Gaarista baahiyaha xuquuqul insaanka ee Sool iyo Sanaag afar sano kaddib

22 Jun 2022

Gaarista baahiyaha xuquuqul insaanka ee Sool iyo Sanaag afar sano kaddib

 Ceerigaabo, 22 Juun 2022 – Waxay ku taallaa bariga fog ee gobolka Sanaag, magaalada yar ee Ceerigaabo waxay qiyaastii 560 kiilomitir u jirtaa magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland.

 In baabuur Hargaysa lagaga tago Ceerigaabo waxay u baahan tahay safar dheer oo badiyaa dhib badan. Waxay qaadataa 12 saacadood oo baabuur ah; Safarka magaaladan oo ay ku nool yihiin 221,000 oo qof kaasoo inta badan loo qaybiyo laba maalmood.

 Waana meesha ay koox saraakiil Qaramada Midoobey ah oo ka kala yimid meelo kala duwan oo khubaro ah ihi ay dhowaanahan kula kulmayeen saaxiibo kala duwan oo Somaliland ah - booqashadii ugu horreeysey ee noocan ah kaddib muddo dhowr sanadood ah oo ay hakad ku jireen sababo la xiriira masiibada COVID-19.

"Ujeedka safarku waa in aan la xiriirno saaxiibadeenna - bulshada maxalliga ah, bulshada rayidka ah iyo kuwa gayfanayaasha ah ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha. Inaan dib ula xiriirno waxan ula jeedaa inaan la macaamilno dadkaasi si aan u ogaanno caqabadaha ugu waawayn ee haysta iyo fursadaha ay haystaan ​​iyo sida aan u wada shaqayn karno xitaa si ka sii wanaagsan sidii aanu horay ugu wada shaqayn jirney," ayay tiri Sia Mawalla, oo ah sarkaalad xuquuqda aadanaha ah oo fadhigeedu yahay Hargeysa, sidoo kalena hoggaaminaysa kooxda Qaramada Midoobey ee meesha booqanaysa.

Dhinaca xuquuqul insaanka, qaar ka mid ah waxyaabaha ay Marwo Sia maqlayso waxay si wayn noo xasuusinaysaa caqabadaha ay dad badani la kulmaan.

“Dadka naafada ah ee ku nool halkani ma haystaan ​​taageero xagga waxbarashada, shaqada iyo agabyada loo kaashado in la dhaqdhaqaaqo marka ay wataan howl-maalmeedkooda; tusaale ahaan, biraha, kuraasta curyaanka, iyo waxyaabo kale. Waxyaabahani waxay runtii ka caawin lahaayeen inay dugsiyada galaan oo ay wax bartaan," Siciid Cabdi Abokor, oo ah wakiilka dadka naafada ah ee gobolka Sanaag, ayaa sidaa u sheegay Marwo Sia iyo asxaabteeda.

"Waxaan haynaa kiisas haween naafo ah oo la dhibaateeyey (la kufsaday), kuwaas oo ay la socdaan qaar kale oo si xun looga faa'iidaystay, sababo ay ugu wacan tahay nuglaantooda," ayuu raaciyey Md. Siciid oo hadalkiisa sii wata. "Kani waa noocyada xadgudubyada haweenka naafada ah loo gaysto. Marka aan isku dayno in aan cadaalad u helno dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaadey, waxaa dadaalkeenna wiiqaya hababka kale ee xallinta khilaafaadka ee bulshada dhexdeeda, taas oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha ee labada dhinac ee dhexdhexaadinaya muranka iyada oo kiisaska qaarkood ay ku dhamaadaan in kii la kufsaday lagu amro in uu guursado kii kufsaday.”

Warbixinno sugan

In kasta oo ay adag tahay in la maqlo sida ay xaaladdu u ba'an tahay, haddana kuwani waa dhab ahaan nooca warbixinnada gacanta koowaad ee ay Marwo Sia raadiso.

“Booqashadan, waxaan si gaar ah u rabaa in aan fikrad ka qaato xaaladda xuquuqal insaan ee gobolka Sanaag iyo weliba gobolka Sool. Maxay yihiin arrimaha xuquuqul insaanka taabanaya? ayay tiri.

