Howlaha waxqabad ee Hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2020

31 Jan 2020

Howlaha waxqabad ee Hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2020

 

BEERAHA | FAO oo xoojineysa dadaalladeeda si looga baaqsado musiibo daran kaddib ayaxii ugu ba’naa oo ka dilaaca Soomaaliya muddo 25 sano ah

Ayaxu waxa uu khatar ku yahay ammaanka cunnada Soomaaliya oo markii hore liitay, iyadoo dhowaan cimillada Geeska Afrika ay abuurtay xaalado u wanaagsan dib wax u soosaar degdeg ah.  Shaqada FAO ee Putland ayaa si habsami leh u socota iyadoo ayaxuna uu u sii socdo dhanka Koonfureed ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ayaxa ayaa halis ku ah dalagga xilliga Guga, taas oo ah waxa FAO iminka ay ka shaqeyneyso qiimeyntooda. FAO waxa ay xusuusineysa dhammaan saaxiibada Caalamka baahida loo qabo maalgalinta kaabayaasha dhaqaale, awood farsamo iyo kuwo hay’adeed.  FAO waxa ay ka shaqeyneysaa hadda dadaallo wax ku ool ah oo gobolka Geeska Afrika looga badbaadinayo xaaladdan Xun.

www.fao.org/emergencies/countries/detail/en/c/151690

ROUNDUP HABITAT JAN 2020 SO
 

MAGAALEYNTA | UN Habitat ayaa daah-furtay mashruuca Horumarinta Magaaleynta Berbera si sare loogu qaado dhaqaalaha muhiimka ah ee dekadda iyo maamulka

Iyadoo xoogga la saarayo maamulka maxalliga ah ee loo dhanyahy, maareynta wasaqda magaalooyinka, hab-nololeedka iyo ganacsi-abuurka, ayaa mashruuc ay taageerayaan Midowga Yurub oo si wada jir ah ay u hirgalinayaan UN Habitat iyo Dowladda Hoose ee Berbera bishan laga daah-furay Berbera, kaas oo socon doona ilaa 2023. Mashruucan ayaa magaalada dekadda leh ka caawin doona in uu ka dhigo mid istiraatiiji ah oo ganacsigeedu kobco, oo kaliya aan ku koobnaan Somaliland ee sidoo kale gobolka Geeska Afrika gaarta.

https://bit.ly/2tT84vF

ROUNDUP IO JAN 2020 SO
 

MAGAALAYN | Xafiiska Isku-duwaha Qaramada Midoobay ayaa taageeray Qorshaha Xalka Waara ee barakaca ka jira Gobolka Banaadir

Muqdisho oo ka mid ah magaalooyinka sida wayn u kobcaya ee caalamka ayuu Xafiiska Isku-duwaha Qaramada Midoobay wuxuu ku taageeray daahfurka Qorshaha Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Banaadir.  Qorshaha ayaa tilmaamaya tallaabooyinka xiga ee lagu la tacaalayo barakaca ka jira magaalada ee saameeyay gobolka. Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isku soo dubbariday daahfurka qorshaha oo ay ka soo qayb galeen madax sare oo ka kala socotay dalka iyo hay'adaha bah-wadaagta caalamiga ah.

https://dsu.so/

ROUNDUP IOM JAN 2020 SO
 

SOCDAALKA | IOM ayaa qabanqaabisay kulan wasiirro oo heer gobol ah oo Isu-duwaya siyaasadaha Socdaalka Shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika

IOM ayaa qabanqaabisay kulan wasiirro oo heer gobol ah oo la isugu duwayo siyaasadaha socdaalka iyo shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika, kulankan ayaa isku keenay wasiirrada dalalka gobolka si ay uga doodaan mideynta Shuruucda Socdaalka Shaqaalaha, si loo hagaajiyo isku socodka iyo in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha socdaala. Intii lagu guda jiray munaasabadda xiritaanka kulanka oo lagu qabtay Neyroobi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshda Soomaaliya, Sadiiq Warfaa, waxa uu saxiixay War-murtiyeedka mideysan.

https://www.iom.int/countries/somalia

ROUNDUP OCHA JAN 2020 SO
 

ARIMAHA BANIAADANIMO | OCHA waxey daahfurtay Qorshaha Howlaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya ee sanadka 2020-ka oo u baahan $1.03 bilyan

