Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2024

31 Jan 2024

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2024

 

Dhallinyarada  | Hay'adda UNFPA oo daaha-ka-rogtey Barnaamij Lagu Tababbarayo Dhallinyarada Soomaaliyeed

Hay'adda UNFPA ayaa soo bandhigtey Barnaamijka Tababbarka Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth (SoYo) Fellowship Programme), iyadoo ujeeddadu tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu qalabeeyo xirfadaha iyo aqoonta lagama maarmaanka ah ee lagu noqonayo hoggaamiyeyaal saameyn ku leh qaybaha kala duwan, ugu dambeyntiina ka qayb qaata horumarinta qarankooda.

Barnaamijka tababbarka 12ka-bilood soconaya waxaa loogu talagalay in lagu taageero arrimaha hortebinta u leh Dowladda Soomaaliyeed. Wuxuu bixiyaa fursad loogu talagalay shakhsiyaadka in ay helaan tababbar iyo hagid si saameyn wanaagsan loogu yeesho bulshada Soomaaliyeed; wuxuunna xoogga saarayaa dhinacyada sida hal-abuurka ganacsi, daryeelka caafimaadka iyo caddaaladda bulshada.

Waxaa si rasmi ah daaha looga rogey xaflad lagu soo bandhigay kooxdii ugu horreysay ee Xubnaha SoYo. Madaxa UNFPA ee Soomaaliya, Niyi Ojuolape, oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay sida hay'adda QM uga go'an tahay sii wanaajinta kartida dhallinyarada iyo taageeridda horumarinta dalka.

Click here for more

 

Nafaqo |  Hay'adda UNICEF oo taageertey carruur nafaqo-xumada ba'an ay hayso

Hay’adaha Soomaaliyeed ee bahwadaagta la ah ee dabiibaya carruurta nafaqo-xumada ba’an ay hayso ee ku sugan Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa si joogto ah walaac uga muujiyay tirada kooban ee sariiraha yaalla xarunta quudinta iyo daaweynta, taas oo adkeyneysa in dhammaan carruurta u baahan la seexiyo. Caadi ahaan, carruurta halkan la dhigo waa kuwo miisaankoodu hoos u dhac weyn ku yimid oo la il-daran dhibaato caafimaad, sida shuban, oof-wareen, ama jadeeco.

Si baahidaa dheeriga ah loo daboolo, UNICEF waxaa ay iskaashi la sameysey hay’adda Concern Worldwide si ay u ballaariso qaybta baxnaaninta, iyada oo taageero maaliyadeed laga heshey ECHO. Qaybta ayaa la ballaariyey oo lagu kordhiyey 40 sariirood, taas oo keentey in ay korodho tirada carruurta halkaa la seexin karo.

Ballaarinta ayaa looga danleeyahay in lagu hubiyo daaweyn iyo daryeel joogto ah oo tayo sare leh oo ay helaan carruurta qaba nafaqo-xumada aadka u ba’an ee ku nool Soomaaliya. Sida ay sheegtey UNICEF, dadaalkan waxaa uu waafaqsan yahay ujeeddada guud ee lagu sii wanaajinayo helidda iyo caddaalad ku dhisnaanta adeegyada nafaqada si goor hore loo ogaado loona daaweeyo caatanimada marka la gaaro sanadka 2025.

Click here for more

 

Saboolnimada | UNDP oo gacan ka geysatey xisaabinta heerka saboolnimada

UNDP ayaa hoggaamisey wejiga labaad ee xisaabinta Heerka Saboolnimada Geesaha Badan /  the Multidimensional Poverty Index (MPI) iyada oo ay iskaashanayaan hay’adda Oxford Poverty and Human Development Initiative (OPHI), Xafiiska Istaatistikada Qaranka, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

MPI waxaa uu u shaqeeyaa sida agab lafaguris ahaan oo loo adeegsado in lagu aqoonsado dadka nugul, lagu ogaado degaannada ay wax yaraantu ka jirto, oo lagu fududeeyo sidii kheyraad lala beegsado loogu qoondeyn lahaa iyo siyaasad-u-dejinta.

Soomaaliya gudaheeda, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Xafiiska Istaatistikada Qaranka ayaa iska kaashanaya sameynta MPI uu qaranku yeesho. UNDP iyo OPHI ayaa bixinaya tababar shakhsi ah oo ku saabsan xisaabinta iyo lafagurista MPI-ga si ay u taageeraan hawshan.

