Dowlad-dhiska, Wadashaqaynta iyo Taageerada QM ayaa looga hadlay booqashada Ergayga Gaarka ah uu ku tegay Puntland

18 Jul 2022

Dowlad-dhiska, Wadashaqaynta iyo Taageerada QM ayaa looga hadlay booqashada Ergayga Gaarka ah uu ku tegay Puntland

Garoowe – Geeddi-socodyada dowlad-dhisidda iyo wadashaqeynta hoggaanka cusub ee Soomaaliya iyo sidoo kale taageerada Qaramada Midoobay ayaa ka mid ahaa qodobbadii maanta looga hadlay shirka mas’uulka ugu sarreeya hay’adda adduunka u qaabilsan dalka iyo hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka waqooyi ee xubinta ka ah  Federaalka Soomaaliya ee Puntland.

 “Kulankeenna aan maanta la yeelannay Madaxweyne [Saciid Cabdullaahi] Deni iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada waxa aan kaga wada hadalnay arrimo badan oo heer gobol iyo heer qaranba leh oo muhiim ah. Aniga iyo Madaxweyne Deni waxaan is weydaarsannay fikrado ku saabsan sida ugu habboon ee loo horumarin karo geeddi-socodyada dowlad-dhisidda Soomaaliya, maadaama hadda ay jirto dowlad cusub oo Federaal ah,” ayuu yiri Egayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya,  James Swan.

“Waxaan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn qoto dheer oo dhex marta Dowladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si loo hoggaamiyo horumar laga gaarayo arrimaha qaran ee hor-tebinnada leh,” ayuu raaciyay Md. Swan.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlayay kulan warbaahineed ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo madaxweyne Deni oo ka dhacay caasimadda dowlad-goboleedka ee Garoowe.

Hadallada warbaahinta ayaa ku soo aaday dhammaadka booqasho labo maalmood ah oo uu wakiilka ku joogay Puntland, halkaas oo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu kula kulmay madaxda hay’ado kale – Hay’adda Cilmi-baarista iyo Horumarinta Puntland (PDRC) iyo Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) – iyo sidoo kale wakiillo ka socda hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya dowladda xubinta ka ah Federaalka.

Waxaa sidoo kale laga hadlay mowduuca geedi-socodka dimuquraadiyeynta Puntland. Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, dowlad goboleedka xubinta ka ah dowladda Federaalka ayaa soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee doorashada dowadaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho.

 “Madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay uga go’an tahay ka dhabeynta geeddi-socodka dimoqoraadiyeynta Puntland … Wuxuu iiga warbixiyay qorshayaasha Guddiga Ku Meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee ay geeddi-socodka ku gaarsiinayaan degmooyin kale. Waxaan hoosta ka xarriiqay sida Qaramada Midoobay ay diyaar ugu tahay inay taageerto,” ayuu yiri, Md. Swan, isagoo intaas ku daraya in koox farsamo oo Qaramada Midoobay ah oo booqanaysa ay maanta la kulmayaan Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay shacabka dowlad goboleedka xubinta ka ah Federaalka iyo maamulkooda sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay qabashada doorashooyin deegaan oo toos ah, sida uu dhigayo dastuurka Puntland.

“Waxaan rajeyneynaa in dadaalladiinna halkan ay sidoo kale dhiirigelin doonaan ayna taageeri doonaan geeddi-socodka ballaaran ee dimuquraadiyeynta dhammaan Soomaaliya, heer federaal iyo heer gobolba,” ayuu yiri mas’uulka QM.

Iska horimaadki hubeysnaa oo todobaadkii hore ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, oo dhacda waqooyiga Puntland, kaasoo la soo weriyay inuu sababay dhimasho iyo dhaawac, ayaa sidoo kale la xusay.

 “Dhanka amniga, waxaan muujiyay walaaca aan ka qabo dhacdadii xanuunka badnayd ee todobaadkii hore ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Madaxweyne Deni wuxuu ii xaqiijiyay ballanqaadka Dowladda iyo dadaalka firfircoon ee lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo dardargelinta dib-u-heshiisiinta,” ayuu yiri Md. Swan.

Wax-ka-qabashada Abaaraha

Arrinta abaarta sii xumaanaysa ee Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo qaaday hadallada mas’uulka Qaramada Midoobay ee warbaahinta. Dalku waxa uu wajahayaa xilli-roobaadkii afraad oo xiriir ah oo baaqda iyo khatar macluul oo sare u kacday – waxa waqti xaadirkan la rumaysan yahay in ay macluul ka dhici doonto siddeed goobood marka la gaaro bisha Sibteembar.

 “Abaaraha hadda jira ayaa ah xasarad sababaysa baahi iyo dhibaato guud ahaan Soomaaliya iyo gobolkaba. Baaxadda caqabadda waa mid aad u weyn, inkastoo ay iiga muuqato wadahadalladeenna in Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Samafalka ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen. Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa durbaba wax ka qabanaya iyagoo u maraya barnaamijyo degdeg ah oo isugu jira lacag caddaan ah, gargaar nafaqeyn, taageerada biyaha iyo fayadhowrka iyo adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri, Md. Swan.

Sida laga soo xigtay xafiiska isku-duwidda arrimaha gargaarka bini'aadannimada ee OCHA, abaarta hadda jirta ayaa ah mid aan horay loo arag, waxaana ay saameysay toddobo milyan oo qof, waxa ayna in ka badan 800,000 oo qof ku barakicisay raadinta cunto, biyo iyo daaq. Ilaa 7.1 milyan oo qof - 45 boqolkiiba dadweynaha - ayaa ku sugan sugnaan la’aan cunto oo ba'an, halka qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ay soo food saartay nafaqo-xumo ba'an. Ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa u dhintay nafaqo darro iyo cudurro tan iyo bishii Jannaayo.

 “Xaaladdu aad ayay u ba’antahay si kastoo ay ahaataba, dhammaanteen waan ognahay in loo baahan yahay in wax badan la qabto. Si tan loo gaaro Qaramada Midoobay waxay sii waddaa inay la ololeyso deeq bixiyayaasha si loo abaabulo dhaqaale badan si wax looga qabto caqabaddan,” ayuu yiri, Md. Swan.

Iyadoo ku dhawaad afar milyan oo qof ay heleen gargaar tan iyo bishii Jannaayo, ayaa qorshaha wax qabashada ee arrimaha bini'aadannimada ee Soomaaliya, oo la bilaabay dabayaaqadii 2021, waxa uu raadinayaa $1.46 bilyan si loo caawiyo 5.5 milyan oo qof balse 30 boqolkiiba oo kaliya ayaa la maalgeliyay ilaa hadda.

Booqashada Md. Swan ee Puntland ee uu ku wehliyay Wakiilka Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA) u qaabilsan Soomaaliya, Adeniyi Ojuolape, ayaa qayb ka ah socdaalkiisii joogtada ahaa ee uu ku tagi jiray dowladaha xubinta ka ah federaalka ee dalka.

Md. Swan iyo Md. Ojuolape ayaa intii ay ku sugnaayeen Garoowe waxa ay sidoo kale la kulmeen madaxda maxaliga ah ee Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, Xafiiska Guddiga sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka Carruurta ee UNICEF, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO), Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) iyo UNFPA.