Sahro Ibraahim oo ah ganacsato da’ yar ayaa xoojineysa Tiknoolojiyadda Soomaaliya

21 Aug 2017

Sahro Ibraahim oo ah ganacsato da’ yar ayaa xoojineysa Tiknoolojiyadda Soomaaliya

Sahro Cabdikariim Ibraahim ayaa abuurtay mid ka mid ah shirkadaha tiknoolojiyadda ee ugu weyn Soomaaliya. Jawiga ganacsi ee Soomaaliya ayaa ah mid ay adag tahay in maalgashi tiknoolojiyadeed laga hirgeliyo.

Si ay ugu guuleysato arrintaasi Sahro waxaa ay la kulantaa caqabado dhawr ah oo ay ka mid yihiin amni darro, fikrad xun oo laga aaminsan yahay ganacsiga noocaasi iyo tijaabada shaqo aan la hubin wixi ka soo bixi doona iyo nolosheeda qoyska.

“Dumarka Soomaaliyeed waxaa ay la mid yihiin dumarka kale ee adduunka. Waayadii aan yaraa waxaa aan ku hammin jiray in aan isabddel keeno, in aan hooyo noqdo sidoo kale na ay yeesho shaqo joogta ah,” ayay tiri Sahro oo afar carruur heysata.

Waxaa ay carrabka ku adkeyneysaa in uu qofku jacayl u qabo waxa uu samaynayo uuna u diyaargaroowo wixi halis ah. Si ay riyadeeda uga miro dhaliso Sahro waxaa ay 2006-dii asaastay shirakadda Somali Software and Technology Company (SOSTEC) iyadoo markaasi hal kombiyuutar ah dhigatay xafiis yar oo ay kireeysatay.

“Waxaa aan bilowgiiba ogaa in aan galayo ganacsi ragga u badan yihiin laakiin taasi ma iga hor istaagin in aan maalgashi ku sameeyo dhankaasi,”

Sanado ka dib shirkadda Sahro waxaa ay noqotay mid ka mid shirkadaha ugu weyn ee Soomaaliya ka fidiya adeegyada tiknoolojiyadda. Shirkadda waxaa ay hadda shaqaaleysiisaa 20 dhalinyaro waxaa ayna fidisaa adeegyo kala duwan oo dhanka tiknoolojiyadda ah sida naqshadaynta bogagga intarnet-ka, hirgelinta muuqaalada tooska ah, xog-kaydinta iyo tabobarro dhinaca tiknoolojiyadda ah.

Sahro waxaa ay aaminsan tahay in dhalinyarada ay leeyihiin awood xoog leh oo isbaddel keeni karta.

“Inaga ma nihin dad faa’iido doon ah oo kaliya, balse waxaa aan sidoo kale tixgelinaa kaalinta ay dhalinyarada ka qaadan karaan dib u dhiska waddankeenna,” Sahro ayaa sidaa carabka ku adkeysay, ayada oo raacineysa in SOSTEC ay leedahay dhowr barnaamij oo ku saabsan tiknooliyiadda (IT) oo ay ka faa’iideystaan dugsiyada waxbarasho iyo ganacsatada yar yar.

Sahro waxaa ay sii wadaa inay mustaqbalka SOSTEC u sameyso qorshe, waxa ayna aad u jeclaan laheyd inay balaariso bixinta adeegyadda khaaska ah ee tiknoolojiyadda.

“Degaankaan gudahiisa, in la helo qalab wax lagu fulin karo aad bay u adag tahay waana sicir qaali ah,” ayay tiri. “Waxaa aan jeclaan laheyn in lagu soo daro adeegyadda naqshadaynta sawirada, hase yeeshee iibsashadda qalab heer sare ah ma ahan arin fudud, waana in laga fikiraa wax bedel u noqon kara.”

Sahro waxa ay aaminsan tahay in shaqo adag iyo muuqaal waxbarasho adag ay yihiin shuruudaha guul lagu gaaro.

“Waxaan ku boorinayaa dhalinyarada, gaar ahaan haweenka dhalinta yar, in ay waxbarashada xooga saaraan,” Sahro ayaa intaas raacisay. “Aniga waxaan ka galay fasalkayga kaalinta labaad, markii aan arday ka ahaa jaamacadda. Waxaan doonayay inaan meel kasta oo waxbarasho kaalin sare ka galo sidaana way ii suura-gashay. Haweenka waxa ay noqon karaan duulliye-diyaarad, xirfadlayaasha kombiyuutarka, dhaqaatiir – wax kasta waa suuro-gal.”

Soomaaliya waxa ay ku jirtaa dib u dhiska hey’adaha dowlliga ah, iyo taabagelinta haweenka Soomaaliyeed si ay uga qeyb-qaataan nolosha dhaqaale, siyaasadeed, iyo mida bulshadda oo ah muhiimada dhisida bulsho xoog leh, oo guul-gaari karta horumar iyo xasilooni heer caalami ah, iyo hagaajinta tayada nolosha ragga, qoysaska, haweenka iyo mida bulshaddaba.