Qoraa da’yar oo u ol’oleysa nabadda ayaa codkeeda iyo awoodeeda u isticmaasha si ay dadka u caawiso

9 Sep 2017

Qoraa da’yar oo u ol’oleysa nabadda ayaa codkeeda iyo awoodeeda u isticmaasha si ay dadka u caawiso

Waa qoraa daabacday buugaag, waana qof u ol’oleysa nabadda kuna howlan arrimaha bani’aaddinimada, taasi oo ku faanta u adeegista bulshada.

Sucdi Daahir Diriye oo ku dhalatay kuna soo barbaartay Muqdisho, waxaa ayna waligeed ku howlaneyd arrimaha bulshada rayidka iyo abaabulka bulshada xilliyada colaadaha iyo abaaraha.

Sagaal sano ka hor ayay ku biirtay ururrada bulshada rayidka iyada oo markaasi rajeyneyso in ay hesho khibrad ku filan ka hor inta aysan shaqo mishear ah raadinin. Laakin taasi waxaa ay noqotay mid aan dhici doonin.

“Maadaama da’deydu ay yareyd oo aanan heli karin shaqo anigoo heysanin khibrad igu filan, waxaan doorbiday in aan khibrad raadsado aniga oo waqtigayga iyo xooggaygaba ku bixinaya bulshadayda. Taasina waa sababta aan lacag la’aan ugu shaqaynayo oo aan waliba jeebkeyga lacag uga bixinayo,” ayay tiri Sucdi oo ka hadleysa shaqadeeda ololaynta iyo arrimaha bani’aadamnimada.

Ugu yaraan toddobo sano Sucdi waxaa ay ahayd qofka si fiican looga yaqaanno Ururka Jilayaasha aan Dowliga Ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENSA), iyada oo markii hore ku bilowday mutadawacnimo markii dambena shaqaale ka noqotay qaybta isgaarsiinta iyo xafiiska maamulka ee hay’adda. Xilligaasi ayay ahayd markii ay soo daabacday labo ka mid ah buugaagteeda oo mid ah turjumaad iyo buug kale oo ay qortay oo ay ugu magac dartay Maqaawiirtii Murtida

Iyada oo u mareysa hay’addeeda oo xafiisyo ku kala leh 11 gobol ee gobollada Soomaaliya ka mid ah, Sucdi waxaa ay ku howlaneyd arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin abaabulka deeqda iyo nabadeynta, iyo sidoo kale xidhiidhinta beesha caalamka, mas’uuliyiinta dowladda iyo bulshada rayidka.

Sucdi waxaa ay sheegtay in ay ka tagtay shaqada ay ka haysay SOSCENSA si ay u hesho fursad fiican ay mar kale bulshada ugu shaqeyso qaybta arrimaha bani’aaddinimada si mutadawacnimo ah.

“Markii ay noqoto u adeegista bulshada, in aan si mutadawac ah ugu shaqeeyo bulshada ayaan ka jeclahay shaqo mishaari ah,” ayay tiri. “Shaqada tan aan ugu jeclahay waa mida ku lug leh adeegga bulshada si aan si toos ah u taaban karo dareenkooda.”

Sucdi waxaa ay dhowaan ka qayb qaadatay abaabulka dhallinyarada Soomaaliyeed kuwa ku nool Soomaaliya iyo qurba-joogta si loo uruuriyo dhaqaale loogu quudinayo dadka ugu nugul bulshada. Waxa ay dhidibadda u taagtay olole loogu magac daray “Caawi Walaal.” si mucaawino loola gaaro gobolada waddanka  meelaha abaarta sida daran ay u saameysay, waxaana ka mid ahaa, gobolka Galgadud  Iyo deegaano ay maamulaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxaa ay si farxad leh uga hadashay ol’olaha suurtagaliyay in la abaabulo dhaqaale lagu badbaadiyey dad badan guud ahaan waddanka.

“[Caawi Walaal} waxaa bilaabay dhallinyaro Soomaaliyeed si ay u caawiyaan dadkooda rag iyo dumarba markii xilligii abaarihii dhowaan waddanka aafeeyay markii aan ogaannay saameynta abaaraha waxaana go’ansanay inaan kaalinteena ka qaadano dhalinyaro ahaan,” ayada intaas raacisay.

Sucdi ayaa sheegtay in ol’olahan xoggan si weyn loo adeegsaday baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter kaddib markii la bilaabay “Go Fund Me” oo ah hab internet-ka dhaqaale loogu uruuriyo.

Gabadhaan ayaa sheegtay in dhiiriggelinta ay ku qabato howlaheeda ol’olaha iyo arrimaha bani’aaddinimada ay ka hesho xilka ay iska saartay in ay gacan ka geysato mustaqbalka Soomaaliya.

“Run ahaantii, damiirkayga iyo dareenkayga waa in aan sameeyo wax waliba aan awoodo si aan u caawiyo Soomaaliya,” ayay tiri gabadhan

Maadaama ay dhalatay xilli ay jireen dagaal iyo abaar, Sucdi waxaa ay si fiican u fahamsan tahay saameynta xun ee dagaallada sokeeye, mana dooneyso in ay aragto Soomaaliya oo ka qarxay dagaal hor leh.

“Taasi ayaa ah sababta nalooga baahan yahaya dhammaanteen in aan dadaal badan sameyno aana xaqiijinno in ay Soomaaliya hesho nabad iyo xasillooni”, ayay tiri.