Nin u ol’ololeeya nabad oo ku dhiiriggeliya wada-noolaanshaha dadka ku dhaqan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

14 Sep 2017

Nin u ol’ololeeya nabad oo ku dhiiriggeliya wada-noolaanshaha dadka ku dhaqan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

Idriis Axmed Yacquub kama cabsado u ololeynta nabada Soomaaliya, oo ah waddan weli ka soo kabsanaya saameyntii dagaalada sokeeye. 

31 jirkan ku dhashay Muqdisho waxaa uu si cad u xasuustaa xilliyadii colaadaha markii uu wiil yar ahaa iyo markii uu soo weynaaday.

“Waxaa jiri jiray is rasaaseyn joogta ah, iyo dagaallo muddo bilooyin ah iska socday. Waxbarashada in la aado way adkayd maadaama dugsiyada waxbarashada marna la furi jiray marna albaabada loo laabi jiray dagaallada awgood,” ayuu yiri Idris. “Waxaa ay ahayd nolol saxariir ah, gaar ahaan u ah cunug yar oo markaa soo koraya”.

Inkastoo ay jirtay xasillooni darro, Idriis marnaba kama niyad dhigin in uu heer ka gaaro waxbarashada. Qisadiisa waa mid laga laga daawado aflaanta dagaallada oo kale, balse waayo-aragnimadiisa ee ka gambashada rasaasta iyo bambaanooyinka markii uu u sii socdo dugsiga waa mid dhab ah.

“Waxbarashada waxaan u arkayay waddadii lagu gaari lahaa yoolka la leeyahay, maal-gashi la maal-gashanayo mustaqbalka iyo waddo looga gudbo saameynta maskaxeed ee laga dhaxlo dagaallada,” ayuu yiri Idriis.

Sanadkii 2014, Idriis waxaa uu ka tagay caasimadda Soomaaliya wuxuuna aaday magaalada Baydhabo oo uu shaqo ka helay. Waxaa uu noqday la taliyaha maaliyadda ee Guddoomiyaha baarlamanka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Marka laga reebo doorkiisa la talinta ee baarlamanka maamul goboleedka, Idiriis sidoo kale waxa uu yahay nin juhdi badan ku bixiya u ol’oleynta nabadda. Waxaa uu qaban qaabiyaa shirar joogta ah uu uu la kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wadahadlo muhiimadda ay nabadda iyo dib u heshiisiinta u leeyihiin horumarka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

“La shaqeynta baarlamanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaa aan ka helay fursad ee aan ku abaabulo kooxaha muhiimka ah si loo horumariyo nabadda ee heer deegaan. Waxaa aan aad u daneynaya nabadda maadaama aan soo arkay saameeynta xun ee dagaallada,” ayuu xusay.

Howlaha nabadeynta dartood, qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaa u suurtagashay in ay xalliyaan khilaafaadka u dhaxeeya si wanaag ku dheehan ayaga oo u maraya odayaasha deegaanka.

“Nabadda waa aasaaska jiritaankeenna. Waana waajib saaran qof kasta oo Soomaali ah in uu dhiiriggeliyo nabadda, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay si buuxda uga kabsato saameeynta dagaallada,” ayuu yiri Idriis.

Idriis, si loogu sharfo dowrkiisa wanaagsan ee uu ka ciyaaray dhinaca nabad-dhisidda, waxaa loo magacaabay in uu ka mid noqdo guddiga xulista ee u qaabilsan qiimeynta dadka daneynaya in ay xubno ka noqdaan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka ee Qaranka.

Waxaa uu ku kalsoon yahay in Guddiga markii la dhiso uu si weyn gacan uga geysan doono dadaallada lagu bixinayo nabad-dhisidda ee waddanka oo idil. Idriis waxaa uu ka codsanaya saaxibadiisa Soomaaliyeed in ay sii wadaan rajada ay ka qabaan mustaqbal wanaagsan.

“Caqabadaha waa ay badan yihiin, balse waxaa I dhiiriggeliyaa hiigsigeyga ee ah in aan arko Soomaaliya oo nabad ah. Uma baahno dhaqaalo badan in aa ku dhiiriggelisid dadka deriskaaga in ay faafiyaan nabadda iyo midnimada,” ayuu ku soo gabagabeeyay.