Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay manhajka qaran ee tababbarka garsoorka Soomaaliya

17 Jul 2017

Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay manhajka qaran ee tababbarka garsoorka Soomaaliya

Muqdisho - Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Qaramada Midoobay ayaa daah furtay barnaamij ballaaran oo tababar loogu qabanayo in ka badan 350 sarkaal oo ka kamid ah garsoorka dalka oo dhan si gacan looga geysto dib u dhiska waaxda caddaaladda ee dalka.

Barnaamijkan tababarka ah, oo la qaabeeyey lana soo saaray iyada oo taageero laga helayo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) - Barnaamijka Taageerada Sharciga ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Midowga Yurub iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Ingiriiska (DFID), ayaa la hirgelin doonaa iyada oo lala kaashanayo Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Muqdisho.

Barnaamijka oo lagu daahfuray xarunta Maxkamadda Sare ee Dalka maanta oo Axad ah, ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Ibraahim Suleymaan Iidle waxa uu sheegay in  tababaradan taxanaha ah ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan dib u habeynta garsoorka iyo horumarinta sharciga si dalka loo gaarsiiyo heerarka caalamiga ah ee hannaanka caddaaladda. hadda.

"Qaab dhismeedka siyaasadeed ee dalka waa uu is badalay, taasna waxay saameyn ku leedahay garsoorka. Sidaa darteed, waxaan u baahanahay inaan dib u habeyn  waxku'ool ah ku sameyno garsoorka dalka" ayuu yiri Garyaaaan Iidle. "Dib u habeyntan oo aan u aragno inay muhiim tahay, waxaa kamid ah baahida loo qabo in dib loo dhiso dhismayaasha ay deggan yihiin hay'adaha garsoorka. Dhismayaasheenna waa ay burbureen [intii aydagaalladu socdeen] waxayna u baahan yihiin in la dayactiro” ayuu raaciyay.

Tababarkan la siinayo saraakiisha garsoorka waxaa xoogga lagu saari doonaa meelaha mudnaanta sare leh, oo ay ka mid yihiin: maamulka maxkamadaha iyo hoggaaminta; nidaamka dacwadaha madaniga ah; habraacyada dacwadaha ciqaabta ah; mabaadi'da guud ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed; iyo xuquuqda eedeysanayaasha iyo dhibanayaasha. Saraakiisha garsoorka ayaa sidoo kale baran doona nidaamka iyo hababka baarista dembiyada; habraacyada sharciga iyo maamulka; iyo sidoo kale xirfadaha sharciga iyo anshaxa ee daruuriga ah.

David Akopyan oo ah Ku-xigeenka Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, ayaa sheegay in bixinta cadaaladda ay fure u tahay xaqiijinta dowlad wanaagga, xoojinta sarreynta iyo ku dhaqanka sharciga iyo  ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.

“Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay waxa uu ujeedkiisu yahay in uu dalka ka caawiyo sidii uu cagihiisa isugu taagi lahaa; iyo in uu waddanku billaabo in uu horumariyo nidaamkiisa, ”Mudane Akopyan ayaa carabka ku adkeeyay. “Waxaan dooneynaa in ay siyaasadda Soomaaliya, caddaaladda, amniga iyo shaqooyinka; fursadaha shaqada iyo dhaqaaluhu noqdaan kuwo loo dhan yahay. Tani waa farriin muhiim ah oo loo dhan yahay oo ka socota UNDP; waxaana halkan u nimid in aan dalkaan ka dhigno meel adiga iyo carruurtaada uwanaagsan.

UNDP waxa ay hore tababar ugu soo xirtay 90 garsoore iyo xeer-ilaaliyaal oo laga dhisay xagga sarreynta sharciga, cadaaladda iyo amniga soomaaliya. Christoph Buik, Taliyaha Booliska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in tababarka saraakiisha garsoorka uu noqon doono barnaamijkii ugu horreeyay ee qaabeysan ee noociisa ah ee lagu qabto Soomaaliya tan iyo 2012.

“Awoodsiinta shaqaalaha garsoorka waa mid muhiim ah, gaar ahaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka [heer] si loo hubiyo in garsoorka uu gudan karo waajibaadka loo igmaday isla markaana gaarsiin karo adeegyada cadaaladda dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mr. Buik.

Tababarka ayaa waxaa marka hore ka faa’iideysan doona garsooreyaasha, xeer ilaaliyeyaasha, iyo diiwaangeliyeyaasha, ka hor inta aan la ballaarin, si loo tababaro shaqaalaha garsoorka ee ka socda Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland "Tababarku waxa uu gacan ka geysanayaa hirgelinta garsoor madax-bannaan, isla xisaabtan iyo karti leh, kaasoo awood u leh in uu wax ka qabto baahiyaha caddaaladda ee dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Mr. Buik.

Hadalka, Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Cadaaladda Federaalka, wuxuu ku sheegay in tababbarku uu buuxiyo dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan helitaanka garsoor buuxiya heerarka caalamiga ah. "Waxaan jeclaan lahaa inaan idinku dhiirrigeliyo in aad ka faa'iideysataan tababarkan," ayuu u sheegay saraakiisha garsoorka intii lagu guda jiray daahfurka barnaamijka tababarka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi oo soo xiray xafladda daahfurka ayaa yiri “Tababarkan waa kii ugu horreeyay oo noociisa ah tan iyo burburkii dowladdeenna 26 sano kahor. Waxaan rajeyneynaa in tababaradaan lagu qaban doono dalka gudihiisa iyo sidoo kale caasimadaha gobolada si loo hubiyo in dad badan ay ka qeyb galaan, ”Mudane Xuseen Xaaji ayaa intaas ku daray. Dareenka Wasiirka waxaa ka dhawaajiyay Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, oo kula dardaarmay tababartayaasha in ay kordhiyaan fursada barashada si ay u helaan xirfado sharci oo aad loogu baahan yahay “Xirfado kasta iyo aqoon kasta oo aad baran doontid tababarka kaddib, waxaa lagaa doonayaa in aad ku soo bandhigto maxkamadaha sharciga iyo inta aad caddaaladda ka shaqeyneyso. Waxaan u baahanahay in aan aragno in aad xirfadaha dhaqangelisaan, ”ayuu u sheegay saraakiisha garsoorka.