"Waxaan si gaar ah u rabnaa inaan la kulanno oo aan la hadalno kooxaha la haybsooco iyo kuwa nugul, oo ay ku jiraan dadka naafada ah, dadka laga tirada badan yahay, dadka gudaha ku barakacay (IDPs) iyo haweenka," ayay sii wadday Marwo Sia." Asal ahaan, meel kasta oo aan ku gaari karno kuwa ugu nugul bulshooyinka maxalliga ah sababtoo ah iyaga ayaa ah kuwa ugu daran ee ay saamaynta ugu badan ku yeeshaan arrimaha tacadiyada xuquuqda aadanaha."

Kooxda ay hogaamineyso Marwo Sia ayaa waxa ay ka kooban tahay khubaro kala duwan oo Qaramada Midoobey ah, oo ay ku jiraan khubaro ka socota garsoorka, siyaasadda iyo arrimaha isku xirka. Kahor inta aysan u safrin Ceerigaabo, kooxdu waxay booqasho ku tageen gobolka Sool ee deriska la ah, oo ku yaal Koonfur-bari ee Somaliland. Marka la eego masaafada dheer ee u dhaxaysa.

Labada gooboodba, waxa ay kooxdu kula kulantay masuuliyiin ka socdey madaxda gobolka oo ay ka mid ahaayeen wakiillo ka socdey komishanka xuquuqal insaanka Somaliland iyo hay’adda barakacayaasha iyo qaxootiga Somaliland ee NDRA iyo sidoo kale wakiillo ka socdey ururrada bulshada rayidka ah oo ka kala socdey ururrada ay ka midka yihiin Candlelight, Ururka Shabakadda Haweenka NAGAAD, Isku xirka Kahortaga Gudniinka Fircooniga ah ee Somaliland (NAFIS), ururka Horumarinta Dhallinyarada Somaliland iyo Mutadawacnimada ee SOYDAVO, Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO iyo Ururka Naafada Danwadaag iyo sidoo kale dhallinyaro iyo dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqal insaanka.

Dadka gudaha ku barakacay

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, gobollada Sool iyo Sanaag waxay marti u noqdeen qoysas iyo shakhsiyaad ka soo barakacay dhammaan Somaliland oo ay ka dhasheen colaado, amni darro iyo abaaro. Sool ayaa ka mid ah gobollada ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee barakacayaasha ah, halka Sanaag ay ka mid tahay goobaha ugu badan marka la eego dadka ku nool.

Marka loo eego qiimaynta NDRA oo la sameeyey Nofeembar 2021, iyada oo la kaashanaysa Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM), baahiyaha mudnaantana la siinayo ee barakacayaasha waxaa ka mid ah cunto, hoy, waxbarasho, adeegyo caafimaad, ilaalinta iyo gaarsiinta biyaha, faya-dhowrka iyo tas-hiilaadka nadaafadda.

Baahiyaha iyo xuquuqda barakacayaasha ayaa si wayn ugu muuqda Ms. Mawalla iyo kooxda QM, gaar ahaan sida ay u heli karaan xuquuqdooda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan.

“Waxaan halkaan ku nool ahay muddo lix sanadood ah. Waxaan ahaan jirney xoolo-dhaqato reer guuraa ah. Dadka soo barakacay ee halkan jooga ayaa ka yimid Sool, Sanaag iyo gobollo kale… dadka halkan ku nool ayaa qaba baahiyo badan sida biyo, cunto iyo hoy. Sidaad arki kartaan, runtii waxaan u baahan nahay gargaar deg deg ah,” ayay tiri Hodan Barre Yuusuf, oo deggan xerada barakacayaasha Karashaal ee degmada Garadag ee Sanaag, iyadoo u warramaysa saraakiisha Qaramada Midoobey ee booqashada ku timid.

Qiimaynta NDRA ay ka samaysay xeryaha barakacayaasha ee Somaliland ayaa lagu ogaadey in ay jiraan ilaa 92,888 qoys oo ka kooban 557,328 qof oo ku nool xeryaha. Kuwaas oo, 59,262 qof - oo u dhiganta 9,8770 qoys - ay ku nool yihiin Sool. Dhanka Sanaag, waxa ku nool 53,190 qof, oo ka dhigan 8,865 qoys.

