War-murtiyeedkii Shirka London ee Somalia

11 May 2017

War-murtiyeedkii Shirka London ee Somalia

Shirka London ee Somalia wuxuu  ka dhacay Aqalka Lancaster House 11 Maajo 2017, waxaana wada shir guddoomayey DF Somalia, QM iyo Midowga Afrika waxaana ka qayb galay 42 dal oo iskugu jira saaxiibbo iyo dalalka jaal la ah Somalia. Wefdiga DF Somalia waxaa hoggaaminayey MW Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaana ka mid ahaa wakiillo ka socdey Maamul-goboleedyada.

Shirkanu wuxuu yimid xilli xasaasi u ah Somalia, kaddib doorasho loo dhamaa marka loo eego sidii hore. Baarlaman cusub oo ay ku badan yihiin haweenka iyo dhallinyaradu iyo maamul cusub ayaa la dhibdey.

Waxaa sidaa darteed jirta fursad cusub oo ku aaddan dhanka ajende qaran oo lagu wadayo isbeddel ay Soomaalidu hoggaaminayso isla markaana ay taageerayso beesha caalamku kaasoo soconaya 4-ta sanadood ee soo aaddan iyo wixii ka dambeeya.

Waxaannu carrabka ku adkaynaynaa muhiimadda joogtayna daafad keenta isbedello togan iyo dib u heshiisiin ka hana qaadda dalka, dib u xaqiijinta taageerada madax bannaanida gayi, midda siyaasadeed iyo midnimada Somalia, iyo ballanqaadka taageeridda Somalia xasilloon isla markaana dimoqraadi ah. Waxaan aqoonsan nahay in isku hallaynta Dowladda Somalia ay inta badan ku xiran tahay awoodda ay u yeelato inay wax u qabato shacabka Soomaalida.

Somalia waxay samaysay horumar ballaaran sanadihii yaraa ee dambe. Gaar ahaan dowlad dhisidda ayaa aad horay ugu dhaqaaqday taasoo keentay inay dib ula shaqeeyaan hay'aadka maaliyadeed ee caalamiga ah. Somalia waxay diyaarisay Qorshaha Horumarineed oo Heer Qaran ah muddo 30 sanadood ah, iyadoo ay madaxda Somalia ay heshiis taariikhi ah dhowaan ka gaareen Hindisaha Amaan ee Heerka Qaran (NSA).

Ha yeeshee, weli waxaa harsan caqabado badan. Argagixisadu waxay weli halis ku haysaa nabadda iyo amaanka; arrimaha looga hadlayo dastuurka ayaa ballaarin iyo dedejin u baahan, heshiis Maamullada ah, dib u habaynta amaanka ayaan si wanaagsan u soconin, waxaa weli taagan burcad badeedda; horumar kale oo dimoqraadiyayn ah, xuquuqda aadaha, kala dambaynta ayaa baahan yahay, la dagaallanka musuqa iyo faqriga iyo xoojinta dhaqaalaha ayaa muhim ah. Waxaa jirta halis ku saabsan abaar iyo macluul iyo dadaalllo wax looga qabanayo laguna dhisayo adkaysiga bulshada oo daruuri ah si horay loogu socdo.

DF Somalia waxay dejisey siyaasad wax lagaga qabanayo caqabadahan, halka ay beesha caalamka ka go'an tahay inay arrintan wax ka qabato iyada oo raacaysa 3 qodob:  Xoojinta Amaanka Qaranka iyo Damaanadda Caalamiga ah ee Amaanka; Siyaasad loo dhan yahay oo deggan; iyo Soo kabasho dhaqaale. Waxaannu ka heshiinney dhanka amaanka iyo samaynta jaallnimo cusub oo adag oo aan la yeelanno Somalia, taasoo ku dhisan isla xisaabtan iyo sida ay nooga go'an tahay in dabagal lagu sameeyo horumarka iyo natiijooyinka la gaaro, kuwaasoo ay ku jiraan Shirka Amaanka ee 2017 iyo Madasha Saaxiibtinnimada Heerka Sare ee HLPF oo lagu qabanayo muddo 6 bilood gudohood ah kaddibna joogto noqon doona.

Inta uu shirku soconayo, waxaannu aqoonsan nahay xiriirka dhow ee ka dhexeeya amaanka, siyaasadda iyo horumarinta; baahida rabitaan siyaasadeed oo adag oo ka wada yimaada DF iyo Maamullada si loo wada hirgeliyo dadaallada isbedel doonka ah iyadoo la kaashanayo beesha caalamka; muhiimadda in Soomaalida oo idil la gaarsiiyo natiijo la taaban karo. Waxaannu gaar ahaan si gaar ah u aqoonsan nahay gacanta ay jaalalka gobolka sida Midowga Afrika iyo AMISOM ay ka gaysteen, horumarka ay samaysay Somalia, kuwaasoo sii wada ka mira dhalinta Somalia nabdoon.

