Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Luulyo 2024
Bani’aadamnimada |OCHA oo fududeysay hawlgal booqasho kormeer ah oo dowladda-QM ay ku tageen magaalada Xuddur OCHA waxay fududeysay hawlgal booqasho kormeer ah oo dowladda-QM ay si wadajir ah ugu tageen magaalada Xuddur, ee gobolka Bakool ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Hawlgalka, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamuud Macalim Cabdule, ayaa booqdey degsiimooyinka barakacayaasha ee Daryeel iyo Horseed.. Labadan goobood ayaa martigeliya in ka badan 28,200 qof, oo badankoodu goobahaa yimid lixdii bilood ee la soo dhaafey. Sida ay sheegtey OCHA, bulshadu waxay ku warrameen in aysan haysan waxyaabaha daruuriga ah, oo ay ka mid yihiin biyo, fayadhowr, caafimaad iyo waxbarasho. Hay'addan QM ayaa sidoo kale xustay, intii lagu guda jiray hawlgalka booqashada, in xoogga la saarey mudnaansiinta waxqabadka bani'aadamnimada maaddaama ay xaddidan yihiin kheyraadyada la haysto iyo maaddaama aan loo dulqaadan doonin leexsashada gargaarka bani'aadamnimo. |
||
Xalalka Waara | Mas'uul Sare oo ka tirsan QM ayaa booqdey goobo mashaariic ay ka socdaan oo ku yaalla Baydhabo Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, George Conway – oo sidoo kale ah Isuduwaha Qaramada Midoobay ee dalka iyo Isuduwaha Arrimaha Bani'aadamnimada – ayaa booqdey magaalada Baydhabo, oo ah magaalada ugu weyn Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, si uu ugu kuurgalo ilaa xadka waxqabadyada QM ay xalal waara gaarsiinayaan bulshooyinka ay la shaqeeyaan. Mudane Conway ayaa booqdey mashaariic hal-door ah sida mashruuca guryeynta ee hay'adda UN-Habitat, oo 200 oo guri oo joogto ah siinaya barakacayaasha (IDPs) kaas oo ah qayb ka ah dadaallada lagu fududeynayo sidii ay u dhexgali lahaayeen bulshooyinka degaanka. Dadaalkan ayaa guuleystay ka-dib hawlgelinta Sharciga Maareynta Dhulalka Magaalooyinka ee ay taageertay UN-Habitat, kaas oo suurageliyay in Barakacayaasha la siiyo waraaqaha lahaanshaha, waxayna dhiirrigelisay sugnaanta lahaaanshaha dhulka. UN-Habitat ayaa sidoo kale dowladda hoose ka caawisay dejinta Istiraatiijiyadda Magaalada Baydhabo. Hirgelinteeda ayaa lagu saleeyay soo xulidda goobta iyo qorsheynta dhismaha guryaha joogtada ah. Sida ay qabto UN-Habitat, istiraatiijiyadda waxay bixisaa jihayn cad oo loogu talagalay koboca magaalada oo la joogteyn karo, iyadoo islamarkaana la hirgelinayo waxqabadyo dhiirrigelinaya xalalka waara. |
||
Isbeddelka Cimilada | WFP oo daaha ka rogtey iskaashi ay la yeelanayso IGAD oo ku saabsan la-qabsiga cimilada WFP iyo Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa kala saxiixday warqad is-afgarasho ah oo lagu xoojinayo maareynta aqoonta la-qabsiga cimilada iyo horumarinta kartida hay'adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso. Soomaaliya ayaa la silcaysa raadadka gilgilaadda cimilada. Iskaashigan ayaa hiigsanaya fududeynta ku-laba-celinta iyo ballaarinta xalal la qabsasho oo uu degaanku hoggaamiyo iyo hab-dhaqannada ugu wanaagsan. |
||
Karti-dhisid | UNSOS oo ganacsatada Soomaaliyeed u diyaarisay in ay raashin keenaan UNSOS ayaa siminaar u qabatey ganacsiyada ay Soomaalidu leeyihiin kaas oo loogu diyaarinayo in ay ka qaybgalaan tartanka qandaraasyada QM si ay u keenaan raashinka. Siminaarka, oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 50 shirkadood oo degaanka laga leeyahay, ayaa waxaa fududeeyay UNSOS iyo Waaxda Taageerada Hawlgallada (DOS) ee QM. Siminaarka ayaa ujeeddadiisu ahayd in ganacsatada lagu wargeliyo shuruudaha u yaalla qandaraasyada QM si kor loogu qaado awooddooda tartanka qandaraaska; kulanka wuxuu ahaa siminaarkii ugu horreeyay ee abid loo qabto mowduuc la xiriira raashinka oo ay si wadajir ah u soo abaabulaan UNSOS iyo DOS. Marka laga soo tago kor-u-qaadista wacyiga ganacsatada degaanka, munaasabadda ayaa sidoo kale lagu ogaanayey aragtiyada ka-qaybgalayaasha ee ku saaban hannaanada. |