Kaafinta baahiyaha ay qabaan ayaa waxaa aad usii adkeeyey abaaraha ba’an ee saameeyey labada gobol ee Sanaag iyo Sool.

“Dadkani waxay ku nool yihiin meel aad uga fog magaalada, mana tegi karaan goobahooda shaqo. Ma haystaan ​​tas-hiilaad faya-dhowr, ma haystaan ​​guryo wanaagsan. Meeshu sidoo kale aad ayay khatar ugu tahay dumarka maadaama aan si fiican loo ifin oo ay mugdi tahay. Goobahani ma laha musqulo, guryo wanaagsan, biyo, koronto iyo fursado shaqo, runtii dadka halkan joogaa waxay u baahan yihiin in si deg deg ah loo taageero,” ayay tiri isu-duwaha NDRA ee gobolka Sool, Maryan Cabdullaahi Warsame.

Helitaanka caddaaladda

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobey, xaqa helitaanka caddaaladdu waa xuquuq aasaasi ah oo dammaanad qaadi karta in qof kastaa uu heli karo hannaan madax-bannaan oo dhexdhexaad ah, iyo fursad uu ku helo maxkamad caddaalad ah marka xorriyadda ama hantida qofkaas ay khatar ku jirto.

Nasiib darro, tani mar walba ma dhacdo sababo badan oo kala duwan dartood, kuwaasoo ay ku jiraan helitaanka la heli karo, habab la awoodi karo, waqtiyaysan oo wax ku ool ah balse si xeer jajab ah wax loo xallinayo.

Kooxaha nugul iyo kuwa la haybsooco, si ay uga hortagaan ugana gudbaan saboolnimada insaanka, cadaaladna u helaan waxaa lala meel dhigay awooda ay u leeyihiin inay helaan baxnaano kale, iyada oo loo marayo nidaamyada cadaaladeed ee rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahaynba, si loo xalliyo cabashooyinka si waafaqsan mabaadii'da iyo heerarka xuquuqda aadanaha.

Doorka caadooyinka Soomaalida qaarkood ayaa sidoo kale ka muuqda jawaab celinta ay helayso Marwo Sia, gaar ahaan marka ay arrinta la xiriiriso awoodda ay dadka deegaanku u leeyihiin inay helaan nidaam garsoor. Waxaa loo yaqaan maslaxo, waxay u adeegtaa qaab kale oo biddaal ah oo lagu xalliyo khilaafaadka oo ay oday dhaqameedyadu ku kulmaan oo ay ku gaaraan heshiis lagu bixinayo qaddar lacageed oo uu dhinaca dembiilaha ihi siinayo qoyska dhibbanaha ah si loogu xalliyo dembiga.

"Tusaale ahaan, kufsiga: waxaa jirtey mar uu naag ninkeedu toogtey waxaana la soo jeediyay in qoyskeedu ay arrinta ku xalliyaan nidaamka maslaxadda; aakhirkiina beeshu heshiis bay gaartey,” ayuu yidhi Isu-duwaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland ee Sanaag, Axmed Maxamed Aadan.

Isla xisaabtan la'aantan oo kale ma aha caqabadda kaliya ee ay la kulmeen Marwo Sia iyo kooxdeedu. Gudniinka fircooniga ah (FGM) iyo xadgudubyada ku saleysan jinsiga, oo uu ku jiro kufsigu, ayaa sidoo kale aad u baahsan.

“Toddobaadkii hore waxa dhacay kiisas aad u halis ah oo cunfiyo qoys ah, mid ayaa ku lug lahaa nin naagtiisa garaacayey, mid kalena waxa ku lug lahaa nin naagtiisa xabadka ka toogtey. Labada haweenba waxay ku jiraan cisbitaalka guud ee Ceerigaabo oo lagu dawaynayo. Si kastaba ha ahaatee, nimankii weli waa maqan yihiin, " Marwo Sia ayaa tiri, kaddib wadahadal ay la yeelatay sarkaal maxalli ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Dadka laga tirada badan yahay

Sool iyo Sanaag, kooxaha laga tirada badan yahay ee degaanku waxay la ildaran yihiin ka soocnaan bulsho, dhaqaale-xumo iyo wax-is-daba marin siyaasadeed. Mid ka mid ah kooxahaasi waa beesha laga tirada badan yahay ee Gabooye, kuwaasoo ilaa 500 qoys ku leh Ceerigaabo, dhammaantoodna ay ku nool yihiin meel ka baxsan bartamaha ama faras-magaalaha magaalada.