Aadminnimada

Waxaannu si qoto dheer uga walacsan nahay xaaladda halista ah kana sii daraysa ee Somalia ee ay keentay abaarta socota iyo cudurro dillaacay iyo khatarta macluul baahsan. Waxaannu ka walwalsan nahay dadka ku naf waayey ama hab-nololeedkoodii ku waayey gaar ahaan haweenka iyo carrruurta ku dhaqan meelaha ay adag tahay in la gaaro.

Waxaannu aqoonsan nahay soona dhowaynaynaa baaqa rasmiga ah ee DF Somalia ee ku aaddan in abaartu ay tahay musiibo qaran iyo asaaska Wasaaradda Arrimaha Aadminnimada iyo Maaraynta Masiibooyinka.  Waxaannu soo dhowaynaynaa shaqada Guddiga Abaaraha Qaran iyo hindisayaasha kale ee madaniga ah ee baraarujinta ka warqabka iyo maalgelinta jawaab ka bixinta abaaraha.

Kaddib baaqii aadminnimo, beesha caalamka ayaa bixisay  $600 milyan oo doollar oo wax lagaga qabto abaaraha. Lacagta lasoo ururiyey ayaa hay'adaha aan dowliga ahayn ee NGO-yada iyo hay'aadka QM si loo gaaro malaayiin Soomaali ah oo la siinayo macaawino naf badbaadin ah.

Aannagoo wadajirna, waxaannu u duman nahay in aannu macluul ka baajinno Somalia, isla markaana hubaal ka dhigno in la helo jawaab abaabulan oo wax ku ool ah oo wax gal noqota inta ay abaartu socoto oo dhan.

Markii dhanka la eego, waxaannu soo dhowaynaynaa Qorshaha Jawaab Bixinta Aadminnomo ee dib u eegista lagu sameeyey kaasoo ay soo bandhigtay QM isla markaana lagu xoojinayo isu duwidda howlaha looga jawaabayo abaaraha iyadoo la hoos tegayo hoggaanka DF.  Waxaannu beesha caalamka ugu baaqnay inay hubiso bixinta tas'hiilaad ku filan dhaqan-gelinta arrintan. Waxaannu dhamaanba dhinacyada ugu baaqnay inay la shaqeeyaan saaxiibbada howlaha aadminnimada, si buuxdana loogu xushmeeyo mabaadii'da aadminnimo iyo in dhinacyada oo dhan loogu baaqo fududayn buuxda, deg deg ah isla markaana aan wax caqabad ah la hor dhigin si loo gaaro dadka dhibaataysan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan meelaha fog ee ay adag tahay in la gaaro si ay jawi wanaagsan oo ay ku shaqayn karaan u helaan dadka soo gurmadey.

Waxaannu carrabka ku adkaynaynaa muhiimadda adeecidda waajibaadyada ilaalinta dadka rayidka ah. Waxaannu soo dhowaynaynaa dadaalka ay samaysay DF Somalia iyo midka Maamul-goboleedyada ee 17-kii Abriil 2017 si loo hagaajiyo jidadka.

Waxaa sidoo kale naga go'an in aannu ka wada shaqayno tageerada qorshaha muddada dheer  ee soo kabashada iyo adkaysiga Somalia - dhismaha habab looga hortago abaaraha iyo xasaradaha tan oo kale ah ee mustaqbalka taasoo ay ka mid tahay wax ka qabashada sababaha ugu waawayn ee amaanka cuntada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya digniinaha hore iyo tillaabada hore, sida lagu qayaxay Qorshaha Horumarinta Qaran. Waxaannu sidoo kale dhinacyada oo dhan ku boorrinaynaa inay hirgeliyaan xal waari kara oo laga gaaro arrinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Nairobi 25-ka Maarso 2017-ka.

Xoojinta amaanka qaranka

Waxaan aqoonsannay in asaas adag oo amaan, siyaasadeed iyo horumarin dhaqaale, ay muhim u yhiin kahortagga xasarad aadminnimo oo soo laablaabata, iyo sidoo kale in la dedejiyo howlaha wanaajinta amaanka Somalia.   Si lagaga adkaado argagixisada Somalia ciidamada amaanku waxay u baahan yihiin in lagu tababaro hal caqiiddo; si wanaagsan loo qalabeeyo, guryo loogu sameeyo, la iskuguna xiro; isla markaana si joogto ah mushahar loo siiyo iyadoo ay caddahay mas'uuliyaddooda iyo maqaamkoodu. Waxaannu sidaa darteed soo dhowaynaynaa ballanqaadka DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada ee arrintan looga hadlayo, taasoo ay ka mid yihiin in dib u habayn deg deg ah lagu sameeyo qaybta amaanka Somalia iyo ololaha cusub ee lagula dagaallamayo Al Shabaab.

