Haween ku guulaystay afar ka mid ah lix kuraasta Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed

Mid ka mid ah ergada oo codkeeda ridanaysa intii lagu gudajiray hanaanka doorashada xubnaha aqalka hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Baydhabo, Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir

24 Nov 2016

Haween ku guulaystay afar ka mid ah lix kuraasta Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed

Afar haween ayaa loo doortay Golaha Shacabka doorasho maanta ka dhacday magaalo madaxda Koonfur Galbeed.

Natiijooyinka maanta ayaa ka dhigaysa sagaal tirada haweenka loo doortay Aqalka Hoose ee ka soo galay Koonfur galbeed, kuwaas oo ka mid ah wadarta 49-ka kursi ee ilaa hadda la buuxiyey.

Tirin aan rasmi ahayn ayaa caddaynaysa in 151 ka mid ah 275-ta kuraas ee Golaha Shacabka la buuxiyey waddanka oo idil, 28 haween ayaana ka mid ah xubnaha loo doortay baarlamaanka.

Mid ka mid ah haweenka loo doortay xildhibaannimada oo ku cusub masraxa siyaasadda waa Safiya Xasan Nuur, 27 jir, kana soo jeedda qabiilka Jiido. Waxay heshay 46 cod kursi loo qoondeeyay kaliya haween musharraxiin ah.

“Waxaan rajeynayaa in aan u adeegsado mansabkayga sidii aan gacan uga gaysan lahaa horumarinta bulshadayda,” ayay tiri Marwo Safiya wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay guusheeda.

Haweeney kale oo noqotay xildhibaan, oo lagu magacaabo Aamina Sheekh Cusmaan, ayaa ka guulaysatay labo nin iyo haweeney kale oo la tartamaysay iyadoo heshay 39 cod oo ka mid ah 51 cod. Musharraxii ugu dhowaa ee la tartamayay ayada, Mustaf Axmed Liidow, wuxuu helay sagaal cod oo kaliya.

Aamina oo wajigeeda ay farxad ka muuqatay ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo qabiilkeeda Biyamaal Daadow ay u codeeyeen in ay qof dumar ah u diraan baarlamaanka.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ugu hambalyeeyo qabiilkayga go’aanka uu maanta gaaray,” ayay tiri Aamina. “Waxaan sidoo kale mahadnaq ballaaran u dirayaa beesha caalamaka, dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, oo dadaal badan ku bixiyey sidii loo xaqiijin lahaa in la gaaro qoondada 30 boqolkiiba ee loogu talagalay haweenka.”

Haweenka kale ee guulaystay waxaa ka mid ah Aamina Xasan Cali, oo ka guulaysatay musharrax lab ah iyadoo heshay 49 cod, iyo Nadiifo Aadan Isaaq, oo heshay 48 cod kursi ay si gaar ah ugu loollamayeen haween musharraxiin ahaa.

Salaad Cali Catoosh oo ka mid ah Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) ayaa ku tilmaamay doorashada ka dhacday Baydhabo ee hal maalin gudaheed lagu doortay afar haweeen ah horumar muhiim oo laga gaaray doorashooyinka ka socda Soomaaliya.

“Warka farxadda leh wuxuu ku saabsan yahay afarta haween ee maanta la doortay. Waxay arrintani na siisay awood hor leh oo aan ku xaqijinayno in la helo qoondada haweenka loo asteeyey,” ayuu yiri Mudane Catoosh.

Wuxuu ku ammaanay saraakiisha doorashooyinka ee ka hawlgalaya Koonfur Galbeed saacadaha dheer ee ay shaqeynayaan si ay u diyaariyaan doorashooyinka kuraasta tirada badan ee lagu loollamayo. Maadaama Koonfur Galbeed ay Aqalka Hoose ku leedahay qoondada ugu badan dalka oo dhan ee 69-ka kursi, boqollaal ergo ayaa ka soo kala safray meelo fog fog oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose si ay uga qeybgalaan codaynta ka socota Baydhabo.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban u qaabilsan Koonfur Galbeed ayaa ku rajo wayn in ay muddo toddobaad ah ku soo gabagabeeyaan doorashooyinka 20-ka kursi ee harsan.