Hargeysa oo lagu qabtay kulan heer sare ah oo looga hadlayay dib u habeynta booliska

26 Mar 2018

Hargeysa oo lagu qabtay kulan heer sare ah oo looga hadlayay dib u habeynta booliska

Hargeysa - Kulan booliis ah oo heer sare ah ayaa shalay lagu qabtay caasimadda ‘Somaliland' waxaana uu kulanka ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa Ciidanka Booliska ‘Somaliland'.

Kulanka waxaa looga wada hadlay hirgelinta dib u habeynta ee lagu xoojinayo Xeerka Booliska ee uu dhowaan ansixiyey Madaxweynaha ‘Somaliland' Muuse Biixi Cabdi. Ka qaybgalayaasha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Caddaaladda, Ku Xigeenka Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta, Taliyeyaasha booliska ‘Somaliland', madaxda sare ee dowladda, wakiillada Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka, iyo sidoo kale xubnaha ururrada bulshada rayidka ah. 

Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay ee goobjoog ka ahaa kulanka waxaa uu ahaa Staffan Tillander, oo ah Agaasimaha Kooxda Hay'adaha Ku dhaqanka Sharciga iyo Amniga ee Howlgalka Kaalmeynnta QM ee Soomaaliya (UNSOM). “Waan soo dhaweynayaa dadaalka ay sameeyeen Madaxweynr Muuse Biixi, Baarlamanka ‘Somaliland' iyo Wasiirka Gudaha ee ku aaddan meelmarinta Xeerka Cusub ee Booliska,” ayuu yiri Mudane Tillander.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dib u habeynta looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo isla markana lagu sii xoojiyo amniga ‘Somaliland' ay sidoo kale sare u qaadi doonto ku dhaqanka sharciga ee gobolka. Waxaa uu madaxda dowladda ugu baaqay in ay hormuud ka noqdaan howlaha dib u habeynta

“Jiritaanka nidaam caddaalad ah oo shaqeynaya iyo waaxyada booliska, caddaaladda iyo asluubta oo shaqeynaya waxaa ay aad muhiim yihiin xaqiijinta ku dhaqanka sharciga iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin in la xaqiijiyo xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda,” ayuu yiri Mudane TIllander, asaga oo intaasi raaciyay in loo baahan yahay in geeddi-socodka dib u habeynta uu xaqiijiyo in la dhaqangaliyo xeerarka iyo siyaasadaha kale oo khuseeya, oo ay ka mid yihiin xeerka mamnuucayo kufsiga iyo xadgudubka ku saleysan jinsiga ee loo goysto haweenka.

Taliyaha Booliska UNSOM Lucien Vermeir ahaa xaqiijiyay taageerrada QM ku aaddan dib u habeynta, taas oo ujeekeedu tahay in lagu caawiyo ciidanka booliska in ay ku guuleystaan waxyaabaha mudnaanta koowaad u ah si ay horumar u sameeyaan.” Waan maqlay codsigiinna, waxaad heli doontaan taageeradeyda, booliska UNSOM-na xaadir ayay ahaan doonaan si loo suurtageliyo oo la idinku caawiyo,” ayuu yiri Mudane Vermeir.

Dhankiisa, Ku Xigeenka Taliyaha Booliska ‘Somaliland’ oo u ku hadlayay afka Taliyaha Booliska Jeneraal Cabdillaahi Fadal, ayaa shaaciyay horumarka dhowaan laga sameeyay dhinaca amniga, oo ay ka mid yihiin ansixinta Xeerka Booliska, diyaarinta hab-dhismeedka ciidanka booliska iyo nidaamka darajo siinta, sare u qaadista karti dhiska saraakiisha booliska, iyo amniga gobolka oo la sii wanaajiyay. “Waxaan uga mahadcelinaya bah-wadaagta horumarineed iyo hay’adaha caalamiga ah taageerrada ay u siiyeen Booliska ‘Somaliland’.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ‘Somaliland’ Maxamed Kaahin Axmed ayaa furay kulanka socday muddo maalin ah, asaga oo ballanqaaday in ciidamada booliska ay si weyn uga qaybqaadan doonaan dadaallada looga hortagayo argagixisada. Inta uu socday shirka, ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda waxaa ay muujiyeen sidii ay uga go’an tahay in ay yareeyaan xadgidubyada xuquuqda aadanaha, iyo in ay sare u qaadaan wada-shaqeynta bulshada iyo booliska meesha lagu gaaro 2021.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen UNSOM iyo Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta, waxaa uu dhacay labo bilood kaddib kulan la mid ah oo looga gol lahaa in lagu qorsheeyo waxyaabaha mudnaanta u ah horumarinta waaxyada caddaaladda iyo asluubta ee ‘Somaliland’.