Iyadoo doorashada kuraasta Aqalka Hoose ay gashay maalintii labaad, dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan mas’uuliyiinta la doortay

Farah Aidarus Hersi oo Ka tirsan dhalinyarada magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa dhiibanaya aragtidiisa ku aadan hannaanka doorashada ee Soomaaliya, November 6,2016. Jubbaland ayaa ku jirta diyaargarow ay ku dooran lahayd xubanaha u matalaya aqalka Hoose ee Baarlamaanka. UN Photo
 
6 Nov 2016

Iyadoo doorashada kuraasta Aqalka Hoose ay gashay maalintii labaad, dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan mas’uuliyiinta la doortay

Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ayaa soo dhoweeyey doorashada ka billaabatay Puntland ee kuraasta Golaha Shacabka, wuxuuna sheegay in doorashooyinka kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ee dalka ay sidoo kale ka billaaban doonaan maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug dabayaaqada toddobaadkan.

Ergooyinka kooxaha doorashada ee ku sugan caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa u codeeyey toban kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka isla maalintii koowaad ee codayntu billaabtay 5-tii Nofembar, labo kursi oo kalena waxaa la go’aamiyay maanta. 25 kursi oo kale oo ka mid ah qoondada Puntland ayaa loo codeyn doonaa dabayaaqada bishan.


“(Doorashada Puntland) waa tallaabo muhiim ah, aad ayaana ugu faraxsan nahay,” ayuu yiri afhayeenka GFHDD Maxamed Kaynaan. “GFHDD wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa dowlad goboleedyada kale in ay soo afjaraan diyaargarowgooda si geeddisocodka doorashooyinka uga billowdo gobolladooda.”

GFHDD wuxuu kaloo ka warbixiyey in u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka uu si habsami leh uga socdo dowlad-goboleedka dhowaan sameysmay ee HirShabeelle, Somaliland iyo gobolka Banaadir.

Iyadoo hannaanka doorashooyinka 2016 uu sii xoogaysanayo, qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay u kuurgali doonaan waxqabadka xildhibaannadooda la doortay ka dib marka ay xafiiska qabtaan.

Xubin ka tirsan Guddiga Heer Dowlad-goboleed ee Puntland u qaabilsan hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa u jeediyey 12-ka xildhibaan ee cusub, in ay xusuusnaadaan waajibaadyadooda ah in ay ku shaqeeyaan danaha deegaanka ay matalaan.

“Waxaan horey ula qabsannay hannaan dhowr odayaal dhaqameed ay fulin jireen go’aamada ayagoo meteleyey qof kasta,” ayuu yiri Siyaad Xuseen Mursal oo ka tirsan Guddiga Puntland u qaabilsan hirgelinta doorashooyinka. “Maanta se doorasho ayaa lagu kala baxayaa. Farriinta aan u dirayo xubnaha baarlamaaanka waa in ay aqoonsadaan in ay mas’uul ka yihiin dadka u doortay baarlamaanka.”

Hadal la mid ah kan Mursal waxaa ka dhawaajiyey dad kale oo Soomaali ah

“Ma doonayno mudane kaliya doollar sameynaya oo aan waxba qabanayn,” ayuu yiri Khaalid Guure Cali, oo ka mid ah odayaasha Kismaayo. “Waxaan doonaynaa xildhibaan guul na gaarsiiya. Kaasi ayaa ah midka aan taageeri doonno.”

Dad kale oo Soomaali ah ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ayaga meteleya ay ka filayaan in ay noqdaan kuwo heerkoodu sarreeyo.

“Waxaan rajeynayaa hoggaamiye daacad ah oo ku dadaalla caddaalad ay helaan dadka oo idil,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Xuseen oo ka mid ah dadka deggan Jowhar. “Qof nagu hoggaamin kara barwaaqo, waa in uu noqdaa qof na midayn kara.”
Mid ka mid ah xildhibaannada cusub ee loo doortay Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu rajeynayay in Soomaalida ay taageeradooda siin doonaan geeddisocodka doorashooyinka ee dalka ka socda.

“Waxaan rajeynayaa in ay arrintani ku dhiirrigeliso dadka Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan hannaanka,” ayuu yiri Mudanaha la doortay Cumar Ismaaciil Waaberi. “Tani waa doorasho wanaagsan, waxaana noo muuqata dimuqraadiyad xoogeysaneysa.”