||
Horumarinta | UNIDO oo taageertay mashruuc biyaha milixda looga saarayo oo tamarta cadceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Puntland UNIDO ayaa taageertay rakibidda warshad biyaha milixda ka saarta oo tamarta cadceedda ku shaqeysa oo laga hirgeliyay Waaciye, oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Puntland ee waqooyiga Soomaaliya. Sida ay qabto UNIDO, warshadan cusub ee biyaha sifeysa waxay biyo nadiif ah oo amaan ah siisaa in ka badan 8,300 oo qof oo gobolka ku nool, taas oo sii wanaajinaysa u adkeysiga bulshada ee isbeddelka cimilada. Dowladda Japan ayaa mashruuca maalgelisay. Iyada oo qayb ka ah mashruuca, ayaa waxaa 15 qof oo Soomaalida degaanka ah lagu tababbarey ka shaqeeysiinta warshadda, taas oo abuureysa fursado shaqo iyo xaqiijinta in biyo joogto ah la helo muddo-dheer. UNIDO ayaa xustay in iyadoo laga faa'iideysanayo iskaashiga dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, awoodda waxsoosaarka warshadda la ballaariyey si ay u soo saarto ilaa 100,000 litir oo biyo la cabbi maalin kasta, taas oo horumarinaysa heerarka nolosha isla-markaana abuureysa fursado wax beerasho. |
||
Bani’aadamnimada | UNFPA oo sameysey dib-u-eegis lagu wanaajinayo dadaallada waxqabashada UNFPA ayaa qabatey ‘Aqoon-is-weydaarsi Dib Loogu Eegayo Waxa La Qabtey/After Action Review Workshop’ oo muhiim ah si uu uga caawiyo sii wanaajinta dadaalladeeda wax-ka-qabashada arrimaha bani'aadamnimada. Kulankan labada maalmood xoogga u socday, ayaa wufuud ka socotey Dowladda Soomaaliya iyo bah-wadaagta fulinta ee ka shaqeysa arrimaha bani'aadamnimada, oo ay wehliyaan hawl-wadeennada UNFPA, ay isugu yimideen Muqdisho si ay u wadaagaan fikrado, isu kaashadaan, oo ay istiraatiijiyad u wada dejistaan. Sida ay qabto UNFPA, aqoon-isweydaarsiga ayaa wuxuu kobciyay jawi ku dhisan iskaashi, oo iftiiminaya hab-dhaqannada ugu wanaagsan iyo casharradii wax laga bartey. UNFPA ayaa sheegtay in kulanadan ay aasaasi u yihiin diyaarinta qorshe-hawleed ballaaran oo lagu sii wanaajiynayo hufnaanta iyo raadadka gargaarka bani'aadamnimada. Waxaa ay intaa ku dartey in midnimada iyo ballanqaadka la muujiyay intii aqoon-isweydaarsiga socday in ay hoosta ka xariiqayso muhiimadda uu iskaashiga u leeyahay wax-ka-qabashada dhibaatooyinka adag ee bani'aadamnimada ee ka jira Soomaaliya. |
||
Nafaqo | FAO iyo Wasaaradda Kalluumeysiga oo u dabbaaldegay Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Waaxda kalluumeysiga Soomaaliya iyo awooddeeda baaxadda leh ayaa laga hadley intii lagu guda jiray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga, kaas oo socdey 3-9 Luulyo. Munaasabadda waxaa soo abaabuley Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, oo taageero ka helaysa hay'adda FAO iyo bah-wadaag kale. Toddobaadka wuxuu isu keeney kalluumeysato, beeralayda dhaqda kalluunka iyo mas'uuliyiinta dowladda, oo ay wehliyaan wakiilo ka socda waaxaha gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka ah iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loogu dabaaldego kheyraadka badda ee Soomaaliya, iyo sidoo kale si kor loogu qaado hab-dhaqannada la joogteyn karo, awoodsiinta bulshada ku dhaqan xeebaha, iyo ilaalinta badda. Dhacdooyinka toddobaadka waxaa ka mid ahaa aqoon-isweydaarsiyo, bandhigyo iyo barnaamijyo wacyigelineed oo ku saabsan kalluumeysiga la joogteyn karo, ilaalinta dhaqanka, hal-abuurka, iyo la-qabsiga cimilada. Sida ay qabto FAO, munaasabadda waxay kor u qaaddey wacyiga ku aaddan doorka qaybta kalluumeysiga ay ka qaadan karto koboca dhaqaalaha iyo maciishadda bulshada, si loo hubiyo in jiilalka mustaqbalka ay ka faa'iidaan kheyraadka badda ee Soomaaliya. |
