Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Agoosto 2022

1 Sep 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Agoosto 2022

 

Argagaxisonimo | Qaramada Midoobey waxa ay si kulul u cambaareysay weerarkii Hotelka Xayaat 

Iyagoo dabasocda weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay qoyska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku sugan, waxaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay weerarka.

Maalinta caalamiga ah ee xuska iyo xusuusta dhibanayaasha argagaxisada oo ku beegneyd maalin ka dib markii la soo afjaray weerarka, ayaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay casuumaad u fidisay Soomaali badan oo ay dhibaatadu soo gaartay, waxayna ku boorisay in iyaga iyo qoysaskoodaba lala soo gaaro gurmad deg deg ah. iyo taageero wakhti dheer ah.

“Qaramada Midoobay waxay garab taagan tahay dhammaan Soomaalida ku waxyeelowdey iyo kuwa ka badbaaday argagixisanimada sidii ay uga bogsoon lahaayeen dhaawacyadooda, iyaga iyo qoysaskooda iyo qaraabadooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar la mahadiyo taas oo gaarsiineysa waddada nabadda iyo xasilloonida, iyadoo horumarkaas lagu jiro, waa in la maqlo oo la qiraa dhawaqa dadka ka badbaadey, lana dhawro xuquuqdooda – rabshadihii argagixisanimo ee todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho waxay xusuusin weyn u tahay sida ay tani muhiim u tahay.”

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer 

 

Gurmadka Abaarta | IOM ayaa qaaday olole deeq aruurin ah si sare loogu qaado gurmadka abaaraha

Si loo yareeyo dhibaatooyinka ba'an ee abaarta ka jirta Soomaaliya iyo iyadoo qayb ka ah dadaallada abaabulka dhaqaale ee wax looga qabanayo baahiyaha in ka badan hal milyan oo qof oo barakacayaal ah, ayey IOM furtay bog deeq uruurin online ah si ay gacan uga geysato abaabulka dhaqaalaha howlaha badbaadinta nafta aadanaha.

Deeq kasta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo adeegyada aasaasiga ah ee dadka aadka u nugul ee ay abaartu saamaysay. Adeegyadan waxaa ka mid ah biyaha, nadaafadda, hoyga, caafimaadka iyo nafaqeynta. 

Iyadoo ay afar xilli roobaad oo xiriir ah baaqdeen, Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa ee soo mara muddo tobanaan sano ah, taasoo keentay barakac ballaaran, dhimasho baahsan oo xoolaha ah iyo cunto yari sii kordhaysa.

 

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Dembi Baaris | UNODC ayaa booliska u bilowdey waji cusub oo tababar dembi baarista ah

Hay’adda UNODC ayaa daahfurtay wajigii labaad ee koorsada Dariiqa Horumarinta Baaraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Tababarka cusub ee shanta toddobaad soconaya waxaa lagu barandoonaa mawduucyo ay ka mid yihiin qorshaynta baarista, baaritaanka goobta dembiyada, iyo baarista tacadiyada la xiriira jinsiga. Marka la gaaro bisha Nofembar, 96 sarkaal oo ka kala socda maamul goboleedyada Soomaaliya oo dhan ayaa tababar loogu xiri doonaa dugsiga tababarka booliiska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda UNODC oo adeegsanaysa Barnaamijkeeda Baarista Dambiyada ee ay maalgeliso dowladda Maraykanka, UNODC waxa ay kor u qaadaysay aqoonta, xirfadaha iyo garaadka saraakiisha booliiska Soomaaliya si ay u baaraan dambiyada waaweyn iyo kuwa aadka u adag. Laga soo bilaabo Juun 2021, hay'addan Qaramada Midoobay waxay tababartay 346 sarkaal oo booliis ah iyo 23 xeer-ilaaliye, oo ay ku jiraan 63 haween ah, iyadoo la raacayo hal qayb oo ka mid ah waajibaadkeeda: 'Maalgashiga Bulshada' iyada oo loo marayo tababar iyo la talin.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Gurmadka Abaarta | Barnaamijka Xoolaqalka Hay’ada FOA ayaa taageerey Qoysaska Tabaaleysan ee ku nool Kismaayo

Hay’adda FAO ayaa si ay u taageerto qoysaska tabaalaysan ee ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya, ayaa waxa ay magaalada Kismaayo ka fulisay barnaamij xooloqal oo qeyb ka ahaa munaasabadda Ciidul Adxaa.

