Hadalladii uu Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, warbaahinta ugu jeediyay magaalada Garoowe

18 Jul 2022

Hadalladii uu Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, warbaahinta ugu jeediyay magaalada Garoowe

[Sidii loo jeediyey]

Subax wanaagsan,

Mudane Madaxweyne, xubnaha sharafta leh ee golaha wasiirada iyo bahda saxaafadda.

Waxaan jeclaan lahaa inaan ku billaabo mahadcelin aan idiin kaga soo jeediyo – Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, dowladdaada, iyo shacabka Puntland soo dhoweynta diirran ee nalagu qaabilay intaan ku jirnay booqashada aan ku joogno halkan Garoowe.

Waxaa farxad ii ah inaan ku soo laabto Garoowe, taasoo ah mid ka mid ah booqashooyinkeyga joogtada ah ee aan ku tago dowladaha xubnaha ka ah Federaalka. Waxaa kaloo sharaf ii ah inuu maanta booqashada igula soo biiray madaxa hay’adda UNFPA Md. Adeniyi Ojuolape iyo sidoo kale madaxa xafiiskeenna Garoowe Md. Guy Griffin.

Kulankeenna aan maanta la yeelannay Madaxweyne Deni iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada waxa aan kaga wada hadalnay arrimo badan oo heer gobol iyo heer qaranba leh oo muhiim ah. 

Aniga iyo Madaxweyne Deni waxaan is weydaarsannay fikrado ku saabsan sida ugu habboon ee loo horumarin karo geeddi-socodyada dowlad-dhisidda Soomaaliya, maadaama hadda ay jirto dowlad cusub oo Federaal ah. Waxaan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn qoto dheer oo dhex marta Dowladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si loo hoggaamiyo horumarka laga gaarayo arrimaha qaran ee hor-tebinnada leh.

Madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay uga go’an tahay ka dhabeynta geeddi-socodka dimoqoraadiyeynta Puntland, kadib markii la soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee doorashooyinka deegaanka ee sanadkii hore ka dhacay magaalooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho. Wuxuu iiga warbixiyay qorshayaasha Guddiga Ku Meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee ay geeddi-socodka ku gaarsiinayaan degmooyin kale. Waxaan hoosta ka xarriiqay sida Qaramada Midoobay ay diyaar ugu tahay inay taageerto, runtiina, koox farsamo oo Qaramada Midoobay ah oo booqasho ku joogta ayaa maanta la kulmaysa Guddiga TPEC – Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland.

Waxaan dowladda iyo shacabka Puntland idinku bogaadinayaa sida joogtada ah ee ay idinka go’antahay hirgelinta doorashooyinka deegaanka oo toos ah, si waafaqsan dastuurka Puntland. Waxaan rajeyneynaa in dadaalladiinna halkan ay sidoo kale dhiirigelin doonaan ayna taageeri doonaan geeddi-socodka ballaaran ee dimuquraadiyeynta dhammaan Soomaaliya, heer federaal iyo heer gobolba. 

Dhanka amniga, waxaan muujiyay walaaca aan ka qabo dhacdadii xanuunka badnayd ee todobaadkii hore ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Madaxweyne Deni wuxuu ii xaqiijiyay ballanqaadka Dowladda iyo dadaalka firfircoon ee lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo dardargelinta dib-u-heshiisiinta.

Abaaraha hadda jira ayaa ah xasarad sababaysa baahi iyo dhibaato guud ahaan Soomaaliya iyo gobolkaba. Baaxadda caqabadda waa mid aad u weyn, inkastoo ay iiga muuqato wada-hadalladeenna in Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Samafalka ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen. Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa durbaba wax ka qabanaya iyagoo u maraya barnaamijyo degdeg ah oo isugu jira lacag caddaan ah, gargaar nafaqeyn, taageerada biyaha iyo fayadhowrka iyo adeegyada caafimaadka. Xaaladdu aad ayay u ba’antahay si kastoo ay ahaataba, dhammaanteen waan ognahay in loo baahan yahay in wax badan la qabto. Si tan loo gaaro Qaramada Midoobay waxay sii waddaa inay la ololeyso deeq bixiyayaasha si loo abaabulo dhaqaale badan si wax looga qabto caqabaddan ka jirta dalkoo dhan iyo halkan Puntland.

Mar kale, waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Puntland soo dhoweynta  diirran ee maanta.

Mahadsanidiin.