Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Luuliyo 2022

30 Jul 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Luuliyo 2022

 

Tahriibinta dadka | UNODC waxay ka taageertaa garsoorayaasha iyo xeer-ilaalinta dhanka ilaalinta dhibanayaasha

Si si firfircoon loola dagaallamo ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta dadka, iyo sidoo kale in la hubiyo ilaalinta dhibanayaasha tahriibinta iyo xuquuqdooda, iskaashi hay'adaha ka dhexeeya iyo daneeyayaasha ayaa asaasi ah.

Marka dhankaa la eego, UNODC waxay Muqdisho tababar ku siisay 20 xeer-ilaaliye iyo 10 garsoore si loo kobciyo curinta hab-howleedyo tixraac oo waxtar leh iyo in la habeeyo qaabka loo ilaaliyo dhibanayaasha oo muhiim u ah la dagaallanka tahriibinta dadka. Mid ka mid ah fadhiyada aqoon-is-weaydaarsiga ayaa si toos ah uga hadlay falcelinta nafsiga ah ee dhibanayaasha tahriibinta, dhaawacyada dhibbanaha gaara iyo taageerada ay u baahan yihiin.

Aqoon-is-weaydaarsiga ayaa lagu bixinayey qayb ka mid ah barnaamijka Maaraynta Socdaalka Wanaagsan, oo ay maalgaliyeen Midowga Yurub iyo Dowladda Jarmalku.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Gurmadka abaaraha | FAO waxa ay taageertaa bulshooyinka reer miyiga-beeralayda ah ee nugul

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa saameyn wayn ku yeeshay nolosha dadka reer miyiga ah ee ku nool miyiga kuwaas oo ku tiirsanaa tacabka beeraha iyo xoola-dhaqashada. Dadka xoolo dhaqatada ah ayaa waxaa ka dhamaaday xoolihii intii ugu badnayd, inta soo hartayna waa ay tabar daran yihiin. Sidoo kale, dadkii beeralayda ah ayaa isaga tegey beerahoodii kaddib markii ay roobabkii baaqdeen fasalkii afraad oo xiriir ah.

Hay’adda FAO oo u mareeysa mashruuc ay maalgalisey hay’adda USAID ayaa lacag caddaan ah u qaybisay dadka tabaaleysan ee beeralayda-xoolo dhaqatada ah si ay uga hortagaan saamaynta abaarta, sidoo kale waxaa ay qaybisay abuurka iyo agabka beeraha si ay dib ugu laabtaan beerashada isla marka ay xaaladdu soo hagaagto.

Barnaamijkan oo loogu wanqalay magaca Cash+, waxa uu qoysaska iyo bulshada ka caawin doonaa in ay wada joogaan inta lagu jiro xaaladda deg degga ah ee abaarta, si loo dhimo khataraha nafsaani-bulsho iyo jireed ee dadka nugul, waxana uu dhabbaha u xaarayaa soo kabasho deg deg ah oo mustaqbalka ah marka xaaladuhu ay soo hagaagaan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Yoolasha Horumarka Waara (SDGs) | UNDP oo Soomaaliya ka taageertay Dib-u-eegista Is-xilqaanka Qaran Yoolasha Horumarka Waara

UNDP waxay ku taageertay Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed dhamaystirka dib-u-eegista Is-xilqaanka Qaran (VNR) ee Yoolasha Horumarka Waara (SDG) oo markii ugu horreeya laga qabto dalka iyo in loogu bandhigo Qaramada Midoobey madal heer sare ah oo ka dhacay magaalada New York.

Dib-u-eegista Is-xilqaanka Qaran waa guud-marka ugu ballaaran ilaa maanta ee horumarka laga sameeyey Yoolasha Horumarka Waara. Isagoo ka duulaya xogta dowladda oo dhan laguna suurtageliyey maalgelinta Switzerland, Dib-u-eegista Is-xilqaanka Qaran (VNR) waxay sidoo kale bixinay
saa falanqaynta caqabadaha haray waxayna sharraxdaa talooyinka wax ka qabashada farqiga ka jira dhanka xogta.

SDG waa shay muhim ah oo ka mid ah Ajendaha 2030 ee Horumarka Waara. Waa baaq caalami ah oo ku wajahan sidii loo joojin lahaa faqriga, loo ilaalin lahaa dunida, loona hagaajin lahaa nolosha iyo rajada qof kasta meel kasta oo uu joogaba, waxaana dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ay qaateen 2015-kii taasoo qayb ka ahayd Ajendaha 2030-ka, kaas oo dejinaya qorshe 15 sano ah oo lagu gaarayo yoolka SDG.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Gurmadka abaaraha | UNICEF waxaa ka go'an in ay taageerto wax ka qabashada abaaraha Jubaland

In ka badan 150,000 oo qof ayaa ku barakacay Jubaland, koonfurta Soomaaliya, xaaladaha abaareed ee ba'an tan iyo Nofeembar 2021 dartood.

Booqasho uu dhowaan ku tegey magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul-goboleedkan ka tirsan Federaalka, Wakiilka UNICEF Wafaa Saacid ayaa u xaqiijisay saaxiibbada iyo dadka ka faa’iideystayaasha ah sida ay uga go’an tahay hay’adda Qaramada Midoobey in ay sii waddo taageerada howlaha bani’aadminnimo ee ka socda degaanka, iyo sidoo kale degmooyinka kale ee ay dhibaatadu ka jirto ee Jubaland.