Sida ay sheegtey UNDP, mashruucu waxaa uu waafaqsan yahay sida hadda dunida wax uga socdaan ee loo abuuro cabbiraado geeso badan oo lagu ogaado saboolnimada, dhiirrigelinta in si taabogal ah kheyraadka loo qoondeeyo, sii wanaajinta siyaasadda, iyo in si ballaaran loo korjoogteeyo istiraatiijiyadaha lagu yareynayo saboolnimada.

 

Bani’aadamnimada | OCHA ayaa daahrogtey Qorshaha Baahiyaha Gargaarka Bani’aadamnimada iyo Wax-ka-qabashadooda

Iyada oo ay iskaashanayaan Hay’adda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya, ayaa OCHA waxaa ay daahrogtey Qorshaha Baahiyaha Gargaarka Bani’aadamnimada iyo Wax-ka-qabaashadooda ee sanadka 2024 / Somalia Humanitarian Needs and Response Plan (HNRP).

Sida ku xusan qorshaha, qiyaasta tirada shakhsiyaadka u baahan doona gargaar sanadka 2024 ayaa si weyn hoos ugu dhacdey oo waxay gaartey 6.9 milyan, taas oo ka dhigan hoos-u-dhac ah 17 boqolkiiba marka loo eego tiradii sanadkii hore oo ahayd 8.25 milyan.

Baahiyaha dhinacyada kala duwan taabanaya ayaa hoos u dhacay, iyada oo aaney jirin degmo xaaladdeedu ay gaarsiisan tahay ‘masiibo’ marka la barbardhigo tii sanadkii hore oo ahayd 11 degmo oo ay masiibo ka jirtey.

Qorshaha HNRP ayaa u baahan doona $1.6 bilyan oo doolar, taas oo ah in wax ku dhow 40 boqolkiiba ay hoos u soo dhacdey baahida maaliyadeed marka loo eego tii sanadkii 2023kii.

Click here for more

 

Haqab-beelka cuntada |  Barnaamijka FAO oo gacan ka geysan doona kala-goynta meertada dhibaatooyinka cuntada

Dhibaatooyinka soo noqnoqda ee la xiriira cimilada, sida abaaraha iyo fatahaadaha, ayaa bulshooyin badan oo reer-miyi ah ka dhiga kuwo u nugul haqab-beel la’aan cunto iyo barakac.

FAO oo aqoonsatey in loo baahan yahay hab dhammeystiran oo wax looga qabto arrinta ayaa waxaa ay daahrogtey Barnaamijka Muddada Dheer Socda ee Lagu Bixinayo Lacago Kaash ah oo lagu taageerayo Maciishadda / Long-Term Cash and Livelihood Assistance Programme, oo ay maaliyadda siisey USAID. Barnaamijka ayaa diiradda saaraya ka hortagga in uu dhaco barakac kale isaga oo islamarkiiba bixinaya gargaar oo isku-xirayana waxqabadyada degdegga ah iyo istiraatiijiyadaha horumarinta ee muddada fog.

Sida ay qabto FAO, marka la isku biiriyo gargaar muddo dheer socda oo lacag kaash ah lagu bixinayo oo ay la socdaan tallaabooyin taageero ah sida in la abuuro kooxo iskaashato tuulada ay leedahay oo u qaabilsan keydsashada lacagta iyo amaah-bixinta, wacyigelinta nafaqada, iyo tababar kala duwidda maciishadaha la xiriira, barnaamijka ayaa hiigsanaya in uu awoodsiiyo qoysaska nugul, isaga oo hubinaya in si ka wanaagsan sida hadda ay ugu diyaar-garoobaan dhibaatooyinka kediska u dhaca oo xoojinaya helidda dakhli joogto ah.

Click here for more

 
Horumarinta magaalooyinka   |  UN-Habitat oo taageertey dadaal si waarta loogu maareynayo qashinka

UN-Habitat ayaa sameysey dadaallo is-xigxigey oo lagu dhiirrigelinayo oo laguna abuurayo nidaam waara oo lagu maareeyo qashinka oo laga fulinayo magaalo-xeebeedda Berbera.

