Kahor-tagga iyo la dagaalanka xagjirnimada rabshadaha wata oo sare loogu qaaday heshiiskii Amniga ee Soomaaliya

8 Oct 2017

Kahor-tagga iyo la dagaalanka xagjirnimada rabshadaha wata oo sare loogu qaaday heshiiskii Amniga ee Soomaaliya

Mogadishu – Dowladda Federalka iyo mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada oo la weheliyaan beesha caalamka ayaa ku heshiiyey nidaam taageero iyo iskaashi oo lagu sameynayo istaraatiyadda hawlgalada si looga hortago qalalaasaha xagjirnimada.

Istaraatijiyadan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Strand 4’ waxa ay qeyb ka tahay Qorshaha Amniga Qaranka (NSA) kaas oo ay meel mariyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka bishii Abriil.

Qorshaha Qaranka, iyada si buuxda loo raacayo Security Strand 4, waxa uu tiigsanayaa kahortagga qalalaasaha argagixisanimada iyo wax ka qabashada qodobada badan ee sababa colaadaha iyo amni darada Soomaaliya.

Istaraatijiyadan waxaa looga dhawaaqay munaasabad ay wada daadihinayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Safiirka Sweden Andreas von Uexküll.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federalka Soomaaliya, wakiilo matalayey Dowlad Gobolleedyada iyo mas’uuliyiin QM ah – waxaa ka mid ahaa Michael Keating, Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha kale oo dibloomaasiyiin ah.

Mahdi Guuleed waxa uu dhacdada ku tilmaamay mid taariikhi ah waxa una sheegay in ay Soomaaliya ka caawin doonto kahortagga amniga darada.

 “Waxaan maanta isugu nimid inaan bilowno qeybta 4aad ee Habka Dhameystiran ee Amniga. Waxaan u mahadcelineynaa dowladda UK oo soo abaabushay shirkii caanka ahaa ee London kaas oo si guul ah ku soo dhammaaday oo Soomaaliya u fidiyay gogol ay ku soo bandhigto arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Wadada loo dhan yahay ee Amniga iyo Dhinacyadeeda,’ waxaa sidaas kulanka ka sheegay Guuleed.

Strand 4 waxaa si wada jir ah u gudoomiya Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Safaaradda Sweden. Hadafka laga leeyahay waa in khilaafaadka lagu xalliyo hab  siyaasadeed taas oo cagsi ku ah gacan ka hadalka.

Raiisel wasaare ku xigeenka iyo safiirka sweden ayaa kala saxeexday qodobada shaqada laga qabanayo ee qeexaya doorarka, masuuliyadaha, maaraynta iyo habraaca fulinta nidaamka 4aad, qodobada muhiimka u ah hawlgalinta Istiraatiijiyadda Qaranka Soomaaliyeed iyo Qorshe hawleedka ka hortagga iyo ladagaalanka xagjirnimada ee la shaaciyey Sebtember 2016.

 

 

Danjire von Uexküll waxa uu xusay in xagjirnimada gacan ka hadalku uu yahay mid baahsan, oo aan saameyntiisu ku koobnayn Soomaaliya balse ka jira  dalal badan wuxuuna ku baaqay in si wada jir ah looga hortago dhacdadan.

 “Isku xirka u dhexeysa saamileyda kala duwan iyo sidoo kale hubinta in aanan si hoose uga shaqeyneynin ayaa muhiim noqon doonta Waxaan sidoo kale u baahanahay in aan isku xirno shaqadeena ku saabsan xuquuqda aadanaha, amniga, ku dhaqanka sharciga iyo cadaalada. Xal waara waxaa lagu gaari karaa oo keliya markaan wax ka qabano dadaalka aan ugu jirno dhalinyarada in ay ka qeybgalaan soo kabashada dhaqaalaha, ”ayuu raaciyay.

Dhiniciisa, Mr. Keating ayaa bogaadiyey daahfurka isaga oo carabka ku adkeeyey baahida loo qabo in wax laga qabto waxyaabaha horseeda xag-jirnimada rabshadaha wata isla markaana waxa uu ku baaqay habab badan oo dhinacyo badan leh oo si wax ku ool ah wax looga qabanayo amni-darrada.

“Amni-darrada waxa ay u baahan tahay qabab dhab ah oo dhameystiran iyo meesha wax looga qabanayo xag-jirnimada rabshadaha wata  waa dadaalka muddada-dheer ee u baahan in uu qayb ka noqdo habkaas ballaaran. Haddii aan kaliya diirada saarno dhanka militariga ee ku saabsan amni darrada ma guuleysaneyno. Waxaan kaliya ku faraxsanahay in aan u nimid inaan eegno sida ka hortagga iyo la dagaalanka xagjirnimada rabshada wata  ay gacan uga geysan karaan wax ka qabashada qaar ka mid ah arrimahan, ”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey kulanka in hay’adaha muhiimka ah ee dowlada iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ay magacaabaan shaqsiyaadka isku xiri doona howsha isla markaana la yimaadaan qorshe waxqabad ka hor kulanka dabagalka ah ee Shirka London, oo loo qorsheeyay bisha Diseembar.