Haweenka Soomaaliya waxay la nool yihiin xanuunka barakaca iyo dhaawaca maskaxeed ee ka soo gaara tacaddiyada jinsi ee colaadaha la xiriira

19 Jun 2022

Haweenka Soomaaliya waxay la nool yihiin xanuunka barakaca iyo dhaawaca maskaxeed ee ka soo gaara tacaddiyada jinsi ee colaadaha la xiriira

Muqdisho – Argagaxii iyo anfariirkii waxii maalintaas dhacay ayaa weli Maryan Cusmaan Cali ka hor muuqda*.

Maryan iyo ciyaalkeeda ayaa ku nool xerada barakacayaasha ee Tufaax ee ku yaal degmada Kaxda oo ka tirsan 18-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

Amin aroor ah bishii Janaayo, ayay hooyadaan 28 jirka ah oo haysata 6 carruur ah dibada uga baxday xerada iyadoo raadinaysa xaabo ay qoyskeeda cunto ugu karsato. Iyadoo xaabo qalalan ka soo aruurineysa keyntii xilli ay cadceedu kulushahay ayaa waxaa Maryan soo dul istaagay labo nin oo hubeysan.

Mid kamid ah raggii hubeysnaa ayaa qoriga baadkiisa kaga dhuftey madaxa taas oo sababtay inay Maryan dhabar-dhabar dhulka ugu dhacdo. Iyagoo hubkooda kusoo foorarinaayo ayay dableyda kaga digeen inay isku daydo inay baxsato. Maryan ayaa aad iyo aad u cabsatey iyadoo awoodi weysay inay qeyladhaansato.

Mid ka mid ah dableydii ayaa qorigiisii ​​tuuray, dhulka ayuu igu dhejiyay, dharkiina wuu iga jeexjeexay. Wuu isoo dul fuuley isaga oo uu saaxiibkiis ag taagnaa, oo uu waardiye ka ahaa. Aniga waan quustey oo rajo beel ayaa igu dhacay,” ayay Maryan ku barooratay inti ay xaaladeeda ka sheekaynaysay.

Kadib markii ay kufsadeen, raggii dableyda ahaa ayaa goobta ka baxsadey iyagoona dhankaa iyo keynta u cararay, halka Maryan oo dhaawac ah si dhib leh ugu laabatey gurigeedii cooshka ka sameysnaa ee kaamka ku yiil, iyadoo ay ku adagtahay inay xaabadii qaado.

Habeenkaas carruurteyda casho la’aan ayay seexdeen,” ayay cod aad u hooseeya ku tiri. “Maalinta iigu xumayd nolosheyda ayay ahayd.”

Ka baxsashada Abaarta

Inta aysan usoo barakicin kaamka Tufaax ee magaalada Muqdisho, Maryan iyo qoyskeeda waxay ku noolaayeen deegaanka Mareerrey ee Degmada Afgooye oo 30 km u jirta Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, abaartu waxay baabi’isey dalaggii galleyda ee reerka u taagnaa, waxayna laysay xoolihii. Si kasta oo ay u badbaadi karaan, qoyskeeda waxay yimaadeen kaamka iyagoo rajeynaya inay bilaabaan nolol cusub.. 

Soomaaliya waxaa ka jira abaaro ay sababeen isbeddelka cimilada kadib afar xilli roobaad oo xiriir ah oo baaqday. Marka loo eego qiimeynta hordhaca ah oo ay sameeyeen hay'adaha Qaramada Midoobay, ugu yaraan 7.1 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya – oo u dhiganta ku dhawaad ​​kala bar dadka Soomaaliyeed - ayaa hadda wajahaya xaalad sugnaan cunto la’aan ah heer dhibaato ah.

Iyadoo sanadkan dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee la Xiriira Colaadaha m, ayaa waxaa Soomaaliya ka jira barakac ka dhashay isbeddalka cimilada iyo colaadaha, taasi oo keentay in ay aad u nuglaadaan haweenka iyo gabdhaha sida Maryan oo kale. 

Sida ay Maryan sheegtay, haween badan oo ku nool xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho ayaa ku dhiirrada raadinta nolol-maalmeedka si ay u quudiyaan qoysaskooda. Sidaas darteed, waxay helayaan shaqooyinka dhar dhaqida ama nadaafadda guryaha, iyo kuwo kale. Khatarta ay la kulmaan ee kufsiga iyo noocyada kale ee tacaddiyada galmada ayaa ka yimaada amniga Allow-sahalka ah  ee xeryaha barakacayaasha, xeerarka sharciga oo daciif ah, iyo helitaanka xadidan ee garsoorka rasmiga ah.

"Ma joogi karno guriga marka ay carruuteena u baahan yihiin wax ay cunaan. Hadana markaan u baxno shaqo raadis, waa nala kufsadaa, mararka qaarkoodna waa nala dilaa," ayay tiri.

