Booqashada QM ee Dhuusamareeb Waxa ay diiradda Saareysaa Taageerada ay Hay’adda Aduunka siiso Galmudug iyo Wada-shaqeynta kala Dhexeysa

24 Jan 2021

Booqashada QM ee Dhuusamareeb Waxa ay diiradda Saareysaa Taageerada ay Hay’adda Aduunka siiso Galmudug iyo Wada-shaqeynta kala Dhexeysa

Dhuusomareb – Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku hawlan sii wadida kulamada ay la yeelanayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Soomaaliyeed ayaa booqday maamulka Galmudug si ay uga wada hadlaan sida ugu wanaagsan ee ay dowladaha caalamka u taageeri karaan hawlahooda.

“Shaqadan taageerada ah waxa ay ka soo bilaabataa dib u heshiisiinta socota, amniga iyo dadaalada xasillinta si awood loogu helo bixinta arrimaha gargaarka iyo taakulada la xiriira,” waxaa sidaas warbaahinta ugu sheegay caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

“waxaan halkan u joognaa in aan si dhaw u dhageysanno waxa ay mas’uuliyiinta Galmudug rejeynayaan kana filayaan Qaramada Midoobay sanadka 2021  si anaga oo wadajirna aan u gaarno baahiyaha bulshada Galmuudug” ayuu intaa ku daray.

Ergeyga QM waxa uu ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Horaantii ayey kulumo la yeesheen wasiirada dowladda dhexe iyoagaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya Cesar Arroyo, iyo saraakaalka UNDP ee Soomaaliya Jacquenline OLweya

Shirka jaraa’id kahor waxa ay wadaxaajood la yeesheen golaha xukuumadda ee madaxweynaha, agaasimaha Hay’adda Cunada Aduunka u qaabilsan Soomaaliya Cesar Arroyo iyo madaxa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , Jacqueline Olweya.

Horaantii bishaan, ayuu Md. Swan iyo Madax ka socota Hey’adda Socdaalka Aduunka ee IOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku Xirka Arimaha Bani’aadamnimada (OCHA) waxa ay la  kulmeen Madaxwenaha Koonfur Galbeed si ay ugu wada arinsadaan sida ugu habboon ee loo garab istaagi karo maamul gobolleedkaas.

Taageeridda Galmudug

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya waxa uu kelmeddii uu warbaahinta siinayey tusaale u soo qaatay shaqada ay Hay’adda Cunada Aduunka iyo UNDP qabteen si uu u xuso taageerada ay Hay’adda Aduunka hadda siineyso Galmudug.

Waxaa ka mid ah dhismaha Dekedda Kalluunka Hobyo oo ay fulineyso WFP xilli ay dhaqaalaha bixisay dowladda Talyaaniga, lana kaashanayo mas’uuliyiinta deeganaka. Dhismaha Dekedda Kalluunka ee degmada Hobyo waxa uu sahli doonaa in ay doomaha soo garaan iyo in ay helaan marsooyin ay ku soo xirtaan.

Xilli la bilaabay bishii Diseembar 2020, ujeedka mashruucu waa in uu gacan ka gaysto dhismaha warshadaha kalluumeysiga maxalliga ah iyo fududeynta dhoofinta marka la dhammeeyo xagaaga sannadkan.  Marka laga soo tago dhinaca la xiriira dhismaheeda, WFP waxa ay sidoo kale bulshada deegaanka siineysaa tababbarro la xiriira xirfado cusub oo kalluumeysi iyo hababka lagu keydiyo kalluumeysiga, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha maxalliga ah ee aan dowliga ahayn.

"Mashruuca Dekedda Kalluunmeysiga ee Hobyo waxa uu qeyb ka yahay qaababka ay Hay’adda Cunada Aduunka u marto sidii ay u taageeri lahayd xiriirada loo baahan yahay in lagu soo saaro cunto iyo in cuntada is bedel lagu sameeyo si ay u gaarto dadka isticmaalaya," ayuu yiri Md. Swan.  “Maalgalin lagu sameeyo nidaamyada cuntada waxa ay horumarineysaa adkeysiga waqtiga fog iyo in isku filnaanshaha bulshooyinka ku dhaqan Soomaaliya.”

