Sheeko Sawireed: Todobaad loo socdaalay Sool iyo Sanaag

30 Jul 2022

Sheeko Sawireed: Todobaad loo socdaalay Sool iyo Sanaag

Waxa ay ku yaallaan bariga Somaliland, Sool iyo Sanaag waa laba gobol oo lagu yaqaanno dhul leh muuqaal aad u qurux badan, iyo  kheyraad dabiici ah oo hodonna ah se aan laga faa’iidaysan.

Waxa ay hoy u yihiin ilaa 600,000 oo qof, kuwaas oo Qaramada Midoobay ay isku daydo inay ka taageerto dhinacyo kala duwan oo horumarineed oo ay ku jirto xuquuqul insaanka. Marka la eego, nabadgelyo-xumada, isku-dhacyada rabshadaha ah ee u dhexeeya qabaa'ilka kala duwan, xadgudubyada jinsiga ku salaysan, xarig iyo xabisidda aan sabab lahayn, iyo caqabadaha ku wajahan xaqa xorriyadda hadalka ayaa ka mid ah walaacyada gudboon.

Laakiin gaaridda Sool iyo Sanaag maaha safar toos ah - marka safar jidka ah looga tago caasimadda Somaliland ee Hargeysa waa safar-wareeg ah oo in ka badan 1,600 oo kilomitir ah oo waddo ah marayo.

Taasina waa dhab ahaan waxa ay dhawaan sameeyeen koox ka socota Qaramada Midoobay taasi  oo qayb ka ah dadaalladeeda joogtada ah.

In kasta oo nabadgalyo-xumada ay safarka  ka dhigi karto mid caqabad leh, haddana marka ay fursad soo baxdo, saraakiisha Qaramada Midoobay ee Somaliland kama labalabeeyaan inay galaan safarro shaqo oo noocan oo kale ah si ay si fiican u fahmaan oo ay u taageeraan dadka ay u adeegaan.

Kooxdan oo uu hogaaminayay sarkaal ka tirsan hay’adda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa, isla markaana wata kolonyo shan baabuur ah, ayey kooxdu  waxa ay muddo toddobaad ah socod ku mareen waddooyinka labada gobol, iyadoo ay ku dhex jireen muuqaallo aad u qurux badan, si ay ula kulmaan bahwadaagta, maamulka maxalliga ah iyo wakiillo bulshada rayidka ah.

 

* * * * *

 

JIMCE – Ka tagista Hargeysa: Xubnaha kooxda QM ayaa goor hore kallahaya. Waa ay ku qasban yihiin – oo waxa ka horreeya safar 11-saacadood ah oo ay ugu horreyso, magaalada Oog ee koonfurta-bari ee gobolka Sool.

Waddada Hargeysa ilaa Oog ma aha mid toos ah, iyada oo kooxda u baahan yihiin inay raacaan jidka laami-ku-wareega ah. Kooxda ayaa marka hore u jihaystay dhinaca waqooyi ilaa xeebta Somaliland ee gacanka cadmeed,iyaga oo qado ugu hakaday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ee Somaliland, ka hor inta aanay dib ugu soo leexan gudaha magaalada Burco ee gobolka Togdheer iyo dhulka buuralayda ah ee Koonfur-Bari u socda si ay u gaaraan Oog, kaliya ka dib 9:00 fiidnimo ee habeenkaas.

Magaalada Oog waxa ay dadka u tahay boosteejo isku xirta labada magaalo-madax: Ceerigaabo oo Sanaag ah, iyo Laas Caano oo Sool ah. Sidoo kale waa barta joogsiga u tahay kooxda si ay u fidiyaan lugahooda, wax u cunaan oo ay u nastaan habeenka,  ka hor intaysan sii wadin safarkooda.

In kasta oo saacado badan oo baabuur-saarnaasho ah, oo ay nasiinadu kooban tahay, haddana hadafka safarka waddada waxa uu ku cad yahay maskaxda hoggaamiyaha kooxda Sia Mawalla, oo ah sarkaal Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqal insaanka oo fadhigeedu yahay Hargeysa.

“Safarku waa inaan dib ula xiriirno hay’adaha aan wada shaqaynta leenahay, gaar ahaan dawladaha hoose, iyo sidoo kale bulshada rayidka ah iyo dadka u ololeeya xuquuqul insaanka. Dib ula xiriiriddana, waxaan ula jeedaa inaan la kulanno oo aan ogaanno caqabadaha ugu waaweyn ee haysta, fursadaha ay haystaan, iyo sidii aan uga wadashaqayn lahayn xitaa si ka sii wanaagsan marka loo eego sidii aanu ilaa hadda u wadashaqaynaynay. Waxaa intaas dheer, waxa aan sidoo kale rabnaa in aan fikir ka yeelanno xaaladaha xuquuqul insaanka ee gobolka Sool iyo gobolka Sanaag, maxay yihiin arrimaha xuquuqal insaanka? ayey tiri, Marwo Mawalla. 

"Waxa aan si gaar ah rabnaa inaan la kulanno oo aan la hadalno kooxaha la haybsooco iyo kuwa nugul, oo ay ku jiraan dadka naafada ah, dadka laga tirada badan yahay, dadka gudaha ku barakacay (IDPs), iyo haweenka," ayay raacisay. "Waxa aan aadnaa meel kasta oo aan ku gaari karno kuwa ugu nugul bulshooyinka maxalliga ah sababtoo ah iyaga ayaa ah kuwa sida badan u saameeyaan arrimaha xuquuqda aadanaha."

SABTI – GAARISTA Laas Caano: Mar kale, kooxda QM ayaa ku waabariistay si ay jidka u galaan oo ay u gaaraan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo u jirta laba saacadood safarka dhulka ah.

Halkaas, waxay ku leeyihiin jadwal buuxa oo shirar ah.

Waxa ka mid ah wadahadalo lala yeesho  masuuliyiinta dawladda hoose, wakiillo heer gobol ah oo ka socda Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland, Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland (NDRA), ururrada bulshada rayidka ah iyo hawl-wadeennada xuquuqal insaanka.

"Halkan waxaa ka jira xad-gudubyo badan oo ah xuquuqda aadanaha, tusaale ahaan, dagaal beeleedyo, xad-gudubyo ku saleysan jinsiga iyo dil. Dowladdu waxa ay u muuqataa inay aad ugu mashquulsan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd caqabadahan. Waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo xorriyadda saxaafadda iyo tayaynta booliiska iyo hay’adaha sharci-fulinta. Boolisku waxay u baahan yihiin tas-hiilaad casri ah iyo tayeyn ballaaran. Saxaafaddu waxay u baahan tahay in loo xog-warramo si ay wacaal ugu yeeshaan waxyaabaha la xiriira arrimaha saameynaya gobolka," Jaamac Cabdiweli Cali, oo ah wakiil bulshada rayidka ah, ayaa u sheegay kooxda Qaramada Midoobay.

Maryan Cabdullaahi Warsame oo ka tirsan Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland (NDRA)  ayaa ku dartay fahamkooda caqabadaha halkaas ka jira.

"Waxa aan haynaa barakacayaal badan oo ku sugan gobolka Sool – waxa aan sameynay tirakoob bishii November 2021, annagoo kaashanayna IOM [Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka.] Waxa aan haynaa 47 xero oo ay ku nool yihiin 59,260, oo u dhiganta 9,870 qoys… ma lahan tas-hiilaad fayadhowr iyo guryo wanaagsan, sidoo kale goobta ayaa khatar ku ah haweenka maadaama aysan iftiin fiican lahayn. Maadaama aysan meesha lahayn musqulo, guryo wanaagsan, biyo, koronto iyo shaqo, dadkan halkan jooga runtii waxa ay u baahan yihiin taageero degdeg ah,” ayay tiri.

 

Nabadgelyadu had iyo jeer waa mid laga fiirsado safarradan waddooyinka ah, xaaladdan oo kale, kooxda waxaa lagula talinayaa in aysan ku hoyan karin Laascaanood, sidaas darteed galabnimadii hore, waxay dib ugu soo noqotaa magaalada Caynabo, oo sidoo kale ah gobolka Sool, oo qiyaastiina 100 kiiloomitir u jirta, halkaas oo ay ku leedahay casho iyo nasiino habeenkii ah.

AXAD – Ka tagista Caynabo: Marka ay nasteen, kooxda Qaramada Midoobay waxa ay goor hore u baxayaan safar kale oo dheer: todoba saacadood oo baabuur ah, marka hore waxa ay ku noqdeen Laascaanood ka dibna u leexdeen waqooyi si ay ugu sii socdaan caasimadda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Samaafarahu waa iftiin, balse wadayaasha kolonyada ayaa weli u baahan in ay taxaddaraan maadaama ay jiraan geel waddada maraya si ay san u jiirin!

