Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Oktoobar 2023

30 Oct 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Oktoobar 2023

 

Fatahaadaha | OCHA ayaa isku-duwaysa u diyaargarowga iyo wax-ka-qabashada fatahaadaha

Iyadoo la shaqeynaysa maamullada Soomaaliya iyo bahwadaagta, ayaa hay'adda OCHA waxay sii wadey isku-duwidda u-sii-diyaargarowga iyo wax-ka-qabashada fatahaadaha ka-dib roobabkii Deyrta (Oktoobar ilaa Disembar).

Xaddiga raababka ayaa sababay fatahaaddo xooggan, burbur ama waxyeello ku yimaada hoyga/guryaha, jidadka, dhismeyaasha iyo buundooyinka, iyo barakac ku-meelgaar ah. Sidoo kale, roobab culus iyo kuwo dhexdhexaad ah ayaa la sheegay in ay ka da'een qaybo ka mid ah Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed tan iyo bishii Oktobar.

Sida ay sheegeen maamullada degaanka iyo bahwadaagta arrimaha bani'aadamnimada, Degmada Baydhabo waxaa ku dhintay laba qof oo gurigooda ku soo dumay ka-dib roobabkii da'ay 11kii Oktoobar. Waxaa kaloo la sheegay hal qof in uu ku dhaawacmay, mid kalena la la’yahay. OCHA waxaa kale oo ay xustay in bahwadaagta Galmudug ay soo sheegeen dhimashada gabar 13-sano-jir ah oo ay biyo fatahaad ah ku qaadeen tuulada Ceel Huur markay taariikhdu ahayd 20-ka Okbtoobar.

Shirarka isu-duwidda u-sii-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah iyo wax-ka-qabashada fatahaadaha ayaa ka socda heerar kala duwan.

Click here for more

 

Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka | UNFPA ayaa bilowday mashruuc caafimaad oo loogu talagalay haweenka iyo gabdhaha

Iyadoo ay wehliyaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, USAID iyo UNICEF, ayaa hay'adda UNFPA waxay xustay Maalinta Caalamiga ah ee Carruurta Gabdhaha ah iyadoo daaha ka rogtey mashruuca ‘Caafimaadka Gabdhaha iyo Haweenka Soomaaliyeed’.

Mashruuca $2.7 milyan ku kacaya, ee ay maalgeliso USAID ayna fuliso UNFPA, wuxuu xoojin doonaa adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee bulshooyinka danyarta ah ee gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Markii daaha laga rogayey, ayaa Sheri-Nouane Duncan-Jones ee USAID waxay iftiimisay sida maalgelinnada la hago iyo tallaabooyinka istiraatiijiga ah ay ugu keeni karaan horumar weyn nolosha carruurta yaryar, kuwa dhowaan dhashey iyo haweenka Soomaaliyeed.

Sidoo kale xilligii daaha laga rogayey, hoggaamiyeyaasha dowladda, saraakiisha QM iyo kuwa dhallinyarada u ololeeya waxay ka wada hadleen istiraatiijiyadaha xuquuqda gabdhaha, iyagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin shabakadaha taageerada iyo maalgelinnada la beegsado ee waaxaha daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.

Click here for more

 

Sareeynta Sharciga | UNOPS oo saldhig boolis ku wareejisay Puntland

UNOPS ayaa gacan ka geysatay horumarinta in Soomaaliya cadaalad lagu helo iyadoo wareejisay saldhig laga hirgeliyay degaanka Abaarey ee Puntland kaas oo ah saldhiggii ugu dambeeyay ee 17 saldhig boolis oo dhowaan la dhisay.

“Guushan muhiimka ah waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in hay'adaha talinta sharciga ee rasmiga ah, gaar ahaan booliska, la gaarsiiyo bulshooyinka ay u adeegsaan,” ayay tiri UNOPS.

UNOPS ayaa mashruuca fulisay iyadoo loo marayo Barnaamijka Booliska ee Wadajirka ah (JPP) – dadaal ay Soomaalidu hormuud ka tahay kaas oo isu keena UNOPs, UNDP, UNPOL iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS), iyadoo taageero laga helayo Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo Jarmalka.

Barnaamijka JPP oo daaha laga rogey 2018, wuxuu hiigsanayaa sii wanaajinta isla-xisaabtanka iyo wax-ku-oolnimada ciidamada booliska heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, horumarinta amniga iyo cadaaladda ee guud ahaan Soomaaliya.

