Kelmedihii uu maanta warbaahinta Jowar uga jeediyey, James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

28 Jan 2021

Kelmedihii uu maanta warbaahinta Jowar uga jeediyey, James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Galab wanaagsan Md. madaxweyne,

Waxaan rabaa in adiga iyo kooxdaada uga mahadceliyo soo dhaweynta diiran ee aad maanta ii fidiseen.

Md. Madaxweyne, adiga iyo aniga waxaan marar badan iska aragnay shaashadaha, horena waan ugu kulannay Muqdisho, laakiin sharaf ayey ii tahay in aan maanta halkan Hirshabeelle adiga iyo kooxdaada aan  kugu soo booqdo.

Waxaa i weheliya Maxamed Yarow oo ka socda Hay’adda Beeraha iyo Cunada iyo Meinolf Schlotmann oo ah taliyaha booliska Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Aad ayaan ugu faraxsannahay in aan maanta joogno Jowhar. Waxaan u nimid in aan madaxweynaha, wasiiradiisa iyo la-taliyeyaashiisa kala hadalno taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Hirshabeelle.

Hirshabeelle oo la dhisay 2016-kii  waa maamul gobolleedka ugu da’da yar dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federalka ee Soomaaliya. Waan ka war qabnaa in baahiyaheeda horumarineed ay arrintani muhiim u tahay xilli qoyska QM ay wali wadaan in ay ka taageeraan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo taageerada bani’aadannimo iyo waliba sidoo kale dhinaca ammaanka iyo dadaalada dib u heshiisiinta.

Ii ogoow in aan kula wadaago tusaalooyin dhawr ah oo gaar ah:

Dhinaca arrimaha bani’aadannimada, khibradaha laga dhaxlay duullaankii ayaxa ee qeybo ka mid ah dalka, Barnaamijka Cunada ee QM waxa ay wadaa bixinta kaalmo ay si ba’an ugu baahan yihiin dadka iyada oo u mareysa barnaamijkeeda nafaqeynta ee tuulooyinka uu saameeyey ayaxa.

Daadadka waxa ay sidoo kale saameyn ku yeesheen dadaalada horumarinta. Sidaas daraadeed, Hay’adda Beeraha iyo Cunada waxa ay soo calaamadisay ugu yaraan 60 goobood oo ay biyaha ka soo goostaan iyada oo kala shaqeynaya mas’uuliyiinta deegaanka xiridda 13 meelood oo ay halistooda aad u weyn tahay oo jiinka wabiga ah – afar ka mid ah kuwaas hadda waa la dhammeeyey.

Waxaan ku faraxsanahay in aan ku daro in Hay’adda Beeraha iyo Cunada ay sidoo kale dayactir ku sameysay 35 Kilometer oo kanaal. Taasi waxa ay Hirshabeelle u sahli doontaa in ogaado in ay noqon karto meesha Soomaaliya laga quudiyo.

Sida tusaalooyinka kale, Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah waxa ay Hirshabeelle uga shaqeyneysaa ilaa iyo heer bulsho. Waxa ay gacan ka geysatay dhismaha dugsiyo dhexe, suuq noocyo badan oo casri ah, xarun haween iyo goobo kale oo ku yaal Hirshaabeelle.

Dhinaca amniga, iyada oo kaashaneysa saaxiibeed, Qaramada Midoobay waxaa ka go’an taageeridda booliska Hirshabeelle. Hadda, 579 askar boolis ah ayaa hela lacag u soo marta Barnaamijka Isku dhafan ee ee Booliska QM. Barnamaijka waxa uu sidoo kale maalgalin doonaa dhismaha saldhigyo boolis, waxa uu bixin doonaa qalab iyo barnaamijyo hormarineed oo la xiriira shaqada booliska ee dadweynaha.

Markale, tusaalooyinkan waa iskaashiga dhaw ee naga dhexeeya Hirshabeelle, waana mid aan dooneyno in aan sii wadno si horumarka intan looga ballaariyo.

Sida maamul gobolleedyada kale ee aan dhawaan la kulanay, waxaan sidoo kale isla gorfeynay xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya oo ay ugu muhiimsan tahay doorashooyinka soo socda.

Waxaan la wadaagay madaxweynaha in aan ku farxay in aan arko  qoraalkii ka soo baxay Jubaland iyo Puntland subaxan saaka ah, iyo sidoo kale shaacinta xubnaha kooxaha hirgalinta doorashada ee heer dowlad goboleed. Waxaan maanta galinka dambe la tashiyo la sameyn doonaa saaxiibada kale ee caalamka sidii ana anaga oo wadajirna uga jawaabi lahayn arrintan. Laakiin, falcelinteydii hore, walow xilliga la soo saaray ay daahday, soo saarista liiskan waa mid togan iyo tallaabo la soo dhaweeyo.

Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa shirka waxtarka leh ee ay soo jeediyeen in ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubanaha ka ah, taas oo si buuxda ula jaan qaadeysaa baaqyadii is xig xigay ee saaxiiibada Soomalaiya ku dalbanayeen in la gaaro heshiis la xiriira hirgalinta nidaamkii doorashada ee la qaatay 17-kii Semteembar.

Waa tallaabooyin togan oo dib u heshiisiineed oo ay qaadeen Jubbaland iyo Puntland, waxaan ku baaqayaa in ay dowladda federalka iyo maamul gobolleedyada kalena sidaas oo kale saameeyaan.

Markale Md. Madaxweyne aad ayaan kaaga mahadcelinayaa waqtigaaga iyo soo dhaweynta diiran iyo in aad ila wadaagtay xog-golaanimadaada iyo himilooyinkaaga iyo waxa aad u fileyso Hirshabeelle. Qoyska QM ee Soomaliya waxa ay sugeyayaan in ay adiga iyo kooxdaada la shaqeeeyaan si loo horumariyo nolosha dadka Hirshabeelle, xilli ay koreyso oo ay horumareyso, sanadka 2021 iyo wixii ka dambeeyaba.