Xaaladda ka Jirta Soomaaliya

Sannadkii hore, warbixintiisa ku aaddan tacaddiyada jinsiga ee xilliyada colaadaha ee Soomaaliya, ayuu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku xusay in Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ay xaqiijisay kiisas la xiriira xadgudubyada jinsiga ee ka dhanka ah 400 oo gabdhood, 12 haween ah iyo 7 wiil. . Dadka dilka geystay ayaa u badnaa maleeshiyo beeleed iyo rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sanad ka hor, Xamdi Cabdi Cilmi* oo 50 jir ah waxay bas ka soo raacday magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya xilli ay ku socotay magaalada Muqdisho. Baska waxaa saarnaa 20 rakaab ah oo 14 ka mid ah ay ahaayeen dumar, waxaana ku jirtay gabar 15 jir ah.   

Safarka ayaa isku bedelay mid cabsi badan kadib markii rag hubeysan ay baska dhexda u galeen wax yar ka hor inta aysan gaarin magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, waxaana ay dhibaateeyeen dhammaan 14-kii haween ee rakaabka ahaa. Maama Xamdi waligeed dhibteeda lama wadaagin xubnaha qoyskeeda.

Dhibkaas wuxuu ku reebay nabarro. Waxayna aad uga xumaataa inay aragto rag ku labisan dareeska ciidanka, sababtoo ah waxay xasuusineysaa dembiilayaasha. “Nolosheyda way burburtay. Waxaan ka baqaa in aan mar kale u safro Beledweyne oo aan waddadaas maro," ayay tiri Maama Xamdi, oo ah hooyo leh toddoba carruur iyo ayeeyana u ah afar kale.

Haweenka Soomaaliyeed ee  ka badbaada tacaddiyada jinsiga ayaa la nool dhaawacyo-maskaxeed, iyada oo ay aad u adagtahay helitaanka taageero nafsi-bulsho ah oo xirfadeysan, halka dembiilayaasha ay inta badan xoriyadooda ku naaloonayaan.

Dembiilayaal badan ayaa xor u ah sababo la xiriira qabiillo xooggan iyo nidaamka xeer dhaqameedka ee soo jireenka ah, kaasoo u ogolaanaya inay bixiyaan lacago ganaax oo aad u yar,” ayay tiri Istahil Cabdikariim Dhaqane, madaxa mashruuca u qaabilsan xadgudubyada galmada iyo jinsiga ee Ururka Daryeelka Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed (SWCCA). "Dowladda iyo bulshada waa inay tallaabo adag qaadaan si ay ugu suurtagasho badbaadayaasha inay helaan cadaalad."

Taageero siinta

SWCCA waxay u dhibanayaasha u fidisaa taageero nafsaani-bulsho, oo ay ku jirto la-talinta kuwa ka badbaaday xadgudubka kufsiga iyo gargaarka caafimaadka si looga daweeyo cudurrada galmada lagu kala qaado.

Tan iyo bishii Juunyo 2021-kii, Ururku waxa uu diiwaangeliyay 540 kiis oo Tacaddiyada la Xiriira Jinsiga (GBV), 70 ka mid ah waa kiisas kufsi ah oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Jowhar. Inta badan kiisaska waxay ka dhaceen xeryaha barakacayaasha.

Istaahil ayaa sheegtay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto sidii loo xakameyn lahaa xadgudubyada jinsiga ee ka dhaca Soomaaliya. Waxay kaloo ay sheegtay in loo baahan yahay in wax badan la horumariyo si loo ilaaliyo daryeelayaasha iyada oo kale ah, kuwaas oo hela hanjabaado ka dhan ah noloshooda si ay u taageeraan kuwa badbaaday. "Waxaa naloo bartilmaameedsadaa shaqadeena awgeed," ayay tiri.

Waxay kaloo xustay in, ceebta la xiriirta awgeed, dad badan oo ka badbaaday xadgudubka jinsiga iyo qoysaskooda si dhif ah ayay u hadlaan ama u raadsadaan taageero caafimaad iyo mid maskaxeed.

Bishii Janaayo ee sanadkan, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay qaadatay qorshe hawleed qaran oo wax looga qabanayo xadgudubyada jinsiga ee xilliyada colaadaha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dib u dhac ku yimid ansixinta sharciyada taageeraya qorshahaas, sida sharciga xadgudubyada galmada ee 2018. Marka la ansixiyo, sharciga xadgudubyada galmadu waxa uu dembi ka dhigi doonaa dembiyada galmada taas oo wax ka qaban doonta tacadiyada galmada la xiriira.

Ilaa xeerkan laga meelmarinaayo waxa ay hooyooyin Maryan iyo Xamdi oo kale ah ku sii jiri dooona cabsi.

Maalinta caalamiga ah ee QM ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee xilliyada Colaadaha

Sannadkii 2015, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa 19-ka Juunyo ee sannad kasta u asteeysay maalinta caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee xilliyada Colaadaha. Xuska ayaa ujeedadiisu tahay in kor loo qaado wacyiga baahida loo qabo joojinta tacaddiyada jinsiga ee la xiriira colaadaha, in la xurmeeyo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday joojinta tacaddiyada jinsiga ee adduunka iyo in la bogaadiyo dhammaan kuwa sida geesinimada leh naftooda ugu huray naftoodana ku waayay in loo istaago ciribtirka dambiyadaan.

Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ahaa “Ka hortagga Difaac ahaan: Horumarinta qaabdhismeedka iyo howgalka ka hortagga Tacadiyada Jinsiga ee Colaadaha la xiriira.”

 

*Ma aha magaceeda saxda ah.