Sheeko sawirro wadata – Gabar da’yar oo Soomaaliyeed oo ku hamineysa in ay noqoto suxufiyad oo wax ka ogaatey war-isgaarsiinta caalamiga ah

4 Nov 2023

Sheeko sawirro wadata – Gabar da’yar oo Soomaaliyeed oo ku hamineysa in ay noqoto suxufiyad oo wax ka ogaatey war-isgaarsiinta caalamiga ah

Muqdisho — Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha Carruurta ah ayaa dhowaan loogu dabaal-degey guud ahaan dunida iyada oo hadafka laga leeyahayna uu ahaa dhiirrigelinta awood-siinta gabdhaha iyo aqoonsashada in ay wax hoggaamin karaan.

Iyada oo qayb ka ahayd dabaaldegga ay hay’adaha QM ku xusayeen Maalintaa, ayaa Gabar Soomaaliyeed oo 18 sano jir ah oo ku hamineysa in ay suxufiyad noqoto – Sabrina Cali Maxamed – waxaa ay maalintaa ku qaadatey xafiisyada Muqdisho ku yaalla ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya / the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), halkaas oo ay iyada oo daba-socota wax kaga soo baraneysey sarkaal sare oo wargaarsiineed.

Waayo-aragnimada ay Sabrina ku qaadatey UNSOM ayaa aragti kooban ka siisey hawsha war-gaarsiinta caalamiga ah iyo qaababka kala duwan ee QM ay u taageerto nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Waxaa ay la kulantey qaar ka mid ah saraakiisha sare ee QM ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo la wadaagey aragtidooda iyo taladooda ku aaddan u-shaqeynta QM iyo, marka si guud loo eego, sidii ay ku xaqiijin lahayd riyadeeda.

Waa kuwan sawirro muujinaya sida ay ahayd maalintii ay Sabrina ku qaadatey UNSOM dhexdeeda:

09:00 subaxnimo – Sabrina ayaa hawsha maalintaa ku bilowdey kulan ay la qaadatey Valerie Msoka, Ku-xigeenka Madaxa Kooxda Xiriirka Istiraatiijiga ah iyo Arrimaha Bulshada / Strategic Communications and Public Affairs Group (SCPAG). 

Ms. Msoka ayaa warbixin kooban ka siisey doorka iyo hawlaha SCPAG, oo ay ka mid yihiin qabashada ololayaal wargaarsiineed oo muddada fog ah, soo-saarista waxyaabo loogu talogaley hababka war-isgaarsiinta ee kala duwan, maareynta saaxadaha kala duwan ee warbaahinta bulshada, qabanqaabinta waxqabadyada wacyigelineed ama dadka toos loogu wargelinayo, xiriirka wada-shaqeyn ee lala yeelanayo warbaahinta.

Barnaamijka Sabrina waxaa uu la halmaalaa in ay daba-socoto Ms. Msoka inta ay shaqadeeda ku guda jirto. Ms. Msoka oo ah muwaadin reer Tanzania ah oo waayo-aragnimo ka badan 30 sano u leh saxaafadda iyo war-isgaarsiinta caalamiga ah, Ms. Msoka oo waayo-aragnimo dheer u leh hawsha ayaa waxa ay siineysaa xikmado la xiriira sida loo diyaariyo sheekooyin lagu qanco. 

“Caalamka saxaafadda, waxaad ku khasban tahay in aad gunta soo taabato si aad u soo ogaato runta. “Waa in aad iska hubisaa waxa la iska aaminey, su’aal gelisaa isha xogta oo aad hubsataa xaqiiqooyinka. Waa in aad ahaataa qof war-gal ah, geesi ah oo hawlkar ah. Saxaafaddu ma aha keliya xirfad; ee sidoo kale waa adeeg bulsho.”

Ms. Msoka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysey doorka muhiimka ah ee ay waxbarashadu ku yeelan karto wax-ka-beddelidda nolosha haweenka da’da yar iyo gabdhaha – teeda ayay wax ka beddeshey, waxaana dhiirrigeliyey suuragalnimada ay saameyn taas la mid ah ay waxbarashadu ugu yeelan karto gabdhaha Soomaaliyeed.

“Waxbarashadu waa hubka ugu culus ee wax looga beddeli karo dunida,” ayay tiri sarkaaladdan u shaqeysa QM. “Waxaa ay gabdhaha awood u siisaa in ay hormuud u noqdaan is-beddel yimaada ayna qareen u noqdaan xuquuqahooda. Waxaa ay awood u siisaa in ay kala gooyaan meertada saboolnimada, tacaddiga, iyo takoorka. Waxaa ay siisaa rajo, isku-kalsooni, iyo sharaf.”