Iyadoo la mideynayo deeqaha laga helo deeq-bixiyeyaasha kala duwan, ayaa barnaamijka JPP wuxuu si dhow ula shaqeynayaa Wasaaradda Amniga Gudaha si uu u tababbaro oo u qalabeeyo ciidanka booliska, u taageero kaabayaasha, ugu qaybgalo dib-u-habeynta laamaha amniga, kor ugu qaado hawlaha amniga ee bulshada ku jihaysan, iyo xaqiijinta isla-xisaatamka maamulka.

Click here for more

 

Fatahaadaha | WFP waxay isu diyaarinaysaa fatahaado

Iyadoo El Nino la filayo in ay fatahaado ba'an ka geysato meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, ayaa WFP waxaa ay degmooyin badan oo ku kala yaalla guud ahaan Soomaaliya ku daah-rogtey tallaabooyin ka-sii-gaashaamasho ah – waa markii ugu horreysay ee hay'adda WFP ka daah-rogtey qaaradda Afrika tallaabooyin fatahaadaha looga gaashaamanayo.

Tallaabooyinka waxaa ka mid ahaa dirista farriimo fatahaadaha ka sii digaya iyo lacago kaash ah oo loo diro qoysaska ku dhaqan meelaha la saadaaliyay in ay fatahaadaha ka dhici doonnaan si loo yareeyo saameynta ay dad ku yeellan karaan.

Tallaabada ka-sii-gaashaamashada ayaa u shaqeysa iyadoo la isku-xiriirinayo saadaasha cimilada iyo qorsheyaal ku-talagal ah oo horey loo go'aamiyay iyo  maaliyadsiinta, waxaanna la hawlgeliyaa marka la dhaafo heerar horey loo qeexay – tusaale ahaan, heerarka webiga ama xaddi roobaadka. Habkan, ayaa bulshooyinka lagu siin karaa taageerada ay u baahan yihiin si ay uga sii gaashaantaan oo ayna ugu diyaar-garoobaan xaaladaha degdegga ah ee cimilada intaysan dhicin ka hor.

Click here for more

 

Abaaraha | FAO waxay taageero ay abaaraha kaga soo kabanayaan siisay beeraleyda Buula-Berde

Iyada oo taageero ka heleysa dalka Sweden, ayaa FAO waxay 1,200 qoys oo abaar ku dhufatay oo degmada Buula-Berde ee Hirshabeelle ku nool ka caawinaysaa in ay soo celiyaan wax-soo-saarkooda si ay qoysaskooda u quudiyaan.

Degmada ayaa la xushay iyadoo lagu saleynayo falanqeyntii ugu dambeysay ee nafaqada iyo haqab-beelka cunnada taas oo lagu oggaaday in qoysas badan ay soo wajahday cunno yari ba'an iyo dhibaatooyin kale.

Beeraleydu waxay helayaan abuurka galley, salbuko, digir iyo khudaar, iyo sidoo kale qalabka beeraha iyo loorar. Agabka wuxuu qoysaska nugul awood u siinayaa in ay dib u soo ceshadaan haqab-beelka cunnada iyo in ay dalag beertaan.

"Carruurteyda ka sokow, qaraabo badan ayaa gurigan igula nool," ayay tiri Saciido Cumar, oo ah beeraley ka faa'iiday mashruuca, waxay sheegtay in agabkii beeraha ee la siiyay uu saameyn weyn ku yeeshay bulshada.

”Qoyskeyga waxaa dalaggii iyo xoolihiiba ay ka dhamaadeen xilligii abaarta markii dambe ee uu roobka da'dayna waxaa inna saameeyay fatahaado," ayay hadalkeedii sii raacisay.

Click here for more

 

Dhallinyarada | UN-Habitat oo dhallinyara Baydhabo u dhistay bar-kulan

Iyada oo taageero ka heleysa dalka Sweden, UN-Habitat waxay dhallinyarada magaalada Baydhabo ugu deeqday xarun cusub oo hawlo badan lagu qabsan karo – ‘Xarunta Dhallinyarada Baydhabo (Baidoa Youth Hub)’ – oo leh adeegyo kala duwan.

Xarunta waxay ku taallaa bartamaha Baydhabo, oo ah magaalada ugu weyn Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, xaruntu waxay leedahay fasalka kombiyuutarrada (computer lab), hool shirarka lagu qabto, maktabad, qolal tababarrada loogu talagalay, garoon lagu ciyaari karo isboortiska noocyadiisa kala duwan iyo maqaayad casri ah.

Xaruntu waxay bixin doontaa adeegyo kala duwan iyo barnaamijyo tababar oo ku saabsan shaqo-helidda iyo maciishadaha, dimuqraadiyadda iyo nabad-dhisidda, caafimaadka iyo wanaagga, isboortiska iyo madadaallada.