Waxaannu soo dhowaynaynaa heshiiska taariikhiga ah ee ay gaareen madaxda Somalia 16-kii Abriil 2017-kii si ciidamada gobollada iyo kuwa federaalka la iskugu dhafo oo loo sameeyo ciidamo qaran oo awood u leh inay si tartiib tariib ah ula wareegaan mas'uuliyadaha amaanka iyo in si deg deg ah loo sameeyo Golaha Amaanka Qaranka iyo Xafiiska Amaanka Qaranka. Labadani waxay horay usiii wadi doonaan heshiis siyaasadeed oo ku aaddan doorarka iyo mas'uuliyadaha loo dejiyey DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada ee dhanka awoodda samaynta ciidankan iyo jadwalka hindisaha. Waxaa naga go'an in aannu garab istaagno hindisahan lagu xarriiqay heshiiska amaanka, annagoo aqoonsanayna samaynta xayndaab loo dhan yahay oo heer federaal ah oo loo sameeynayo dib u habaynta qaybta amaanka.

Waxaannu isku raacnay in heshiiskan ay Soomaalidu leedahay isla markaana hoggaaminayso uu udub dhexaad u noqdo Somalia iyo beesha caalamka. Heshiiska amaanku wuxuu caddaynayaa aragtida lagu heshiiyey oo ah hay'aad amaan oo ay Somalia hoggaaminayso iyo ciidamo laga bixi karo, la aqbali karo, lala xisaabtami karo isla markaana awood u leh ilaalint amaanka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaannu aqoonsannay muhiimadda nidaamka iyo kala dambaynta ee ciidamada amaanka iyo in la adeeco xeerka caalamiga ah ee xuquuqda aadmiga, taasoo qayb asaasi ah ka noqonaysa heshiiska amaanka xilliga dhaqan-gelintiisa.

Iyadoo lagu shaqaynayo heshiiska amaanka, madaxda Somalia waxaa ka go'an in ay hoggaanka u qabtaan nabad kusoo dabaalidda Somalia, taasoo ay ka mid tahay meelaha la xoreeyo, jidadka saanadda ee waawayn iyo amaanka doorashada 2021-ka, sidoo kale hir-gelinta dib u habayn la socota Hindiaha Amaanka Qaranka (PSA) iyo yoolalka la higsanayo. Beesha caalamku, iyada oo aqoonsan xasaasiyadd amaanka qaranka, waxay qiraysaa bahida loo qabo taageero dheeraad ah oo wax ku ool ah, oo ay ku jirto tababarro la heereeyey si wanaagsanna la isugu duwey, mug dhisid iyo niyad dhis loo sameeyo Ciidanka Xoogga.

Dalalka saaxiibbada ihi waxay taageerayaan dib u habaynta amaanka, taasoo la waafajinayo hadafyadii horay loogu heshiiyey ee dhanka amaanka, kuwaasoo ay ku jiraan hir-gelinta hanaan maarayneed oo dhanka maaliyadda dadwaynaha ah iyo qaabka mushahar bixinta, sidoo kale mabda'a isla xisaabtanka iyadoo ay arrinta dul-joogtaynayaan dad rayid ah oo la soconaya hay'aadka amaanka. Ballanqaadyada beesha caalamka, oo ay ku jiraan maaliyad iyo waxyaabo kale, waxaa la samayn doonaa Oktoobar 2017-ka oo shir la qaban doono,  maadaama ay DF Somalia iyo Maamul-goboleedyadu  ay horumar ka samaynayaan arrimaha haray ee la xiriira hindisaha amaanka iyo hir-gelinta hab-howleed jaalnimo oo dhanka Amaanka ah, iyadoo laga heshiin doono xubinnimada iyo sharciyadda kaddib Shirka London ee Somalia.

Aqoonsiga in Somalia ay awood u yeelato inay hub iyo rasaas soo degsato iyadoo raacaysa hannaanka cunaqabataynta qayb ahaanta la qaaday ee QM, waxay dalalka saaxiibka la ihi Somalia ka caawinayaan dadaallo lagu dhisayo qaabab firfircoon oo lagu kaydin karo laguna xakamayn karo hubka. Tillaabooyinkani waxay muhim u yihiin abuurista xaalado lagu heli karo in lasii qaado cunaqabataynta hubka, taasoo ay DF Somalia kala sii xaajoon doonto Golaha Amaanka ee QM.

