Kelmedihii uu saxaafadda maanta Dhuusamareeb ugu jeediyey warbaahinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Soomaaliya James Swan

24 Jan 2021

Kelmedihii uu saxaafadda maanta Dhuusamareeb ugu jeediyey warbaahinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Soomaaliya James Swan

Madaxweyne adiga iyo kooxdaada waad ku mahadsantihiin soo dhaweynta diiran ee aad noo fidiseen maanta.

Maanta waxaa halkan ila jooga Cesar Arroyo, Agaasimaha Dalka Soomaaliya u qaabilsan Hay’adda Cunada Aduunka (WFP) iyo sidoo kale Jacqueline Olweya, kaas oo ah sarkaalka mas’uulka ka ah Hay’adda Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

Aad ayaan ugu faraxsannahay in maanta aynu Dhuusamareeb joogno. Waxaan u nimid sidii aan madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada ugala hadli lahayn taageerada Qaramada Midoobay siiso Galmudug. Shaqadan taageerada ah waxa ay ka soo bilaabataa dib u heshiisiinta socota, amniga iyo dadaalada xasillinta si awood loogu helo bixinta arrimaha gargaarka iyo taakulada la xiriira.

Tusaalooyin dhawr ah aan soo qaato:

Iyada oo ay dowladda Talyaanigu bixineyso dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta mas’uuliyiinta Galmudug, Hay’adda Cunada Aduunka waxa ay degmada Hobyo bishii Diseembar  ka bilowday dhismaha Deked Kalluun.

Mashruucan waxa uu sahli doonaa in doomaha kalluunka yimaadaan iyo in ay helaan marshooyin ay ku soo xirtaan, xilli uu ujeedku yahay in lagu taageero dadka deegaanka ee kalluunka ka ganacsada iyo in ay fursad u helaan in ay dibada u dhoofiyaan marka la gaaro xilliga xagaaga ee sanadkan.

Mashruucan wuu ka guda ballaaran yahay dhismaha. Hay’adaha aan dowliga ahayn ee deegaanka iyo Hay’adda Cunada Aduunka waxa ay iska kaashanayaan in ay tababbaro la xiriira xirfado cusub oo kalluumeysi ay siiyaan dadka deegaanka.

Mashruuca Dekedda Kalluunmeysiga ee Hobyo waxa uu qeyb ka yahay qaababka ay Hay’adda Cunada Aduunka u marto sidii ay u taageeri lahayd xiriirada loo baahan yahay in lagu soo saaro cunto iyo in cuntada is bedel lagu sameeyo si ay u gaarto dadka isticmaalaya. Maalgalin lagu sameeyo nidaamyada cuntada waxa ay horumarineysaa adkeysiga waqtiga fog iyo in isku filnaanshaha bulshooyinka ku dhaqan Soomaaliya.

Mashruucan waxa uu dheeri ku yahay barnaamijka gargaar ee aas aasiga ah ee ay Hay’adda Cuntada Aduunka ka waddo Galmudug ee ay raashin, lacag ama rasiidyo ku siiso muwaadiniin ku dhaw 300,000 (Saddex Boqol oo Kun) oo reer Galmudug ah bil kasta , waxaan rejeynayaa in taageeradaas ay intaas ka sii kororto inta ka harsan 2021.

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay waxa uu taageero farsamo u fidinayey wasaaradda arrimaha gudaha, Arrimaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta ee Galmudug si qeyb ahaan gacan looga siiyo in wasaaradda horumariso shaqooyinka ay qabato.

Marka laga yimaaddo in ay maalgalisay dhismaha Wasaaradda, UNDP waxa ay gacan ka gaysatay tababbar la xiriira federaaleynta iyo xiriirka dhexmara dowlad gobolleedyada oo loo qabtay in ka badan 100 (Boqol) ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda. Ujeedka laga lahaa tababbarka waxa uu ahaa in uu awood u siiyo in ay wadaxaajood mira dhal ah la yeeshaan dowladda Federalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay waxaa sidoo kale taageeradiisa ka mid ahaa in ay qabteen shirar, wadatashiyo iyo siminaarro la xiriira dib u heshiisiinta oo ay ka qeyb qaateen dad 1000 ka badan oo isugu jira mas’uuliyiin dowladeed, wakiilo ka socday Ururuda Bulshada Rayyidka ah, odayaasha, haweenka iyo hoggaamiyeyaasha dhallinyrada. Dhaqaalaha ku baxay waxaa si deeqsinimo leh u bixiyey dalalka Jarmalka, Sweden, Switzerlan iyo Sanduuqa Nabad Dhisidda iyaga oo soo mariyey hay’adda Multi Partner Trust Fund.

Waxaan rejeyneynaa in aan awood u yeelanno in aan mashaariic noocan oo kale ah sameyno, sababtaas darted, waxaan halkan u joognaa in aan si dhaw u dhageysanno waxa ay mas’uuliyiinta Galmudug rejeynayaan kana filayaan Qaramada Midoobay sanadka 2021  si anaga oo wadajirna aan u gaarno baahiyaha bulshada Galmuudug.

Dhinaca siyaasadda, madaxweynaha iyo aniga waxaan isla gorfeynay xaaladda siyaasadda guud ee Soomaaliya, gaar ahaa u diyaar garowga doorashooyinka. Arrintan, waxaan markale bogaadinayaa dadaallada madaxweyne Axmed Kaariye ee uu isugu dayey in uu ku xalliyo khilaafka ka dhashay hirgalinta qorsha doorashada, waxaan ku boorriyey in uu sii wado doorka uu ka ciyaarayo in la isku hayyo xiriirka hoggaamiyeyaasha dowlad Federalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay muhiimadda ay leedahay in la xalliyo qodobada xasaasiga ah ee la isku hayo si ay Soomaaliya uga qabsoonto habraac doorasho oo lagu kalsoon yahay. Markale, waxaan ku celiyey, marka la eego aragtida saaxiibada caalamka in ruuxiyad ku dhisan wadar ogol iyo wada-shaqeyn iyo in danta dalka la horumariyo ay tahay waxa loo baahan yahay waqtigan si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay sii hayso dhabbaha nabadda iyo xasilloonida.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay la yimaaddaan dadaal walba si ay miiska wadaxaajoodka u yimaadaan si doorashada qaranka loogu qabto wadar ogol ballaaran, kaas oo salka ku hayya heshiiskii 17kii Sebteembar, kuna suntan daahfurnaan, cadaalad iyo in loo wada dhan yahay.

Mar kale, mudane madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa soo dhaweyntaada iyo waqtigaaga. Waxaan sugeynaa wada-shaqeyntaada iyo midda kooxdaada iyo bulshada reer Galmudug ee 2021 si aan u wada dhisno mustaqbal wanaagsan.