Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa Doortay Todobo Xildhibaan

Sarkaalka Doorashooyinka oo tiimbareynaya waraaqda codbixinta intii lagu gudajiray doorashada xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Wakiilada Daweynaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cadaado, Soomaaliya, 28-ka Nofembar 2016. QM Sawir.

29 Nov 2016

Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa Doortay Todobo Xildhibaan

Todobo Murashax oo kale ayaa lagu doortay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug labadii maalin ee la soo dhaafay, doorashoyinka Aqalka hoose ee ka socda maamuladaas.

Labo ka mid shan murashax oo lagu doortay Cadaado maalmihii Isniinta iyo talaadadii lasoo dhaafay ayaa ahaa haween waxayna kala yihiin: Maryan Maxamed  Xuseen iyo Maryan Xaaji Cabdi, labadan haween ayaa ku cusub baarlamanka. Talaadadii waxa kaloo la doortay Zakariye Xassan Cali, Ubax Tahliil Warsame iyo Axamed Macalin Fiqi madaxii hore ee Hey,ada Nabad Sugida Qaranka.

Labadan haween ayaa ku tartamay kuraas loo qoondeeyay haweenka, iyagoo ku guuleystay codad aqlabiyad ah.

“Farxad bey ii tahay inaan ku guuleysto kursigan. Waxan balan qaadayaa inaan dadkeyga u shaqeyn doono. Dadkeyga waxaan gaarsin doona adeegyada ay u baahanyihiin. Waa ku mahadsantihiin inaa fursad ii siiseen inaan idin adeego” Maryan Cabdi ayaa tiri guusheedii kadib.

Xildhiban Xuseen ayaa balan qaaday inuu noqon doono xildhibaan qaran. “ waan u mahadcelinayaa dhamaan dadkii ii codeeyay iyo waliba kuwa aanan ii codeyn, waxaan ahay xildhibaankina”. Ayuu yiri Xuseen.

Magaalada Jowhar, Aamina Maxamed Cabdi iyo Xuseen Cabdi Cilmi ayaa kasoo baxay doorashadii isniintii la qabtay. Aamina oo ka mid aheyd xildhibanadii hore ayaa ka adkaatay saddex murashax oo mid ka mid ah haween aheyd. Xildh. Aamina ayaa ka mid noqoneysa lix haween ah oo lagu doortay maamulka Hirshabelle ilaa hadda.

Aamina ayaa aad ugu faraxday guusheeda waxayna u mahadcelisay ergadii dooratay una ogalaaday iney matasho.

“Daqiiqado ka hor waxan dareemayay cabsi iyo farxad. Waxan ka cabsanayay inaan waayo kursiga, sidoo kale waxaan rajeynayay inaan guuleysanayo. Aadbaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleystay kursigan. Kursigan ma aheyn mid haween kaliya loo qoondeeyay rag iyo dumar buu ka dhaxeeyay. Waxan kaloo ku faraxsanahay in beesheyda ii doorteen inaan u adeego” ayay tiri

Gormeerayasha urur weynaha qaran ee haweenka ayaa ugu hambalyeeyay maamulka Hirshabelle doorashada lix xildhaban oo haween ah, iyagoo xusay in go,aankaas kor u qaadayo ka qeyb qaadashada haweenka arimaha siyaasada.

“Gabadhan waxay ka mid aheyd xildhibanadii hore. Waa calaamad muujineysa rajo iyo mustaqbal wanaagsan. Maamulka Hirshabelle waxa laga rabaa inuu 11 kursi siiyo haweenka, hadda waxan heynaa lix kursi waxan rajeyneyna shanta dhiman in la dooran dooro maalmaha soo socdo” Sidaa waxa yiri Batuulo Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Soomaliyeed.

Magaalada Cadaado , Xildhiban Fiqi oo sanad ka hor u tartamay madaxtinimada Galmudug ayaa balan qaaday inuu adeegi doono bulshadiisa kana shaqeyn doono midnimada iyo xasiloonida dalka.

“Tani waa bilowga shaqo adag oo na hortaala, maanta ayayna  bilaabatay. Waa bilowga inaan bulshadeena u sameyno wax anfacaya iyo guud ahaan dalka. Waxa nagala sugayaa shaqo badan waana ku faraxsanahay inaa kalsoonidiina I siiseen in aan u guto shaqadaas adag,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Ergooyinkii ka qeyb qaadanayay doorashada aya ku tilmaamay iney aheyd doorasho xalaal ah waxayna ku booriyeen Soomalida iney taageraan hab-raaca doorashada.

“Wixii aan maanta qabanay waxa ay sii kordhineysaa dadaalkii aan ugu jirnay ka mira dhalinta howshan, waa talaabo hormarineed waana ku faraxsanahay in Galmudug ay meel wacan marineyso doorashoyinka,” Sidaa waxa yiri Shariif Xallane oo ka tirsan ergadii wax dooraneysay.

Maamulka Galmudug ayaa ku kalsoon xubnaha ergooyinka iney kusoo dhameeyan kuraasta hartay inta uusan dhamaan isbuucan. Labada xildhibaan ee isniintii la doortay ayaa wadarta guud ee Gulmudug lagu doortay ka dhigeysa 28 mudane, iyadoo sided kursi kaliya ay hartay. Galmudug ayaa ilaa hadda dooratay six haween ah doorashada aqalka hoose.

Dhanka kale Maamulka Hirshabelle ayaa saddex meelood labo meel soo dhameystiray tirade guud ee kuraasta beelaha dega maamulkaas. Ilaa iyo hadda 26 xildhibaan ayaa la doortay, 37 kursi oo aheyd tirade laga rabay Hirshabelle, waxa kaliya oo haray 11 kursi oo maalmaha soo socda lagu tartami doono.