09:45 subaxnimo – Sabtiina oo Ms. Msoka u raacday shirkeedii kowaad ee maalintaa – oo ay la yeelaneyso Rei Shigeno, oo ah muwaadinad u dhalatey Japan oo ah Siihayaha Madaxa Shaqaalaha UNSOM. 

Xafiiska Madaxa Shaqaalaha waxaa uu isu duwaa oo uuna taageeraa hawsha qaybaha kale iyo unugyada kala duwan ee UNSOM, iyo sidoo kale hay’adaha kale ee QM iyo kuwa bah-wadaagta degaanka iyo kuwa caalamiga ah ee Soomaaliya jooga. Munaaqashadeedii hordhaca ahayd ee ay Ms. Msoka la yeelatey ee ku saabsanayd shaqada, Ms. Shigeno waxaa ay waqti la qaadatey Sabriina iyada oo wax ka weydiisey waxa ay ku hamineyso mustaqbalka.

Ms. Shigeno waxaa ay nolosheeda sahqo ku bilowdey macallin jaamacadeed, ka dib markii ay ka soo qalinjebisey jaamacadda oo ay ka qaadatey shahaaddada cilmiga falsafada. Sabrina ayaa aad u daneyneysa in ay wax ka ogaato sida ay ugu dambeyn shaqo uga heshey QM iyada oo soo baratey cilmiga falsafada. 

"Waxay ila tahay waxa aan sida ugu weyn u bartey marka la eego waxbarashadeyda waa in aanan eegin waxa iska cad ee bannaanka yaalla,” ayay Ms. Sheigeno u sheegtey, “laakiin in aan eego khalfiyadda ka dambeysa si aan si gun dheer ugu fahmo waxa dhacaya. Iyo in aan fahmo sarbeebta hadalka, ee aan akhrin waxa iska muuqda."

10:15 Subaxnimo – Kulankeeda kan ku xiga Ms. Msoka waxaa ay la yeelaneysaa Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta. Halkaas, shaqaalaha sare iyo kuwa hoose, Soomaali iyo ajnebiba, Sabrina waxaa ay wax ka ogaaneysaa hawlaha Kooxda, oo ay ka mid yihiin la-socoshada, dokumenti-gareynta, iyo ka soo warramidda tacaddiyada iyo xadgudubyada xuquuqaha aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya, iyo sidoo kale bixinta taageero farsamo iyo karti-dhis ay siiyaan hay’adaha qaranka iyo bulshada rayidka ah.

Shaqada ay mustaqbalka ku hamineyso Sabrina ayaa lagu soo qaadey munaaqashooyinka, iyada oo qaar ka mid ah shaqaalaha QM ee xuquuqda aadanaha ay carrabka ku adkeeyeen doorka muhiimka ah ay ee ay suxufiyiintu ku leeyihiin ilaalinta iyo dhiirrigelinta xuquuqda aadanaha. 

"Badanaa isha ugu horreysa ee aan ka helno macluumaadka ku saabsan wax dhacay waa warbaahinta, waxaana saaxiibada aan wada shaqeyno ee warbaahinta ayaa nagu soo wargeliya waxyaabaha dhacay ka hor inta aaney gaarin warbaahinta waaweyn – waxaa ay inoo yihiin il aad muhiim u ah oo aan ka helno macluumaadka,”ayaa uu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Xuquuqda Aadanaha ee Soomaalida ah oo mar uu la sheekeysaneyey Sabrina.

Wada-sheekeysigii ay la yeelatey ardayadda da’da yar, ayaa Madaxa Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinteeda, Kirsten Young, waxaa ay  xustey sida saxaafaddu ay saameyn ugu lahayd kala-doorashada waxa ay ka shaqeyneyso.

"Iyada oo ay kuwo kalena joogeen, waxaa meesha fadhiyey laba wariye oo haween ahaa oo dagaallada ka soo warrama oo igu dhiirrigeliyey in aan bilaabo in aan ka shaqeeyo xuquuqda aadamaha. Waxaa ay dhinac aad xoogga u saaraya aadaminimada ku soo kordhiyeen sida taariikhiyan looga soo warrami jirey colaadda waxaana ay muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la helo codadka kuwa sida ugu ba’an ay dhibaatadu u saameysey,” ayaa ay tiri Ms. Young, oo sidoo kale ah Wakiilka Xafiiska Madaxa Haya’dda QM ee Xuquuqda Aadanaha / Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR) u jooga Soomaaliya.

11:00 subaxnimo – Iyada oo ah qof ku haminaya in ay noqoto suxufiyad ayaa nasiib wanaag un ay kula kulantey kooxda SCPAG maalintaa ay dhex joogtey Qaramada Midoobey – kooxda SCPAG oo ka kooban 15 xubnood ayaa marka la isku daro leh 225 sano oo waayo-aragnimo ah oo la xiriirta dhammaan dhinacyada kala duwan ee saxaafadda iyo war-isgaarsiinta!  

Aan ku soo noqonno xafiiska SCPAG, Sabrina waxaa cashar hal-door ah (master class) oo ku saabsan qorista maqaallada siiyey xubnaha shaqaalaha SCPAG ee Soomaalida ah, kuwaas oo badidoodu ahaayeen suxufiyiin hore iyo qorayaal ay ka go’an tahay in ay sheekooyinkooda la wadaagaan dadka Soomaaliyeed ayna la jaanqaadaan horumarka ay dunidu ku socoto.

"Sheeko-gudbinta taabogalka ah ayaa inoo saamaxaysa in aan adkeysiga iyo dulqaadka dadka Somaaliyeed u muujinno dadweynaha caalamka,” ayaa Axmed Weli Xuseen Maxamuud, oo ah Sarkaal Macluumaadka Guud u qaabilsan, uu u sheegey Sabrina, ka dib markii uu dhinac kasta uga sharxay qorista maqaallo sheekooyin xul ah.

12:00 duhurnimo – Ms. Msoka ayaa shir la leh mid ka mid ah Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, George Conway, oo sidoo kale ah Madaxa Qaramada Midoobey iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya. Arrimaha ay ka wada niqaashayaan waxaa xagga sare kaga jira shir-jaraa’id oo mar dhow uu ka qaybqaadanayo Mudane Conway. 

Mudane Conway oo u dhashey dalka Canada, waxaa uu waayo-aragnimo 20 sano ah u leeyahay horumarinta, ka-hortagga dhibaatooyinka iyo dib-u-soo-kabashada, iyo arrimaha bani’aadamnimada oo uu Qaramada Midoobey kala soo shaqeeyey Indonesia iyo Suudaanta Koonfureed, iyo sidoo kale Soomaaliya iyo Xarunta Dhexe ee QM ee Magaalada New York. 

Ka dib markii uu wax ka ogaadey yoolalka ay Sabrina higsaneyso, ayaa Mudane Conway waxaa uu dib qooraansadey safarkiisii uu ugu soo biirey oo uuna kula soo shaqeeyey hay’addan caalamiga ah.

“Waxaa si dhow ula socdey raadka ay QM ku leedahay dalalka ka soo kabanaya colaadda iyo sida hawsha QM ay dadka uga caawimeyso qaran-dhsidida iyo nabad-dhisidda – waxaan dhab ahaan jeclaa in aan qayb ka ahaado hawshan. Maanta, hadafkaas ayaan ugu noolahay Soomaaliya, anniga oo dowladda Soomaaliyeed iyo Dadka Soomaaliyeed kala shaqeynaya dhisidda Soomaaliya sidii hore ka wanaagsan oo lagu wada naalloodo,” ayaa uu yiri.

12:20 duhurnimo – Ms. Msoka waxaa ay soo mareysaa Madaxa SCPAG iyo Af-hayeenka UNSOM, Ari Gaitanis, oo sidoo kale muddo dheer la soo shaqeeyey QM ahna suxufi hore, si wax uga ogaato waxyaabihii ku soo kordhey mowduucyo kala duwan – iyo si ay isu barto Sabrina. Mudane Gaitanis oo u dhasey dalka Australia ayaa u riyaaqey markii uu maqley yoolalka suxufinimada ee ay higsaneyso Sabrina. 

“Haddii loo rabo warbaahin ama hay’ad caalami ahba – aasaasiyaadka sheeko-sheegistu waa iskumid: diyaarinta sheeko dad wargelisa, xiiso-gelisa oo dhiirri-gelisana,” ayaa uu Mudana Gaitanis u sheegey Sabrina.

Markii uu dhegeystey yoolalkeeda mustaqbalka fog, Mudane Gaitanis warkiisu wuu caddaystey oo sidan ayuu u sheegey.

“Saxaafadda waa saaxad ay adag tahay in la soo galo, laakiin mid u qalanta in lagu dadaalo. Waxaa jiri doona jallaafooyin iyo caqabado, waxaa jiri doona maalmo aad isweydiin doonto in loo baahnaa guud ahaan dadaalkii aad ku bixisey iyo in ay u qalanto wixii aad u quurtey, waase u qalantaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. “Sheegista sheekooyin wax iftiimiya oo dadka wax ogeysiiya ayaa ah door muhiim u ah bulsho kasta.”  

01:30 duhurnimo – Jadwalka shaqada ee Ms. Msoka – waxaa uu iyada iyo Sabrina – geynayaa kulan ay la qaataan Ku-xigeenka Kale ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho. Ms. Gbeho oo u dhalatey dalka Gaana waxaa ay kormeertaa hawsha UNSOM ee siyaasadda, xuquuqaha aadanaha, doorashada, iyo talinta sharciga iyo waxqabyada amniga.

Hawsha QM ee Ms. Gbeho oo ah sarkaal sare oo waayo-arag ah waxaa ay la halmaashaa ka-shaqeynta siyaasadda, horumarinta iyo arrimaha bani’aadamnimada ee Xarunta Dhexe ee QM ee Magaalada New York iyo hawlgallada ka socda gudaha dalalka, iyada oo middan dambe ay soo hoos-gelayaan deegaannada ay ka jirto colaadda iyo kuwa ka soo kabanaya colaadda iyo goobo kala duwan sida Angola, Cambodia, Ciraaq, Namibia iyo Suudaan, iyo sidoo kale Soomaaliya.

Ka dib markii ay munaaqashadeeda la dhammeysatey Ms. Msoka, ayaa Ms. Gbeho waxaa ay la sheekeysatey Sabrina, iyada oo siisey talo iyo dhiirrigelin: “In ay diyaar-garow badan sameyso, in aaney ka baqin in ay dadka ka duwanaato iyo in ay hawsheeda xuddun uga dhigto wax-u-qabashada dadka.” 

02:00 duhurnimo – Ms. Msoka ayaa ku soo noqotey miiskeeda shaqada, iyada oo ka shaqeyneysa warbixinno oo kana jawaabeysa emaillo. 

Dhanka kale, Sabrina ayaa qaadaneysa cashar kale oo hal-door ah. Ligia Kanashiro, oo u dhalatey dalka Brazil ahna khabiirka warbaahinta dhigitalka ah ee kooxda SCPAG, ayaa Sabrina tusineysa sida loo abuuro sawirro/jaantusyo (graphics) indhaha soo jiidanaya oo loogu talogaley warbaahinta bulshada iyo saaxadaha kale. Waxaa ay sidoo kale ka munaaqashoonayaan muhiimadda ay leedahay adeegsashada middabo, far, sawirro iyo astaamo (icons) kala duwan oo soo-jiidanaya dadka ay farriintu ku socoto oo kaabayana yoolalka farrimaha laga leeyahay. 

"Muuqaallada ayaa door muhiim ah ka qaata in farriinta loo gudbiyo si taabogal ah,” ayaa ay tiri Ms. Kanashiro iyada oo tusaalayaal ay ka soo qaadatey sawirro/jaantusyo (graphics) warbaahinta bulshada ah ka tusineysa shaashadda kombuyutarkeeda.   

03:20 galabnimo – Kulanka ugu dambeeya ee jadwalka Ms. Msoka waa mid ka dhacaya internet-ka oo ay la yeelaneyso Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Aisa Kacyira, oo ah Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya / the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS). 

Ms. Kacyira oo u dhalatey dalka Ruwanda oo horey u soo noqotey duqa magaalada Kigali ayaa UNSOS ku hoggaamineysa bixinta taageero dhinaca saadka (adeegga), maamulka, iyo farsamada ah oo ay siiso Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya / the African Union Transmission Mission in Somalia (ATMIS), ciidamada amniga Soomaaliyeed, UNSOM iyo hay’adaha kale ee QM ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Sarkaalladda UNSOS ayaa la dhacdey sida ay Sabrina ugu dadaaleyso riyadeeda, iyo sidoo kale  tan dhammaan gabdhaha Soomaaliyeed. 

“Waxaan aaminsanahay in ay Soomaaliya ka jirto sheeko ay tahay in aan u dabaal-degno, inkasta oo ay jiraan culeysyo maalin kasta ina soo wajaha. Waa mid dad dhiirrigeineysa in adiga, Sabrina ah, aad ku hamineyso riyo wanaagsan oo aad haddaba ka shaqeyneyso in aad ka dhabeyso, iyo in aad gaari doonto, laga yaabee in ayba aad uga soo hormarto waqtiga aad u maleyneyso in ay kugu qaadan doonto,” ayaa ay tiri Ms. Kacyira. 

