Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo Booqday Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed si ay Ugala Hadlaan Taageerada ay Siiyaan iyo Iskaashikooda 2021

14 Jan 2021

Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo Booqday Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed si ay Ugala Hadlaan Taageerada ay Siiyaan iyo Iskaashikooda 2021

Baydhabo – Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqasho ku tagay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya si ay ugala soo hadlaan qaababka ay hay’adda caalamiga ah dhinacyo badan uga taageeri karto dowlad gobolleedka 2021-ka.

“Waa booqashadii ugu horreysay ee aan sanadkan cusub ku tagno maamul gobolleedyada waxaanna u nimi in aan madaxweynaha iyo wasiiradiisa kala hadalno shaqada Qaramada Midoobay ee la xiriirta taageeridda dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed. Taageerada waxa ay ka kooban tahay dib-u heshiisiinta socota, ammaanka iyo dadaallada xasillinta iyo taageerada arrimaha gargaarka iyo horumarka,” waxaa sidaas warbaahinta magaalada Baydhabo ugu sheegay James Swan.

Ergeyga QM waxa uu ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed ‘Laftagareen’.

Kahor shirka jaraa’id waxa ay wadahadallo la yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee madaxweynaha, madaxa hawlgalinta hay’adda caalamiga ah ee muhaajiriinta (IOM) ee Soomaaliya, Richard Danziger, iyo mas’uuliyiin ka socday xafiiska isku xirka arrimaha gargaarka ee QM, madaxa u qaabilsan arrimaha gargaarka iyo waaxda isku xirka militariga iyo rayyidka ee Soomaaliya, Edward Melotte.

“Waxaan, aniga gaar ahaan u soo raacay wafdiga si aan u dhageysto waxa ay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ka rejeynayaan, kana filayaan Qaramada Midoobay 2021 si  aan ugu wada-shaqeyno xaqiijinta baahiyaha dadka, iyo midda maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu ku daray Md. Sawan.

Taageerada Koonfur Galbeed

Ergeyga gaarka ah ee QM waxa uu kelmeddiisa ku soo qaatay tusaalooyin ku saabsan taageerada ay  hay’adda gobolka ka geysatay, waxa uu ku daray in hal-abuurada mashaariida ah ee hadda ka socda deeganka ay yihiin waxyaabo ay deegaanada kale ee Soomaaliya ku arki karaan shaqada Qaramada Midoobay.

Mashaariicda ay ka wada-shaqeynayaan maamul gobolleedka Koonfur Galbeed iyo Xafiiska taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay  (UNSOS) si loo horumariyo deegaanka maxaliga ah waxaa ka mid ah barnaamij Soomaaliya looga tallaalayo lix milyan oo geed oo 20,000  oo ka mid ah lagu tallaalayo nawaaxiga Baydhabo. 

Swan waxa uu ka hadlay sida ay Qaramada Midoobay ugala shaqeyneyso saaxiibada deegaanka sidii loo yareyn lahaa saameynta ay bay’ada ku reebayaan iyo taageerada ay ku bixiyaan sidii loogu wareegi lahaa wax soosaarka tamarta la cusbooneysiinkaro. Waxa uu xusay sida heshiiskii la saxiixay sanadkii hore ee u dhexeeyey UNSOS iyo shirkad gaar loo leeyahay ay dhabbaha ugu xaari doonto in xarunta Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay ee Baydhabo la keeno Soolarro iyo waliba suuqa guud ee Baydhabo.

“Soolarro ayaa  la rakibi doonaa dabayaaqada sanadkan,” ayuu yiri.

Isaga oo ka hadlaya dadka tirada badan ee gudaha iyo daafaha Baydhabo ku barakacay , tiro ku dhaw 500,000 oo kun – waxa uu Swan tilmaamay in shaqada IOM iyo saaxiibada kale ay xal waara u helaan, sida in nawaaxiga magaalaada Barwaaqo laga sameeyo deegaanno cusub.

“Deegaanadan waxaa lagu wajahayaa sida magaalooyinka, qorshaha qaab dhismeedkoodana waa sida fidinta magaalo halkii ay noqon lahaayeen xeryo kumeel gaar ah oo ka go’an magaalada. Ilaa iyo hadda in ka badan 700 oo guri ayaa dib u dejin loo sameeyey waxaana dhawaan ku soo biiri doona kun guri oo kale,” ayuu yiri Md. Swan. “Deegaanadan waxaa qeyb ka ahaan doona adeegga aas aasiga ah sida cisbitaalada caafimaadka iyo agabka nadaafadda, dugsiyo iyo waliba saldhigyo boolis iyo wadooyin.”

Kulanka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo xubnaha kooxdiisa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday helitaanka gargaarka. Ergeyga QM kelmeddii uu warbaahinta u jeediyey waxa uu ku xusay furitaanka garoon diyaaradeed si loo helo gargaar aan caqabad la kulmin si loogu taageero dadka nugul in uu tahay walaac jira.

Waxa uu sheegay in uu soo dhaweeyey oo uu dhiirigaliyey taageerada joogtada ah ee “Dowlad gobolleedka si loo xaqiijiyo oo loo adkeeyo amniga garoomada diyaaradaha ee maamul gobolleedka Koonfur Galbeed.”

Xalka Siyaasadeed

Wadahadaladii madaxweyne Cabdicasiis waxaa lagu soo qaaday xalka siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay doorashooyinka dalka.

Arrintan waxa uu ergeyga QM ka muujiyey sida uu uga mahadcelinayo dadaalada socda ee uu wado hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed si la’isugu keeno qeybaha kala duwan oo looga heshiiyo mustaqbalka.

Bilowgii toddobaadka, in badan oo ka mid ah saaxiibada Soomaaliya oo ay Qaramada Midoobay ka mid tahay waxa ay soo saareen bayaan ay ku muujiyeen walaaca ay ka qabaan is-mariwaaga ka taagan fulinta nidaamyadii doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federalka Soomaaliya 17-kii bishi Sebtembar.

“Waxaan ku celinayaa in ruuxiyad wadar ogolka iyo wada-shaqeyn, taas oo ay micneheedu tahay in danta dalka la horumariyo in ay xilligan tahay muhiim,” ayuu yiri Md. Swan. “Hadaannu nahay QM waxaan ugu baaqeynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay dadaal walba isugu geeyaan sidii ay u wadahadali lahaayeen oo ay ula imaan lahaayeen ruuxiyad lagu xaqiijinayo in doorashooyinka qaranka ku qabsoomaan qaab wadar ogol ah, loo dhan yahay, salkana ku haysa heshiiskii 17kii Sebteembar, doorashaduna noqoto mid daaahfuran, cadaalad ah oo lagana wada qeybgalay.”

Kelmeddiisii gunaanadka, ergeyga QM waxa uu tilmaamay  walow uu caalamado hoos u dhaca ah muujinayo Koroona Feyrus hadana in uu wali ka jiro Soomaaliya. Waxa uu hoosta ka xarriiqay ahmiyada ay leedahay in la taxadarro, lana sii wado tallaabooyinka kahortagga ah.

“Qaramada Midoobay waxa ay sii wadi doontaa siinta taageero dabagal mas’uuliyiinta caafimaadka ee mamaulka Koonfur Galbeed iyo dhammaan dowlad gobolleedyada kale ilaa iyo inta loo baahan yahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Md. Swan.