Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Luuliyo 2023

1 Aug 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Luuliyo 2023

 

Amniga | UNSOS oo gacan ka geysatey saldhigyo lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya

Iyada oo gacan laga heley UNSOS, ayaa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya / the African Union Transition Mission of Somalia (ATMIS) uu lix ka mid ah saldhigyada hawlgallada furimaha hore ku wareejiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo si rasmi ah u soo gabagabeyneysa wejigii koowaad ee dhimista ciidamada ATMIS.

“Maanta waxaan u dabaal-degeynaa in aan ku guuleysanney in aan saldhigyada hawlgalka furimaha hore aan ka soo wareejinno ATMIS oo lagu wareejiyo maamulka dowladeed ee awoodda u leh ee Soomaaliya,” ayaa Madaxa UNSOS, Aisa Kirabo Kacyira, ay ka tiri munaasaddii lagu wareejinayey. “Waxaan guud ahaan saaxiibada  iyo hoggaanka ATMIS  ku amaanayaa dadaalkii ballaarnaa iyo wax allaale wixii ay u hureen Soomaaliya, waxaan sidoo kale amaanayaa dadaalka ballaaran iyo diyaargorowga Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Aniga Soomaaliyeed ay ku xaqiijiyeen guushan muhiimka ah.”

Xil-wareejinta waxaa ay rasmi ku noqotey saxiixa heshiiska dhul-wareejinta iyo shahaadadda agabka haddiyad ahaanta loo bixiyey ka dib markii la dhammeystirey wejiga koowaad ee dhimista ciidamada, kaas oo la halmaaley 2,000 ciidamo nabad-ilaaliyeyaal ah.

Click here for more

 

Bani’aadamnimada | OCHA oo gacan-ka-geysatey $43 milyan oo loo qoondeeyey gargaarka naf-badbaadinta

Sanduuqa Bani’aadamnimada ee Soomaaliya / The Somalia Humanitarian Fund (SHF) ee ay maareyso OCHA ayaa $25 milyan u qoondeeyey gargaarka naf-badbaadinta ee loo fidinayo bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay saameeysey abaarta ee sanadka 2023-ka.

Intaa waxaa dheer, Sanduuqa Dhexe ee Wax-ka-qabashada Xaaladaha Degdegga ah / the Central Emergency Response Fund (CERF) – ee uu maareeyo madaxa OCHA – ayaa bixiyey $18 milyan oo qayb ka ah qoondeynteeda guud ee ‘ka-hortagga macaluusha’.

Labadan qoondeyn oo isku noqonaya $43 milyan ayaa wax looga qabanayaa raadka ay reebayaan abaarta iyo haqab-beel la’aanta cuntada kaas lagu taageerayo Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada ee 2023-ka. Sanduuqa SHF ayaa ku dadaalaya in dadka degaanku ay iyagu hawsha qabtaan, iyada oo 71 boqolkiiba maaliyadda si toos ah loogu qoondeeyey ururro degaanka laga leeyahay.

Qoondeymaha ayaa sidoo kale looga danleeyahay in lagu xoojiyo waxqabad laga fuliyo degaannada halis ugu jira macluul iyo in lagu sii yareeyo barakaca iyada oo la beegsanayo degaannada miyiga ah ee ay adag tahay in la gaaro ee ku yaalla gobollada Baay, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo ah meelaha ugu badan ee uu ka dhaco bakaca.

Sanduuqa SHF waa nidaam la abuurey sanadkii 2010 si maaliyad loogu qoondeeyo waxqabadyada naf-badbaadinta ah ee sida ugu degdegsan loogu baahan yahay ee Soomaaliya. Sanduuqan oo ku wada sifeysan debecsanaan iyo diirad-saarid istiraatiiji ah, ayaa waxaa uu saamaxayaa in waqtigii loo baahnaa la qoondeeyo lana bixiyo kheyraadka, waxaa uu dad awood u siinayaa in la qaado tallaabo bani’aadamnimo oo taabogal ah, waxaana uu xoojiyaa isuduwidda. Sanduuqa CERF waxaa uu bixiyaa maaliyado  wax lagu sii bilaabo si horseed loogu noqdo hawlgallo gargaar oo muhiim ah iyo in maaliyad lagu siiyo barnaamijyada naf-badbaadinta ah ee aan lacag ka helin deeq-bixiyeyaal kale.