Waxaan aqoonsannay in iibka dhuxushu ay tahay meel uu dakhli badani kasoo galo argagixisada isla markaana sabab halis ah oo aad u wiiqaysa degaanka. Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada oo dhan inay hubiyaan ku dhaqanka qaraarka Golaha Amaanka ee QM ee mamnuucayey dhoofinta dhuxusha Somalia.

 Waxaan aqoonsannay in hagaajinta Ciidamada Amaanka Somalia ay sidoo kale ku xiran tahay ballanqaadka saaxiibbada caalamiga ah oo u wada shaqeeya si aad iskugu duba ridan oo lagu daray hab-howleedka hir-gelinta Heshiiska Amaanka.  Hab-howleedkani wuxuu aqoonsan yahay in ka jiba keenista nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaadda Somalia ay u baahan doonto Wajahaad Cusub oo Amaan (CAS) oo loo marayo xadadkii soo jireenka ahaa – sida in la xoojiyo Ciidamada Amaanka Somalia, si loo gaaro door wax ku ool ah oo ku saabsan sidii ay amaanka dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM, si loo ballaariyo loona hagaajiyo dadaallada soo kabasho iyo xasilinta hore isla markaana loola diriro xag-jirnimada iyo argagixisada. Waxaa naga go'an in aannu xayndaabka CAS ka dhiganno asaaska dul-joogtaynta iyo abaabulka Heshiiska Amaanka iyo in dhinacyada oo dhan lagula xisaabtamo ballanqaadkooda.

Aqoonsiga baahida wajahaad aan mid ciidan ahayn oo qayb ka noqoto qaabka wayn ee wax loo agaasimayo, waxaan taageernay Istaraatijiyadda Qaran ee Somalia iyo Qorshaha Howleed ee ka Hortagga Xagjirnimada Gacan ka Hadalka Xambaarsan ee bilowday 12-kii Sebtembar 2016-kii. Waxaannu soo dhowayney yabooha cusub ee Madaxwaynaha ee cafiska loogu fidiyey dadka ku kacay dembiyada qaar ee ka tirsan Al Shabaab ee ka hara xagjirnimada iyo argagixisada, waxaana dhiirri geliney in la meel mariyo sharci ku saabsan cafiskaas, kaasoo sidoo kale hubaal ka dhigaya in lala dagaallamo in aan dembiyada la isku ciqaabin isla markaana adkaynaya isla xisaabtanka ka dhanka ah dembiyada laga galo aadminnimada, kuwa dagaalka iyo kuwa waawayn ee argagaxa leh.

Waxaannu ogolaannay taageerada la dagaallanka argagixisada, dib u heshiisiinta iyo dadaallada soo kabashada dhaqaalahae si loo sameeyo ikhtiyaaraad wanaagsan iyadoo meelna la saarayo xaaladaha suurtagelinaya argagixisada iyo xagjirnimada gacan ka hadalka leh. Waxaan ogolaannay inaan dedejinno dadaallada lagu taageerayo fulinta moodal siyaasadeedka cusub ee lagu heli karo hannaan cadaaladeed oo laga bixi karo. Waxaan kaloo isku raacnay in Barnaamijka Hub ka Dhigista iyo Dib u Meelaynta ee DDR uu u baahan doono kaalmo dheeraad ah si si wanaagsan looga taageero hir-gelinta Barnaamijka Hindisaha Qaran ee Amaanka.


Waxaan sidoo kale soo dhaweynay ballan qaadkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ku aadanaa dib u eegista istiraatiijiyadda xasilinta Soomaaliya iyo waxyaabaha soo raaca oo ay kamid tahay qaab-dhismeedka siyaasadda iyo maamulka oo ay soo saareen Diseembar 2017. Annaga oo fahamsan in gaaritaanka nabad iyo xasillooni ay ku xiran tahay geeddi socod dhinacyo badan leh, haddana waxaan isku raacnay in horumarinta amniga ay la jaanqaado horumarka guud ee maamulka heer deegaan oo ay wehliso dhisidda nabadda gudaha iyo dadaallada ay hormuudka uyihiin bulshada. Waxaan soo dhaweyneynaa ballanqaadka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ku aadan inay ka wada shaqeyn doonaan Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose ee Wadajir si gacan loogu geysto dib usoo kabashada bulshada loona dardar geliyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta. Beesha Caalamka waxay waafaqsan tahay inay sii waddo taageeridda dadaallada Soomaalida ee lagu dhisayo awoodda iyo kartida bulshada. Dhammaan saaxiibbada caalamka waxay isku raaceen inay taageeraan horumarka maamulka iyada oo loo marayo taageero dheellitiran oo joogto ah si loo xaqiijiyo saameynta wanaagsan ee dadaallada wadajirka ah ee xasilinta qaranka.