Mashruucan waxa uu dheeri ku yahay barnaamijka gargaar ee aas aasiga ah ee ay Hay’adda Cuntada Aduunka ka waddo Galmudug ee ay raashin, lacag ama rasiidyo ku siiso muwaadiniin ku dhaw 300,000 (Saddex Boqol oo Kun) oo reer Galmudug ah bil kasta. Md. Swan waxa uu sheegay in la filayey in sannadkan ay kororto gargaarka bili’aadannimo.

Xusidda taageerada UNDP ee la xiriirta dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay taageerada farsamo ee ay Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay siiso Wasaaradda.

Si qeyb ahaan Wasaaradda looga caawiyo  in ay horumariso shaqada muhiimka ah ee ay qabato, UNDP  waxa ay gacan ka gaysatay in tababbar ku saabsan  federaaleynta iyo xiriirka dhexmara dowlad gobolleedyada oo  loo qabtay in ka badan 100 ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda. Ujeedka laga lahaa tababbarka waxa uu ahaa in uu awood u siiyo in ay wadaxaajood mira dhal ah la yeeshaan dowladda Federalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay waxaa sidoo kale taageeradiisa ka mid ahaa in ay qabteen shirar, wadatashiyo iyo siminaarro la xiriira dib u heshiisiinta oo ay ka qeyb qaateen dad 1000 ka badan oo isugu jira mas’uuliyiin dowladeed, wakiilo ka socday Ururuda Bulshada Rayyidka ah, odayaasha, haweenka iyo hoggaamiyeyaasha dhallinyrada,” Md. Swan ayaa sidaas yiri. “Dhaqaalaha ku baxay waxaa si deeqsinimo leh u bixiyey dalalka Jarmalka, Sweden, Switzerlan iyo Sanduuqa Nabad Dhisidda iyaga oo soo mariyey hay’adda Multi Partner Trust Fund.”

Waxaan rejeyneynaa in aan awood u yeelanno in aan mashaariic noocan oo kale ah sameyno," ayuu ku daray.

Xaaladda Siyaasadeed

Wadahadaladdii dhexmaray Ergeyga Gaarka ah ee QM iyo madaxweynaha Galmudug waxaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladda siyaasadda guud ee Soomaaliya, gaar ahaa u diyaar garowga doorashooyinka iyo muhiimadda ay leedahay in la xalliyo qodobada xasaasiga ah ee la isku hayo si ay Soomaaliya uga qabsoonto habraac doorasho oo lagu kalsoon yahay.

“Arrintan, waxaan markale bogaadinayaa dadaallada madaxweyne Axmed Kaariye ee uu isugu dayey in uu ku xalliyo khilaafka ka dhashay hirgalinta qorsha doorashada, waxaan ku boorriyey in uu sii wado doorka uu ka ciyaarayo in la isku hayyo xiriirka hoggaamiyeyaasha dowlad Federalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.” ayuu ku daray.

Waxa uu markale ku celiyey aragtida saaxiibada caalamka ee ah in ruuxiyad ku dhisan “Wadar ogol iyo wada-shaqeyn iyo in danta dalka la horumariyo”, loo baahan yahay waqtigan si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay sii hayso dhabbaha nabadda iyo xasilloonida.” ayuu ku daray.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay la yimaaddaan dadaal walba si ay miiska wadaxaajoodka u yimaadaan si doorashada qaranka loogu qabto wadar ogol ballaaran, kaas oo salka ku hayya heshiiskii 17kii Sebteembar, kuna suntan daahfurnaan, cadaalad iyo in loo wada dhan yahay.” Ayuu yiri Md. Swan.