Click here for more

 

Horumarinta | UN-Habitat oo xadiiqad carruurta ku madadaashaan ka dhiseysa Hargeysa 

UN-Habitat ayaa horumar ballaaran ka gaartey dhammeystirka xadiiqad dadweynaha ka dhaxaysa oo carruurtu ku madadaashaan oo ay ka dhiseyso Hargeysa, iyada oo barnaamijka lagu doonayo in lagu abuuro goob carruurta ku nool caasimadda Somaliland ka kobcisa dhinacyada bulshada, dareenka garaadka iyo jirkaba.

Beerta oo cabbirkeedu yahay Ilaa 1,368 mitir oo laba-jiraaban ayaa loo nakh-shadeeyey si ay u daboosho baahiyaha carruurta. Waxaa ay leedahay kaabayaal badan sida garoomo, meel lagu dabaasho, qayb waxbarasho iyo meel loogu talogaley in dadka wax iibinaya, iyo sidoo kale tas-hiilaad bulsho oo dheeri ah.

Sida ay sheegtey UN-Habitat, abuurista beerta waxaa ay la jaanqaadeysa qaraarkii ay qaadatey 2011kii ee horumarka waara ee magaalooyinka iyada oo loo marayo goobo tayo leh oo dadweynaha ka dhexeeya oo ay yeeshaan magaalooyinka.

Click here for more

 

Adkeysiga | FAO oo u-adkeysiga cimilada ka dhex abuurtey iskaashatooyinka haweenka

Iyada oo ay iskaashanayaan UNIDO iyo ILO, ayaa FAO waxaa barnaamij tababar ay u qabatey 40 haween beeraley hormuud ah oo ka kala socdey lix iskaashato oo ka jira degmada Marka ee Soomaaliya.

Tababarka ayaa qayb ka ahaa Barnaamijka Kobcinta Waaxaha Wax-soo-saarka / Productive Sectors Development Programme (PSDP) ee ay waddo FAO, kaas oo ah mashruuc loogu talogaley in ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda ee Soomaaliya uu gacan ka siiyo in ay shaqeeyaan ayna si joogto ah u maalgeliyaan waaxaha wax-soo-saarka iyo kaabayaasha la halmaala.

Tababarka, oo uu maalgeliyey Sanduuqa Amaanada ah ee Wada-hawlgalayaasha Badan ee Soomaaliya, oo looga danleeyahay in beeraleydaasi uu siiyo aqoon iyo xirfado cusub si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo sii wanaajiyo tayada wax-soo-saarka, iyo si loo dhiirrigeliyo hab-dhaqanno beer-tacbasho oo waara.

Click here for more

 

Horumarinta | UNIDO oo tababar xooggan u qabatey Mashruuca Gardaadiyeyaasha Ganacsiyada Cusub / Somalia Business Incubators Project

Iyada oo taageero ka heshey la-hawlgalayaal badan, ayaa UNIDO waxaa ay tababar xooggan oo saddex maalmood soconayey u qabatey Mashruuca Gardaadiyeyaasha Ganacsiyada Cusub / the Somalia Business Incubators Project, kaas oo looga danleeyahay abuurista iyo sii-wanaajinta fursado dhaqaale iyo shaqooyin ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyada oo loo marayo adeegyada gardaadinta ganacsiyada ee laga helo degaanka oo kuna saleysan tiknolojiyada casriga ah iyo hal-abuurka.

Tababarkan xooggan ayaa martigelintiisa lala kaashadey gardaardiyeyaasha ganacsiyada Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin iRise Innovation Hub (iRise), SIMAD Innovation Lab (SIMAD iLAB), oo labaduba xaruntoodu tahay Muqdisho, iyo the Hargeisa Innovation Hub (HarHub), oo xarunteedu tahay Hargeysa.
Mashruucan oo uu maalgeliyey Midowga Yurub ayaa codsiyo ka heley dad ay wadartoodu tahay 1,343 qof oo ku haminaya in ay ganacsiyo abuuraan oo jooga Soomaaliya, iyada oo kooxdii ugu horreysey ee ku guuleystey in la qaato ay ahaayeen 60 codsade oo ka soo kala jeedey ganacsiyada la xiriira waaxda beeraha, waaxda tamarta/deegaanka, iyo ganacsiyada hal-abuurka  ku dhisan.