Sida ay qabto UN-Habitat, Soomaaliya waxay hadda ka mid tahay dalalka caalamka ee sida ugu dhakhsiyaha badan u magaaloobaya, dhinac gaar ah oo ka mid ah magaaloobiddan waa dhallinyarada badan, oo qiyaastii boqolkiiba 27 ka kooban dhallinyaro ay da'doodu u dhaxeyso 15 ilaa 29.

Xarunta Dhallinyarada Baydhabo waa iskaashi u dhaxeeya UN-Habitat iyo dowladda hoose. Waxay adeegsaneysaa qaab iskudhaf ah oo loo maro horumarinta dhallinyarada, iyadoo dhallinyarada loo sameynayo meelo ammaan ah oo ku yaalla magaalooyinka halkaasi oo ay ku kulmi karaan kuna heli karaan macluumaad iyo kheyraadyada muhiimka u ah horumarka ay dhallinyaradu hormuudka ka tahay oo ay ka mid yihiin xarumaha nabad-dhisidda, shaqo-helidda iyo madadaallada.

Bahwadaagta mashruuca waxaa ka mid ah ahaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed iyo Dowladda Sweden.

Click here for more

 

Caafimaadka | UNICEF ayaa bilowday mashruuc caafimaad oo loogu talagalay haweenka iyo gabdhaha

Etleva Kadilli, oo ah Agaasime-Goboleedka UNICEF ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, oo ay wehliyaan Madaxweynaha Qaybta Horumarinta Caalamiga ah ee Mu'asasada Bill & Melinda Gates Foundation, Dr. Chris Elias iyo Wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa la kulmay Ra'isal Wasaare Xamsa Barre si ay mar kale ugu celiyaan taageeradooda ku aaddan xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo si ay isugu duwaan dadaallada lagu joojinayo faafidda cudurrada carruurta ee tallaalka looga hortagi karo.

Soomaaliya waxaa muddada ugu dheer dunida oo dhan ka dillaacayey nooca 2aad ee fayruska poliovirus ee markiisii hore ka soo jeedey tallaalka. Xaaladda waxaa uga sii darey colaad iyo saameynta isbeddelka cimilada, sida fatahaadda hadda socota ee ka dhashey El Niño oo saameynaysa qaybo ka mid ah dalka oo keentay cabsi laga qabo cudurro dillaaca.

Ilaa hadda, iyadoo loo marayo iskaashiga hay'addu la leedahay bah-wadaagteeda, waxaa ilaa iyo afar milyan oo carruur ah la gaarsiiyay ugu yaraan laba kuuro oo tallaalka dabeysha ah. Sida ay qabto hay'adda UNICEF, in carruurta la tallaalo ayaa ah habka la hubo ee looga hortagi karo cudurrada carruurta ku dhaca.

Click here for more

 

Guriyeynta | Hay'adda UNHCR ayaa Baydhabo daaha kaga rogtey mashruuc la halmaala Guriyeynta

Hay'adda UNHCR ayaa ka daaha kaga rogtey mashruuc hoy ama guryo oo lagu taageerayo 455 ka-faa'iideystayaal oo ku nool Baydhabo, oo ah magaalada ugu weyn Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Mashruuca ayaa muujiyey sida hay'adda UNHCR ay uga go'an tahay in xal waara loo helo barakacayaasha – iyadoo mudnaan siinaysa wanaagga iyo adkeysiga ka-faa'iideystayaasha, ayaa waxay hiigsaneysaa in ay raad waara ku reebto ayna wanaajiso nolosha dadka soo barakacay ku nool magaalada Baydhabo.

Si mashruuca loo hirgeliyo, hay'adda UNHCR waxay iskaashi dhow la yeelatay bahwadaagta maxalliga ah si ay soo ogaadaan qoysaska ugu nugul bulshada. Mashruuca sidoo kale wuxuu doonayaa in uu gacan ka geysto guud ahaan horumarinta bay'ada ay dadku ku nool yihiin.

Intii lagu guda jiray mashruuca fulintiisa, waxaa la hirgeliyay hawlaha ka-qaybgalka bulshada oo ay barbar socdeen dadaallada dhismaha si ka-faa'iideystayaasha mashruuca loo dareensiiyo lahaansho iyo xoojinta wadajirka bulshada dhexdeeda.

Click here for more

 

Horumarinta | Warbaahinta ay UNDP-taageerto ee Bilan Media oo u sharaxan abaal-marin sare

Kooxda warbaahinta ugu horreeysey ee Soomaaliya oo ay gabdho oo kaliya ka howl-galaan ama ay maamulaan, Bilan, ayaa waxaa ay u sharaxan yihiin Abaal-marinta Tusmada Faafreebka Xorriyadda Saxaafadda (Index on Censorship Press Freedom) ee qaybta Saxaafadda.

