Kaaliyaha Xoghayaha Guud oo taageero u muujiyey horumarka ka socda Soomaaliya

24 Aug 2017

Kaaliyaha Xoghayaha Guud oo taageero u muujiyey horumarka ka socda Soomaaliya

Mogadishu – Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (USG) ee arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman, ayaa booqday Soomaaliya, waxa uuna kulamo is daba joog ah la yeeshay hoggaanka dalka si uu ugu muujiyo is-garab taag dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena loo adkeeyo taageerada Qaramada Midoobay ee dowladda cusub, loogana wada hadlo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha dalka ka jira sida abaarihii ugu dambeeyay iyo amniga.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud waxaa soo dhoweeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo; Ra’iisul wasaare  Xasan Kheyre, guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, wasiirka dastuurka iyo gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka. Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, waxaa weheliyey Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud oo ka hadlaysay Villa Somalia ka dib markii uu la kulmay Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ibrahim, Kaaliyaha Xoghayaha waxa uu sheegay in ujeedka socdaalkiisu uu yahay sidii loo taageeri lahaa horumarka siyaasadeed ee uu dalku gaaray iyo sidoo kale in la ogaado sida ugu wanaagsan ee  Soomaaliya looga caawin karo ka gudbidda caqabadaha qaar.

"Waxaan halkan u imid in aan xoojiyo oo aan muujiyo taageerada ay Qaramada Midoobay u hayso dadka iyo dowladda Soomaaliya xilli uu dalku uu wajahayo caqabado dhowr ah oo isugu jira abaaraha, amniga iyo hore u sii ambaqaadidda ajandeyyaasha siyaasadeed ,"Waxaa sidaas yiri Mr. Feltman.

Feltman waxa uu xusay in kasta oo uu dalka wajahayey  caqabado iyo abaarihii ugu dambeeyay ee saameeyay in ka badan 6.2 milyan oo dadkeeda ah, haddana  arrimaha waxa ay u muuqdaan kuwo  uu dalkan Geeska Africa dhaca ka sameynayo horumarro.

"Waxaan dareemayaa  horumar dhab ah oo xagga horumarka ah, xagga dib-u-habeynta iyo daah-furnaanta iyo  in horusocod laga sameeyey nidaamka doorashada hal-hal-cod ee doorashooyinka baarlamaanka 2021," ayuu Kaaliyaha Xoghayaha hadalkiisa  ku dartay.

Mas’uulka QM waxa uu ku amaanay Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka shaqadii ay qabteen ee ahayd in diyaariyo imkaaniyaadka doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo madaxweynaha 2021 waxa uuna ku booriyay hoggaanka in ay horay ugu sii socdaan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka dalka.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka waxa ay ka dhawaajisay in ay ka go’an tahay dhisidda hay'ad ay ku wada qanacsan yihiin Soomaalida oo dhan ka hor doorashada soo socota. “Waxaan ka foogneyn sidii loo dhisi lahaa awooda hey'adan iyo sidoo kale sidii aan u heli laheyn kalsoonida siyaasadeed ee Soomaalida haddii ay ahaan lahaayeen siyaasiyiin, bulshada rayidka ama dowladaha [Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada], Waxaa sidaas tiri Marwo Ibraahim.

Feltman waxa uu muujiyay sida ay Qaramada Midoobay uga go'antahay in ay kala shaqeyso dadka iyo dowladda Soomaaliya wax ka qabashada caqabadahaas si ay gacan uga geystaan xaqiijinta in dalkan uu gaaro ka fa’iideysiga awoodda uu leeyahay.

Kulan  uu xilli subax ah oo aan la yeeshay Ra'iisul wasaaraha dalka, waxaa Feltman loo sheegay rajada cusub ee dalka kadib doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee bishii Febraayo.

Waxaa jira dareen midnimo oo ka jirta dalka kaas oo ka duwan kuwii hore, kana dhex jira bulshada rayidka ah, hogaamiyaasha diinta, haweenka iyo dhalinyaradam iyada oo koox kasta oo kale oo bulshada ka tirsan ay haatan diyaar u yihiin In ay ku biiraan, wax ku darsadaan, ka qeyb qaataan,  dadku rejo ayaa u bidhaantay," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud waxa uu markii dambe la kulmay Danjiraha Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira, waxa uuna qiray doorka Midowga Afrika iyo AMISOM.

Tani waxa ay ahayd booqashadii ugu horeysay ee uu Mr. Feltman uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, lana dhaariyey Baarlamaankii tobnaad. Waa booqashadii shanaad ee uu ku yimaado Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilkaas sanadkii 2013.