Click here for more

 

Ilaalinta Carruurta | Barnaamijka adeegga bulshada ee ay UNICEF taageerto oo ay ka qalinjebisey kooxdii ugu horreysey

Kooxdii ugu horreysey oo ka kooban 285 arday ayaa ka qalin jebisey barnaamij adeegga bulshada ah oo ay UNICEF taageertey oo hirgelintiisa loo marey lix jaamacadood.

Si barnaamijka loo dejiyo, UNICEF ayaa iskaashi la yeelatey barafasoorro caalami ah oo ku takhasusey adeegga bulshada, jaamacado aqoonsi haysta iyo Wasaaradaha haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee Puntland iyo Somaliland, iyo sidoo kale tan Dowladda Federaalka, si ay u dejiyaan ayna u bixiyaan manhaj heer sare ah oo lagu sar-gooyey xaaladda Soomaalida.

Barnaamijka ayaa hiigsanaya in uu sii xoojiyo kartida shaqaalaha adeegga bulshada, in uu sii wanaajiyo bixinta adeegyada carruurta iyo qoysaska jilicsan, iyo in uu kor u sii qaado aqoonta xirfadeed ee hawl-wadeennada waaxdan.

Kooxdan qalinjebisey ayaa muhiim u ahayd in ay taageero nafsaani ah (u-dhimrin ah) oo degdeg ah ay bixiyaan iyo in ay kor-u-qaadaan wacyiga dadka intii uu socdey cudurkii saf-marka ahaa ee COVID-19 muddadii u dhaxaysey 2020-2021 iyo ka dibna markii uu dhacay dabkii burburka weyn geystey ee Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa sanadkii 2022kii.

Click here for more

 

Caafimaadka | WHO oo taageertey dadaallo lagula dagaallamayo daacuunka oo ka socda 62 degmo 

WHO ayaa taageero siisey dadaallo lagula dagaallamayo cudurka daacuunka ee ka dillaacay degmooyin ay abaartu saameysey oo ku yaalla guud ahaan Soomaaliya.

Hay’adda caafimaadka ee QM ayaa 516 shaqaalaha caafimaadka bulshada ah ka hawlgelisey 62 degmo oo ku kala yaalla lix gobol, oo ay ka mid yihiin degmooyin ay abaartu saameysey oo WHO ay ka hirgelineyso waxqabadyo wax looga qabanayo abaarta.

Sida ay sheegtey WHO, daacuunka dillaacay waxaa loo sababaynayaa jiritaanka dad tiro oo barakacayaal ah oo ay yar yihiin biyaha nadiifka ah iyo fayadhowrka habboon ee ay heli karaan.

Waxaa ay intaa raacisey in nafaqo-xumadu ay tahay mid ka mid ah halisaha ugu waaweyn ee jira – ilaa 6,191 carruur ay da’doodu ka yar tahay shan sano jir ayaa laga baarey nafaqo-xumo, iyada oo 1,912 laga heley in ay hayso nafaqo-xumo dhexdhexaad ah halka 1,010 kale ay haysey nafaqo-xumo aad u ba’an.

Click here for more

 

 

Qorsheynta Qoyska | Mashruuca qaran ee qorsheynta qoyska ee ay UNFPA-taageerto oo la ansaxiyey

Aqoon-is-weydaarsi lagu qabtey Muqdisho, ayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada ee Federaalka ay taariikhda ku gashey ka dib markii ay ansaxisey Qorshihii ugu Horreeyey ee Hirgelinta oo Kharashka Ku Baxaya uu Ku Qoran Yahay/Costed Implementation Plan (CIP) 2023-2028 oo ay UNFPA-taageerto oo Heer Qaran ah oo la xiriira Qorsheynta Qoyska/Kala-dheereynta Dhalmada.

CIP-gu waa qorshe faahfaahsan oo ay Soomaaliya dejisey si loo sii wanaajiyo caafimaadka iyo wanaagga dadweynaha iyada oo la siinayo macluumaad iyo adeegyo ay tayadoodu sarreyso oo la xiriira qorsheynta qoyska iyo kala-dheereynta carruurta. Sida ay qabto UNFPA, waxaa lagu haminayaa in marka la gaaro 2028-ka, heerka casriga ah ee ka-hortagga uurka ee haweenka la qabo ee ku jira da’dii dhalmada uu ka kordhi doono 1 boqolkiiba oo uu hadda yahay oo uu gaari doono 4 boqolkiiba. CIP-gan ayaa hirgelintiisu ay ku kici doontaa ilaa $8 milyan muddo shan sano ah.

