Maxamed Xassan Maxamuud: Waxaa ka go’an Daboolidda Baahiyaha Caafimaad ee Bulshooyinka Barakacayaasha ah ee Garoowe

27 Jul 2024

Maxamed Xassan Maxamuud: Waxaa ka go’an Daboolidda Baahiyaha Caafimaad ee Bulshooyinka Barakacayaasha ah ee Garoowe

Garoowe – Inkasta oo dib-u-dhiska Soomaaliya uu socdo ka dib tobanaan sano oo ay ka jireen dagaallo, khilaaf siyaasadeed iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo, baahiyaheedu waa ay badan yihiin. 

Baahiyahan waxaa ka mid ah kuwa haysta waaxda caafimaadka ee dalka, kaas oo aad uga hooseeya saamiga ugu yar ee caalamka ee inta bukaan ee ay tahay in uu ku soo hagaago halkii dhakhtar.

Sida ay qabto Hay’adda Qaramada Midoobey ee caafimaadka, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), waqtigan la joogo keliya siddeed xirfadlayaal – sida dhakhaatiirta, kaalkaaliyeyaasha caafimaad ama umulisooyinka – ayaa ku soo aadaya 10,000 qof ee ka mid ah dadka ku nool Somaaliya. Inta ugu yar ee ay ku talisay hay’adda WHO si loo gaaro bartilmaameedyada caafimaadka ee Yoolasha Horumarka Waara ee adduunka waa 44.5 xirfadlayaal oo ku soo aadaya 10,000 qof.

Intaa waxaa dheer, 12kii haween ahba mid ka mid ah ayaa waxay u dhimataa sababo la xiriira uurka, waxaana mid ka mid ah in tobankii carruur Soomaaliyeed ahba mid uu dhinto isaga oo ay da’diisu ka yar tahay shan sano jir.

Shaqaalaha caafimaadka qaarkood, tani waxaa ay ula micna tahay fursad ay shaqo  ku helaan ama dhaqaale uga soo galo  xarun caafimaad oo magaalo ku taalla ama isbitaal goboleed.

 Laakiin sidaa ulama mid aha Maxamed Xassan Maxamuud, oo sidoo kale lagu naaneyso ‘Carab.’

Mudane Maxamed, waxaa diiradda u saaran keliya baahiyaha caafimaad ee kumanaanka haweenka iyo gabdhah ah ee ku nool Xerada Barakacayaasha Jowle, ee ku taalla duleedka Garoowe, oo ah magaalo-madaxda Dowlad-goboboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee ku yaalla dhinaca waqooyiga dalka.

“Xerada Barakacayaasha Jowle waxaa ku nool dad aad u tiro badan, oo adeeg  caafimaad oo aysan hal xarun caafimaad ama laba aysan si fudud uma kaafin karin baahidan ballaaran, laakiin waxaan ku dadaalnaa in daryeel caafimaad aan maalin kasta siinno dadka u baahan, gaar ahaan kuwa ugu nugul, sida hooyooyinka, carruurta, iyo waayeelka,” ayaa uu yiri.

Bilowgii hore

Si ka duwan sida qaybaha koonfureed ee Soomaaliya, Puntland ilaa xad nabadgelyadeedu waa ay ka wanaagsan tahay qaybaha kale ee dalka. Laakiin waxaa weli ku nool dad tiro badan oo ay colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimada ka soo barakiciyeen gobollo kale.

Sida uu qabo Xafiiska hay’adda QM ee Qaxootiga (UNHCR), waa jira ilaa 500,000 barakacayaal ah oo ku nool Puntland – kuwaas, oo ilaa 50,000 ka mid ahi ay ku nool yihiin Xerada Barakacayaasha ee Jowle, oo ku taalla  Garoowe.

Xerada waxaa ku taalla xarun caafimaad oo adeegyo caafimaad iyo nafaqeyn siisa dadka deggan xerada. Xarunta  caafimaadka oo markii ugu horreysey ay aasaastey Hay’adda Qaramada Midoobey ee Socdaalka (IOM), waxaa hadda maamula Save the Children International oo ah urur caalami ah oo aan dawli ahayn.

