Saaxibada beesha caalamka oo xal siyaasadeed ugu baaqay dalka Soomaaliya

28 May 2014

Saaxibada beesha caalamka oo xal siyaasadeed ugu baaqay dalka Soomaaliya

"Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waxay ku celinayaan cambaareynta xoogan oo ay u jeedinayaan weerarkii Alshabaab ku qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 24-kii May. Waxaan bogaadineynaa fal celinta ay sameeyeen xoogaga ammaanka Soomaaliya iyo AMISOM. Waxaan tacsi u direynaa qoysaska dadkii ku wax yeeloobay. Waxaa nagasii go’an in aan dadka Soomaaliyeed ku taageerno sidii ay uga gudbi lahaayeen tobaneeyo sanadood oo colaad iyo ammaan darro ah ayadoo la tix raacaayo waajibaadka na saaran. []