UNFPA ayaa Wasaaradda iyo la-hawlgalayaasheeda ugu hambalyeysey guushan ay gaareen waxaana ay sheegtey in ku hami weyn tahay iskaashi hor leh oo ay ka yeeshaan hirgelinta iyo korjoogteynta sida uu u shaqeynayo qorshaha CIP.

Click here for more

 

 

Haqab-beelka Cuntada | WFP oo bakhaarka keydka daawooyinka qaranka ku wareejisey Dowladda Soomaaliya 

WFP ayaa bakhaarka cusub ee keydka daawooyinka qaranka ee Soomaaliya ee ku yaalla Muqdisho ku wareejisey Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Bakhaarkan oo ah mid aad u weyn, oo leh qaboojiye loogu talogaley  keydka daawooyinka aasaasiga ah oo lagu isticmaalayo guud ahaan Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta silsiladda saadka caafimaadka ee dalka. Arrintan ayaa muhiimad weyn u leh Wasaaradda, taas oo kaabeysey sidii loo bixin lahaa xirmo adeegyo caafimaad oo aasaasi ah inta ay ku sii siqeydo xaqiijinta yoolka ah in dadka wada gaarsiiyo adeegyada caafimaadka.

WFP oo  ay Wasaaraddu ku soo xulatey khibradda ay u leedahay maamulka saadka iyo bakhaarada keliya ma ay dhisin bakhaaradka ee waxaa ay sidoo kale si weyn u xoojisey una tababartey shaqaalaha Wasaaradda. Tani ayaa xaqiijineysa in bakhaarku uu door firfircoon ku yeesho sidii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u yeelan lahayd awood ay kaga soo baxdo ballanqaadyadeeda caafimaad isla maalinta lagu wareejiyo hawsha.

Click here for more

 

Horumarinta | UNDP oo gacan ka geysatey tababar heer sare ah oo ay heleen koox warbaahineed oo dhammaan hawl-wadeennadeedu ay haween yihiin

UNDP ayaa koox warbaahineedda Bilan oo ah tii ugu horrey oo dhammaan hawl-wadeennadeedu ay yihiin haween u sameysey tababar heer sare ah oo ku saabsan sida loo tifaftiro fiidiyowyada, sida wax loogu duubo diyaaradaha drone-ka ah, sida loo qoro wararka degdegga ah iyo sida Caqliga Dad-sameega ah/Artificial Intelegence (AI) loogu adeegsan karo diyaarinta warbixinnada warbaahinta iyo halisaha ka imaan kara. Marka laga soo tago shaqaalaha UNDP u shaqeeya, waxaa tababarka sidoo kale wax ka bixiyey suxufiyiin Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ah iyo filim-qaade saldhiggiisu yahay Midowga Yurub. Xirfadaha cusub ee ay barteen koox-warbaahineeddan ayaa gacan ka siin doona in tayada warbaahintooda ay kor uga sii qaadaan heerarkii ay gaarsiiyeen 18kii bilood ee la soo dhaafey.

Warbaahinta Bilan oo aasaasiddeedu taageero ka heshey UNDP ayaa waxa ay haweenka Soomaaliyeed ee suxufiyiinta ah siisey fursaddii ugu horreysey ee ay ku go’aansan kareen waxa ay doonayaan in ay ka soo warramaan iyo sida ay u sameynayaanba. Xoriyaddan ay heleen ayaa ay u adeegsadeen in ay soo saaraan qaar ka mid ah wararkii ugu horreeyey ee ugu waaweynaa ee ku saabsan arrimaha adag, oo ay ka mid yihiin wax-ka-barashada caadada haweenka (Dalsan), hooyooyin carruurtooda sumeynaya si ay u helaan buskudka nafaqada leh (Toronto Star), Soomaali qabta HIV oo baqdin la nool (El Pais),  dhibaatada sii xoogeysaneysa ee uu maandooriyuhu ku hayo haweenka ku nool Muqdisho (BBC) iyo sida ay abaartu u dhibaateyso haweenka iyo qoysaska (Guardian).

Click here for more

 

Siyaasadda | Wakiilka Gaarka ah ee QM oo sii wadda booqashooyinkeedii wax-ka-barashada dalka la xiriirey

Wakiilka Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa sii waddey booqashooyinkeedii ay wax kaga baraneyesey dalka iyada oo  gaartey Galmudug iyo Somaliland.

