UNSOM oo u dabaaldegaysa xuska Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada

15 Jul 2017

UNSOM oo u dabaaldegaysa xuska Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada

WAR-SAXAAFADEED 14/2017

Iyadoo adduunka oo dhan laga xusayo Maalinta Xirfadaha Dhallinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Xoqhayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa mar kale xaqiijiyay muhimadda ay leedahay in tababar farsamo iyo xirfado farsamo loo fidiyo dadka da’da yar ee Soomaaliya.

“Shaqo la’aanta haysata dhallinyarada aad bay u sarreysa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Heerka waxbarasho oo hooseeya iyo fursadaha lagu helo xirfado farsamo iyo tababar farsamo oo kooban ayaa ah dhibaato dhab ah oo saameyn aad u xun leh ".

Sida lagu sheegay qiyaasihii ugu dambeeyay ee uu sameeyay Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), Soomaaliya waxaa ka jirta mid ka mid ah shaqo la’aanta ugu sarreysa adduunka, oo boqolkiiba 33 ee dhallinyaradeeda ayaa shaqo haysta.

“Sababaha keena shaqo la’aanta dhallinyarada waxaa ka mdi ah farqiga u dhexeeya xirfadaha ay dhallinyarada ragga iyo haweenka ahi leeyihiin iyo kuwa ay dalbanayaan kuwa shaqada haya ama loo baahanyahay si loogu shaqeysto,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Kala duwanaanshahan wuxuu saameyn ku yeelanayaa dhaqaalaha, wuxuuna carqaladeynayaa kalaguurka loogu gudnayo Soomaaliya oo simanyahay, nabad ah, barwaaqo ah, oo loo wada dhanyahay. Ilaha dhaqaaluhu way koobanyihiin, sidaa darteed, tartanku waa mid aad u weyn, laakiin waxaa cad in haddii lagu guuldareysto in wax laga qabto waxaa la dhibaateynayaa dadka da’da yar, taasoo ka dhigaysa kuwo aad ugu u nugul in laga fa’iideysto lana xagjireeyo.”

Qaramada Midoobay waxay hadda 17.5 milyan ku maalgelinaysaa barnaamijyo dhallinyarada Soomaaliyeed siinaya tababar farsamo iyo kuwo xirfadeed, barayana xirfadaha loogu baahanyahay dhinacyada wax soo saarka sida caafimaadka, dhismaha, injineernimada makaanikada, beeraha iyo kalluumeysiga, iyo weliba halabuurka ganacsiga.  

“Barnaamijyadan waa maalgashi weyn, aad bayna u qiimo badanyihiin, laakiin keligood ma dabooli karaan baahida ballaaran ee Soomaaliya ka jirta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Waxaan jecelahay inaan ka fa’iideysto fursadda Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada si aan ugu baaqo Soomaaliya iyo saaxiibadeeda inay lacag badan ku maalgashadaan tababar farsamo iyo mid xirfadeed ee la siiyo dhallinyarada.”

Ergeyga Gaarka ah wuxuu intaa raaciyay in lacagta lagu maalgasho xirfadaha dhallinyarada ay tahay maalgashi lagu sameeyay Soomaaliyada waqti xaadirka maanta iyo ta mustaqbalka.  Haddii la helo waxbarasho sarreysa, xirfadaha iyo kartida loo baahanyahay, iyo fursado shaqo oo wanaagsan, dhallinyaradu waxay gacan ka geysan karaan dardargelinta horumar laga gaaro Ajendaha 2030, iyagoo xoojinaya inay dadkoo dhan helaan deegaan barwaaqo ah, la joogteyn karo, loona siman yahay.