Kelmedihii uu Ergeya Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaliya ka jeediyey shirkii jaraa’iid ee lagu qabtay Jowhar, Hirshabeelle

17 Jul 2019

Kelmedihii uu Ergeya Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaliya ka jeediyey shirkii jaraa’iid ee lagu qabtay Jowhar, Hirshabeelle

Jowhar – Marka hore ii ogolow in aan uga mahadceliyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo bulshada Hirshabeelle soo dhaweynta iyo sida diiran ee ay noo qaabileen intii aan halkan booqashada ku joognay. Waxaa farxad ii ah in aan booqdo maamul gobolleedka ugu cusub Soomaaliya. Waxaan la dhacay horumarka ay gaartay tan iyo markii maamulkan dhidhibada loo taagay saddex sano kahor.

Waxaan wadahadal yididdiilo leh oo wax ku ool ah dhinacyo badan  kala yeelanay Madaxweyne Waare iyo xubnihiisa wasiirada, waxaa qodobadaas ka mid ah xoojnta horumarka dowlad dhiska Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah uga isula garanay in xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay arrintaas aad muhiim ugu tahay.

Waxaan quurdareyneynaa in aan sare u qaadno wada-shaqeynta aan la leenahay bulshada iyo Dowladda Hirshabeelle si aan si wanaagsan ugu fulinno waajibaadka UMSOM iyo dhaq dhaqaaqyada qoyska Qaramada Midoobay.

Qoyska Qaramada Midoobay hawlo badan oo kala duwan ayey ka qabtaan Hirshabeelle, kuwaas oo isugu jira horumarinta awoodda hay’adaha, bixinta kaalmo gargaar, fududeynta dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo dhex dhexaadinta iyo sidoo kale dhinaca is bedelada lagu sameenayo amniga iyo kaabayaasha horumarka. Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay xaalada bani’aadannimo iyada oo isha lagu hayo sugnaan la’aanta cuntada ee hadda taas oo saameysay qiyaastii rubuc ka mid ah bulshada Hirshabeelle. Waxaa maanta I weheliyey wakiilada Xafiiska Isku xirka Arrimaha Gargaarka iyo Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay si aan si faahfaahsan uga arrinsanno baahida gargaar ee jirta.

Waxaan quurdareyneynaa in aan si dhaw ula shaqeeyo bulshada iyo hoggaamiyeyaasha Hirshabeelle inta aan xilka hayo.