Istaraatiijiyadda mudnaanta leh ee wax ka qabashada abaaraha ee UNICEF waa in diiradda lagu saaro badbaadada carruurta iyo in la kordhiyo caafimaadka, nafaqaynta, iyo adeegyada biyaha, faya-dhowrka iyo nadaafadda iyadoo lala kaashanayo Dowladda, qoyska Qaramada Midoobey iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo gaaro kuwa aadka u baahan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Ilaalinta | UNHCR waxay kordhisey ololaha ku aaddan khatarta ‘tahriibka’

UNHCR waxay kordhisey ololaheeda wacyi-gelinta ah ee ku aaddan khatarta ‘tahriibka’ – marinnada halista ah ee badda ee ay dhallinyaradu inta badan u maraan si ay nolol dhaanta u helaan.

Bishii Luulyo, in ka badan 230 qof ayaa gaarey dugsiyada iyo xarumaha bulshada iyada oo loo marayo kulamo wadahadal ah oo ka dhacay Hargeysa. Is dhexgalka ayaa sidoo kale ku lug lahaa hoggaanka maxalliga ah, ra'yi-sameeyayaasha iyo saameeyeyaasha bulshada si ay gacan uga gaystaan dib-u-habaynta hadalka bulshada gaaraya iyo kahortagga sheekooyinka beenta ah ee ay faafiyaan tahriibiyaha/ka ganacsadaha dadku.

Ololahan oo loogu magacdaray ‘Sheegista Sheekada Dhabta ah’ waa qayb ka mid ah hindisaha isdhexgalka heer bulsho ee UNHCR ay ku doonayso in lagu wargeliyo bulshooyinka – gaar ahaan dhallinyarada – khatarta ka dhalan karta dhaqdhaqaaqyada aan caadiga ahayn sida ‘tahriibka’.

Kumannaan qof ayaa ku dhinta sannad kasta, halka qaar kale oo badani ay la kulmaan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyaga oo isku deyaya safarro aan caadi ahayn oo ay ku tegayaan Yurub.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Maamullada ka tirsan Federaalka | Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey oo booqday Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa sii watay safarkiisii joogtada ahaa ee uu ku tagi jirey Maamul-goboleedyada ka tirsan Federaalka Soomaaliya, isagoo booqasho ku tegey Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Meel kasta waxa uu kula kulmay madaxa Dowlad-goboleedka iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada kuwaasoo uu kala hadlay arrimo badan. Arrimahaas waxaa ka mid ahaa geeddi-socod dowlad-dhisidda iyo la shaqaynta hoggaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya, iyo taageerada Qaramada Midoobey ee dhinacyada kala duwan, oo ay ku jiraan dadaallada bani’aadminnimo ee hadda jira ee wax looga qabanayo abaarta hadda dalka ka jirta.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Qorshaynta Magaalooyinka | UN-Habitat ayaa qabatey shirweyne lagu ansaxinaayo Qorshaha Dhameystiran ee Dhismaha Magaalada Berbera

UN-Habitat ayaa qabatey shirweyne ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin heer qaran iyo kuwo heer gobol, xubno ka socday hay’adaha bulshada rayidka iyo sidoo kale hay’adaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo ka talo bixiyey sida uu noqondoono Qorshaha Dhameystiran ee Dhismaha Magaalada Berbera.

Ansixinta iyo hirgelinta qorshahan dhameystiran ayaa ka dhigaya magaalada Berbara mid ka faa’iideysata kheyraadkeeda qarsoon, noqoneysana magaalo aad u nidaamsan lehna goobo bulshada ku dhamaashaado iyo kaabayaasha aasaasiga ah, qorshahan ayaa sidoo kale magaalada Berbera ka dhigaya isha dhaqaalaha gobolka maadaama ay ku taalo meel istiraatiiji ah oo ka mid ah gobolka Saaxil.

Qorshahan oo uu maalgelinayo Midowga Yurub ayaa dawladda hoose ee Berbera u sahli doona qorshe-hawleed ka turjumaya sida ugu macquulsan uguna faa’iido badan ee horumarinta iyo balaarinta magaalada.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Gargaarka Bani’aadannimada | UNFPA ayaa Jubaland ka taabagelisay adeegyo badbaadin

25-kii Luulyo 2022, Hay’ada UNFPA ayaa qeyb ka noqotey booqasho Kooxda Maamulayaasha Gargaarka Deg-dega ay ku tageen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Maamul Gobleedka Koofureed ee Jubaland, si ay u soo qiimeyso guud ahaan baahiyaha bani’aadannimo ee ay qabaan dadka halkaas ku barakacey, baahiyahaas oo ay ka mid yihiin duruufaha ay wajahayaan haweenka iyo gabdhaha iyadoo si gaar ah loo eegayo inay helaan adeegyada ay ka mid yihiin caafimaadka taranka, difaaca iyo wax ka qabashada tacadiyada ku salaysan jinsiga. 

Isbitaalka Guud ee Baardheere ayey sidoo kale soo booqdeen si ay ugu kuur-galaan tayada adeegga caafimaad ee uu isbitaalka bixiyo iyo adeegyada uu ka gaabiyay. Isbitaalka oo ay UNFPA kaalmo farsamo iyo mid dhaqaale ku bixiso, ayaa ah midka loogu tago howlaha la tacaalidda ee xadgudubka jinsiga la xiriira iyo adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah sida dhalmada caadiga ah iyo midka qalliinka. UNFPA ayaa bahwadaag fulisa kala shaqaysa si loo xaqiijiyo helitaanka iyo gaarista rugaha caafimaad ee wareega, xarumaha lagula tacaalo tacadiyada ku saleysan jinsiga, iyo gaarista dadka nugul ee ku nool deegaanka.

Wakiilka UNFPA ee u xilsaaran howsha ayaa sidoo kale la kulmay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, guddiyada abaaraha, ururrada haweenka, iyo jilayaasha samafalka.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)