Guud ahaan bishan, hay’adda QM waxaa ay tababarro is-xigxigey oo lagu maareynayo qashinka ay u qabatey 200 qof oo isugu jira saakiil iyo shaqaale kale oo u shaqeeya maamulka magaalada.

Gaari qaada 12,000 litir oo ay UN-Habitat bixisey ayaa shan laab kordhiyey awoodda ay magaaladu u leedahay qaadista bullaacadda. Sidoo kale, dhuumaha loo yaqaanno leachat pipes ee loo adeegsado socodsiinta dareeraha iyada oo la adeegsanayo habka loo yaqaanno ‘Fukuoka method’- hab dabiici ah oo beerwaleyn – ayaa sidoo kale si guul leh loo rakibey, taas oo ahayd guul muhiim ah oo laga gaarey geeddi-socodka dhismaha mashruuca, sida ay sheegtey hay’adda QM.

Click here for more

 

Waxbarashada  |  Ergeyga QM oo arday qalinjebisey ku dhiirrigelisey in ay ka wada shaqeeyaan xallinta dhibaatooyinka

Iyada oo Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada lagu xasayey xaflad qalin jebin oo ka dhacdey Muqdisho, ayaa koox arday qalinjebisey ah  lagu dhiirrigeliyey in ay iska kaashadaan xal-u-helidda dhibaatooyinka heer qaran, gobol iyo heer caalamiba.

“Hambalyo! Guulo badan ayaad durba xaqiijiseen; waxaan idiin rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan. Fadlan dalkiinna ku negaada si aad u xallisaan dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira. Keliya dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ma ahee, uga sii gudba kuwa caalamka,” ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee  QM ee Soomaaliya, Catriona Laing, ka sheegtey xafladda qalinjebinta.

Sarkaalka ugu sarreeya QM ayaa arday qalinjebisey kula hadleysey xaflad ardaydii markii saddexaad ka qalinjebisey Jaamacadda University for Peace (UPEACE) maanta loogu qabtey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. 73da arday ee maanta qalinjebiyey waxaa ay ka koobnaayeen 14 haween ah iyo 59 rag ah oo ka kala socday Soomaaliya, Hindiya, Nayjeeriya iyo dalal kale. Waxaa ay shahaadooyin jaamacadeed oo ka sarreeya shahaaddada koowaad ku qaateen culuun kala duwan, oo ay ka mid yihiin nabadda, maamulka dowladeed, horumarinta, deegaanka, sharciga caalamiga ah , xuquuqaha aadanaha iyo kuwo kale.

Click here for more

 

Amniga |  Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku yimid Soomaaliya

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Taageerada Hawlgaleed, Atul Khare, ayaa booqdey Soomaaliya si uu u muujiyo doorka UNSOS iyo taageerada ay siiso Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamada amniga Soomaaliya isaga oo kulamo la yeeshey saraakiil Soomaali iyo kuwa Modwga Afrika ah. Waxaa uu rajo-wanaag ka muujiyey mustaqbalka Soomaaliya waxaana uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in UNSOS ay dhisto kartida ayna taageero dhinaca hawlgalka ah siiso ciidamada amniga.

UNSOS waxaa si firfircoon ay Dowladda Federaalka Soomaaliga gacan uga siineysey sii wanaajinta awoodaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo rayidka ka shaqeeya meelaha muhiimka ah. In ka badan 500 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ay tababarro kala duwan siisey UNSOS.

UNSOS waxaa ay sidoo kale maamushaa Sanduuqa Amaanada Soomaaliya (the Somalia Trust Fund) oo xuddun u ah bixinta taageero aan hub ahayn oo la siiyo Ciidamada Amniga Soomaaliya ee hawlgallada kala qaybqaata ciidamada ATMIS. Haseyeeshee, Sanduuqa Amaanada oo aan haysan kheyraad ku filan ayaa caqabad ku noqotey ballaarinta taageerada  – intii uu joogey Muqdisho, ayaa Mr. Khare waxaa uu dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah QM waxaa uu ugu baaqey in ay dhaqaale ku biiriyaan Sanduuqa Amaanada ah si loo hubiyo in mustaqbalka ay jiraan tallaaboyinka amni ee loo baahan yahay.

Click here for more