Waxaan bogaadineynaa shaqada muhiimka ah ay hayaan AMISOM ee ku aadan xoojinta amniga iyo xasilloonida, taas oo u oggolaaneysa Soomaaliya inay dhisto hay’adaheeda siyaasadda ayna baahiso awooddeeda dowladeed; labaduna waxa ay aasaas iyo gogol-xaar uyihiin in la gaaro marxalad ay suurragal tahay in hay'adaha iyo ciidamada Soomaaliyeed lagu wareejiyo mas'uuliyadda amniga. Waxaan ogsoonahay in dadaalka AMISOM uu ka imaanayo naf-hurnimada waddamada ciidammada ku deeqay Soomaaliya (TCCs), waxaana ku ammaaneynaa geesinimada iyo heellanaanta ay muujiyeen ciidammadooda, iyo sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee dagaalka kula jira Al Shabaab. Waxaan qirsannahay dadaalka joogtada ah ay bixinayaan waddamada ciidammada ku deeqay AMISOM iyo waddamada booliiska ku deeqay; ee loogu golleeyahay xasilinta iyo nabad kusoo dabbaalidda Soomaaliya, waxaana qireynaa baahida loo qabo maalgalin joogto oo la siiyo AMISOM iyo bixinta hubka iyo qalabka lagama maarmaanka ah si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday. Dhammaan saaxiibbada caalamka waxay aqoonsan yihiin maalgelinta adag ee uu bixinayay Midowga Yurub tan iyo 2007 iyo baahida loo qabo in si wadajir ah loo qaado mas'uuliyadda maalgelinta joogtada ah ee AMISOM wixii ka dambeeya 2018, iyadoo lala kaashanayo Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha AMISOM iyo ciidamada amniga Soomaaliya si wax looga qabto caqabadaha amni ee hadda iyo muddada dhow ka jiraya Soomaaliya.

Waxaan muujinnay taageeradeenna kalaguurka shuruudda ku xiran ee AMISOM iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya, laga soo billaabo dabayaaqadii sannadkii 2018 annagoo ku saleynay taariikho cayiman oo cad-cad oo la xiriira ujeeddooyinka dib u habeynta laamaha amniga ee ku xusan Heshiiska Amniga. Dib u eegista Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee AMISOM ee billaabmaya Maajo 2017 iyada oo lala kaashanayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa talooyin loogu soo jeedin doonaa dhammaan saaxiibbada doorka ku leh Hawlgalka AMISOM taas oo lagu saleyn doono baahiyaha Soomaaliya, inta laga sugayo ansixinta Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kahor Cusboonaysiinta Sharciyadda AMISOM bisha Luulyo 2017.

Waxaan bogaadinaynaa dadaallada ay sameeyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka si wax looga qabto burcad-badeeda, taas oo horseeday in sannadihii lasoo dhaafay uu hoos udhac aad uweyn ku yimaado falalka burcad-badeednimada. Waxaan garwaaqsan nahay in burcad-badeednimadu ay weli tahay khatar ka jirta xeebaha Soomaaliya waxaana dib u xaqiijineynaa sida ay noogu go'an tahay ka hortagga iyo la-dagaallanka burcad-badeeda, iyo in la hubiyo in Soomaaliya ay yeelato ilaalo sharci ah waxku'oolna ah oo jooga xeebaheeda. Waxaan ogsoon nahay muhiimadda ay leedahay in la hubiyo hawlgal nabdoon oo laga sameeyo marinnada badda ee gobolka. Waxaa naga go'an inaan wax ka qabanno dhibaatada khatarta ah ee kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan rukhsadda loo heysan aana laga warqabin ee saameynta xun ku leh dhaqaalaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada waxay mar kale muujiyeen sida ay uga go'an tahay horumarinta amniga badda iyada oo la sameynayo ciidan karti uleh ilaalinta xeebaha oo hoos taga Wasaaradda Amniga Gudaha, islamarkaana la dejinayo sharci ku habboon la-dagaallanka burcad-badeednimada, iyada oo Guddiga Isuduwidda Amniga Badaha uu noqonayo nidaamka dhexe ee qaabilsan arrimaha horumarinta kartida, xaddidaada aqoonsiga iyo hagitaanka taageerada.

Siyaasad Xasilloon oo Loo Dhan yahay

In heshiis laga gaaro arrimaha dastuurka ee taagan, oo ay kamid tahay dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, iyo horumarinta siyaasad loo dhan yahay ayaa muhiim u ah xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya. Geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka waa inuu dhiirrigeliyaa dhismaha nabadda iyo sarreynta sharciga ee dalka, waana inuu gacan ka geystaa wax ka qabashada khilaafaadka jira iyo dhisidda kalsoonida.

