‘Kordhinta wacyiga ku saabsan walxaha qarxa waxaa ay badabaadin kartaa nolosha dad badan,’ ayay tiri Hayádda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino saarista

4 Apr 2018

‘Kordhinta wacyiga ku saabsan walxaha qarxa waxaa ay badabaadin kartaa nolosha dad badan,’ ayay tiri Hayádda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino saarista

Baidoa – Mukhtaar Cabdi oo maalin maalmaha ka mid ah asaga oo arigooda ku raacaya magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa asaga oo sagaal jir ah waxaa ay indhihiisa ku dhaceen walax wareeeg ah oo bir ka samaysan oo dhalaalaysa. “Waxaa ay ila muuqatay mid qurux badan. Waxaan ka soo saaray geed qodax leh hoostiisa waxaana bilaabay in aan ku ciyaaro. Nasiib darro markii aan ku dhuftay geedkii, waa ay qaraxday,” ayuu yiri.

Mudane Cabdi waa uu badbaaday, laakiin dhaawacyo daran ayaa xabadka ka soo gaaray gacanta midigna waa ay jabtay. Cisbitaal shaqaynaya kama jirin Baydhabo horaantii 1990-meeyadii, wuxuuna daaweyn ka heli jiray kaliya farmashi maxalli ah. “Waxaan aaminsanahay in ay wakhtigaas aad suurtagal u ahayd in la kabo gacantayd, laakiin maadaama aysan jirin daaweyn habboon iyo shaqaale caafimaad, gacantayda waa la gooyay,” ayuu yiri.

Maadaama sanado badan ay dagaalo hub la isu adeegsaday ka jireen Soomaaliya, waxaa uu dalku ka dhaxlay walxo qarxa oo aad halis u ah, oo ay ka mid yihiin miinooyinka iyo haraaga hubka qarxa, kuwaas oo sida laga soo xigtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maaraynta Miinooyinka (UNMAS), saameeyn ku yeesha bulshooyinka la gacan bidaxeeyay ee ku nool goobaha ay colaadda saameeyeen iyo deegaanada xudduudka saran. Dhibaatada ay walxaha qarxa ku hayaan dalka waa mid taagaan oo halis ah.

Ku dhawaad 3,000 oo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay dhacdooyinka ay walxaha qarxa ka gaysteen Soomaaliya saddexdii sano ee la soo dhaafay. Saddexdaasi sano 2017-ka ayaa ahaa sannadkii ugu dhibaato badnaa, gaar ahaana sababo la xiriira qaraxii 14-kii Oktoobar ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300 oo qof. Tirada carruurta ayaa waxaa ay ahayd afar meelood saddex meel dadka ay wax ka soo gaareen walxaha qarxa sanadkii la soo dhaafay.

Khatarta walxaha qarxa ayaa ah dhibato ay la nool yihiin Soomaali badan, kuwaasi oo horseeday burburka nolosha iyo hab-nololeedka, saameyn xoogganna ku reebay badqabka jireed iyo mid maskaxeed ee tiro badan oo dad ah ee ku nool dalka.

Xilli ay dunida u diyaar garoobayso in ay xusto Maalinta Wacyiga Miinada ee Adduunka oo ku began 4-ta bisha Abriil, ayay UNMAS waxaa ay shaacineysaa sida howlaha maaraynta miinada ay si hufan u badbaadin karaan dadka, iyaga oo yareynaya halista qaraxyada oo ay wajahaan bulshooyinka, iyo sidoo kale dadka nugul sida dadka gudaha ku barakacay iyo dadka qaxootiga ah.

Abshir Mahdi Isaaq waa khabiir u shaqeeya Hay’adda UNMAS kaasoo ku takhasusay walxaha aan weli qarxin kaas oo wacyigelin ku aaddan halista walxaha qarxa siiya dadka Baydhabo ku nool isla markana fuliya howlaha miino saarista si uu u badbaadiyo bulshada. “Bishii la soo dhaaftay, nin beeraley ah ee ku nool Baydhabo ayaa wuxuu ballaarinayay beertiisa. Isagoo isku dayayay in uu dumiyo deer duug ah, ayaa waxaa uu arkay haraaga walax qarxa ee u muuqata mid halis ah. Waxaa uu ku soo war geliyay xafiiskeena, waxaana aadnay beerta waana soo saarnay. Hadda shaqadiisa ayuu sii wadani karaa,” ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay xogta Hay’adda UNMAS, sannadkii 2017-ka kaliya in ka badan 70 bulsho oo ku nool Soomaaliya ayaa ka faa’idaystay howlo lagu nadiifinaayay haraaga walxaha qarxa ee laga sameeyay in ka badan 450 goobood. Shaqo taas la mid ah ayaa laga fulinayaa hadda in ka badan 40 degmo ee guud ahaan dalka si bulshooyinka looga badbaadiyo walxaha qarxa.

Cabdinuur Macalim Abshir oo ah nijaar iyo qof dhisa guryaha, waxaa uu ku nool yahay mid ka mid ah deegaannada ka faa’idaystay howlaha ay hay’adda UNMAS ka waddo Baydhabo iyo nawaaxigeeda. “Dhibaato weyn ayaa na haysatay ka hor inta ay miino saarista billaaban. Waxaan arki jirnay dad badan iyo xayaawaano badan oo u dhimanaya haraaga hubka qarxa. Xita ma aanan dhisan karin guryo cusub waayo markii aan bilowno in aan dhagax dhigno dhismaha, waxaan la kulmi jirnay miinooyin dhulka lagu aasay waqti hore, tanina waxaa ay carqaladaynaysay in dhismaha aan sii wadno,” ayuu yiri.

Dadka  uu khasaaro ka soo gaaro Haraaga Waxyaabaha Qarxa waa ay yaraadeen, ayuu yiri Mudane Abshir, haddana waxaa uu qaadan karaa qalabka dhismaha ee uu u baahan yahay si uu howshiisha u guto asaga oo aan si joogta ah ka walwaleyn walxaha qarxa. “Haddii ay dhacdo in aan ka shakinno in la heli karo haraaga walxaha qarxa, waxaan si fudud u wargelin karnaa Xafiiska hay’adda UNMAS ee ku yaalla Baydhabo,” ayuu yiri.

Marka la eego habka hay’adda UNMAS ay u adeegsato ka hortagga colaadda – kaas oo qayb ka ah dowrkeeda muhiimka ah ee horumarinta si loo helo nabad waarta – markii la nadiifiyo dhulka ay ku jiraan walxaha qarxa, bulshooyinka waxaa awood loo siinayaa in ay soo kabaan oo ay dib u dhistaan magaaloyinkooda iyo dhaqaalahooda.

Mudane Isaaq oo ah farsame yaqaanka hay’adda UNMAS, ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay faa’iidooyinka ay leedahay in la ogaado khatarta la xiriirta miinooyinka dhulka lagu aaso iyo walxaha kale ee qarxa, iyo tallaabada la qaadi karo si loo yareeyo khatarta. “Kordhinta wacyiga ku saabsan khatarta haraaga walxaha qarxa waxaa ay abuurtaa fursad ah in la badbaadiyo nolol badan. Ma jiro wax ka qiimo badan aqoonta. Wacyigelinta waa xalka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo arrintani,” ayuu ku soo geba gabeeyay.