Doorkan safar, waddooyinku waa laami, oo ay isu beddeleen waddooyin qardajeex iyo wasakh ah, ka dibna ilaa 268 kilomitir oo ah waddo dhowaan la dhisay oo isku xirta Afmadow iyo Ceerigaabo. Waxaa lagu jirayaa safar baabuur ah maalintii oo dhan iyo habeenkii, iyada oo la marayo dhul leh  muuqaal cajiib ah - laakiin sidoo kale waxaa lagu hakanayaa xeryaha dadka gudaha ku barakacay si ay uga maqlaan caqabadaha ay la kulmaan.

Mid ka mid ah boosteejooyinka, xerada barakacayaasha Karashal ee degmada Garadag ee Sanaag, oo ku taalla meel qiyaastii 300 KM u jirta Ceerigaabo, Hodan Barre Yuusuf oo deggan xerada ayaa kooxda uga warramaysa xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka kaleba la kulmaan maalin kasta.

“Waxa aan halkaan ku soo noolaay muddo lix sano ah. Waxa aan ahaan jirnay xoolo-dhaqato reer guuraa ah. Dadka soo barakacay ayaa laga keenay Sool, Sanaag iyo gobollo kale… dadka halkan ku nool waxa ay qabaan baahiyo badan sida, helitaanka biyo, cunto iyo hoy. Sida aad arki karto, waxa aan runtii u baahannahay taageero gargaar degdeg ah,” ayay tiri.

Kooxda Qaramada Midoobay waxa ay tirada ku darsanayaan waxa ay Marwo Hodon iyo kuwa kale u sheegaan ka dibna waxa ay sii wataan safarkooda.

Abaaro 5:00 galabnimo, kooxdu waxa ay ugu dambayn timid Ceerigaabo oo habeen u tahay. Xubnaha kooxdu waxay haystaan maalin kale oo buuxda oo shirar ah oo sugaya.

ISNIIN – Maalin lagu sugnaay Ceerigaabo: Habeen nasasho iyo quraac heer sare ah ka dib, kooxdu waxa ay goor hore u soo tooseen kulamadoodii ugu horreeyay ee maalinta: kulankii ugu horreeyay waxaa lala yeeshay guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo duqa magaalada Ceerigaabo.

Wax yar ka dib kulammadaan, kooxdu waxa ay ku wajahan tahay xafiisyada gobolka ee Wasaaradda Shaqaaleysiinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, halkaas oo ay kulammo kula yeelanayaan wakiillada ururrada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya arrimaha xuquuqul insaanka ee Sanaag.

“Iyadoo dadka laga tirada badan yahay ay fursad u haystaan inay dugsiyada hoose dhexe ee gobolka Sanaag wax ka bartaan marka ay timaado waxbarashada dugsiga sare iyo xitaa tacliinta sare, haddana ma awoodaan inay helaan xuquuq waxbarasho, sababtoo ah ma haystaan dhaqaale ay carruurtooda ku bixiyaan si ay u helaan tacliinta sare," Marwo Mawalla ayaa tiri ka dib markii ay la kulantay wakiilada maxalliga ah ee beelaha laga tirada badan yahay ee Gabooye.

Ururada bulshada rayidka ah ee ay kooxdu la kulmaeen, waxaa sidoo kale jira mid matalaya dadka naafada ah. Caqabadaha murugada leh ee ay la kulmaan ayaa si cad loogu sheegay kulankooda.

"Waxa aan haynaa kiisas haween naafo ah oo la faraxumeeyey, iyo kuwo kale oo si xun looga faa'iidaysanayay sababo la xiriira baylahdooda. Kuwaasi waa noocyada xadgudubyada haweenka naafada ah," ayuu u sheegay kooxda QM, Siciid Cabdi Abokor, oo ah wakiilka kooxda.

“Markaan isku dayno inaan cadaaladda u helno dhibanayaasha iyo kuwa badbaaday, dadaalkeenna waxaa wiiqaya hababka kale ee lagu xallinayo khilaafaadka ee bulshada dhexdeeda, taas oo ay ku lug leeyihiin odayaasha qabaa’ilka ee labada dhinac dhexdhexaadinaya khilaafaadka, iyadoo kiisaska qaar ay ku dambeeyaan kuwa ka badbaaday kufsiga oo lagu amray inay guursadaan qofkii kufsaday,” ayuu raaciyay.

Waxaa lama huraan ah, jadwalka safarradan wadada ah  waxa ay u baahan yihiin inay noqdaan kuwo dabacsan maadaama qorshayaasha shirarka ay isu beddeli karaan si lama filaan ah. Sidaas awgeed, waxaa dhacda in goor dambe oo maalinta ah iyadoo shirarkii galabtii dib loo riixay ilaa maalinta xigta.