||
Caafimaadka| WHO: guddi hawleedka tallaalka oo hawlo bilaabey Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha ee Soomaaliya (SIPE) ayaa hawlahiisa bilaabey, ka-dib markii la daahfuray dabayaaqadii bishii Juun. Guddiga SIPE wuxuu ka kooban yahay saraakiisha caafimaadka ugu muhiimsan ee heer dowlad-goboleed iyo federaal, iyo bah-wadaagta caalamiga ah. “Dhisidda guddi heer qaran oo ka shaqeeya tallaalka iyo cudurka dabeysha ayaa muujinaysa sida ay xukuumadeyda uga heellan tahay hawshan,” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidaa ku sheegay daahfurkii guddiga SIPE, oo uu isagu guddoomiye u yahay. “Waxaan ballanqaadeynaa in aan ka hortagno cudurrada tallaalka looga hortagi karo oo ah cudurrada ugu badan ee sababa dhimashada carruurta iyo dadaallada lagu horumarinayo tallaalka Soomaaliya maaddaama ay tahay mid mudnaan u leh Xukuumaddeyda,” ayuu hadalkiisa ku darey. Sida ay qabto WHO, guddiga hawleedka ayaa muujinaya sida madaxda sare ee siyaadda Soomaaliya ay uga go'an tahay ciribtirka cudurka dabeysha, kaas oo si joogto ah Soomaaliya uga wareegaalaysanayay muddo toddobo sano ah, iyo in carruurta laga tallaalo cudurrada looga hortagi karo tallaalka. |
||
Horumarinta | UNICEF ayaa daaha ka rogtey barnaamij shaqo barasho ah oo loogu talagaley gabdhaha Soomaaliyeed ee xirfadlayaasha ah UNICEF ayaa daaha ka rogtey Barnaamijka Shaqo-barashada ee Himilo, kaas oo loogu talogaley in uu awood u siiyo haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah in ay bartaan xirfadaha aasaasiga ah iyo in ay helaan waayo-aragnimo, in uu soo-jiito gabdhaha Soomaaliyeed ee jaamacadaha ka baxay si ay ugu soo biiraaan hay'adda QM ee carruurta, sii wanaajinta saamiga heerka sinnaanshaha jinsiga iyo kor u qaadista u-dhammaanshaha. Dadaalkan ilaa hadda, UNICEF waxay sharciyeysay iskaashiyada ay la leedahay afar macaahid oo lagu qaato tacliinta sare – jaamacadaha SIMAD University, Benadir University, Mogadishu University, iyo Somali National University – iyadoo la gashey heshiis is-afgarad. Qorshayaal ayaa socda oo iskaashiga lagu gaarsiinayo jaamacadaha kale ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la sarayo dadka laga tiro badan yahay ee aan metelaadda fiican haysan iyo dadka naafada ah. Lix-iyo-toban tababartayaal ayaa ilaa iyo hadda la soo xuley iyadoo la adeegsanayo hannaan lagu tartamo oo ay ka mid yihiin qiimeyn qoraal ah iyo wareysiyo. Sida ay qabto UNICEF, tababartayaasha kaliya wax kuma biirrinayaan xaqiijinta natiijooyinka ee waxay sidoo kale baranayaan xirfado gacan-ka-qabasho ah waxayna ka faa'iideysanayaan kheyraadyada waxbarashada ee barta internet-ka. |
||
