Hay’adaha samafalka oo lagu boorriyay in ay wada-shaqeeyaan si loo xoojiyo jawaab-celinta musiibooyinka Soomaaliya

10 Sep 2017

Hay’adaha samafalka oo lagu boorriyay in ay wada-shaqeeyaan si loo xoojiyo jawaab-celinta musiibooyinka Soomaaliya

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Bani'aadanimada iyo Maareynta Musiibooyinka Maryam Qasim ayaa kulan shalay lagu qabtay Muqdisho ku boorrisay hay'adaha arrimaha bani'aadamnimada ee caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya in ay si dhow ula shaqeeyaan hay'adaha gargaarka ee maxalliga ah si ay gargaar u gaarsiiyaan dadka loogu talogalay.

Kulanka waxaa uu iskuu keenay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ku howlan in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ay saameysay abaarta. Wasiir Maryam Qasim ayaa sheegtay in dowladda federaalka ah ay ka shaqaynaysay in maareynta musiibooyinka qaranka hay’ad dowli ah laga dhigo.

Wasiirka ayaa ku baaqday in si balaadhan looga qaybgaliyo hay’adaha maxalliga ah ee aan dowliga ahayn (NGO) iyo qaybaha gaarka loo leeyahay dhinaca maalgelinta iyo caawinta kooxaha nugul si loo horumariyo dhaqanka adkaysiga iyo nabadgelyada bulshada dhexdeeda.

"Waxaan u baahannahay in aan kor u qaadno dowrka sii kordhaya ee hay’adaha maxalliga ah iyo qaybaha gaarka loo leeyahay. Waxaan u baahannahay in aan aragno maalgalin iyada oo la marayo hay’adaha maxalliga ah. Maanta, si ka weyn marki hore, waxaa loo baahan yahay in aan la shaqeyno hay’adaha maxalliga ah aana hubinno in ay diyaar u yihiin in ay maareeyaan maalgelin weyn iyo sidoo kale in ay jiraan nidaamyo xaqiijinaya in gargaarka ay gaarayaan dadka loogu talagalay,” ayay Dr. Maryam Qasim ku dartay.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Howlaha Bani'aadanimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq, ayaa ku ammaanay hay’adaha Soomaliyeed kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen ka hortagga xaalad macluul ah ee sanadkan.

"Waxaan mar kale eegi karnaa qaar ka mid ah waxyaabaha wanaagsan ee ka soo baxaya abaarta marka la eego dhinaca awoodsiinta hay’adaha maxalliga ah waxaana doonaya in aan xuso Sanduuqa Bani’aaddinimada ee Soomaaliya oo aan isticmaalnay, iyada oo aan sii wadno in aan mudnaanta siinno hay’adaha aan dowliga ahayn ee qaranka”, ayuu yiri ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, asagoo xusay in $45 milyan ee loo qoondeeyey sanduuqa gargaarka bini'aadinimo, boqolkiiba 38 waxaa la siiyay hay’adaha aan dowliga ahayn ee qaranka.

Madaxa kooxda samafalka, caafimaadka iyo adkeysiga ee Waaxda Horumarinta  Caalamiga ee Boqortooyada Ingiiriiska u fadhiya Soomaaliya, Seb Fouquet, ayaa ku boorriyay hay’adaha maxalliga ah in ay in ay howlaha ay horumariyaan danaha dadka nugul. 

Madaxa Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani'aadanimada ee Qaramada Midoobay(UNOCHA) ee Soomaaliya, Justin Brady, ayaa ammaanay hay’adaha maxalliga ah dowrka wanaagsan ee ay ka ciyaareen ka hortagga abaaraha dalka ka jira si aysan sababin macluul.

"Si looga hortago macluul, waxaa loo baahnaa in lagu dadaalo deegaanno badan oo miyiga ah, taasina waxaa ay sababtay in aad lagu tiirsanaado hay’adaha Soomaaliyeed. Waxaa aan u maleynaya qaar ka mid ah waxyaabaha aan qabannay intii u dhaxeysay 2011-ka iyo 2012-ka iyo bilowgii ay faa’ido dhaliyeen,” ayuu xusay Mudane Brady. 

Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday shirkado gaar ah oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Hormuud Foundation, Cabdullaahi Cusmaan, kaas oo sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay si weyn uga qayb qaateen dadaallada wax looga qabanayo abaarta sababtoo ah dad badan oo ay saameeyeen dhibaatadu waa "macaamiisheenna. "

Cabdixakim Caynte, oo ah aasaasaha urur internet ah ee loo yaqaan Caawi Walaal ee loo aasaasay in lacag laga uruuriyo Soomaalida ku nool dalka iyo kuwa dibaddaba si loo caawiyo dadka ay saameysay abaarta, ayaa sheegay in kaalintooda ay tahay in ay kabaan dadaallada ay hay’adaha samafalka wax uga qabanayaan dhibaatada. 

Kulanka waxaa uu daba-socday kulan kale ee lagu qabtay Nairobi bishii May kaas oo lagu falanqaynayay kaalinta hay’adaha maxalliga ah ay ka ciyaarayaan guud ahaan dadaallada wax looga qabanayo abaaraha.