Baahidooda dhanka xuquuqul insaanka ayaa ah mid ballaaran oo baaxad wayn, iyadoo takooridduna ay ugu horreeyso liiska arrimaha tacadiyada xuquuqul insaanka.

“Tusaale ahaan, iyadoo dadka laga tirada badan yahay ay fursad u haystaan inay dhigtaan dugsiyada hoose dhexe ee gobolka Sanaag – marka ay timaaddo inay galaan waxbarashada dugsiga sare iyo xitaa tacliinta sare, ma awoodaan inay helaan xuquuq waxbarasho, sababtoo ah ma haystaan dhaqaale, si ay carruurtooda ugu taageeraan sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho sare,” ayay tiri Marwo Sia kaddib markii ay la kulantay xubnaha guddiyada matalaya beesha Gabooye.

Tusaale ahaan, caqabadaha la soo dersey waxay odayaashu ku sheegeen, in guud ahaan gobolka Sanaag uu qof qur ihi ka yahay shaqaale dowladeed marka la eego dadka kasoo jeeda beelahn laga tirada badan yahay iyo laba ka mid ah golaha degaanka.

"Sidaas darteed, waxaa sidoo kale loo diidey fursadaha shaqo ee dowladda dhexdeeda. Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale ii sheegay in ay jiraan laba injinneer, oo ah injinneerro isgaarsiineed, laakiin sidoo kale loo diidey in ay ka shaqeeyaan ganacsiga gaarka loo leeyahay,” ayay tiri Marwo Sia.

La'aanta fursadaha shaqo waxay dadkan ku koobtaa shaqooyinka hoose ee mushaharka liita, taas oo, beddelkeeda, u diidaysa fursad ay ku helaan lacag ku filan si ay carruurtooda ugu helaan waxbarasho dheeraad ah. Haddaba, meertada faqriga iyo ka soocnaanta ayaa kooxda ka dhex socota.

Soo noqod iyo warbixin

Maalintii shanaad ee socdaalka Sool iyo Sanaag, xusuus-qorrada Marwo Sia waxa ka buuxa xogo iyo warbixinno ku saabsan caqabadaha xuquuqul insaanka ee ay la kulmaan kooxaha kala duwan ee labada gobol.

Iyadoo ay wehliyaan kooxdii kale ee Qaramada Midoobey, waxay safar dheer dib ugu soo noqotay Hargaysa. Halkaas oo ay dib ugusoo noqon doonto xafiiskeeda, waxayna warbixin ka samayn doontaa wixii ay soo aragtay iyo wixii ay maqashay, iyadoo la kaashan doonta Dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobey ee ay khusayso iyo hay’adaha caalamiga ah si ay ugu qalqaalo tagaan xuquuqda dadka jilicsan iyo kuwa la haybsooco ee ay kala kulantay Sool iyo Sanaag.

"Safarradani waa kuwo dhaadheer oo daal badan - laakiin waxay mudan yihiin daqiiqad kasta oo gashay dhanka waayo-aragnimada la falgalka dadka xuquuqdooda bini'aadamka inta badan lagu tunto lana iska indha-tiro sida ay muhiim u tahay in la hubiyo in codkooda la maqlo lana ixtiraamo xuquuqdooda," ayay tiri Marwo Sia.

Xogta ay bixinayso waxay ku wargelin doontaa dadaalka warbixinta iyo u doodista ee kooxda UNSOM ee xuquuqda aadanaha, kuwaas oo taageera dadaallada Soomaaliya ee ilaalinta dadka rayidka ah, xadgudubyada galmada ee colaadaha la xiriira iyo carruurta la geliyo iskahorimaadyada hubeysan, iyo sidoo kale xuquuqda kooxaha la hayb sooco sida barakacayaasha, dadka naafada ah, haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay. Waxa kale oo ay la socotaa oo ay ka warbixisaa arrimaha xuquuqul insaanka ee taabanaya xorriyadda hadalka, xuquuqul insaanka doorashooyinka, eedaha la xiriira xadgudubyada iyo tacaddiyada.

Halkan ka aqriso Heshiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah