Matxafka Qaranka: Dhowrista Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed wax kasta oo ay nagu qaadataba

31 Oct 2023

Matxafka Qaranka: Dhowrista Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed wax kasta oo ay nagu qaadataba

Muqdisho — Waxaa jirey waqti uu Matxafka qaranka ee Soomaaliya uu keyd qaaliya uu u ahaa qof kasta oo doonayey in uu wax ka fahmo taariikhda dalka iyo dhaqankiisa iyo farshaxankiisa hodonka ah. 

Waqtigaasi mar hore ayuu tegey. 

‘Museo della Garesa,’ waxaa 1934 aasaasey maamulkii gumeysigii Talyaaniga, isaga oo laga furey gurigii hore ee guddoomiyaha gobolka markii ay Suldaankii Cumaaniga uu Muqdisho ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka, hay’ad dhaqanka la halmaasha waxaana soo marey waxyaabo badan oo ay matxafyada kale ay soo mareen aad u tiro yar yihiin.  

Dhismaha oo sidoo kale loo yaqaanno “Matxafka Barqash,” ayaa xarun u ahaa matxafka ilaa laga soo gaarey 1985 markaa oo agabkii yaalley oo ahaa ilaa 3,500 shey, loo wareejiyey dhisme cusub halkaas oo hoy u ahayd tan iyo waqtigaas.  

Dagaalkii sokeeye ee dhibka iyo jahawareerka keeney ee dhacay sanadihii 1990-meeyadii ayaa sababey in uu xirnaado muddo ku dhow 30 sano. 

Dowladda Federaalka ah ayaa dayactir iyo dib-u-dhisid aasaasi ah ku bilowdey 2019kii, waxaana goobtaa dib loo furey bishii Luuliyo 2020kii. 

Wax badan ayaa u dhiman si uu dib ugu soo noqdo beri-samaadkiisii hore. Inkasta oo dhibaatadii ka soo gaartey dagaalka laga dayactirey oo aasaas iyo dhismayaal cusub ay hadda meesha yaallaan, haddana hoolalkiisii iyo qolalkii wax lagu keydinayey ayaa weli bannaan-yaal ah oo burbursan oo badi waxyaabihii ku jiri jirey waa la burburiyey ama waa la bililiqeystey intii ay socdeen dagaalladii ugu dambeeyey. 

Shaqaale hawlkar ah  

Sidaas oo ay tahay haddana, iyada oo looga mahadcelinayo hawlkarnimada iyo dadaalka shaqaalaha iyo kuwa iskaa-wax-u-qabso kula shaqeeya, ayaa Matxafka Qaranka waxaa la arkayey isaga oo si tartiib-tartiib ah dib ugu soo noolaanaya. Hadda waxaa dadweynaha u furan laba ka mid ah afarta dabaq ee uu ka kooban yahay dhismaha waxaana shaqaalihiisa ka go’an in ay hubiyaan in dadka Soomaaliyeed ay si fudud ugu il-qabowsadaan waxyaabaha halkan yaalla. 

“Bulsho kasta waxaa ay leedahay taariikh iyo hidde. Matxaf waa hay’ad keydisa waxyaabahaas oo una sii gudbisa jiilasha soo socda,” ayaa uu yiri Agaasimaha Guud ee matxafka, Dr. Cismaan Geeddow Caamir.  

Dr. Cismaan waxaa jagada marxafka loo magacaabey dabayaaqadii 2021kii. Hawshiisa waxaa ay ahayd mid aad u culus maaddaama hay’addaasi ay ahayd mid muddo dheer aan shaqeyn. 

“Hawsha ugu horreysey ee aan bilaabey waxay ahayd in aan sharciyadiisii toosinno, in loo raadiyo dad aqoonyahanno ah oo matxafka ka shaqeeyo, qaybihiisa kala geddisan,” ayuu yiri. 

Aad ayuu mashquul u ahaa tan iyo waqtigaas, isaga oo qabanqaabinayey bandhig-yo yaryar, qalqaalinayey taageero, raadinayey khubarro farshaxanka iyo dhaqanka ku takhasusey si uu talo uga helo, oo soona jiidanayey farshaxanno – sameynaya wax kasta oo loo baahnaa si gacan looga geysto in uu matxafku ku soo noqdo doorkii muuqdey ee uu ku dhex lahaa Soomaaliya. 

Dib-u-soo-nooleynta ayaa bilaabatey    

Qaybta farshaxanka iyo dhaqanka ee Soomaaliya, ayaa dib-u-yagleelidda Matxafka Qaranka ee sanadkii 2020kii waxaa ay u ahayd mid si ballaaran loogu dabaal-degey maaddaama loo arkayey in ay tahay tallaabo muhiim u ah dib-u-soo-nooleynta dhaqankeedii soo-jireenka ahaa.  

Sida uu sheegey Cumar Cali Xasan ‘Serbiya’, oo ah suxufi Soomaaliyeed oo caan ah oo ku takhasusey farshashanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, dib-u-yaqleelidda Matxafka Qaranka waxaa uu si mug leh uga qaybqaadan doonaa midnimada bulshada, waxaa uu kor u qaadi doonaa xuquuqaha dhaqanka,  waxaana uu noqon doonaa madal lagu keydiyo ilaalinta dhaqanka iyo taariikhda hodonka ah ee Soomaaliya si dunidu ay u aragto. 

“Dib-u-yaqleelidda Matxafka Qaranka waa xaqiiqo qiimo u leh Soomaalida iyo dunida, gaar ahaan Soomaalida, oo dhaqankoodu halkan lagu soo bandhigi doono. Ajnebigu waxaa ay heli doonaan fursad ay si wanaagsan innoogu bartaan marka ay soo booqdaan dalkeenna – dad kala duwan ayaa soo booqda matxafka. Waxaa ka mid ah qaar badan oo dibadaha ka yimid oo  aad u raba in wax badan ka ogadaan dalkooda,” Ayuu yiir Mudane Cumar. 

Waqtigan la joogo, agabka dhaqanka ee ku keydsan matxafka waxaa ka mid ah sunuud hore, farshaxankii soo-jireenka ahaa, hub iyo agab ka sameysan dhoobo.  

Matxafka ayaa si tartiib-tartiib ah u soo noolaanaya inkasta oo shaqaale xaddidan oo 15 ah ay ka shaqeeyaan. Waxaa gacan siiyey dadaallada ay muujinayaan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku shaqeeya mutadawacnimo, kuwaas oo ay ka mid yihiin farshaxanno. Hadda waxaa shaqeeya qaar badan oo ka mid ah waaxaha matxadka – oo ay ka mid yihiin waaxaha degaanka, dhaqanka, taariikhda umadda iyo wax-soo-bandhigidda. 

Taageero ayaa loo baahan yahay  

Xawaaraha uu ku socdo dib-u-yaqleelidda waxaa hoos u dhigey maaliyad la’aan. Dib-u-diyaarinta waxyaabaha innaga dhiman waa caqabad laga gudbi karo – dhibaatadu waxay ka taagan tahay halkii la dhigi lahaa.  

Dayactirki la sameeyey 2019kii oo qayb ahaan ay kharashkiisu ku bulshadu ku deeqdey, ayaa keeney  in qaybihii dhismaha ee aasaasiga la diyaariyo oo lana xoojiyo. Laakiin dhismaha ayaa u baahan in wax laga beddelo si uu ugu adeegi karo magaalada caasimadda ah oo aad u magaalowdey oo dadkeeduna aad u bateen si loo hubiyo in agabka mustaqbalka la soo ururinayo laga ilaaliyo halisaha waxyeelleyn kara oo ay ka mid yihiin iftiinka, boor, bakteeriya, shimbiro iyo cayayaan.  

  

“Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo doonaayo in agab ay iyaga haayaan matxafka ugu deeqaan, qaar waxaa jiro hadda noo keeney oo bakhaarrada noogu jiraan. Laakiin wax waliba waxay u baahan yihiin in lagu ilaaliyo armaajooyin iyo miraayado, markaa  miisaaniyaddii aan wax ku qaban lahayn ayaa xoogaa naga cakiran. Ayuu yiri Dr. Cismaan.

“Laakiin waxaan ogahay haddii maanta la yiraahdo umadda Soomaaliyeed nin walba agabka uu haayo ha keeno matxafka, wax badan ayey keenayaan.  Waxaa uu hadalkiisa ku darey “Laakiin nooma diyaarsana waxaasi meel aan ku keydinno iyo meel aan ku soo bandhignaba.” 

Waxaa socda dadaallo taas wax looga beddelayo. 

“Waxaan kala shaqeyneynaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Maaliyadda in ay miisaaniyad fiican u sameeyaan, oo dibna loo soo nooleeyo ururintii agabka Soomaaliyeed, ururintii taariikhdii sooyaalka ahayd ee Soomaaliyeed, iyo kala geddisnaanta umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Cismaan  

Farshaxannimada  

Inkasta oo marxafku doonayo in muddada fog uu sameeyo bandhigyo joogto ah oo loogu talogalogaley waqtiga dheer, laakiin waqtigan dhow shaqaalihiisu waxaa ay mashquul ku yihiin in ay qabtaan bandhigyo muddo gaaban ah.  

Bandhigga hadda socda, oo ka socda dabaqa dhulka ku yaalla waa bandhig loogu magacdarey ‘Hoy.” Waxaa uu ka kooban yahay farshaxan ay soo bandhigayaan 19 farashaxaniin Soomaali iyo caalamiga isugu jira oo  mid kasta raba in uu muujiyo waxa ay ‘hoy’ u yahay.  

Inkasta oo kuwani ay noqon karaan tallaabooyin yaryar marka la barbardhigo waxyaabaha yaalla iyo waxyaabaha ay soo bandhigyaan matxafyada kale, haddana maamulka Matxafka Qaranku waxaa uu u arkaa in ay yihiin guulo muhiim ah oo gacan ka siinaya dib-u-dhisidda sawirka guud ee ay dadku ka haystaan.  

Bandhig kale waxaa uu bilaabanayaa bisha Nofembar 2023 - kaas oo ay iska kaashanayaan Matxafka iyo Qaramada Midoobey si loo qabto Tartankii Qaran ee Farshaxanka ee ugu horreeyey ee ku saabsan mowduuca xuquuqul-insaanka.  

Matxafku waxaa uu soo bandhigi doonaa sawirro ay sameeyeen 20 farshaxanistayaal Soomaali ah oo ah kuwii ku soo baxay is-reebreebka tartanka. 

Mowduucyada gaarka ah ee xuquuqul-insaanka  waxaa ay ku sawirayaan fahamkooda ku aaddan waxa ay yihiin sharaf, xoriyad iyo caddaalad la wada helo.  

Tartanka ayaa waxaa uu sidoo kale ka tarjumayaa sanadkan oo ah sanad-guuradii 75aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquul-Insaanka, kaas oo ah dokumenti kaalin mug leh kaga jira taariikhda xuquuqul-insaanka. Dokumentigan oo ay qoreen wakiillo aqoon sharciyeed iyo dhaqan lahaa oo ka kala socdey dhammaan gobollada kala duwan ee dunida, waxaa uu qeexay, markii ugu horreysey,dhigey in xuquuqaha aadanaha ee aasaasiga ah ay ahaadaan kuwo si caalami ah loo ilaaliyo.

“Iskaashiga aan la leenahay Matxafka Qaranku waa fursad cajiib ah oo kor loogu qaadayo wacyiga dadka ee ku aaddan xuquuqaha dhaqanka,” ayaa ay tiri Madaxa Kooxda Xuquuqul-Insaanka ee Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), Kirsten Young.  

“Farshaxanku waxaa uu leeyahay luuqaddiisa u gaarka ah oo uu ku gaari karo dad badan oo uuna ku kicin karo xiisaha loo hayo arrimaha xuquuqul-insaanka ee muhiimka u ah una habboon bulshada,” ayaa ay ku dartey Ms. Young, oo sidoo kale ah Ergeyga Soomaaliya u jooga Hay’adda Qaramada Midoobey ee Xuquuqul-Insaanka (OHCHR). 

Mustaqbalka  

Matxafka Qaranku waxaa uu soo dhoweeyey iskaashi iyo taageero caalami ah. Marka laga soo tago bandhigga ay iska kaashanayaan Qaramada Midoobey, waxaa sidoo kale bilowdey bandhig kale oo ay iska kaashananayaan Jarmalka.  

“Waxaan  la shaqeynaa Hay’adda German Agency for International Cooperation (GIZ) oo nagala shaqeyneysa bandhig ku saabsan Wacyigelinta Dhallinyarada iyo Tahriibka oo la qabanayo sanadka soo socda,” ayaa uu yiri agaasimaha, Dr. Cismaan. “Bandhigan ayaan ka dhur-sugeynaa waxana aan rajeyneynaa in aan heli doono fursado kale aan ku soo bandhignoo waxyaabo qof kasta oo Soomaali ah uu u imaan karo oo uuna wax cusub ka baran karo.” 

  

Iskaashiga aan la leenahay GIZ waxaa iskuduwaya Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha / the Special Envoy on Migrants and Children’s Rights (OSE), ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu noqon doonaa bandhig ra’yi la isku dhaafsado oo lagu wacyigelinaya dhallinyarada Soomaaliyeed. 

Iyada oo ay sii kordhayso tirada dadka soo booqanaya iyo taagerayashaba, ayaa Dr. Cismaan waxaa uu ku rajo weyn yahay in Matxafku uusan noqon doonin keliya xarun dhaqan oo ku taalla Muqdisho ee laakiin uu sidoo kale noqon doono goob ay ku kulmaan siloogu qabto doodo iyo wada-hadallo dhex mara bulshooyinka Soomaaliyeed ee kala duwan.  

Himiladiisa ku aaddan matxafka waxaa ay waafaqsan tahay hababka caalami ahaan loo aqoonsan yahay sida kuwa ay qabto Hay’adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO), oo matxafyada u aragta in ay yihiin goobo iskuxira hal-abuurka iyo hiddaha iyo dhaqanka iyo sidoo kale goobo awood u siiya dadweynaha kala duwan in ay ogaadaan halka ay ka soo jeedaan oo uuna midba ku barto dhaqanka midka kale. 

Sida ay qabto UNESCO, Matxafka Qaranku waxaa uu ka falcelinayaa Himilada Midowga Afrika ee 2063ka ee Afrikada Aan Dooneyno / the African Union’s Vision 2063 for the Africa We Want, oo hiigsanaya in uu dhowro oo uuna dhiirrigeliyo hiddaha iyo dhaqanka Afrika isaga oo kor u qaadaya wacyiga ku aaddan farshaxanka Afrika ee ballaaran, ee is-bedbeddelaya oo kalana duwan iyo saameynta joogtada ah ee Afrika ay ku leedahay dhaqanka aduunka ee dhianca fanka, muusigga, luuqada iyo sayniska.