Intii ay joogtey Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, Ms. Laing waxaa ay la kulantey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ waxaana ay isla soo qaadeen mowduucyo ay ka mid yihiin dalk-dhiska, amniga, dimuqraadiyadda heerka degaan ah iyo abuurista xafiis ay QM midoobey leedahay.

"Waxaan yeelaney wada-hadallo hordhac ah oo dhab ahaantii mirodhal ahaa oo waxaan ka sheekeysaney mowduucyo badan. Waxaan ku bilowney in aan ka munaaqashoonno arrimo heer qaran ah iyo wada-tashiyada socda ee la xiriira geeddi-socodka Golaha Wadatashiga Qaranka, “ayaa Wakiilka Gaarka ah ee QM ay ka sheegtey kulan saaxafadeed halkaas ka dhacay. “Waxaan ku amaanayaa madaxweynaha sida ay uga go’an tahay wadatashi ballaaran ee loo dhan yahay, ee uu ka mid yahay kan lala yeelanayo bulshada rayidka ah, odeyaasha, haweenka iyo dhallinyarada, maaddaama Soomaaliya ay ku dhex jirto geeddi-socodkan lagu dhisayo qaranka, waa mid aad muhiim u ah, in dadka Soomaaliyeed, hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyo dad kaleba ay isugu yimaadaan wada-hadalladan dhabta ah oo loo dhan yahay.”

Intii ay joogtey Hargeysa, caasimadda Somaliland, ayaa sarkaalka QM waxaa ay la kulantey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyo sidoo kale wakiillo ka socdey bulshada rayidka ah.

“Waxaan ka wada-hadalney mustaqbalka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland iyo ballanqaadka uu Madaxweynuhu ballanqaadey in uu si wax dhiseysa uu uga qaybqaadanayo munaaqashooyinkan – sidaa daraaddeedna taas aad bey inoo dhiirrigelisey,” ayaa ay tiri Ms. Laing.

Click here for more

 

Miino-saarka | Haweeney Soomaaliyeed oo tababare ah ayaa soo dhammeysatey koorsooyin caalami ah oo la xiriira Asturidda Walxaha Qarxa

UNMAS waxaa iyada oo ku faraxsan ay xuseysaa in Tababaraheeda Khabiirka Ku Ah Hawlgallada ee mashruuca Ciidamada Amniga Soomaaliya ay si buuxda u soo dhammeysatey koorsooyinka tababarka Heerarka 1aad, 2aad iyo 3aad ee Asturidda Walxaha Qarxa ee Jaangooyooyinka Caalamiga ah ee Miino-saarka / the International Mine Action Standards (IMAS) Explosive Ordnance Disposal (EOD) – tababaraha ayaa ah haweeneydii ugu horreysey ee Soomaaliyeed ee ka tirsan shaqaalaha UNMAS oo qaadata shahaaddada Heerka 3aad ee IMAS EOD.

Koorsada Heerka 3aad ee IMAS EOD ayaa kordhisey aqoonta iyo xirfadaha ay gabadhan shaqaalaha ka tirsan u leedahay Tababarada Asturidda ee Burburinta ah (Demolition Disposal Techniques), Hubka La Hago (Guided Weapons), Maareynta hawsha Aqoonsiga Saanadda Taalla Dhulka Dushiisa iyo Asturidda Waxyaabaha Qarxa (Land Service Ammunition Recognition and Explosive Ordnance Disposal Task Management), iyo mowduucyo kale.

“Kartida ugu muhiimsan ee aan kororsadey waa in aan intii uu tababarku socdey sii xoojiyey awoodda aan u leeyahay in aan gacan ka geysto bixinta tababarka EOD ee la siinayo Ciidanka Amniga Soomaaliya. Waxaan qaatey shahaaddo caalami ah, taasoo i siin doonta fursad aan Soomaaliya ugu matalo guud ahaan dunida oo aan dalalka dhibaatada ugu weyn ay soo gaartey aan gacan ka siiyo miino-saarka iyo asturidda walxaha qarxa. Intaa waxaa ii sii dheer, waxaan rajeynayaa in sheekadeydan ay awood-siin doonto haweenka, gaar ahaan kuwa ka tirsan ciidamada amniga, oo ay ku dhiirrigelin doonto in ay ku dadaalaan in ay noqdaan Xirfadle Hawl-wadeen EOD,” ayaa ay tiri xubinta ka tirsan shaqaalaha UNMAS ka dib markii ay dhammeysatey koorsooyinka.

Click here for more