War-saxaafadeedkii Golaha Ammaanka ee weerarkii argagixisada ahaa ee Kismaayo

15 Jul 2019

War-saxaafadeedkii Golaha Ammaanka ee weerarkii argagixisada ahaa ee Kismaayo

New York – Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay luuqadda ugu adag ku cambaareeyeen weerarkii argagixisada ahaa ee 12-kii Luulyo 2019 ka dhacay magaalada dekedda ah ee Kismaayo kaas oo dhimasho iyo dhaawac u geystay dad rayyid ah oo waxba galabsan.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay murugada la wadaagayaan oo ay tacsiyeynayaan qoysaska dadkii ay waxyeelada gaadhay iyo waliba bulshada iyo dowladda Soomaaliya. Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay u rejeynayaan kuwa dhaawaca soo gaaray soo kabasho deg deg ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay dib u xaqiijiyeen in argagixisada nooca ay doonto  iyo muuqaalka ay wadato ha ahaatee in ay ka mid tahay waxyaabaha cabsida ugu weyn ku haya nabadda iyo ammaanka dunida.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in cadaaladda la horkeeno kuwii weerarka ka dambeeyey, abaabulay, dhaqaalaha iyo maalgalinta ku bixiyey ficilkaas waxashnimada ahaa ee argagixisanimo, waxa ayna ugu baaqeen dhammaan dowladaha, kuwaas oo sida uu qabo sharciga caalamiga ah lana jaan qaadaya qaraaradii Gollaha Ammaanka in ay si firfirqoon ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya iyo dhamaan hay’adaha kale ee ay quseyso.

Gollaha Ammaanka waxa ay markale ku celiyeen ficil kasta oo argagixisanimo in uu yahay dambi aan loo qiil dayi karin, iyada oo aan loo egeyn ujeedada ka dambeysa, meesha uu doono hako dhaco, xilliga uu doono iyo ciddii doonta ee fulisa.

Xubnaha Golaha Ammanka waxa ay markale xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dalalka ay qaab walba uga hortagaan, sida uu qabo axdiga Qaramada Midoobay iyo wajibaadyada kale ee hoos taga sharciga caalamiga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiha ah ee xuquuql insaanka sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee arrimaha bili’aadannimada waxyaabaha halista ku ah nabadda iyo amniga caalamka oo ay sababaan weerrada argagixisada.

Xubnaha Gollaha Ammaanka waxa ay Soomaaliya iyo dhammaan jilaayaasha caalamka ku ammaaneen sida ay uga shaqeynayaan in ay Soomaliya hesho nabad iyo xasillooni. Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay ku celiyeen sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Waxa ay hoosta ka xarriiqeen in weerarkan iyo mid kale oo argagixiso uusan wiiqi karin ka go’naanshahaas.