Siyaasadda | Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo la kulmay hoggaamiyayaasha Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland Isaga oo ku guda jira la-tacaamulkii joogtada ahaa ee uu shakhsi ahaan ula lahaa madaxda Dowlad-goboleedyada Xubnaha Ka ah Federaalka, ayaa Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu booqdey Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland. Horraantii bisha Luulyo, ayuu magaalada Baydhabo kula kulmey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen,’ oo uu kala hadley mowduucyo badan oo muhiim ah oo la xiriira amniga iyo qaran-dhiska Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedkaba.. “Waxaan bogaadinayaa sida Madaxweyne Cabdicasiis ay uga go'an tahay ka-shaqeynta qaran-dhiska iyo sidoo kale in uu Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kala dagaalamo Al-Shabaab. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an taageeridda dadaallada dowladda ee ku aaddan kor-u-qaadista nabadda, xasilloonida, iyo horumarinta ee guud ahaan Soomaaliya,” ayaa Mudane Swan uu ka sheegey kulan uu saxaafadda la yeeshay. Arrimaha mudnaanta u leh qaranka ee laga munaaqashoodey waxaa ka mid ah arrimo la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo qorsheyaasha doorashooyinka. “Waxaan qireynaa in Madaxweyne Cabdicasiis uu kaalin muhiim ah ka qaatey gacansiinta geeddi-socodyadan,” ayuu hadalkiisii ku darey Mudane Swan. Bisha dabayaaqadeeda, booqasho uu ku tagey magaalo-madaxda Puntland, Garoowe, mas'uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ayaa la kulmey Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Maxamed ‘Deni.’ Marka la eego arrimaha muhiimka u ah qaranka, Madaxweyne Deni iyo Mudane Swan waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin ololaha socda ee ka dhanka ah kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab, geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka, iyo wareegga doorashada ee soo socota. Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa xusay in, inkastoo ay Soomaaliya ku tallaabsatey horumar la taaban karo sannadihii la soo dhaafey, haddana in ay weli jiraan caqabado badan, wuxuunna tilmaamay baahida loo qabo heshiis iyo iskaashi. “Iyadoo xaqiiqdan laga duulayo, ayaa waxaan muujiyay aragtida ah in ay faa'iido ugu jirto shacabka Soomaaliyeed haddii madaxda sare ee dalka – Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada – ay xalliyaan khilaaf kasta ee u dhaxeeya ayna raadiyaan hab ay ku wada-shaqeyn karaan, si ay isugu waafaqaan xalalka caqabadaha qaranka horyaalla; ka-dibna ay qaadaan tallaabo ay ku mideysan yihiin,” ayuu yiri Mudane Swan. |
||
Wacyigelinta halista miinada | UNMAS ayaa tababbar wacyigelin ah u qabatey degaamo fogfog oo ku yaalla gobolka Gedo Colaadaha hubeysan ee daba-dheeraaday iyo xaaladda bani’aadamnimada ee ka sii dareysa ayaa horseeday haraadigii walxaha qarxa ee ka harey dagaallada in ay ku jiraan degmada Luuq oo ah degmo ku taalla gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya – laba wiil ayaa waxay dhowaan ku dhaawacmeen dhacdo la xiriirta walxaha qarxa ee macmalka ah, oo ka dhacdey meel ay xoolaha daaqaan oo u dhow magaalada Luuq. Hay’adda UNMAS, oo dhacdadaasi ka jawaabeysa ayaa goobta geysay saraakiisha xiriirka bulshada (CLOs) si ay ula tacaamulaan dhibbanayaasha iyo qoysaskooda, waxayna ogaadeen waxbarashada halista walxaha qarxa (EORE) in loo baahan yahay in la gaarsiiyo tuulooyinka fogfog ee degaanka. Iyadoo ay sabab u tahay walaacyada amni ee saameeyay gaarista degaamadan fogfog, ayay saraakiisha xiriirka bulshada (CLOs) hirgeliyeen hab kale – waxay Tababbarka-Tababbarayaasha (ToT) – u qabteen dadka u dhaqdhaqaaqa tuulada, si ay iyaguna, markooda waxbarashada EORE u gaarsiiyaan bulshooyinkooda. Guud ahaan shan xubnood oo bulshada muhiim u ah – saddex haween, laba nin – ayaa qaatey agabka iyo tababbarka EORE ToT, oo ay ka mid yihiin waraaqo daabacan iyo aaladaha waxbarashada halista, si ay bulshooyinkooda uga wacyigeliyaan halista walxaha qarxa. |