Waxaan soo dhaweyneynaa dadaallada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee ku aadan inay si dhow iskala shaqeeyaan iyaga oo kaashanaya Baarlamaanka arrimaha hor tabinta uleh mashruucan, iyagoo hore usii ambaqaadaya shaqadii hore looga qabtay dib u eegista dastuurka. Hannaanka dib u eegista waa inuu noqdaa mid furan, hufan islamarkaana loo wada dhan yahay waana soo dhaweeneynaa tallaabooyinkii ay qaadday dowladda Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed loogu qeyb geliyo arrimahan. Markastaba doorarka iyo masuuliyadaha waa in la kala caddeeyaa.

Waxaan soo dhaweyneynaa ballanqaadkii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga iyo qaanuunka, ee ahaa inay si dhakhso ah wax uga qabaneyso arrimaha deg-degga ah ee ubaahan wada xaajoodka siyaasadeed ee la xiriira qaabeynta dastuurka, oo ay ku jiraan maqaamka Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, arrinta awood-qaybsiga; wadaagga kheyraadka iyo dakhliga; nooca nidaamka siyaasadeed; iyo qaab-dhismeedka garsoorka federaalka.

Waxaan xoojineynaa muhiimada ay leedahay in si heer sare loo hago arrimahan siyaasad ahaan loona dabagalo, waxaana soo dhaweyneynaa balanqaadka ah in la dhiso gole heer sare ah oo ka kooban xubno ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, oo fududeenaya taabba galka dastuurka federaalka ee ku meelgaarka ah, si loo xaqiijiyo aarintan.

Waxaan bogaadineynaa horumarradii ugu dambeeyay ee laga sameeyay wadahadalkii siyaasadeed ee lagu ansixiyay heshiiska ku meelgaarka ah ee wadaagga iyo nidaaminta kheyraadka badda, kaas oo udhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, waxaana rajo ka qabnaa in dhawaan horumar waxku'ool ah laga gaari doono arrimaha kale ee la xiriira wadaagga kheyraadka.

Waxaan soo dhaweyneynaa ballanqaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan arrimaha dimuqraadiyeynta, taas oo ay kamid tahay doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee 2021. Sidoo kale, waxaan soo dhaweyneynaa jadwalka qorsha-hawleedka ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo ay kamid tahay ballanqaadkeeda ah inay diyaarineyso sharciga doorashooyinka oo ay sharcidejinta meelmarin doonto dhammaadka 2018.

Si taa lamid ah, waxaan soo dhaweyneynaa hawsha farsamo ee socota ee la xiriirta sida loo soo saaro xulashooyin ku saabsan hannaanka matalaadda, waxaanan dhiirrigelineynaa in xulashooyinkaas la horgeeyo hay'ad siyaasadeed oo heer sare ah fursadda ugu horreysa ee suurtagalka ah. Waxaan rajeyneynaa in wixii kasoo kordha hawlahaan aan ka helno watbixin Madasha Iskaashiga Heerka Sare ee soo socota.

Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay ugu go'an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka inay yeeshaan wadahadallo siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo dhiirrigeliyo in murannada iyo khilaafaadka halista ku ah nabadda iyo amniga dalka lagu xalliyo qaab nabadeed.

Waxaan hoosta ka xariiqeynaa muhiimadda ay leedahay sii socoshada wadahadalka udhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana soo dhaweyneynaa ka go'naanshiyaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku aadan arrintaas. Waxaan fileynaa in doorashooyinka madaxtinimada Somaliland ee dhacaya bisha Nofeembar 2017 ay fursad siin doonaan dib-u-xoojinta iyo dardargelinta arrintan.

Waxaan soo dhaweyneynaa natiijooyinka kasoo baxay kulankii koobnaa ee ku saabsanaa kaalinta ay qurbo-joogta iyo bulshada rayidka ah ka qaateen horumarinta Soomaaliya, waxaana garwaaqsan nahay doorkooda wadajirka ah ay ku taageereen xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan adkeeneynaa muhiimadda ay leedahay matalaadda haweenka iyo inay qeyb ka noqdaan golayaasha go’aan gaarista, waxaana bogaadinnay kororkii ku yimid tirada haweenka xubnaha ka ah Baarlamaanka oo noqday 24% iyo Golaha Wasiirada, taas oo lagu xaqiijiyay doorashadii ugu dambeysay.

