Soomaaliya: Golaha ugu sareeya ee arrimaha bini'aadannimada ee QM ayaa ka digaya 'Xaaladdii ugu Xumeyd', xilli ay khatarta macluushu sii kordheyso

7 Sep 2022

Soomaaliya: Golaha ugu sareeya ee arrimaha bini'aadannimada ee QM ayaa ka digaya 'Xaaladdii ugu Xumeyd', xilli ay khatarta macluushu sii kordheyso

New York – Soomaaliya waxa ay ku jirtaa “xaalad xun”, iyadoo boqolaal kun oo qof ay halis dhow ugu jiraan macluul, waxaa sidaas ka digay madaxda Madasha Isku-xirka Arriamaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay.

Bayaan uu soo saaray Isniintii, ayuu Hoggaanka Guddiga Joogtada ah ee Hay'adaha Caalamiga ah (IASC) ku baaqay in la kordhiyo taageerada iyo helitaanka gargaarka bini'aadannimo si loo badbaadiyo nolosha.

Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan macluul, waxayna sheegeen in xaaladdu ay sii socon doonto ilaa bisha Maarso haddii aan gargaarka si mug leh oo degdeg ah aan loo kordhin.

Xaalad Cunno La'aan 'aan la aqbali karin'

Dhanka kale, malaayiin kale oo Soomaali ah ayaa wajahaya heerar gaajo daran ah. Haweenka, gaar ahaan haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, iyo sidoo kale carruurta ka yar shan sano, ayaa ka mid ah kuwa ugu nugul, waxayna hadda u baahan yihiin gargaar degdeg ah, si looga fogaado xaalad aad iyo aad xun.

"Macluul iyo dhimasho ayaa suuragal ah in ay goor horeba dhacayaan. Intii ay jirtay macluushii 2011, ku dhawaad boqolkiba 50 ka mida 250,000 ee dhintay, waxa ay dhinteen inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin macluul. Ugu yaraan kala bar waxa ay ahaayeen carruur" ayey yiraahdeen

IASC waxay isu keentaa madaxda 18 hay'adood, oo kala ah hay'adaha muhiimka ah ee Qaramada Midoobay iyo kuwa ay shaqo wadaagga yihiin, si ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan ugana fal-celiyaan dhibaatooyinka bini'aadannimo.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ilaa 20.5 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay kaabiga ku hayaan waxa madaxdoodu ugu yeereen "dhibaato ba'an oo cunno la’aan ah oo gebi ahaanba laga fogaan karey", iyagoo raaciyay "tani waa wax aan la aqbali karin".

Waxa ayna yiraahdeen ku dhawaaqida xaalad macluul ah waa in aanay noqon shardiga kaliya ee keeni kara in si micno leh wax loo qabto.

Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo maamulada maxalliga ah, dawladaha, hay'adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO-yada) ay in ka badan hal sano soo saarayeen digniino ku saabsan masiibada cunno la’aanta, waxay sheegeen in digniinahaas inta badan la iska indho-tiray.

'Kororka baahida'

Waxa intaa dheer, in kasta oo caalamku uu ballanqaad sameeyey si wax looga qabto xasaradaha la odorosayey, deeqdu ma gaarin heerkii loo baahnaa.

In kasta oo kororka degdegga ah ee gargaarka bini'aadannimo tan iyo horraantii sannadka ay shaki la'aan badbaadisay dad badan, "Kororka baahida" ayaa si dhakhso ah uga sare-mareysa dakhliga.

“Anagoo wadajira, waxaan horay uga hortagnay macluusha. Waan awoodnaa, waana nagu waajib ah inaan kahortag sameyno mar kale,” ayay yiraahdeen.

“Adduunkan dhaqaalaha faraha badan yaalo, waa wax aan la aqbali karin in ay dad gaajo u dhintaan. Waa inaan hadda tallaabo qaadnaa”.

Fududey helitaanka oo bixi Deeqda

Bayaanku waxa uu ugu baaqay dhamaan dhinacyada in ay fududeeyaan gaaris ammaan ah oo degdeg ee howlaha beni'aadanimo.

Hay’adaha kawada howlgala gargaarka waxay sidoo kale ka codsadeen deeq-bixiyeyaasha inay bixiyaan dhaqaale degdeg ah, oo fudud si hay'adaha samafalka ee goobta jooga, gaar ahaan hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ay si degdeg ah u kordhiyaan gargaarka ayna uga hortagaan dhimasho badan, ayna u ilaaliyaan noolaha, loogana hortago masiibo qoto dheer.

Waxaa muhiim ah in gargaarka la gaarsiiyo dadka reer miyiga ah ka hor inta aan lagu qasbin in ay ka tagaan deegaanadooda si ay cunno u helaan, ayay hadalkooda sii raaciyeen.

'Digniintii ugu dambeysey'

Isku-duwaha Arrimaha Bini'aadannimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ahna guddoomiyaha IASC, ayaa Isniintii soo gabagabeeyay booqasho shan maalmood ah oo uu ku yimid Soomaaliya, oo ahayd tii u horeysay ee uu dalka ku yimaado.

"Waxaan maalmihii la soo dhaafay aad iyo aad uga naxay diifta iyo duruufta daran ee aan aragnay ee ay wajahayaan dad badan oo Soomaali ah," ayuu u sheegay saxafiyiinta ku sugan caasimadda Muqdisho.

“Macluul ayaa qarka loo saaranyahay,” ayuu yiri, “maantana waxaa nala soo gaarsiiyey qeyla-dhaan tii ugu dambeysey.” 

Isha: UN News