OCHA waxey iskuduwaday daahfurka Qorshaha Howlaha Arimaha Baniaadanimo (HRP) ee Soomaaliya ee sanadka 2020. Qorshaha HRP wuxuu u baahan yahay $1.03 bilyan si cunno, biyo, daryeel caafimaad, badbaado iyo taageero noolal maalmeed loo siiyo 3 milyan oo qof oo ka mid ah 5.2 milyan oo qof oo u baahan gargaar baniaadanimo sanadkaan gudahiisa guud ahaan dalka. Tirada dadka la caawinaayo ayaa boqolkiba 12 (400,000 oo qof) ka hooseyso guud ahaan tirada sanadkii tagey ee 2019 oo eheyd 3.4 milyan qof. Deeqda guud ee loo baahan yahay ayaa sidoo kale boqolkiba 11 ka hooseyso tii sanadkii hore ee 2019 oo eheyd $1.08 bilyan.

https://www.unocha.org/somalia

ROUNDUP UNDP JAN 2020 SO
 

XASILLINTA | Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiinsiinta iyo UNDP oo is kaashanaya ayaa koonfur Galbeed ka dhisay golihii degmo ee ugu horreeyey muddo tobanneeyo sano ah, kaas oo ay ku jiraan wakiillada hablihii ugu badnaa Soomaaliya

Iyagoo u sii marayaTaageeradooda mashruuca xasillinta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiinsiinta iyo UNDP waxa ay siiyeen taageero maamulka Koonfur Galbeed ee Diinsoor, si ay u dhistaan golayaasha degmadda, oo markii ugu horreeysay tobannaan sano kaddib muujiyey  xalka siyaasadeed ee Suurta galka ah, gaar ahaan  goobaha caqabadaha badani ka taaganyihiin. Golaha ayaa ka kooban 11 rag ah iyo 10 haween ah, waana matalaadda ugu badan ee hablaha taas oo ah (47%) marka loo eego gole kasta oo degmo Soomaaliya oo dhan.

https://www.so.undp.org/

ROUNDUP UNFPA JAN 2020 SO
 

CAAFIMAADKA HOOYADA | UNFPA ayaa ku taageertay 92 arday in ay dhammeystaan koorso umulisannimo oo labo sano ah


Bishan, 92 arday ayaa dhammeystay koorso laba sano ah oo umulisannimo Iskuullo ku yaalla Galgaduud, Kismaayo iyo Muqdisho, kuwaas oo ay taageerto UNFPA, iskuulladan waxaa maamusho Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.  Ardayda oo ka kala yimid deegaanno kala duwan ayaa dib ugu laaban doona goobihii ay ka kala yimaadeen si bulshooyinkooda ay ugu adeegaan qalinjabintooda kaddib. Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka ay ugu dhimashada badan yihiin hooyooyinka xilliga dhalmada, iyada oo 100,000 ee haween ahiba ay ka dhintaan 732 ka mid ah.

https://somalia.unfpa.org/

ROUNDUP UNHCR JAN 2020 SO
 

BARAKAC | UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waxa ay dib u dejin rasmi ah ugu sameeyeen 100 qoys meel u dhow Gaalkacyo


Iyadoo qeyb ka ah dadaallada xal waara lagu gaarsiinayo qoysaska barakacay, ayey UNHCR dib u dejin u sameyay 100 qoys oo ku noolaa guryo ku meel gaar ah, kuwaas oo loo raray deegaan rasmi ah oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee magaalada Gaalkacyo. Dib u dejinta waxaa lala kaashaday Puntland, waxaana hirgaliyey  hay’adda DRC. Xaafadda Wadajir mashruuca guryaha ee laga dhisay waxaa maalgaliyey UNHCR, waxaana guryo lagu siiyey in kabadan 200 oo qoys.

https://www.unhcr.org/somalia.html

ROUNDUP UNICEF JAN 2020 SO
 

CARRUURTA | Safiirka Denmark oo booqday  xarun ay taageerto UNICEF ayaa ku deeqay wadarta $ 17 milyan oo gacan ka geysanaysa ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed

15-kii Janaayo 2020, safiirka Denmark ee Soomaaliya Amb. Mette Knudsen ayaa soo booqday xarunta tababarka xirfadaha oo ay caawiso Unicef taasoo ku taalo Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasoo dhalinyaro qaarkood si qasab ah loogu biiriyay Al-shabaab xili hore lagu baro xirfado shaqo. Intii lagu gudajiray booqashada, safiirka waxuu diirada saaray hoostana ka xariiqay dadaalka xoogan oo ay dowlada Denmark kor ugu qadeeyso ilaalinta xuquuqda caruurta Soomaaliyeed sidoo kale safiirka waxuu ku dhawaaqay deeq dheeraad ah oo dhan 50 milyan oo lacagta Denmark ah (DKK), taasoo wadarta guud oo deeqda ka dhigeeysa DKK115 milyan. Qeeyb weeyn oo deeqdaas ka mid ah waxaa lagu taageeridoona dhaqancelinta caruurta kasoo laabatay askareeynta iyo sidii loogu sameeyn lahaa dib ula qabsashada bulshadooda. Taa waxaa dheer, UNICEF, dhigooda dawladda iyo la-hawlgalayaasheeda waxay siin doonaan adeegyo ilaalineed oo balaaran taasoo la siinaayo caruurta iyo haweenka xuquuqdooda lagu xadgudbay, oo ay ka mid tahay taageeridda kuwa ka badbaaday rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo ka-hortagga ka-faa'iideysiga carruurta socdaalka ku jira.

https://www.unicef.org/somalia/media_22389.html

ROUNDUP UNIDO JAN 2020 SO
 

HORUMARINTA DHAQAALAHA | Mashruuc ay hoggaamineyso UNIDO ayaa $2 milyan ka helay Talyaaniga si gacan uu uga geysto Barnaamijka Horumarinta qeybaha wax-soosaarka

Iyadoo loo sii marayo sanduuqa bahwadaagta deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayuu Talyaanigu bixiyey $2 milyan si loogu bilaabo Barnaamijka Horumarinta qeybaha wax-soosaarka ee Soomaaliya. Barnaamijkan oo ay hoggaamineyso UNIDO, waxaa hirgalin doona Dowladda Soomaaliya, Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah. Waxa uuna gacan ka geysan doonaa kobaca dhaqaalaha, isagoo xoojin doona  qeybaha heerarka kala duwan ee wax-soosaarka dhaqaalaha si ay kor ugu qaadaan maalgalinta kaabayaasha iyo qeybaha gaarka ah, si loo dhiirageliyo wax-soosaar waara, kobac dhaqaale oo loo dhanyahay iyo fursado shaqo abuur gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka.

https://twitter.com/unidosomalia

ROUNDUP UNMAS JAN 2020 SO
 

QATARTA WAXYAABAHA QARXA | UNMAS waxay tababar iyo qalab siisay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u maamulaan, iyo si ay u yareeyaan qatarta waxyaabaha qarxa

Iyadoo ay qayb ka tahay dadaalada lagu dhisaayo aqoonta ciidaanka  booliska soomaaliyeed si wax looga qabto caqabadaha, iyo dhibaatooyinka waxyaabaha qarxa ee soomaaliya., waxaa ka mid ah Waxyaabaha qarxa ee la farsameeyo, UNMAS waxay tababar farsamo oo ku saabsan qarxinta haraadiga waxyaabaha qarxa siisay sedex oo xarumahooda kala ah booliska Muqdisho iyo Putland.

https://unmas.org/en/programmes/somalia

ROUNDUP UNOPS JAN 2020 SO
 

BOOLISIYEYNTA | UNOPS oo taageertay tababarista 385 sargaal oo ah Booliiska bulshada si kor loogu qaado nabadda iyo ammaanka Koonfur Galbeed

385 booliska bulshada ah oo cusub ayaa la geeyey gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed si ay gacan ugu geystaan dadaallada nabadda iyo ammaanka. Daad-gureyntoodu waxa ay qeyb ka tahay habka cusub boolisiyeynta Soomaaliya, waxaana lagu taageeray barnaamijka mideysan ee booliiska — xubnaha kala duwan ee ka qeybqaadanaya waxaa hoggaamineysa Dowladda Soomaaliya, waxaana ka mid ah dhinacyada maal-galinaya Midowga Yurub, UK iyo Germany, iyadoo taageero ay siinayaan UNOPS, UNDP, Booliska Qaramada Midoobay iyo Howlgalka Midow Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

https://bit.ly/2RfWymH