Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Galmada ee Xilliga Colaadaha, QM waxa ay ku baaqaysaa in la xaqiijiyo ilaalinta dhibbanayaasha Soomaaliyeed ee ka badbaaday

19 Jun 2022

Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Galmada ee Xilliga Colaadaha, QM waxa ay ku baaqaysaa in la xaqiijiyo ilaalinta dhibbanayaasha Soomaaliyeed ee ka badbaaday

Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha, QM ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqday in la xoojiyo hababka sharci iyo kuwa bulsho ee lagu ilaaliyo dadka ka badbaaday rabshadahaas oo kale, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

"Xuquuqda aadanaha ee dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo, si ay tani u dhacdana waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hanaanka ilaalinta sharcidejin iyo midka bulsho ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loogu talagalay haweenka iyo carruurta," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaan sidoo kale ku boorinayaa hay’adaha iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay xaqiijiyaan in agabka lagu taageerayo dadka ka badbaaday rabshadaha galmada ee la xiriira colaadaha ay ku jiraan fursado dhaqaale. Iyadoo loo marayo awoodsiin dhaqaale ayaa ka badbaadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay naftooda iyo qoysaskooda wax ku taraan, oo ay ciribtiraan ceebaha la xiriira in loo geystay rabshadahaas oo kale," ayaa yiri Md. Swan.

Si taas loo gaaro, dadaallada QM ee Soomaaliya ee dhinaca xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxaa ka mid ah in la furo xarumo gaar ah oo taageero buuxda siiya haweenka horey loola xiriirin jiray Al-Shabaab, halkaasoo ka dib marka la siiyo la-talin billow ah iyo taageero nafsi-bulsheed, haweenku ay qaadanayaan muddo tababar xirfadeed oo farsamo gacanta ah iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado fursadaha ay ku heli karaan isku filnaansho dhaqaale iyaga iyo qoysaskooda.

Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2015kii  ku dhawaaqay maalinta 19-ka June ee sanad kasta inay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Xilliga Colaadaha. Xuskaas ayaa ujeedadiisu tahay in kor loo qaado wacyiga ku aaddan baahida loo qabo joojinta xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadaha, in la sharfo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee ku nool adduunka dacalladiisa iyo in ammaan loo jeediyo dhammaan kuwa sida geesinimada leh naftooda ugu huray naftoodana ku waayay u istaagidda ciribtirka dembiyadaas.

Mawduuca Maalinta sanadkan waa 'Ka-hortag oo ah Ilaalin: Sare u qaadidda ka-hortagga qaab dhismeed iyo hawlgal ee rabshadaha galmada la xiriira colaadaha.'