In ka badan boqol qof oo hore u ahaa dagaalameyaal Al-shabaab ka tirsanaa ayaa ka qalin-jabiyey xarunta dhaqancelinta ee Baydhabo

20 Jun 2019

In ka badan boqol qof oo hore u ahaa dagaalameyaal Al-shabaab ka tirsanaa ayaa ka qalin-jabiyey xarunta dhaqancelinta ee Baydhabo

Baidoa – Boqol iyo labaatan hore u ahaa dagaalamayaal Al-Shabaab ayaa maanta ka qallinjabiyey Xarunta Dhaqancelinta ee Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaddib markii ay dhammeysteen barnaamij dhaqancelin ah oo ballaarnaa.

Ka qallinjabiyeyaasha barnaamijka, oo isugu jira dhallinyaro ka kala timi qeybo kala duwan ee dalka ah ayaa xarunta lagu siiyey tababbaro la xiriira farsamooyinka iyo taageero dhinaca cilmi nasfsiga ah. Waxa ay u mahadceliyeen maamuleyaasha barnaamijka iyadaoo sheegay in ay diyaar u yihiin ku biiridda muwaadiniinta iyaga la midka ah si ay gacan togan uga geystaan geeddi socoda xasillinta Soomaaliya.

Xafladda waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka socday maamul gobolleedka Koonfur Galbeed, Hay’adda Socdaalka ee Aduunka (IOM) iyo Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo wakiilo ka socday hay’ado kala duwan oo QM ah.

Isaga oo ka hadlaya xafladda qallinjabinta, agaasimaha Waaxda Hubka Dhigista, Dib-u dejinta iyo Dhaqancelinta (DDR), Ilyas Cali Nuur ayaa sheegay in barnaamijkan uu noqday mid guuleystay, isaga oo xusay in boqolaal dhallinyaro oo ka soo goostay Al-Shabaab lagu tababbaray, dibna loo celiyey bulshada.

 “Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda maamul gobolleedka Koonfur Galbeed, waxaan rabaa in cadeeyo in aan aad ugu faraxsanannahay guusha barnaamijka. Waxaa qallinjabinaya 126 dagaalamayaal hore oo Al-Shabaab, kuwaas hore loo qalday, laakiin hadda si buuxda loo dhaqanceliyey,” ayuu yiri Mudane Nuur.

Tababbarka iyo dib u dejinta loo sameeyey dagaalamayaashii hore ee Al-Shabaab waxa ay laf dhabar u tahay Barnaamijka Qaran ee lagula dhaqmayo dagaalhanada soo goosta ee Soomaaliya, waxaana hormuud ka ah xafiiska Barnaamijka Dhaqancelina Dagaalyahanada soo goostay ee hoostaga Wasaaradda Amniga Gudaha ee Federalka.

Barnaamijka waxa uu gacan ka geysanayaa xasilloonida waqtiga fog ee Soomaaliya iyada oo uu dhiirigalinayo dagaalameyaasha ka soo goosta Al-Shabaabb iyo dib u dejinta loo sameeyey si bulshada loogu celiyo kuwa soo baxa Al-Shabaab.

Mudane Nuur waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu kaalin weyn ka qaatay guusha barnaamijka isaga xillii uu bixiyey amniga amniga iyo imkaaniyaadka muhiimka ahaa, iyo barnaamijyada dabagalka dagaalyahanada soo goosta.

“Waxaan sidoo kale ballanqaadeynaa in aan gacmo furan ku soo dhaweyn doonno dagaalyahanada ugu badan ee soo goosta,” ayuu ku daray.

Waxaa hadaladdiisa ku raacay Aden Xuseen, kaas oo ah madaxa barnaamijka qaran ee IOM, Barnaamijka Hubka dhisgista iyo Dib u Dejinta kaas oo sheegay in barnaamijka dhaqancelinta uu ku dhiirigalin doono dhallinyaro badan oo ka tirsan Al-Shabaab in ay hubka dhigaan kana qeyb qaataan geeddi socodka nabadda ee dalka.

“Dagaalamayaashii hore waxa ay qaateen tababbaro kala duwan oo dhinaca farsamada ah, waxaa ka mid ahaa, korontada, dhismaha, harqaanka iyo sidoo ale aroosyada,” waxaa sidaas yiri Xuseen.

Waxa uu ugu baaqay barnaamijka in ay bixiso taageero intaas ka badan, isaga oo sheegay in Al Shabaab kaliya aan lagula dagaalami karin adeegsiga hubka laakiin ay tahay in lagu daro dib u dejinta  dagaalhanadii hore.

“Barnaamijkan DDR waa farsmada ugu wanaagsan, waxaana rejeynayaa in qallinjabiyeyaasha ay bulshada dib ugu laaban doonaan, bulshada dhexdeedana ay waxtar ku yeelan doonaan,” ayuu yiri Adan.

UNSOM, IOM, Dowladda Jarmalka iyo saaxiibada kale ee barnaamijyada horumarka waxa ay gacan ka geysteen dhismaha xarun tan oo kale ah iyo goobo si KMG ah loogu hayo oo ku yaal Muqdisho, Beledweyne iyo Kismaayo.

Xarunta waxa ay bixisaa tababbarada farsamooyinka, talooyinka cilmi nafsiga si loogu diyaariyo dagaalyahanadii hore in ay dib ugu noqdaan bulshada.