Xuska saaxiibkeen nagala tirsanaa UNSOM Oliver Vick

15 Mar 2019

Xuska saaxiibkeen nagala tirsanaa UNSOM Oliver Vick

Bahda Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya waxa ay la murugoonayaan geeridii naxdinta lahayd ee saaxiibkeen Oliver Vick, shilkii diyaaradeed ee 10kii Maarso ka dhacay meel u dhow magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Oliver (“Olly”) waxa uu ku dhashay Ingiriiska laakiin wuxuu ahaa muwaadin dhab ah oo adduunka oo idil. Olly wuxuu raadkiisa ku reebay dadkii iyo meelihii uu tegayba, isaga oo u shaqeynayey, hawlo badan na u qabtay hay'ado caalami ah.

Nasiib ayaan ku lahayn in Olly uu intiisa badan la shaqeeyey Qaramada Midoobay, bahda UN-ka ee ku nool Soomaaliya, waxaan ku xusuusan doonnaa Olly sida diiran ee furan ee uu ula kulmay dhammaan intii ay isla shaqeeyeen, ballanqaadkiisa iyo xirfaddiisa, iyo rejada uu ka qabo mustaqbalka Soomaaliya.

Waxa aan u tacsiyeynayaa dhammaan ehellada, qaraabada iyo saaxiibbadii uu kasbaday Olly intii uu noolaa.

Waa i taabtay geerida Oliver. Olly wuxuu ahaa xubin caan ah oo firfircoon oo ka tirsan bulshadayada halkan. Waxaan tebi doonnaa tamartiisa iyo shakhsiyadiisa qorraxda oo kale ahayd, noloshiisii naxariista badnayd, saaxiibtinimada iyo shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ”, ayuu yiri Raisedon Zenenga, Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna Sarkaal ka tirsan UNSOM.

Xirfadda Oliver waxa ay muujisay aragtidiisa guud ee adduunka. Wuxuu ku noolaa, kana soo shaqeeyey Bariga Timor, Ciraaq, Afghanistan, Nepal, Liberia, Cambodia, Ecuador, Colombia, Guatemala, Kosovo, Pakistan, Indonesia, Thailand iyo Somalia.

Shaqada Olly waxaa kamid ahaa shaqooyin badan oo kala duwan oo ku lug lahaa falanqaynta siyaasadda, taageerida dalalka ka soo baxaya khilaafaadka si loo qabto doorashooyinka, iyo maaraynta dhibaatooyinka.

Kaalintiisa Soomaaliya waxa uu ku daboolay ballaarinta taageerada Qaramada Midoobay, isku-dubbaridka siyaasadda, amniga iyo warbixinnada bani'aadamnimada iyo maamulidda Maareynta Dhibaatooyinka ee xoghayaha UNSOM.

Ka sokow qabashada door muhiim ah, Olly wuxuu door firfircoon ka ciyaaray Guddiga Daryeelka Shaqaalaha, isaga la garab istaagay taageero iyo saaxiibtinimo dad badan. Wuxuu abaabulay kooxo si ay u qabtaan nadiifinta xeebta, isu imaatinka bulshada, iyo dhacdooyinka cayaaraha, isaga oo ahaa orodyahan aad u xiiseeya ciyaaraha oradada.

Inti uu joogay Soomaaliya waxa uu saameyn weyn ku yeeshay dad kala duwan, ruuxiisa wanaagsan iyo sida weyn ee uu uga qeyb qaatay nolosha iyo shaqada bahda UN-ka ee ku sugan Soomaaliya ayaw la wada xusuusan doonaa.

Oliver wuxuu ahaa shaqsi leh karti, jecel shaqadiisa, sidoo kale na ahaa shaqaale dowladeed oo caalami ah oo dareenkiisa bini-aadamnimo iyo rabitaanka in la xoojiyo xuduudaha ay ka muuqato qiyamka Qaramada Midoobay ee adduunka. Waxaan ku faraxsannahay in aan la shaqeynnay Olly, waana sii wadi doonnaa shaqadiisa, annaga oo xasuusan hawlkarnimadiisii.