“Waxaan rabaa in aan kuu hambalyeeyo iyo sidoo kalena u hambalyeeyo dhammaan gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed, sababta oo ah waxaa laga yaabaa in beesha caalamka ay timaaddo oo ayna taageero idin siiso,” ayaa ay hadalkeeda raacisey. “Laakiin ugu dambeyn, waxa muhiimka ah waa in ay adiga kaa go’an tahay, sida aad diyaar ugu tahay in aad tallaabo qaaddo, sida aad diyaar ugu tahay in aad si buuxda gacanta ugu dhigto oo aadna u lahaato oo aadan u qaadan wax iska imaanaya.” 

03:45 galabnimo – Iyada oo ay Ms. Msoka wada joogaan miiskeeda shaqada, ayaa Sabrina waxaa ay waqti kooban u heshey hal cashar oo haldoor ah oo uu siinayo mid ka mid ah khubarrada kooxda SCPAG – markan waxaa casharka bixinaya Sourav Sarker, oo u dhashey dalka Bangladesh oo ah soo-saare warbaahinta dhigitalka u ah kooxda SCPAG. Waxaa uu sharxayaa qaar ka mid ah hababka iyo istiraatiijiyadaha warbaahinta bulshada loogu adeegsado yoolal muddada fog ah, iyo sida loo dhiso warbaahin bulsho xooggan oo shaqeysa. 

“Warbaahinta bulshada ma aha keliya wax lagu madadaasho. Dabcan waad ku raaxaysan kartaa qaybta madadaallada, laakiin haddii qorshahaaga horey u sii dejisato, waxaad sidoo kale saaxadahan u adeegsan kartaa in aad ku daah-rogto sanadaha dhowrka ah ee soo socda shaqo wariyenimo madax-bannaan,” Mr. Sarker ayaa sheegey.

04:30 galabnimo – Maalinta Caalamiga ah ee Carruurta Gabdhaha ah ayaa sii dhammaaneysa – sidoo kalena waxaa soo gebogeboobaya maalintii ay Sabrina ku qaadatey xafiiska war-isgaarsiinta istiraaatiijiga ah ee UNSOM. Maalintu waxay ahayd mid dheer oo lagu daalo, laakiin heerka tamarta ay Sabrina hayso ayaa weli sarreeya.

"Maalinta waxay ahayd mid ka mid ah maalmaha ugu wanaagsan ee noloshayda soo marey. Waxaan la kulmey dad soo-jiidasho leh waxaana ka dhegeystey sheekadooda. Weligey maskaxdeyda ma gelin aan fursad noocaas ah heli doono. Waxaa sii xoogeystey xiisaha aan u hayo saxaafadda, waxaana aan wax badan ka ogaadey QM iyo hawsha ay u hayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha,” ayaa ay tiri.

“Waxaan fursad u hely in aan soo booqdo Xarunta QM ee Muqdisho iyo in aan la kulmo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha UNSOM. Waxaa aad ii cajabiyey sida ay u kala fog yihiin sawirka aan ka haystey iyo waxa aan halkaa ku soo arkey. Xalane oo aan u haystey meel laga cabsado oo ay askar buuxdo, waxaa ay ahayd meel nabadeed oo qurux badan oo ay joogaan dad wanaagsan. Waxaan galey xarunta UNSOM anniga oo ah gabar aad u rabta in ay wax soo ogaato, waxaana kala soo baxay hami iyo aqoon aad u badan.

Laakiin waxaa jirey hal shey oo maalintaa macno weyn u sameeyey gabadhan ku hamineysa in ay noqoto suxufiyad. “Waxaan gaar ahaan i cajabiyey hoggaamiyeyaasha haweenka ah ee aan la kulmey, oo ila wadaagey sheekooyinkooda,” ayay tiri Sabrina. “Waxaa ay wax iiga sheegeen caqabadihii ay la soo kulmeen, guulihii ay gaareen, iyo riyooyinkooda. Waxaa ay ahaayeen kuwo aad ugu faraxsan oo dad caawiya, waxaana aan dareemey in xiriir xooggan uu igala dhexeeyo. Aad baan uga mahadcelinayaa fursaddan aan mar walba la heleynin ee la i siiyey; waxaad meel dheer iga tusteen fursadaha la heli karo mustaqbalka waxaana rajeynayaa in aan mar kale dhowaan idin soo booqan doono!”