Mashruucan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa ujeedadiisu ahayd in si degdeg ah loo helo cunto, isla markaana la yareeyo khasaaraha xoolo dhaqata kasoo gaara dhimashada xoolaha oo ay sababtey daaqa iyo biyaha oo aad u yar, isla markaana lacag caddaan ah lagu kordhiyo oo lagu taageerayo dhaqdhaqaaqa ganacsiga xoolaha ee xoolo dhaqatada.

Mashruucan ayaa lagu caawiyey 300 oo qoys oo ku kala nool Buulaguud iyo Luglow oo ku yaala bannaanka magaalada Kismaayo, kuwaas oo midkiiba la siiyay lacag caddaan ah oo lagu bedelay 300 oo neef oo lab ah oo la gowracay loona qeybiyay 300 oo qoys oo kale oo aad u tabaaleysan. Faragelintan ayaa la filayaa inay wax ka bedesho nolosha qoysaska reer miyiga ah ee ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Gurmadka Abaaraha | Saraakiil sare oo ka tirsan WFP ayaa booqasho sameeyey xilli tiradii ugu badnayd la gaarsiyey gargaar ah

WFP ayaa waxa ay sare u qaadday waxqabadkeeda bini'aadminnimo oo la gaarsiiyey heerar aan horay si loogu dhaqsado kahortagga macluusha Soomaaliya. Laga soo bilaabo bilowgii bishii Luulyo, hay'addu waxa ay 4.1 milyan oo qof gaarsiisey cunto iyo nafaqayn naf-badbaadin ah, kuwaas oo ah tiradii ugu badnayd ee abid ay WFP gaarto marka ay timaado dalkan ku yaalla Geeska Afrika.

Xilli ay jirto in wax qabashada WFP ee aadka loo kordhiyey iyo dardargelinta hab-howleedyada nidaamka ballaaran ee Qaramada Midoobey, ayaa Agaasimaha Fulinta ee WFP David Beasley waxa uu booqday Soomaaliya, isaga oo si qoto dheer ugu socdaalay meelaha ay abaaruhu sida aadka ah u saameeyeen.

Wuxuu si toos ah u arkay saamaynta dhibaatada kasii daraysa, wuxuuna farriin adag u diray beesha caalamka: taasoo ah in baahi  deg deg ah loo qabo taageero dheeraad ah si looga hortago masiibo bini'aadminnimo oo galaafata nolosha boqollaal kun oo qof.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Waxbarashada | UNICEF oo taageereysa wax baridda carruurta ay saameysay abaartu  

UNICEF ayaa dadaal ugu jirta sidii ay wax loo bari lahaa carruurta Soomaaliyeed xilli ay dalka ka jiraan abaaro kasii daraya iyadoo ay dugsiyadu dib u furmayaan fasaxa xagaaga kaddib, carruurta qaar ayay dhibaato ku tahay inay u gudbaan fasalka.

Abaarta ayaa saamaysay dad lagu qiyaasay 2.4 milyan oo carruur ah oo da’dii waxbarashada gaarey. Marka qoysaska lagu khasbo inay ka  barakacaan guryahooda iyagoo raadinaya cunto iyo biyo, waxaa khalkhal ku yimaadaa waxbarashada caruurtooda.

Carruurta barakacaysa ayaa aad ugu dhow in ay waxbarashada ka baaqdaan marka loo eego kuwa aan barakicin, iyadoo mar walba oo ay waxbarashada kasii maqnaadaan, ay sii badanayso fursadaha ay ku dhici karto inaysan dib ugu laaban.