Tani waxay ka dhigeysaa kooxda Qaramada Midoobay in ay haystaan dhowr saacadood oo firaaqo ah  gellinka ee maalinta – waxa ay ka faa'iidaystaan kuwan iyaga oo si degdeg ah ugu socda beerta qaranka ee Daalo, oo leh muuqaalo cajiib ah ee duurjoog aan la fargo gelin, keyn jiq ah oo degelka u saaran jamallada kala jaadka ah ee qaniga ku ah macaadinta kala duwan.

TALAADO – Ka tagista Ceerigaabo: Kadib shirar kale oo ay la yeesheen wakiillada beesha laga tirada badan yahay ee Gabooye subaxnimadii, kooxda Qaramada Midoobay waxa ay u diyaar garoobeen safarka dheer ee ay ugu noqonayaan Hargeysa.

Kooxdu waxay dib ugu ruuqaansatay wadadeedii, iyagoo dhinaca koonfureed dib ugu soo laabtay Afmadoow, ka dibna u leexday dhinaca galbeed ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland, halkaas oo ay ku hoyanayaan caawa.

Safarka wadadu waa siddeed saacadood, laakiin si loo jebiyo caajiska kooxdu waxay ku raaxaystaan aragtida waxa ayna sidoo kale ku hakadaan boosteejooyinka wadada dhinaceeda si ay u helaan waxyaabo ay jecel yihiin: shaah caano-geel ha.

Markii ay ugu dambayntii soo gaareen Burco, waxaa soo dhaweeyay qorrax-dhac aad u qurux badan.

ARBACO – Dib ugu noqoshada Hargeysa: Kooxda Qaramada Midoobay ayaa hadda ku jirta safarkoodii ugu dambeeyay: safar todoba saacadood qaatay oo Burco ilaa Hargeysa ah.

Iyagoo ku maman inay ugu dambaysta noqdaan oo ay soo afjaraan saacadaha safarka, ayey kooxdu si degdeg ah qado ugu hakandeen magaalada Berbera, ka dibna waxay u sii gudbeen dhinaca magaalada Hargeysa oo ay xubnaha kooxdu ka helayaan xoogaa nasasho ah oo ay ku qanceen in todobadii maalmood ee la soo dhaafay ay soo ahaayeen kuwo waxtar leh, haddii daalan yihiinna.

“Safarkan todobaadka ee aanu ku tagnay gobolada Sool iyo Sanaag waxa uu ahaa mid faa’iido badan leh. Waxaa noo suurto gashay in aanu dib ula xiriirno dawladaha hoose, waxa aanu dib ula xiriirnay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah ee aanu la shaqayno iyo dadka u dhaqdhaqaaa xuquuqal-insaanka” ayey tiri Marwo Mawalla.

"Waxa ay na tuseen qaar ka mid ah shaqadooda, waxa ay sharxeen qaar ka mid ah arrimahooda. Kulamadan fool-ka-foolka ah waxa ay runtii naga caawinayaan inaan fahanno waxa ay runtii nooga baahan yihiin bahwadaagteenna,” ayey Marwo Mawalla intaas ku dartay.

KAHMIIS – Xafiiska dhexdiisa: Kolka uu safarka dhulka ah dhamaanayo, shaqada kooxda QM waa mid aanay dhamaadkeedu dhaweyn. Marwo Mawalla iyo saaxiibbadeeda shaqadu waxa ay hadda billaabayaan in ay isku dubarridaan natiijooyinki u soo baxay iyo in ay qorsheeyaan tillaabooyinka xiga ee sida ay tahay in loo taageero reer Sool iyo Sanaag.

“Ka shaqaynta dhinaca hawlaha  xuquuqul insaanka  waxa ay noo suurta gelisay in aanu dib ula xidhiidhno hay’adaha aan wada shaqaynta leenahay iyo dawladda hooseba taasi oo xoojinayso isku xidhkayaga. Waxa intaasi dheer,  anagoo ka duulaynaa codsiyo ay soo gudbiyeen hay’adaha aanu wada shaqaynta leenahay, waxaanu labada gobol ka samayn doonaa tababaro kor loogu qaadayo tayadooda anagoo diirada saarayna la socodka iyo ka warbixinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan arrimaha ku badan gobolladan iyadoo diiradda la saarayo dadka la haybsooco iyo kuwa nugul sida dadka naafada ah, haweenka, dadka laga tirada badan yahay iyo barakacayaasha," ayay tiri Marwo Mawalla.