Mudane Maxamed waxaa uu ka hawl bilaabey xerada sanadkii 2013, markaas oo uu jirey 24 sano oo ahayd ka hor xataa intii uusan bilaabin tacliintiisa sare. Isaga oo markaa ku shaqeynayey iskaa-wax-u-qabso, ayaa waxaa uu ka noqdey shaqaale caafimaad oo bulsho.

“Waxaan aad u jeclaa in aan caawiyo dadka uusan adeegga caafimaad gaarin ee ku nool tuulooyinka horumarkoodu liito ee fogfog ee Soomaaliya. Aqoonta aan u leeyahay caafimaadka dadweynaha (public health) ayaa awood ii siisey in aan gaaro dadka aan rabo in aan caawiyo,” ayaa uu sii raaciyey.

Mudane Maxamed waxaa uu sanadkii 1989 ku dhashey magaalada madaxda dalka, Muqdisho. Xiisaddii sii xumaaneysey ee halkaa ka jirtey, oo markii dambena sababtey in uu dillaaco dagaal sokeeye, ayaa ku keentey in uu qoyskiisu dego Puntland.

Halkaas ayuu kaga qalinjebiyey Dugsiga Sare ee Gambool, oo uu dhammeeystey sanadkii 2008, ka hor intuu uusan shahaaddada koowaad ee jaamacadda Bachelor of Nursing ka qaadan Jaamacadda Boosaaso sanadkii 2018.

Adeeggan caafimaad ee Xerada Barakacayaasha ee Jowle waxaa uu bixiyaa adeegyo aasaasi ah sida tallaalka, daaweynta cudurrada faafa iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka, iyo sidoo kale barnaamij quudin-ku-daweynta bukaan-socodka ah oo loogu talogaley carruurta nafaqo-xumada ba’ani ay hayso, iyo barnaamij quudin dheeri ah oo lala beegsado carruurta yaryar.

“Adeegyadeennu aad bey u kala duwan yihiin, waxaana ka mid ah adeeg daryeel caafimaad iyo nafaqeyn oo la siiyo carruurta ka yar shan sano jirka iyo hooyooyinka uurka leh,” ayaa uu xusey Mudane Maxamed.

“Waxaan kormeeraa oo aan mas’uul ka ahay xogta bukaanka iyo dabagalka adeegga ee xaruntan,” ayaa uu hadalkiisa sii raaciyey. “Kuwa degdeg ugu baahan daryeel daaweyn caafimaad, waxaan isku xirnaa xarunta quudinta iyo hay’adaha caawiya. Waxaan sidoo kale tababaraa shaqaalaha caafimaadka waxaana u qareemeeyaa anniga oo iyaga matalaya, gaar ahaan marka ay cudurro dillaacaan.”

Horumar shakhsi ah

Shaqadii tobankii sano ee la soo dhaafey uu ka hayey xerada barakacayaasha macnaheedu ma ahan in uu Maxamed ka seexdey guulihiisa shakhsiga ah – arrintu sidaa aad bey uga duwan tahay.

Sanadihii la soo dhaafey, aabbahan dhaley afarta carruurta ah mas’uuliyaddiisu waa ay sii korodhey. Hadda waxaa uu mas’uul ka yahay guud ahaan xarunta caafimaadka, isaga oo maareynaya koox ka kooban dersin shaqaale ah oo la tacaamula celcelis ahaan maalin kasta 100 bukaan.

Waxaa ka go’an in uu kobciyo naftiisa oo uu guul ka gaaro waaxdan uu doortey in uu ka shaqeeyo, waxana uu hadda ku dadaalayaa horumarka muddada fog ku aaddan ee uu doonayo, iyo sidoo kale waxtar muddada fog ah oo u soo hoyata dadka barakacayaasha ee uu daryeelo. Mudane Maxamed waxaa uu hadda is-qorey barnaamij shahaaddada labaad ee jaamacadda ah ee Culuunta Maareynta Daryeelka Caafimaadka / Master of Science in Healthcare Management oo ay bixiso Jaamacadda UNICAF University, taas oo uu filayo in uu dhammeeyo sanadka 2025ka.

Mar walba ma fududa in la isku wado shaqo, waxbarasho iyo mas’uuliyadaha qoyska, laakiin Mudane Maxamed waa ay ka go’an tahay in uu  ka wada miro dhaliyo.

