Hadalladii Ergeyga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Catriona Laing, u jeedisey warbaahinta, intii ay ku guda jirtey booqashadii ay ku tagtey Baydhabo, Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed

2 May 2024

Hadalladii Ergeyga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Catriona Laing, u jeedisey warbaahinta, intii ay ku guda jirtey booqashadii ay ku tagtey Baydhabo, Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed

Isla sidii hadalka loo jeediyey

Subax wanaagsan. 

Farxad weyn bey ii tahay in aan ku soo noqdey Baydhabo, waxaana aan rabaa in aan Madaxweynaha iyo kooxdiisa si weyn ugu mahadceliyo soo-dhoweyna ay maanta halkan igu soo dhoweeyeen. Nasiib-darro, tan ayaa sidoo kale ah booqashadeydii macasalaamada ahayd maaddaama aan Soomaaliya ka tegi doono muddo yar ka dib. 

Munaaqashadeenna maanta waxaa diiradda lagu saarey laba arrimood oo waaweyn. Tan koowaad waxaa ay la halmaashey geeddi-socodka qaran-dhisidda, arrimaha la halmaala Dastuurka, doorka Golaha Wadatashiga Qaranka iyo doorashooyinka, waxaana uu Madaxweynuhu ii xaqiijiyey in ay ka go’an tahay in la yeesho wada-hadallo loo dhan yahay, taas oo ay ka mid tahay hawl uu qaban doono si uu isugu dayo oo uu Madaxweyne Deni ee Puntland ugu dhiirrigelinayo in uu dib ugu soo noqdo Golaha Wadatashiga Qaranka si uu u hubiyo in uu ra’yigiisa uu halkaa ka sheego marka ay ka doodayaan oo ay dib u milicsanayaan heshiiska la xiriira afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka iyo , dabcan, ayna u diyaar-garoobayaan doodda laga yeelan doono cutubyada kale ee dhiman. 

Tan labaad, waxaan ka wadahadalney arrimaha doorashooyinka, waxaana aan Madaxweynaha ku amaaney howsha durba la qabtey ee golayaasha degmooyinka halkaan looga dhisay, iyo, gaar ahaan, xaqiiqda ah in tiro wanaagsan oo wakiillo haween ah ay ku jiraan lix ka mid ah golayaashiisa degmooyinka markaa taasi ayaa ah horumar aad u wanaagsan oo ku dayasho mudan. 

Haddii aan sii wato, waxaan ka munaaqashoonney muhiimadda ay leedahay doorasho ‘hal qof, iyo hal cod ah’ oo ka dhacda degmooyinka – iyada oo la ogsoon yahay in weli hawl badan ay harsan tahay sida in loo diyaariyo shuruucda loo baahan yahay, in la diiwaangeliyo cod-bixiyeyaasha iyo waxyaabo kale – laakiin waxay ila tahay in labadeennaba aan isla oggolaaney in heer degmo ay tahay halka ay dimuqraadiyadda bulsho kasta ay ka hana-qaaddo sidaa daraaddeedna taas ayaa ah arrin muhiim ah mustaqbalka dhow.  

Tan saddexaad, waxaan ka wada-hadalney dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo muhiimadda ay leedahay in uu ololahaas sii socdo, laguna sii xijiyo xasilin si loo muujiyo doorka uu qaranku ku leeyahay degaannada laga xoreeyo Al-Shabaab. Intaa ka dibna, arrinta kale waxaa ay iyana la xiriirtaa amniga, waxaan ka hadalney joogitaanka ciidamada ATMIS [Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya]  iyo sida ay muhiim ugu ahaayeen helidda deegaan amni uu ka jiro oo lagu shaqeyn karo. 

Waxaana, inta aan ku jirno muddada kala-guurka ah ee looga sii gudbayo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, muhiimadda ay leedahay in la helo amni dad ku filan, taas oo ay ka mid tahay iyada oo la adeegsanayo Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, kuwaas oo door aad muhiim u ah horey uga soo qaatey.

Ugu dambeyntiina, Baydhaba waxaa ka jira dhibaatooyin bani’aadamnimo oo aad u ballaaran, waxaana labadeenaba naga go’an in aan isku dayno in wax-ka-qabashada dhibaatooyinka bani’aadamnimada looga sii gudbo dhisidda adkeysiga iyo horumarinta, taas oo ay ka mid tahay in Baydhabo ay hesho maaliyadda loogu talogaley cimilada ee dhowaan soo gaari doonta Soomaaliya – haddaba muhiimadda ay leedahay in Baydhabo ay doorkeeda ka qaadato arrintaan [ayaa laga munaaqashoodey].

Aad baan mar kale kuugu mahadcelinayaa, Mudane Madaxweyne.