdooyinka caafimaadka iyo falanqeynta xogta ee loogu talagalay in goor hore la ogaado oo degdegna wax looga qabto cudurrada dillaaca.

Qorshayaasha mustaqbalka waxaa ka mid ah in wajiga ugu dambeeya la dhammeystiro sannadka 2024 si loo sii wanaajiyo la-socoshada caafimaadka dadweynaha iyadoo la bilaabayo la-socoshada heerka bulshada iyo kor-u-qaadista kartida dhinaca shaybaarka, ee uu taageerayo qorshaha saddaxda-sano ee WHO.

Click here for more

 
 

Wax-ka-qabashada Cimilada | FAO, Dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah ayaa daaha-ka-rogey Barnaamijka Keydinta Keliga Jowhar / Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP)

Dowladda Soomaaliya, Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), iyo bahwadaagta caalamiga ah ayaa daaha-ka-rogey Barnaamijka Keydinta Kelliga Jowhar / Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP), oo ah mashruuc ballaaran, oo isbeddel sameynaya kaas oo hiigsanaya dib-u-dhiska adkeysiga iyo sii wanaajinta wanaagga bulshooyinka ku dhaqan hareeraha webiga Shabeelle.

Mashruuca ayaa loogu talagalay in ay ka faa'iideystaan in ka badan 300,000 oo qof oo helaya biyo wanaagsan oo loogu talagalay waraabka, yareynta halisaha fatahaadaha ee 1.5 milyan oo qof, khafiifinta saameynta abaarta ee 1.65 milyan oo qof, sii kordhinta soo-saarista cuntada degaanka, iyo in si mug leh loo yareeyo kharashaadka bani'aadamnimada.

Daah-rogga ayaa lagu muujiyay baahida loo qabo hab cusub oo loo shaqeeyo kaas oo wax-ka-qabta baahiyada degdegga ah iyo kuwa muddada dheerba si loo beddelo bulshooyinka oo loo xaqiijiyo koboc waara.

Click here for more