“Waa ay ku adag tahay qof dhallinyaro sideyda oo kale ah, oo ku nool magaalo tayada noloshu aad ay u sarreyso, oo leh xaas iyo carruur, in uu muddo dheer uu shaqeeyo isaga oo ka fog qoyskiisa. Nasiib wanaag, qoyskeygu aad buu ii garab istaagey iyada oo aan anniguna waqtigeyga iyo tamarteyda isugu geeyey in aan u adeego dadka danyarta ah ee ku nool xerada barakacayaasha ee Jowle,” ayaa uu yiri.

Laga yaabee in aaney la yaab lahayn, shaqadiisa iyo noloshiisa shakhsiga ah ayaa ilaa iyo xad isku dheehmey.

“Muddadii aan la joogey bulshadan, waxaa ay noqdeen sidii qayb ka mid ah qoyskeyga. Waan is-baranney, waxaana aan noqdey qof u qareemeeya,” ayaa uu yiri Mudane Maxamed. 

 “Mar kasta waxaan dareemaa in la i soo dhoweynayo marka ugu horreysa ee aan cagta soo saaro xerada maalinta ugu horreysa shaqada. Halkii ay iila dhaqmi lahaayeen dhakhtar aaney aqoonin oo kale, dadka deggan xeradan waxaa ay ii yihiin sidii in aan nahay qoys,” ayaa uu yiri. “Codsiyada taageero caafimaad iyo nafaqeyn ayaa bilowda in ay soo burqadaan islamarka dadku ay ka war helaan in ay xaruntu furan tahay. Dhammaan waxyaabahan cajiibka ah ayaa iga dhigey mid isu hanweyn, laakiin waxaan ka xumahay in aanan bixin karin dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin.”

 

Marka laga soo tago shaqadiisa iyo waxbarashadiisa, arrimaha uu ka shaqeeyo ayaa is-beddelayey.

“Mas’uuliyaddeyda aasaasiga ah waa in daryeel caafimaad iyo nafaqeyn aan siiyo bulshada barakacayaasha ah ee Jowle, laakiin arrimaha noocan ahi waxyaabo kale ayaa ka soo fufa, waxaana aan waqtigan sidoo kale dadka ka wacyigeliyaa arrimo kale, oo ay ka mid yihiin u-gacan-qaadidda xubnaha qoyska, kufsiga, guurinta carruurta yaryar, iyo iyo gudniinka,” ayaa uu yiri Mudane Maxamed.

“Waxaan maalin kasta aragnaa dhibaatooyin ay raggu mariyaan gabdhaha,” ayaa uu yiri. “Tusaale ahaan, waxaan xusuustaa sida aan u yaabey markii aan ogaadey in guurinta carruurta yaryar ay ku badan tahay xerada, iyada oo gabdho da’doodu aan ka badneyn 13 jir la guuriyo iyaga oo ay oggol yihiin dadka mas’uulka ka ah.” 

Fikirka uu Maxamed ka qabo dhibaatada dadka deggan xerada – iyo sidoo kale kuwa deggan xerooyinka kale ee ku yaalla guud ahaan Soomaaliya – ayaa wax iska beddeleen.

“Marka lagu eego sharciga dalka iyo kan caalamiga ahba, dadka gudaha ku barakacay waxaa ay leeyihiin xuquuq iyo xorriyaad la mid ah kuwa muwaadiniinta kale ee dalkooda, iyaga oo buuxda ula siman,” ayaa uu yiri. “Sidaa daraaddeed, marka dhinac la iska dhigo takhasuska aan u leeyahay caafimaadka, waxaan sidoo kale u qareemeynayey in barakacayaasha si buuxda loo dhexgeliyo bulshooyinka martigeliyey si ay u helaan isla xuquuqaha ay leeyihiin.”

Marka laga eego dhinaca mustaqbalka fog, Mudane Maxamed waxaa uu rajeynayaa in uu arko iyada oo barakacayaasha ku nool Puntland ay si buuxda isu dhex galeen bulshooyinka degaankooda oo helayana adeegyo bulsho sida daryeel caafimaad, waxbarasho iyo amni.