Waxaan aqoonsan nahay waxtarka macnaha leh ee haweenka ka geysanayaan hannaanka nabadeynta iyo dhisidda nabadda, sida lagu sheegay go'aannadii kasoo baxay UNSC ee khuseeyay arrintan. Waxaan sidoo kale caddeyneynaa waxtarka la taaban karo ee dhalinyarada Soomaaliyeed ka geysteen walina ay ka geysanayaan horumarinta Soomaaliya, waxaana isla garannay in la dardar geliyo barnaamijyada awoodsiinta dhalinyarada, oo ay ka mid tahay in loo qabto tababbaro kor looga qaadayo xirfaddooda shaqo, barnaamijyo loogu abuurayo fursado shaqo laguna taageerayo halabuurkooda ganacsi.

Waxaan garwaaqsan nahay muhiimadda gaarka ah ay leedahay xuquuqda aadanaha iyo sarreynta sharciga. Saaxiibada Caalamku waxay diyaar u yihiin inay ka caawiyaan Dowladda Soomaaliyeed sidii ay u ilaalin laheyd waajibaadkeeda xuquuqda aadanaha Soomaaliya, taas oo ay ka mid tahay aasaasidda Guddiga Xuquuqda Aadanaha. Waxaan ogsoonahay heerka awoodda dowladda ay ku gaari karto gobolada qaar inay tahay mid xaddidan. Tani waxay caqabad ku noqoneysaa dadaallada loogu jiro dhisidda nabadda waxayna fududeeneysaa inay sii socoto xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo xeerka caalamiga ee bani'aadamnimada. Waxaan si aad ah uga walaacsannahay askareynta caruurta iyo in loo adeegsado rabshadaha oo ay ku kacayaan Al Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan. Waxaan bogaadineynaa dadaalka Dowladda Federaalka ay ugu hortageyso in la askareeyo caruurta, xitaa ay kamid tahay in laga hortago askareynta caruurta ee hay'adaha amniga Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ka walaacsannahay xadgudubyada jinsiga ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah, xubnaha qabaa'ilka laga tirada badan yahay, iyo si guud dadka nugul ee danyarta ah. Sare uqaadidda qaab-dhismeedka sharciga, hay'adaha ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo awoodda iyo sharciyadda hay'adaha dowladda ayaa ah mid muhiim u ah la dagaallanka ciqaabid la'aanta tacadiyada jinsiga ah, sidoo kale isla-xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo dhiirrigelinta dib u heshiisiinta. Waxaan garwaaqsannahay baahida loo qabo in dhammaan hay'adaha ka shaqeeya amniga ay ilaaliyiyaan halbeegyada caalaamiga ah ee xuquuqda aadanaha, si loo yareeyo ku takrifalka iyo adeegsiga xad-dhaafka ah ee awoodda ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Dardargelinta Soo kabashada Dhaqaalaha Soomaaliya

Dhaqaale xoog leh oo hagaajiya hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed islamarkaana abuura fursado shaqo, soona saara dakhliga gudaha ayaa muhiim u ah yareynta saboolnimada, xoojinta xasilloonida iyo dhiirrigelinta horumar waara. Waxaan isla garanay in dardargelinta soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya ay noqoto hadaf lagu mideysan yahay muddada soo socota. Waxaan soo dhaweyneynaa ansaxinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (QHQ) iyo daah qaadidda kaabayaasha dhaqaalaha, sida tamarta, qeybaha waxsoosaarka (beeraha, kalluumeysiga iyo xoolaha), helidda xirfadaha iyo maaliyadda, iyo talaabooyinka lagu horumarinayo jawi suurta gelinaya horumarka ugu sarreeya ee dhaqaalaha. Waxaan soo dhaweyneynaa ballanqaadka saaxiibbada caalamka ee ku aadan taageeridda ujeeddooyinka mudnaanta leh ee ku xusan QHQ. Waxaan bogaadineynaa heshiiska iskaashiga soo kabidda dhaqaalaha ee u dhexeeya dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, sidoo kale waxaan soo dhaweyneynaa sida labada dhinac ay ugu heellan yihiin inay si dhow iskula shaqeeyaan iyada oo loo marayo Madasha Dood Wadaagga Dowladda iyo Ganacsiyada Gaarka Loo Leeyahay, si loo gaaro ujeeddooyinka mudnaanta leh ee ku saabsan horumarka dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota.