Soomaaliya, ku dhowaad ​​1.4 milyan oo carruur ah oo la diiwaangeliyay sanad-dugsiyeedka 2021-2022 ayaa halis ugu jira inaysan dib ugu soo laaban fasalka. UNICEF waxa ay ka shaqaynaysaa sidii ay carruurta wax ugu bari lahayd hawlo ku dhisan abaabul bulsho si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda ay waxbarashadu leedahay, gaar ahaan gabdhaha iyada oo loo marayo Guddiyada Waxbarashada Bulshada, kuwaas oo ah sameeyeen bulshada si ay ula shaqeyaan wasaaradda iyo dugsiyada waxbarashada.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Bini’aadannimada | OCHA oo xustay Maalinta Bini’aadannimada Adduunka

 

OCHA ayaa waxay xustay Maalinta Bini'aadminnimada Adduunka ee 2022 (WHD) iyada oo halkudheggu yahay '#ItTakesAVillage', taas oo ujeedadu tahay iftiiminta kumannaan mutadawiciinta ah, xirfadlayaasha iyo dadka ay dhibaatadu saamaysay ee bixiya daryeel caafimaad oo deg deg ah, hoy, cunto, ilaalin, biyo iyo waxyaabo kaloo badan

Munaasabado ayaa lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo, Beledwayne, Kismaayo, Garoowe iyo Hargaysa, OCHA iyo hay’adaha la shaqeeya oo ay ku jiraan kuwa aan dowliga ahayn ayaa sidoo kale madlaha baraha bulshada ee kala duwan ku xusay WHD.

Sidoo kale, Xigeenka Isu-Duwaha Gargaarka ee OCHA, Joyce Msuya, ayaa fududaysay qabashada munaasabad heerkeedu sarreeyo oo WHD si toos ah loogu baahinayey taasoo ay ka qaybgashay Agaasimaha Hay'adda Badbaadada Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed, Aamina Hagi Cilmi. Sanadkan Maalinta WHD ayaa sidoo kale gacan ka gaystey in la muujiyo xaaladda deg degga ah ee abaarta Soomaaliya ee baabi'isada ah.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Wax ka qabashada abaarta | UNFPA oo sare u qaadday wax ka qabashada xaaladda Bini’aadannimada

Kooxda UNFPA ayaa booqatay xeryaha barakacayaasha ee Kabasa, Doolow iyo Baydhabo – oo ay labada hore ku yaalla Jubbaland halka kan seddexaad uu ku yaallo Koofur Galbeed- si ay si toos ah ula falgalaan xubnaha bulshada una fahmaan sida ay noloshooda u saamaysay abaarta hadda ka jirta Soomaaliya. 

Iyadoo laga duulayo baahiyaha bini'aadminnimo ee ay arkeen, UNFPA waxay sare u qaaday bixinta adeegyada naf-badbaadinta ee caafimaadka taranka, iyo wax ka qabashada xadgudubyada ku salaysan jinsiga, waxayna ku baaqday in la kordhiyo taageerada caalamiga ah. 

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Siyaasadda   | Ergayga Gaarka ah ee QM oo u hambalyeeyey wasiirrada dhowaan la magacaabay

Ansixinta Baarlamanka kaddib, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa u hambalyeeyey Wasiirrada cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uu rajaynayo in laga wada shaqeeyo horumarinta arrimaha Qaranka, sida dib u heshiisiinta, dowlad-dhisidda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada bini'aadminnimo.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)

 

Horumarka | Mashruuca ay UNDP-taageerto ee Bilan Media oo sii wada tebinta wararka

Bilan oo ay maalgeliso islamarkaana ay taageerto UNDP,  waa warbaahintii ugu horreeysey ee Soomaaliya oo ay ka howl-galaan ama ay maamulaan gabdho leh madax-bannaani tafatir oo gebi ahaanba dhammaystiran.

Intii lagu jirey Agoosto waxay Bilan sii wadday tebinta wararka waawayn iyo soo saarista barnaamijyo muuqaallo qoto dheer ah, iyaga oo hogaamiyayaasha kula xisaabtana hubinta in la maqlo codadka iyo sheekooyinka haweenka.

Bilan waxaa xafiisyadeeda Muqdisho ku martigelisa Dalsan Media Group.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (Ingiriis)