“Haddaba waxaan wadaa dadaal aan barakacayaashan si toos ah u dhexgelinayo bulshada martigelisey ee Garoowe, laakiin taasi weli fari kama qodna. Xaaladdooda nololeed ee waqtigan ayaa weli ay calaamad ay u tahay guryo aan ku filneyn oo liita, waxbarashada oo aan ku filneyn,” ayaa uu yiri.

Culeys qaran

Sida ay qabto UNHCR, oo ah hay’adda QM ee mas’uulka ka ah gacansiinta dadka barakacay, waxaa jira 3.8 milyan oo qof oo waqtigan Soomaaliya barkacayaal ugu ah colaad, amni-xumo iyo raadadka ay ka tagtey is-beddelka cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha is-daba-socda daraaddood.

Iyada oo ay wehliyaan hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada QM, ayaa UNHCR waxaa ay ka shaqeyneysaa in ay hubiso in dib-u-soo-celinta khiyaariga ku dhisan ee qaxootiga Soomaaliyeed ay ahaato mid waarta iyo in dadka soo guryo-noqdey si taabogal ah loo dhexgeliyo bulshooyinkooda.

Dadaallada Soomaalida sida Mudane Maxamed oo kale ay wadaan ayaa ah kuwo laga mahadceliyo – oo lagamamaarmaanna ah.

“Waa mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee da’da yar ee ugu firfircoon uguna waxtar badan xerada barakacayaasha ee Jowle. Xerada ayaa u aragta in uu wiilkooda oo kale yahay! Waa uu nala joogaa, waxaa uu na siiyaa taageero, waana uu noo qareemaa. Ma doonayo in aan keligiis amaano, laakiin waxqabadkiisa ayaa dhab ahaan u qalmo in la amaano,” ayaa uu yiri Cabdirashiid Gaarane Cawl, oo ka mid ah maareeyeyaasha Xerada Barakacayaasha ee Jowle.

“Waxaan xusuustaa dhacdo mug weyn oo isaga la xiriirta: saddex bilood ka hor, waxaa dillaacay shuban kaas oo qaar ka mid ah xubnaha bulshadu ay ku dhinteen,” Mudane Cawl ayaa hadalkiisa sii watey. “Si uu wax uga qabto, waxaa uu qabtey shaqo aad muhiim u ah oo uu ku abaabuley shaqaalaha caafimaadka oo uuna ku ogeysiiyey Wasaaradda Caafimaadka – jawaab-celintiisa aya badbaadisey nafta tiro dad ah.”

 Sanadkii 2022, ka dib markii guddi uu warbixin ka soo saarey arrinta, ayaa Barnaamijka Xoghayaha Guud ee QM ee loo yaqaanno Action Agenda on Internal Displacement/Ajandaha Tallaabo-qaadka ah ee Barakaca Gudaha, taas oo muujinaysa muhiimadda sii ballaaraneysa ee arrintan.

Ajandaha Tallaabo-qaadka waxaa uu leeyahay saddex yool oo aasaasi ah: in barakacayaasha gacan lagu siiyo in ay xal waara u helaan barakacooda, in si ka wanaagsan sida hadda looga hortago dhibaatooyin barakac cusub oo dhaca, iyo hubinta in kuwa barakacu soo wajaho ay helaan ilaalin taabogal ah iyo gargaar.  Waxaa uu dhigayaa 31 ballanqaad oo uu bixiyo hannaanka QM si qaab ka wanaagsan sida hadda loogu xalliyo, looga hortago oo waxna looga qabto dhibaatooyinka barakaca gudaha.

Sida ay qabto Qaramada Midoobey, saddexda yool waa kuwo si aan la kala qaadi karin isugu xiran maaddaama xalna uusan waaraynin haddii  dhibaato kale ay soo fool leedahay, gargaar dad ku filanna uusan jireyn haddii waxyaabaha sababta u ah barakaca ay weli sii yihiin kuwo aan la xallin, iyo in ka-hortaggu aan guuleysan karin haddii dhibaatooyinkii hore aan wax laga qaban.

La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Xalalalka Barakaca Gudaha, Robert Piper, ayaa booqdey Soomaaliya sanadkii 2023 – dalka ayaa ka mid ah 16 Dal oo Xubno Ka ah QM oo loo xushey in lagu tijaabiyo Ajandaha Tallaabo-qaadka.