Maaddaama xawaaladuhu yihiin udub dhexaadka baahiyaha bani'aadamnimo ee Soomaaliya ayna yihiin kuwa halbowlaha u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waa inaan ka shaqeynaa sidii xiriir joogto ah ula yeelan laheyn xawaaladaha; wax ka qabashada caqabadaha maamul iyo dhibaatooyinka halista ah ee ka imaan kara suuqa xawaaladaha; iyo daboolidda baahiyaha kormeerka, maamulka iyo shuruudaha aqoonsiga gudaha Soomaaliya. In horumar laga sameeyo arrimahan waxay u baahan tahay dadaallo wadajir oo ay sameeyaan dowladda, ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo saaxiibbada caalamiga ahba.

Inkastoo qeybaha waxsoosaarka ay aasaas u yihiin dib usoo nooleynta dhaqaalaha, haddana waxaa lagama maarmaan ah in lagu kaabo maalgashiyo waxku'ool ah oo lagu xaqiijinayo soo kabashada dhaqaalaha, gaar ahaan in dib loo dhiso dhismaha kaabayaasha dalka islamarkaana la horumariyo waaxda tamarta joogtada ah. Kororka ku yimid ka shaqeynta dakhliga gudaha ayaa door muhiim ah ka qaadatay arrintaan, iyo sidoo kale bixinta adeegyada aasaasiga ah. Waddamo badan, helista amaahda ka timaada Hay'adaha Caalamiga ah ee Maaliyadeed (HCM) iyo saaxiibbada kale ee taageera horumarka dhaqaalaha ayaa waxay utahay isha ugu muhiimsan ee maalgelinta mashaariicda. Waxaan bogaadineynaa ballanqaadyadii ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo HCM ee qeexayay mudnaanta tallaabooyinka dib-u-habeynta dhaqaalaha muddada dhow iyo muddada dheer si loo fududeeyo kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida. Guusha laga gaaray dhinacan waxay xoojinaysaa sharciyadda iyo xasilloonida hay'adaha dowladeed ee Soomaaliya, waxayna soo jiidaneysaa maalgashi caalami ah, sidoo kale waxa ay gacan ka geysan doontaa horumarinta Soomaaliya iyadoo loo marayo dariiqa HCM caadiga ah iyo hannaanka deyn cafinta. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an inay bixiso hoggaanka siyaasadeed iyo farsamo ee lagama maarmaanka ah si loo gaaro ujeeddooyinkan, dhanka kale saaxiibbada taageera horumarinta dhaqaalaha waxaa ka go'an inay ka caawiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay uxaqiijin laheyd ujeeddooyinkaas, iyada oo la hubinayo in kaalmadeena farsamo iyo taageerida hay'adeed ay si habboon ula jaanqaadayso iyaga.

Waxaan soo dhoweyneynaa sida ay ugu go'an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya arrintaan, sidoo kale waxaan bogaadineynaa tallaabooyinka dhaxalgalka ah ay uqaadday la dagaallanka musuqmaasuqa ragaadiyay horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya. Waxaan ku dhiirigalinaynaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah si ay uciribtiraan aafada musuqmaasuqa, ayna ukordhiyaan daahfurnaanta maaliyadeed.

Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya

Waxaan garwaaqsannahay in horumarka laga sameynayo dhinacyadan uu yahay mid is dhisaya oo is-xoojinaya. Maanta waxaan ansaxinay Iskaashi Cusub oo ay yeelaneyso Soomaaliya kaas oo lagu taageerayo QHQ maadaama uu yahay qaab-dhismeedka aan ku dhiseyno guulaha laga gaaray Heshiika Hiigsiga Cusub ee saddaxdii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale aan ku xaqiijineyno horumar cad oo la qiyaasi karo oo ku saabsan arrimaha mudnaanta uleh Soomaaliya sida ku xusan QHQ. Tani waxaa kamid ah amniga, heshiiska dastuurka, siyaasadda loo dhan yahay, xuquuqda aadanaha iyo sarreynta sharciga, dowlad wanaagga, ciribtirka musuqmaasuqa, iyo soo kabashada dhaqaalaha. Marka loo eego Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka waxay mar kale xaqiijinayaan sida ay nooga go'an tahay inaan si dhow uga wada shaqeyno si hufnaan iyo isla xisaabtan leh, iskuna dubbaridan si markaa loo xoojiyo nidaamyada maamul ee qaranka islamarkaana lala jaanqaado Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya, sidoo kalena loo hirgeliyo nabad waarta, amni iyo barwaaqo. Waxaan garwaaqsan nahay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, taas oo ay qeyb ka yihiin dadka Soomaaliyeed. Waxaan ballanqaadeynaa inaan horumarinno qaab-dhismeedka isla xisaabtanka wadajirka ah ee ku saleysan ujeeddooyinka hortabinta leh ugu dambeyn Diseembar 2017, si aan u cabirno horumarka aan sameyn doonno iyo warbixinta aan ugudbin doonno Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo lixdii biloodba mar la qabto.