U sharaxanaantan ayaa timid ka-dib markii ku dhowaad laba sano ay iska hor dhaqaajinayeen caqabaha gabdhaha horyaalla, iyagoona waddo cusub u furay gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka howlgala waddan ka mid ah waddamada ugu khatarta badan ee war laga soo tebiya.

Warbaahinta Bilan oo lagu aasaasay taageero laga helay hay’adda UNDP, ayaa fursaddii ugu horeysay u ahayd haweenka Soomaaliyeed ee suxufiyiinta ah, taas oo u suuragelisay in ay qabtaan shaqo saxaafadeed oo dhammeystiran oo haweenka u madaxbannaan yihiin, kuwaas oo iyaga go’aaminaya warka ay tebinayaan iyo qaabka ay u tebinayaan.

Waxay mar horeba madaxbannaanidan u adeegsadeen in ay noqdaan ciddii ugu horreysey ee soo sheegta qaar ka mid ah sheekooyinkii ugu waaweynaa ee ugu horreeyay Soomaaliya ee ku saabsanaa arrimo badan oo horey la isaga indhatiri jiray, oo ay ka mid yihiin takoorka argagaxa leh ee lagu hayo bulshada dadka qaba xaaladda albino, nolosha Soomaalida la ildaran cudurka AIDS-ka ee wadooyinka ku nool, xadgudubka lagula kaco gabdhaha agoonta ah, iskuullada loogu talagalay carruurta qabta xaaladda autism-ka iyo macallimiinta iyo kororka isticmaalka daroogada (opiate-ka) ee haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Click here for more

 

Golaha Amaanka QM | Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa warbixin kooban siisay kulankii ku saabsanaa Soomaaliya

Iyadoo ku sugan Xarunta-dhexe ee QM ee Magaalada New York, mas'uulka sare ee ururkan caalamiga u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa Golaha Amaanka shirkiisii ugu dambeeyay ku siisay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, waxay hadalkeedii kaga hadashey mowduucyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin waxyaabihii ku soo kordhey siyaasadda, amniga, ka-qaybgalka haweenka, xaaladda bani’aadamnimada, horumarka dhaqaalaha iyo kuwo kale.

“Waxaan dhammaan bahwadaagta caalamiga ah ku dhiirrigelinayaa in ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya si loo hubiyo in aan ku fara-adeygno guulaha badan ee aan ilaa hadda xaqiijinney. QM waxaa aad uga go’an in ay Soomaaliya ka taageerto xoojinta iyo adkeynta nabadda iyo barwaaqada,” ayay hadalkeedii raacisay Ms. Laing.

Click here for more

 

Maalinta Qaramada Midoobay | Saraakiisha ugu sarreeya QM ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada Soomaaliya

Saraakiisha ugu sarreysa ururkan caalamiga ah u jooga Soomaaliya ay maanta waxay mar kale xaqiijiyeen taageerada ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin inta uu dalku wado dadaallada ku aaddan qaran-dhisida iyo nabad-dhisidda, mar ay joogeen shir jaraa'id oo ay kaga hadlayeen xuskii Maalinta Qaramada Midoobey.

“Sida aad dhammaantiinna wada ogsoon tihiin, waqtigan waxaa dunida ka jira culeysyo aad iyo aad u badan… [oo ay ka mid yihiin] culeysyo ka jira qaaradda Afrika iyo culeysyo kale oo innagu haysta Soomaaliya – laakiin Qaramada Midoobey waxaa ay garab-taagan tahay oo ay diyaar u tahay in ay taageero ka geysato dhammaan culeysyadaas jira,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

“Waxaan Soomaaliya joogney xoriyadii ka hor. Waxaan halkaaan joogney waqtiyo aad u cuslaa oo Soomaaliya soo marey,” ayay raacisey Ms. Laing.

Ergeyga QM ayaa ka hadleysey shir jaraa’id oo lagu qabtey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa ku weheliyey Ku-xigeennada Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho iyo George Conway, iyada oo kan dambe uu sidoo kale yahay Isuduwaha QM ee Dalka iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada, iyo madaxa Xafiiska QM ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOS), Aisa Kacyira.

Maalinta QM oo sanad kasta loo dabaal-dego 24ka Oktoobar, waxaa lagu xusaa sanad-guurada markii uu dhaqangaley Axdiga Qaramada Midoobey sanadkii 1945kii. Ka dib markii ay dokumentigaa ansaxiyeen aqlabiyadda saxiixayaashiisa, ayaa waxaa si rasmi ah u sameysmey Qaramada Midoobey.

Click here for more