Midowga Yurub ayaa daah-furay barnaamij loogu magac daray Reinteg oo ku kacaya qiimo dhan €12 milyan kaas oo loogu talOgalay Dadka Gudaha ku Barakacay (IDPS) ee ku nool Gobolka Banaadir

29 May 2017

Midowga Yurub ayaa daah-furay barnaamij loogu magac daray Reinteg oo ku kacaya qiimo dhan €12 milyan kaas oo loogu talOgalay Dadka Gudaha ku Barakacay (IDPS) ee ku nool Gobolka Banaadir

Muqdisho - Midowga Yurub, oo kaashanaya Qaramada Midoobay iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa daah furay mashruuc dhan 12 milyan oo Yuuro ($13.4 milyan) oo lagu ilaalinayo, laguna taageerayo dib-u-soo-celinta Dadka Gudaha ku BarAkacay (IDPs) ee gobolka Banaadir.

Mashruucan oo loogu magac daray "RE-INTEG" ayaa sidoo kale, looga golleeyahay in lagu wanaajiyo xaaladaha nololeed ee dadka soo barakacay iyo kuwa soo laabanaya, iyada oo loo marayo sameynta nidaamyo maamul oo damaanad qaadaya xuquuqdooda dhanka guriyeynta, dhulka iyo hantida, iyo weliba kamid noqoshada bulshada iyo siyaasadda.

Hirgelinta mashruucan waxaa hoggaaminaya Maamulka Gobolka Banaadir oo ay wehliyaan hay’adaha UN-ka, kuwaas oo kala ah Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), UN-Habitat iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), iyo ururrada aan dowliga ahayn sida ururka Haweenka Soomaaliyeed. Xarunta Horumarinta (SWDC), Ururka Horumarinta Hal-abuurka Soomaaliyeed (SIDO) iyo Cooperazione e Sviluppo (CESVI).

RE-INTEG waxaa maalgeliya Sanduuqa Midowga Yurub ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaaradda Afrika, waxaana laga fulin doonaa muddo saddex sano ah gobolka Banaadir, oo ka kooban magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Sheekh Maxamed, ayaa xusay in mashruucani uu gacan ka geysan doono wax ka qabashada xaaladaha nololeed ee barakacayaasha, gaar ahaan magaalada Muqdisho, oo ah meesha ugu badan ee ay ku nool yihiin, kuna yaallaan kaamam kumeel gaarka ah, sidoo kale, waxaa jira goobo lagu qoro kooxaha xagjirka ah.

“Waqtigaan, xaaladda barakacayaasha waa mid aad u kacsan. Waxa ay ka baxsan tahay gacanteenna oo kheyraadkeenna yar ayaan noo oggolaan doonin in aan keligeen wax ka qabanno dhibaatadan, Waxa aan hubaa in dhammaan caawimaadda aan heli karno, aan adeegsan doonno, ”ayuu yiri Mudane Saalax Sheekh Maxamed oo ka hadlayey furitaanka barnaamijka Reinteg.

Ms. Susanne Martin, Madaxa Qeybta iskacaabbinta, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Qeybta Waxsoosaarka ee Ergada EU-da Marwo Susanne Martin ayaa sheegtay in mashruuca RE-INTEG lagu fulin doono qaab loo wada dhan yahay oo lagu dhisayo isku duubni iyo kor u qaadidda lahaanshaha wadajirka ah ee Soomaalida oo dhan, iyada aan loo eegin qabiil ahaan.

“Barakacayaasha iyo bulshada martida loo yahay si isku mid ah ayaa loo wada taageeri doonaa iyada oo la tixgelinayo in la gaaro kuwa ugu nugul, loona eegin kooxda ay ka tirsan yihiin ama meesha ay ka soo jeedaan,” ayey tiri Marwo Martin.

Wasiirka Qorsheynta ee Dowladda Federaalka, mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka codsaday saaxiibbada caalamiga ah in ay barnaamijyadooda ku jaan gooyaan qorshaha horumarinta Qaranka ee dalka.

“Waxa aan ku haynaa barakacayaal meelkasta oo magaalada kamid ah. Waxa ku xiga wasaaradaha iyo gudaha wasaaradaha iyo xarumaha kale ee dawladda, ”ayuu yiri. "Marka, kuwani waa arrimaha dhabta ah ee aan u baahannahay in aan wax ka qabanno, taageeradiinnuna waa mid aad u muhiim ah."

Mr Peter de Clercq, oo ah ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay (DSRSG) ee soomaaliya, sidoo kalena ah isku duwaha arrimaha qaramada midoobay, iskuduwaha arrimaha bini aadanimada iyo wakiilka UNDP, ayaa sheegay in mashruucan uusan keliya ku taageeri doonin barakacayaasha baahiyaha aasaasiga ah. , laakiin sidoo kale, uu gacan ka geysanayo kor u qaadista dakhliga iyo hab-nololeedka.

"Waxa ay diiradda saareysaa dhammaan arrimaha kala duwan ee ka caawin doona barakacayaasha in ay si buuxda bulshada u dhexgalaan, oo ay caadi noqoto in ku degaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya," ayuu yiri Mr de Clercq.

Waxaa la filayaa in Mashruucu fududeeyo soo noqoshada dadka ku soo laabanaya guryahooda, in kastoo qaarkood lagu dari doono magaalooyinka ay martida u yihiin.