Saaxiibada caalamka oo Garoowe u tagay wadahadal ku aaddan doorashooyinka maxalliga iyo kuwa federaalka

previous next
26 Sep 2021

Saaxiibada caalamka oo Garoowe u tagay wadahadal ku aaddan doorashooyinka maxalliga iyo kuwa federaalka

Garoowe - Iyaga oo sii wada xiriirkooda joogtada ah ee ay la leeyihiin hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dalka ayey qaar ka tirsan wakiillada saaxiibbada caalamku booqdeen Puntland si ay ugala hadlaan arrimo badan, iyada oo si gaar ah diirradda loo saaray doorashooyinka maxalliga iyo kuwa federaalka ah

“Marka aan ka hadalno doorashooyinka maxalliga, waxa aanu aad ula dhacnay horumarka illaa hadda laga sameeyey doorashooyinka maxalliga, gaar ahaan sida ay ku socoto shaqada ay wadaan Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland (TPEC)” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan mar uu saxaafadda la hadlaayey.

Mas’uulka QM waxa uu ku hadlaayey afka waftiga booqday Puntland ka dib marki ay la kulmeen Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada.

Xubnaha kale ee waftiga waxa ay kala ahaayeen Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo Danjiraha Sweden ee Soomaaliya, Danjire Per Lindgarde.

La-kulankooda madaxweynaha Puntland ka sokow, waxa ay waftigu la kulmeen Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowladda Puntland, Cabdikarim Muuse Maxamuud, iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga doorashada, iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada rayidka ee Puntland. 

Doorashooyinka

Puntland waxa ay qorsheyneysaa in ay 25ka Oktoobar qabato doorashooyinkii maxalliga ee u horreeyey oo toos ah - oo ka dhacaya Eyl, Ufeyn iyo Qardho. Waftigu wuxuu ku ammaanay Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorashooyin toos ah, sida uu dhigayo Dastuurka Puntland.

“Haddii ay si guul leh ku dhammaaadaan, doorashooyinkan tooska ahi ee maxalliga ah waxa ay tallaabo muhiim ah u noqon doonaan in la muujiyo sida ay suurta-gal u tahay qabashada ‘doorasho qof iyo cod ah’ oo ka dhacda Soomaaliyada maanta” ayuu yiri James Swan

Marka ay timaado doorashooyinka federaalka, waftigu wuxuu soo dhoweeyay in Puntland dhowaan dhammeystirtay doorashooyinkii Aqalka Sare, waxaan sidoo kale ka hadalnay baahida loo qabo in degdeg loogu gudbo marxaladda xigta ee doorashooyinka federaalka ee Golaha Shacabka. 

Iyaga oo tix-raacaya xiisadihii u dambeeyey, waftigu waxay sidoo kale la wadaageen walaaca beesha caalamku ay ka qabaan khilaafaadka siyaasadeed ee socda ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha qaran khataraha ay u geysan karaan geeddi-socodka.

“Madaxweyne Deni iyo waftigeennu waxa ay isku raaceen in ay waajib tahay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay sii wadaan wada-shaqeynta, si waafaqsan midnimada qaranka, si ay uga gudbaan khilaafaadka,” ayuu yiri Mudane Swan. “Waxa aan ku boorrineynaa dhammaan in hore loo socdo si looga mira-dhaliyo dadaallada loogu jiro qabashada doorashooyin qaran oo lagu kalsoonaan karan oo waqtigooda ku dhaca si waafaqsan Heshiiskii 27-ka Maajo.” 

Ka-qeyb-galka haweenka

Saaxiibada caalamku waxa ay marar badan xuseen sida doorashooyinka baarlamaanka u noqon karaan fursad lagu dhisi horumarka laga sameeyey ka-qeyb-galka siyaasadda ee haweenka iyo in haweenku ka-qeybgalka dhammeystiran ee haweenka ee qeybaha kala duwan ee bulshada uu wax ka tari doono in dalku gaaro adkeysi, nabad iyo xasillooni ballaaran.

Mar uu hadlayay Wakiilka Gaarka ah ee QM waxa uu ku guud-maray muhiimadda ay leedahay ka-qeyb-galka haweenka ee geedi-socodyada doorashooyinka, heer maxalli ah iyo mid qaranba.

“Waxaa muhiim ah in geedi-socodyadu tixgeliyaan xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay si buuxda uga qeyb galaan dhammaan dhinacyada nolosha guud, iyo in qoondada ugu yaraan boqolkiiba soddon ee metelaadda haweenka laga gaaro doorashooyinka Golaha Shacabka.” ayuu yiri Md. Swan.

Wuxuu intaa raaciyey in waftigu ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda in fagaaraha siyaasaddu uu ahaado mid furan, oo oggolaanaya in codad iyo aragtiyo kala duwan la tibaaxi karo.

“Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la xaqiijiyo fagaare siyaasadeed oo loo dhan yahay- iyada oo la adeegsanayo xorriyada ra’yiga, adeegsiga warbaahinta, xorriyadda qabanqaabada iyo isu-imaatinka - si loo codadka oo dhan loo maqlo, loona tixgeliyo.

Dhammaadkii bishan, wafti saaxiibada caalamka ah ayaa booqasho ku tegay Baydhabo, Koonfur-Galbeed Soomaaliya, iyada oo qeyb ka aheyd wada-shaqeynta socota ee ay la leeyihiin madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu kaalmeeyo Soomaaliya cagaheeda ku istaagta oo deggenaansho ballaaran hesha.